huwis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Huwis
(Huwis-ka)
1. Dhar tolan oo badanaa culus oo qaali ah, oo kolka la lebbisto, kor laga qaato (huwis roob; huwis dhaxaneed; huwis xarrago; ...).
2. Wax la huwado oo dhan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huwis
m.l 1. (-syo, m.dh) Go' weyn oo tol leh oo la siiyo ugaasyada. 2. la-mid: huwin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
huwis
vl. n. act of covering with a cloth ~ draping
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huwis
-ka: (magac, lab, keli) dhar tolan oo badanaa culus oo qaali ah, oo kolka la lebisto, kor laga sii qaato, sida: huwis roob; huwis dhaxameed.
huwis -ka: (magac, lab, keli) waxa la huwado oo dhan. Dh: hu'.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
huwis
de: act of covering with a cloth ~ draping
lx: huwis
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: huwis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huwi
f.lg2 (-iyay, -isay) Cid wax ku daboolid. la-mid: huwisii.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
huwi
f.lg2 (-iyay, -isay) Cid wax ku daboolid. m.f.dh, huwin. la-mid: huwisii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
huwi
v. cover with a cloth, drape
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
huwi
-yey / say: (v) cover with clothing or blanket for warmth; clothe (kalowth)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huwi
(fal) go', buste iyo wixii la mid ah, dusha ka saar ama ku dad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
huwi
de: cover with a cloth, drape
lx: huwi
pd: (huwiyey)
ps: v2a=tr
key: huwi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duwis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg duwid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hubis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg hubid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hufis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg hufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hugis
m.l H. ah: maro, busto iyo wixi lamida oo dusha la iska saaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hugis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg hugid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hulis
-ta: (magac, dhedig, keli) god qodis oo dheerayn. Dh: hulid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huris
huris¹: m.l la-mid: hurin.
huris²: m.dh la-mid: hurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huris
-ta: (magac, dhedig, keli) dab ololitaan. Dh: hurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Huwin
(Huwin-ta)
Dhar ama maryo ku daboolid, ku dedid, korka ka saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huwin
m.f.dh eeg huwi. la-mid: huwis, huwisiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huwin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhar ama maryo dul ka saarid ama ku dedid. Dh: huwis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabool
(Dabool-ka)
Wixii wax qarsha: weel yar oo weel weyn afka laga saaro; huwis.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
toge
toge, n.f. - maro huwis ah oo weyn oo ay qaataan qaaliyadu iyo baarayaasha jaamacada
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huwisii
lg2 (-iiyay, -iisay) la-mid: huwi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhawis
m.dh la-mid: dhaawid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhutis
m.l la-mid: dhutin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haawis
(Haawis-ka)
1. (fardo) hardaf dheer.
2. (weel, kd.) haawin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haawis
m.l 1. Hardaf dheer. 2. la-mid: haawin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haawis
m. n. fast gallop ~ canter (of horse)
haawis vl. n. airing, act of opening a vessel to air
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haawis
-ka: (magac, lab, keli) eeg haawin.
haawis -ka: (magac, lab, keli) oroddada fardaha jaad ka mid ah ahna hardaf dheer. Haddii nadigu haaraha ku dhigo haawis xamar baa leh. Dh: hardaf, booddo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halwis
m.l Miro qolof ka saarid. la-mid: halwin (1).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halwis
-ka: (magac, lab, keli) eeg halwid.
halwis -ka: (magac, lab, keli) midho qolof ka saarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hudhis
-ta: (magac, dhedig, keli) hilib iyo wixii la mid ah, hal mar ah ilkaha ku goosasho. Dh: hudhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hunmis
-ta: (magac, dhedig, keli) calal toltolid. Dh: humid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huuris
-ka: (magac, lab, keli) cunto uumiga dabka lagu bisleeyo.
huuris -ka: (magac, lab, keli) eeg huurin.
huuris -ka: (magac, lab, keli) khudradda qaar ka mid ah oo inta meel lagu toomiyo la dedo si ay u bislaato.
huuris -ka: (magac, lab, keli) ugxankicinta baadleydu ku fadhiisato ugacdeeda.
huuris -ta: (magac, dhedig, keli) eeg huurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huutis
-ka: (magac, lab, keli) eeg huutin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shubis
-ta: (magac, dhedig, keli) 'shaah'shubid.
shubis -ta: (magac, dhedig, keli) 'biyo' shubid.
shubis-ta: (magac, dhedig, keli) 'geel' shubid.
shubis -ta: (magac, dhedig, keli) 'bir' shubid.
shubis -ta: (magac, dhedig, keli) 'hadal' shubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huwisiin
m.dh la-mid: huwin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
his
/his/ (pron) kiisa (wixiisa). e.g. That is his car.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
his
(see Grammar).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hus
Aammus! Shib dheh! Us!
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hus
e.d Aammus!; shib dheh!; us!
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hus
inter. be quiet!, shut up!, shhh!
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hus
(fal) aammus oo afkaaga hayso. Dh: shib, us, aammus.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hus
cf: aammus
de: be quiet!, shut up!, shhh!
lx: hus
ps: intj
key: hus
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawi
(fal) hu' dul saar, Dh: huwi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haws
-ka: (magac, lab, keli) islahadal iyo qaraw. Dh: hadar, hadur, qaraw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hubi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax runtooda gaarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hubi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax runtooda gaarid. m.f.dh, hubin.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Hubi
Check
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hubi
v. make sure of, verify; ascertain, investigate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hubi
-yey / say: (v) make certain; make sure; prove (puruuf); verify (veerifaay) ~ xaqiiji, hubso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hubi
(fal) war ama arrin runteeda gaadh; shaki bixi; ka salgaadh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hubi
de: make sure of, verify; ascertain, investigate
lx: hubi
pd: (hubiyey)
ps: v2a=tr
key: hubi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hufi
f.g2 (-iyay, -isay) Dab babbin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hugi
f.g2 (-iyya, -isay) Dhar, derin iyo wixi lamida wax dusha ka saarid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
huit
huit, adj. num. - sideed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huri
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Dab shididdiisa bilaabid. 2. Dab ololin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
huri
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Dab shididdiisa bilaabid. 2. Dab ololin. m.f.dh, hurin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
huri
v. kindle (fire); burn ~ ignite something
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
huri
-yey / say: (v) 1. start fire; set fire to; stoke (istook); ignite (ignaayt) ~ shid, ololi. 2. incite (inzaayt); provoke (provook); instigate (inistigeeyt) ~ kici
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huri
(fal) dab shid oo ololi. Dh: ololi, noolee, bixi. Li: bakhtii, demi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
huri
de: kindle (fire); burn ~ ignite s.t.
lx: huri
pd: (huriyey)
ps: v2a=tr
key: huri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huwo
f.g3 (-waday, -watay) Wax dusha isaga daboolid (maro, buste iyo wixi lamida.).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
huwo
f.g3 (-waday, -watay) Wax dusha isaga daboolid (maro, buste iyo wixi lamida). m.f.dh, huwasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
huwo
v. wrap (a cloth) round oneself; cover oneself with cloth ~ blanket
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huwo
(fal) wax dusha iska saar oo isku duuduub. Bustaha dhaxanta ka huwo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
huwo
de: wrap (a cloth) round oneself; cover oneself with cloth ~ blanket
lx: huwo
pd: (huwaday)
ps: v3a=
key: huwo
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
puis
puis, prép. - kadib; ka bacdi
et puis - kadibna
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg ugid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ulis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg ulid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uris
m.l Cudur carruurta ka ballaariya madaxa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
uris
m.l Cudur carruurta ka ballaariya madaxa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uris
-ka: (magac, lab, keli) eeg urin.
uris-ta: (magac, dhedig, keli) eeg urid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aawis
m.l la-mid: aawin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bawis
bawis¹: m.l la-mid: bawisid.
bawis²: f.g2 (-say, -stay) Wax sida turub shaandheyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bawis
v. mix something, shuffle (playing cards)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bawis
de: mix s.t., shuffle (playing cards)
lx: bawis
nt: bawis (ka) [vn-m]
pd: (bawisay)
ps: v1=tr
key: bawis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bujis
-ka: (magac, lab, keli) bujinta weel ama wax kale oo daboolan. Bujiska badan dhiisha ka jooji biyo kuma hadhine.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bulis
-ta: (magac, dhedig, keli) wax laguu yareeyay cunid.
bulis-ta: (magac, dhedig, keli) wakhtika abaaraha geedaha dhaadheer ee xoolaha loo tumo si caleentu u soo daadato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buris
buris¹: m.l la-mid: burin¹.
buris²: m.dh la-mid: burid.
bųris¹: m.l la-mid: bųrin.
bųris²: m.dh la-mid: bųrid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buris
-ka: (magac, lab, keli) burin keenid. Buris badanaa kookadu.
buris-ka: (magac, lab, keli) noole xoog u kaxayn. Burinta nirigta ka daa yeyna fiigini.
buris-ka: (magac, lab, keli) sed u burin oo siin. Buris ha siin naftaadana ha noqotee.
buris-ka: (magac, lab, keli) weyso iyo waxii la mid ah oo burin ku timaaddo.
buris -ka: (magac, lab, keli) xeer burin. Burista xeerku waa adiga oo ku dhaqmi waaya.
buris -ka: (magac,lab, keli) gees isu badin. Buris ma leh buulkan yari.
buris -ta: (magac, dhedig, keli) war ama xog beenin. Warkiisii beeni buris bay ahayd, dhaar waxay boholo jeexeene.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawis
m.l la-mid: caawiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cubis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg cubid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cufis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg cufid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
culis
-ta: (magac, dhedig, keli) weel, hogayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cunis
vl. n. eating, act of eating
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cunis
-ta: (n) eating (iiting) Ex: cunista iyo cabbidda. the eating and drinking.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cunis
de: eating, act of eating
lx: cunis
pd: (-ta)
ps: vn1-f
xe: Madina stopped eating bananas.
xv: Madina waxay joojisey muus cunistiis.
key: cunis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curis
m.l (-syo, m.dh) 1. (-syo, m.dh) Maanso ama sheeko la allifay. 2. (-syo, m.dh) Curiye kiimikaad. 3. la-mid: curin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
curis
m.l (-syo, m.dh) 1. (-syo, m.dh) Maanso ama sheeko la allifay. 2. (-syo, m.dh) Curiye kiimikaad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
curis
-ka: (n) composition (kompozishin), essay (e-see)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curis
-ka: (magac, lab, keli) eeg curin.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
curis
إنشاء
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cutis
m.l la-mid: cuddin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cutis
-ka: (magac, lab, keli) eeg cutin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawis
m.l la-mid: dawin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawis
-ka: (magac, lab, keli) dawinta wax la dawiyo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dubis
-ta: (n) the act of baking, roasting, broiling or grilling ~ solid, dubid