huyucid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huyucid
m.f.dh eeg huyuc².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huyucid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg huyuc.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suyucid
m.f.dh eeg suyuc².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suyucid
-da: (magac, dhedig, keli) qoyaan raagey oo ur xun yeelasho, qoyaan huuray oo raagay. Suyucid ka ilaali maryaha oo debedda ku wadh aroortii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huyucsad
m.l la-mid: huyucsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huyucsad
-ka: (magac, lab, keli) wax huursasho; huyucsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huyuc
huyuc¹: m.l Isbeddelidda wax huuray urkoodu isbeddelo. la-mid: hunyuc¹.
huyuc²: f.mg1 (-cay, -cday) Wax la huurshay urkooda isbeddelid. la-mid: hunyuc².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
huyuc
m.l Isbeddelidda wax huuray urkoodu isbeddelo. la-mid: hunyuc.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huyuc
-a: (magac, lab, keli) qofka aan firfircoonayn ee jilicsan.
huyuc-a: (magac, lab, keli) isbeddelidda wax huuray oo urkoodu isbeddelo. Dh: hunyuc.
huyuc: (fal) wax la huurshay urkooda isbeddelid. Dh: hunyuc.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huufid
m.dh 1. la-mid: hiifid. 2. Qof soo orday neef gurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huufid
-da: (magac,dhedig,keli) canaanashada iyo haraamitaanka cid kale. Dh: hiif.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Huurid
(Huurid-da)
Kulayl ka yimid neecaw iyo dabayl la'aan la dhididid; huur dareemid; dhididid; kululaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huurid
m.f.dh eeg huur².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huurid
-da: (magac, dhedig, keli) hawo la'aan iyo kulayl la dhididid. Dh: huuris. Li: laydhsi
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Huusid
Percolation
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yuucid
(Yuucid-da)
Soo buurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yuucid
m.dh la-mid: yuubid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuucid
-da: (magac, dhedig, keli) afka fiigid oo wax soo yuucan ka dhigid.
yuucid-da: (magac, dhedig, keli) buurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuyubid
-da: (magac, dhedig, keli) cuyub u dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huyucsi
m.l la-mid: huyucsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huyucso
f.mg3 (-saday, -satay) Si qaab xun tabar darri ku jirto u socosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huyucso
(fal) si qaab xun tabardarri ku jirto u socosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suyucin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax qoyan huurin. Suyucin baad ku dishay gogosha aqalka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hunyucsad
m.l la-mid: hunyucsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhukurid
-da: (magac, dhedig, keli) timaha madaxa ka wada xiirid oo dhako malaasan soo saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hudeecid
m.dh la-mid: hadeecid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hudeecid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg hadaafid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hujuumid
(Hujuumid-da)
Weerarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hujuumid
m.f.dh eeg hujuun².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hujuumid
-da: (magac, dhedig, keli) weerar qaadis. Dh hujuumis, weerarid. Li: difaacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huluugid
-da: (magac, dhedig, keli) si debecsan oo kala fogfog, u tolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Huluuqid
(Huluuqid-da)
Si debecsan oo kala fogfog, u tolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huluuqid
m.f.dh eeg huluuq². la-mid: huluuq¹ (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
humbulid
m.f.dh eeg humbul².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
humbulid
-da: (magac, dhedig, keli) qaab hilan oo kuusan u samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hunbulid
(Hunbulid-da)
Wax hunbulan ka dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hunbulid
-da: (magac, dhedig, keli) wax ama qaab hunbulan ama kuusan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hundudid
m.f.dh eeg hundud. la-mid: rundudid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hundudid
-da: (magac, dhedig, keli) dabacsanaan iyo kala daadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hunyucsi
m.l la-mid: hunyucsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hunyucso
f.g3 (-saday, -satay) Wax meel ku huursasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hurgufid
(Hurgufid-da)
Habaas ama wax kale ka daadin, ka jafid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurgufid
m.f.dh eeg hurguf². la-mid: hurguf¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurgufid
-da: (magac, dhedig, keli) boodh, habaas iyo wixii la mid ah ka daadin oo dabaysha ka raacin. Dh: hurgufis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hurgumid
(Hurgumid-da)
Hurgun yeelasho; caallirid; fasasid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurgumid
m.f.dh eeg hurgun².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurgumid
-da: (magac, dhedig, keli) hurgumo yeelasho. Dh: hurgumis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huruufid
m.f.dh eeg huruuf². la-mid: haruuf¹, haruufid, huruuf¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huruufid
-da: (magac, dhedig, keli) si huruuf ah qof u eegid. Dh: khaakhaayirid, qammacid, huruufis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huyucsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax qaab xun oo aan kala baxsanayn leh ahaansho. la-mid: hunyucsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huyucsan
(tilmaame) wax qaab xun oo aan kala baxsanayn leh ahaansho. Dh: hunyucsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rukuucid
(Rukuucid-da)
Salaadda dhexdeeda, rukuuc la imaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rukuucid
m.f.dh eeg rukuuc². la-mid: rakuucid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rukuucid
-da: (magac, dhedig, keli) rukuuc samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shukulid
m.f.dh la-mid: sukulid
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shuyuuci
m. n. communist; communism
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shuyuuci
bw: Arabic
de: communist; communism
initial: s
lx: shuyuuci
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: shuyuuci
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Suusucid
(Suusucid-da)
Suusuc noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suusucid
m.f.dh eeg suusuc². la-mid: suusacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suusucid
-da: (magac, dhedig, keli) suusuc noqosho. Suusicid ku ma wanaagsana caanaha lo'du. Dh: dhanaanid. Li: dhay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khushuucid
(Khushuucid-da)
Khushuuc la imaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khushuucid
m.dh la-mid: khashuucid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khushuucid
-da: (magac, dhedig, keli) khushuuc la imaansho. Dh: qushuucid.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Huud
name-m repenting; Prophet in the holy Qur'an
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hubid
(Hubid-da)
Runteeda dhab loo og yahay; aad wax uga warqabid; ka warhayn aan shaki ku jirin; sugan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hubid
m.f.dh eeg hub².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hubid
-da: (magac, dhedig, keli) warhayn aan shaki ku jirin; wax runteeda dhab loo og yahay. Dh: hubis, sugnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hudid
m.f.dh eeg hud².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hufid
(Hufid-da)
Ka la soocid; inta xun ka reebid; jafid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hufid
m.f.dh eeg huf².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hufid
-da: (magac, dhedig, keli) haadin ama kala shaandhaynta firida iyo xashiishka; inta xun ka reebid. Dh: hufis, haadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hugid
m.dh la-mid: xogid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hugid
-da: (magac, dhedig, keli) haragga iyo hilibka gacanta ku kala saarid. Dh: hugis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hulid
m.f.dh eeg hul².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hulid
-da: (magac, dhedig, keli) qodid oo dheerayn, fogayn; hulis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Humid
(Humid-da)
(calal, kd.) toltolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
humid
m.f.dh eeg hun².
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
humid
/hyuumidh/ (adj) qoyan, sayax ah, sida cimilo hawada ay ku jirto uumi-biyood iwm.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Humid
Dheel, qoyaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
humid
-da: (magac, dhedig, keli) toltolid maro calal ah. Dh: tolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hurid
(Hurid-da)
1. Wax bixin; wax dhiibid; wax quurid.
2. Ka maarmid; deyn.
3. (dab) Bixid; ololid; shidmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurid
m.f.dh eeg hur². la-mid: huris².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hurid
vl. n. combustion, burning
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurid
-da: (magac, dhedig, keli) dab, ololid oo shidmid.
hurid -da: (magac, dhedig, keli) wax quudhid oo niyad u siin. Dh: huris, dhiibid, bixin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hurid
de: combustion, burning
lx: hurid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: hurid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurud
f.mg1 (-rday, -rudday; -rdi) Hurdo dhex gelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hurud
f.mg1 (-rday, -rudday; -rdi) Hurdo dhex gelid. m.f.dh, hurdid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hurud
v.st: go to sleep, be asleep
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hurud
-hurday I hurudday: (v) sleep (isliip); fall asleep
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurud
(fal) hurdo ku jir oo ha ka kicin. Maanta waa jimcee iska hurud. Li: toos, kac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hurud
de: go to sleep, be asleep
lx: hurud
pd: (hurday / hurudday)
ps: v1=st
xe: Is he asleep?
xv: Ma hurdaa?
key: hurud
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Huuri
(Huuri-ga)
Gaadiika badda mid kamid ah, oo badenka dhab uga yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huuri
huuri¹: m.l (-iyaal, m.l/dh/-iyo, m.dh) Gaadiid badeed yar, bedenka ka yar oo lagu kalluumaysto.
huuri²: f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax meel aan dabayl lahayn dhigid. 2. Cid xabbisid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
huuri
huuri¹: m.l (-iyaal, m.l/dh/-iyo, m.dh) Gaadiid badeed yar, bedenka ka yar oo lagu kalluumaysto.
huuri²: f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax meel aan dabayl lahayn dhigid. 2. Cid xabbisid. m.f.dh, huurin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
huuri
v. make (a place) hot and stuffy ~ overheated
huuri: m. n. canoe, row boat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
huuri
-yey / say: (v) put in a stuffy [airless] place
huuri -ga: (n) small boat propelled by oars; canoe (kanuu)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huuri
(fal) neecawda iyo dabayshaba ka xidh.
huuri: (fal) meel dab hoosta kaga shidmaayo laydha iyo hawda oo dhan ka xidh. Hilibka huuri huuriskuu ku macaan yahaye. Dh: moofee.
huuri-ga: (magac, keli) gaadiidka badda mid ka mid ah, oo bedenka ka sii yar; huudhi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huuti
(fal) si gaabis ah u soco.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
HUYUM
(Huium) C Albizia obbiadensis (Chiov.)Brenan. Mimosaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Huyun
(Huyun-ka)
Geed-abaareed xabag wanaagsan dhala.