hybrid
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Hybrid
Badhax
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hybrid
/hay bridh/ (n) muq-shabeel (muwallad).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
hybride
hybride, adj. - iska dhal; muwalad
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muqshabeel
m. n. leopard (jungle cat)
muqshabeel m. n. Somali hybrid, mulatto, half-caste
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
muwallad
-ka: (n) mulatto (mulaa-tow); hybrid (haaybeerdh); halfcast (haafkaast) ~ muqshabeel; iskadhal
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
hybridation
hybridation, n.f. - muuq shabeel.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muqshabeel_2
de: Somali hybrid, mulatto, half-caste (person of mixed race)
hm: 2
lx: muqshabeel
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: muqshabeel_2
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dihybrid
Iska dhal
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
hybrider
hybrider, v. - la hirgaliyo dhalasho wax aan isku asal ahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habid
(Habid-da)
Carruurta yaryar oo aan weli gacnaha wax ku qabsan karin, haruub yar (dhoqol) caano ku siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habid
m.f.dh eeg hab4.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Habid
Permeability
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habid
-da: (magac, dhedig, keli) haan iyo wixii la mid ah, biyo sii deyn. Dh: habis.
habid -da: (magac, dhedig, keli) ilmo yar wax siin; caano iyo wax la mid ah afka kaga daadaadin si uu u cabbo.
habid-da: (magac, dhedig, keli) qadarka faafida siimawga hoore ama neefi dhex marto daloolwalxeedka, kadib marka uu ku habsado saamaynta cadaadisku.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Harid
(Harid-da)
1. Wixii lala socdey ama laga mid ahaa ka soo go'id, raacid la'aan.
2. Waxaan weli iman ama aan wax laga qaban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harid
m.f.dh eeg har². la-mid: haris².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harid
-da: (magac, dhedig, keli) hadhitaanka wax kale oo badan laga soo hadho. Dh: haris.
harid -da: (magac, dhedig, keli) meel, wasakhda iyo qashinka ka nadiinin. Dh: xaadhid, fiiqid, haris, xaaqid,haaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hirid
m.f.dh eeg hir³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hirid
-da: (magac, dhedig, keli) wax iska celin; col iyo wixii la mid ah, iska dhebid; iska caabbiyid. Dh: hiris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Horid
(Horid-da)
(xoolaha la shubayo) hadba hormo ama xayn ceelka u soo deyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horid
m.f.dh la-mid: horayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horid
-da: (magac, dhedig, keli) xoolaha la shubayo, kolba hormo sii dayn. Dh: horis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hubid
(Hubid-da)
Runteeda dhab loo og yahay; aad wax uga warqabid; ka warhayn aan shaki ku jirin; sugan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hubid
m.f.dh eeg hub².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hubid
-da: (magac, dhedig, keli) warhayn aan shaki ku jirin; wax runteeda dhab loo og yahay. Dh: hubis, sugnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hurid
(Hurid-da)
1. Wax bixin; wax dhiibid; wax quurid.
2. Ka maarmid; deyn.
3. (dab) Bixid; ololid; shidmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurid
m.f.dh eeg hur². la-mid: huris².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hurid
vl. n. combustion, burning
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurid
-da: (magac, dhedig, keli) dab, ololid oo shidmid.
hurid -da: (magac, dhedig, keli) wax quudhid oo niyad u siin. Dh: huris, dhiibid, bixin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hurid
de: combustion, burning
lx: hurid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: hurid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yarid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg yari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yerid
(Yerid-ka)
Xanuun afka ku dhaca oo ilkaha iyo cirridka waxyeela (ama yirid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yerid
m.l 1. la-mid: yirid. Cudur ku dhaca ilkaha oo cirridka waxyeela. 2. Y. ah: nin doob ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
yerid
m.l 1. la-mid: yirid. Cudur ku dhaca ilkaha oo cirridka waxyeela. 2. Y. ah: nin doob ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yerid
m. n. gingivitis, disease of the mouth ~ gums
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yerid
-da: (magac, dhedig, keli) wax yar ahaan. Geeljire yerid soo wada mar. Dh: yarid; yaraan.
yerid -ka: (magac, lab, keli) wiilka reeka ugu yar markuu weynaado. Inankani ma yeridkii idiinku yaraabaa?
yerid -ka: (magac, lab, keli) xanuun afka ku dhaca oo ilkaha iyo cirridka waxyeela. Yerid baa carruurtii afka ka galay. Dh: yirid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yerid
de: gingivitis, disease of the mouth ~ gums
initial: y
lx: yerid
pd: (-ka)
ps: n0-m
key: yerid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yirid
m.l (daawo) Halaamacoodka cirridka oo ay keento huuro ilkaha iyo cirridka meesha ay iska galaan fariisata. Cirridku wuu bararaa si sahlanna dhiig ayaa uga yimaada. la-mid: yerid (1).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
yirid
m.l (daaw.) Halaamacoodka cirridka oo ay keento huuro ilkaha iyo cirridka meesha ay iska galaan fariisata. Cirridku wuu bararaa si sahlanna dhiig ayaa uga yimaada. la-mid: yerid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yirid
-ka: (magac, lab, keli) xanuun afka ku dhaca oo ilkaha iyo cirridka waxyeela. Wiilka yirid baa haya. Dh: yerid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabrid
(Dabrid-da)
Dabar ku xirid; seetayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabrid
dabrid¹: m.l (-dyo, m.dh) Tababbar ciidamada la siiyo oo lagu baro habka xabbado rididda. la-mid: debrid.
dabrid²: m.f.dh eeg dabar².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabrid
m.l (-dyo, m.dh) Tababbar ciidamada la siiyo oo lagu baro habka xabbado rididda. la-mid: debrid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabrid
m. n., [compound] volley, firing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dabrid
-ka: (n) firing (faayaring); practice firing; volley (vaali) ~ tacshiirad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabrid
-ka: (magac, lab, keli) tijaabinta hubka, lagu tababaranaayo. Dh: sharribaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dabrid
de: volley, firing
lx: dabrid
pd: (-ka)
ps: n2a-m-cmp
key: dabrid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
debrid
m.l la-mid: dabrid¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gabrid
(Gabrid-da)
Wax qof jid u lahaa, wada siin la'aan, wax ka dhimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabrid
m.f.dh eeg gąbar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gabrid
vl. n. part-payment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabrid
-da: (magac, dhedig, keli) qof waxa uu xaq u lahaa, wax ka dhimid ama wax siinla'aan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gabrid
de: part-payment rw: gabar
lx: gabrid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: gabrid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haarid
(Haarid-da)
Dhuldhac diidid; werfid; harjadid; madaxdhulladhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haarid
m.f.dh eeg hąar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haarid
-da: (magac, dhedig, keli) calaamad wejiga ama dhabarka lagaga dhigo ilmaha dhashay ama wanka adhiga lagu darayo ee sumalka.
haarid -da: (magac, dhedig, keli) dhuldhac ama welfid maanka la iska qaado. Dh: harjadid, welfid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habcid
(Habcid-da)
(biyo) Habac noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habcid
m.f.dh eeg habac².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habcid
-da: (magac, dhedig, keli) habac ama qof cagajiid ah noqosho. Dh: habacsanaan.
habcid-da: (magac, dhedig, keli) biyo habac ah oo ceel ku raagay noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadrid
m.f.dh eeg hadar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadrid
-da: (magac, dhedig, keli) isla hadlid hurdada dhexdeeda. Dh: qarwid.
hadrid -da: (magac, dhedig, keli) hadalbadni iyo afmiishaarnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hafrid
(Hafrid-da)
Qof wax aan la siin, in la siiyey been ah, sheegid, ku nabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hafrid
m.f.dh eeg hafar². la-mid: hafaryo, hafriin, hafriinyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hafrid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale wax aanay samayn ku masabidid; qof wax aanu samayn oo uu xogmoog ka yahay dusha ka saarid. Dh: nabid, masabidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hebdid
(Hebdid-da)
Hebed noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hebdid
m.f.dh eeg hebed². la-mid: hebdin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hebdid
-da: (magac, dhedig, keli) hebed noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heerid
(Heerid-da)
Naafo ka dhigid; goyn; dhaawicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heerid
m.f.dh eeg heer².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heerid
-da: (magac, dhedig, keli) naafo ka dhigid; dhaawicid, waxyeellayn. Dh: dhaawacid, heeris.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Hiirid
Filteration
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoorid
(Hoorid-da)
(roob, kd.) di'id; tiixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoorid
m.f.dh eeg hoor². la-mid: hoorrimaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoorid
-da: (magac, dhedig, keli) biyo iyo wixii la mid ah, dareerid oo shubmid. Dh: di'id, tiixid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
horrid
/hooridh/ (adj) aad u-xun.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horrid
-ka: (magac, lab, keli) neef dhalay oo xeradii ilmuhu ugu jireen u cararaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Huurid
(Huurid-da)
Kulayl ka yimid neecaw iyo dabayl la'aan la dhididid; huur dareemid; dhididid; kululaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huurid
m.f.dh eeg huur².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huurid
-da: (magac, dhedig, keli) hawo la'aan iyo kulayl la dhididid. Dh: huuris. Li: laydhsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kibrid
(Kibrid-da)
Kibir ku kicid; qof kibrey noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kibrid
m.f.dh eeg kibir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kibrid
-da: (magac, dhedig, keli) kibir ku dhicid; qof kibrey noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Librid
(Librid-da)
Libdhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
librid
m.dh la-mid: libdhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
librid
(magac, dhedig, keli) eeg libdhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nabrid
(Nabrid-da)
Nabar ku dhufasho, gaarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabrid
m.f.dh eeg nabar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabrid
-da: (magac, dhedig, keli) nabar ku dhufasho ama nabar gaadhsiin. Inuu nabrid ku dhigo ayuu ballan ku galay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sabrid
(Sabrid-da)
Sabir yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabrid
m.f.dh eeg sabar². la-mid: sabburid, samrid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabrid
-da: (magac, dhedig, keli) sabir yeelasho: samrid; dulqaadasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabrid
-ka: (magac, lab, keli) geed marka biyihiisa la cabbo uu xab badani qofka cabbey ka yimaaddo.
xabrid-ka: (magac, lab, keli) foosha horteed xab keenid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
hybridité
hybridité, n.f. - muuq shabeelnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haayirid
(Haayirid-da)
Dal fog aadid; dalaabid; (ama haajirid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haayirid
m.dh la-mid: haajirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haayirid
-da: (magac, dhedig, keli) dhulkaagii ka qaxid oo meel kaa fog u dalandoolid. Dh: haajirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habaarid
(Habaarid-da)
Qof, kd., wax xun ugu duceyn; inkaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habaarid
m.f.dh eeg habaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaarid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, wax xun iyo dhib Alle uga baryid. Habaaridda laguma degdego. Li: ducayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horyerid
m.l Hoore layiig ah oo ku jira gudaha, ka soo horreeya marka ilmaha naasleydu dhalanayaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aayarid
-da: (magac, dhedig, keli) si deggan oo aan degdeg lahayn wax u qabad oo u faltamid. Dh: miyirid.
aayarid -da: (magac, dhedig, keli) si tartiib ah oo aanu degdeg iyo adayg ku jirin. Aayaritaanka ayay arrimuhu ku hirgalaan.