huutin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huutin
-ta: (magac, dhedig, keli) si gaabis ah u socod. Dh: huutis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huuti
(fal) si gaabis ah u soco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Huurin
(Huurin-ta)
Meel huur ah dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huurin
m.f.dh eeg huuri³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huurin
-ta: (magac, dhedig, keli) neecawda iyo dabayshaba ka xidhid. Ninka buka huurintu uma fiicna Dh: huuris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huutis
-ka: (magac, lab, keli) eeg huutin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuutin
m.f.dh eeg kuuti. la-mid: kuutis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuutin
-ta: (magac, dhedig, keli) si deggan oo isgaabin ah u socosho; kuudis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhuftin
(Dhuftin-ta)
Dhufad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuftin
m.dh la-mid: dhifsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhuftin
vl. n. jerking, snatching
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuftin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg dhufad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhuftin
de: jerking, snatching
lx: dhuftin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: dhuftin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhuujin
(Dhuujin-ta)
Xoog u qabasho; adkayn; xajin; giijin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuujin
m.f.dh eeg dhuuji. la-mid: dhuujis.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhuujin
-ta: (n) the act of tightening
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dhuujin
Stringimento
To tighten
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuujin
-ta: (magac, dhedig, keli) giijin oo dabacsanaanta ka bi'in. Dh: giijin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhuukin
(Dhuukin-ta)
Aayar socosho hadba lug la qaado; gaatamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuukin
m.f.dh eeg dhuuki. la-mid: dhuukis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuukin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhuuqdhuuqsasho oo adoo isgaabinaya socosho. Dh: dhukusid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
hautain
hautain, adj. - islaweyn; kibir weyn; qab weyn; hanweyn.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Hunting
Ugaarsi Baran
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
hunting
m., dabad, -ki, ugaadhsi, -gi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huutaan
m.l.kh H. ah: nafley aad caato u ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khuurin
(Khuurin-ta)
Khuuro ka yeersiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khuurin
m.f.dh eeg khuri². la-mid: khuuris.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khuurin
-ta: (n) snoring (isnooring)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khuurin
-ta: (magac, dhedig, keli) khuuro samayn, quurin, khuuris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shuurin
(Shuurin-ta)
Aammus gafuurtaag ku jiro; afbuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shuurin
m.f.dh eeg shuuri. la-mid: shuuris.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shuurin
vl. n. haughtiness, obstinate silence
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shuurin
-ta: (magac, dhodig, keli) aamus kibir ku jiro; si cadho ama dareen ku jiro u aamusid. Dh: afbuurid, aftaagid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shuurin
de: haughtiness, obstinate silence
initial: s
lx: shuurin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: shuurin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suuxtin
m.dh la-mid: suuxdin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cutin
m.dh la-mid: cuddin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cutin
-ta: (magac, dhedig, keli) si aan dheerayn ahayn u tallaabsasho; deggani ku tallaabsad. Dh: cutis.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fuuti
-yey / say: (v) [with preposition u] forgive; give someone a break
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuuti
(fal) denbi yar cid ka saamax ama ka dhaaf. Dh: cafi, saamax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hitin
m.dh eeg hiti. la-mid: heetin, heetis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hitin
-ta: (magac, dhedig, keli) si dhuti iyo tukube ah u socod.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hubin
(Hubin-ta)
(war, arrin) runteeda gaarid; shaki ka bixin; salgaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hubin
m.f.dh eeg hubi.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
HUBIN
Accertamento
Ascertainment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hubin
-ta: (magac, dhedig, keli) war ama arrin jiriddeeda ka sal gaadhid. Dh: xaqiijin, hubsasho, hubsiimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hugin
m.f.dh eeg hugi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
humin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg humid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hurin
(Hurin-ta)
(dab) Bixin; ololin; shidid; noolayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurin
m.f.dh eeg huri. la-mid: huris¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurin
-ta: (magac, dhedig, keli) dab, ololin ama shidid. Hurinta dabku ma cusla. Dh: bakhtiin.
hurin-ta: (magac, dhedig, kel) koox ciidan ah oon tiro badnayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hurti
(Hurti-da)
Wax la huri karo, laga maarmi karo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hurti
f. n. (adj.): superfluity; avoidable, dispensible, superfluous
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurti
-da: (magac, dhedig, keli) wax laga maarmi karo; wax la huri karo, Dh: hurtiweyto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hurti
de: superfluity; [atr.] avoidable, dispensible, superfluous
lx: hurti
pd: (-da)
ps: n2a-f
key: hurti
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Huuri
(Huuri-ga)
Gaadiika badda mid kamid ah, oo badenka dhab uga yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huuri
huuri¹: m.l (-iyaal, m.l/dh/-iyo, m.dh) Gaadiid badeed yar, bedenka ka yar oo lagu kalluumaysto.
huuri²: f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax meel aan dabayl lahayn dhigid. 2. Cid xabbisid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
huuri
huuri¹: m.l (-iyaal, m.l/dh/-iyo, m.dh) Gaadiid badeed yar, bedenka ka yar oo lagu kalluumaysto.
huuri²: f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax meel aan dabayl lahayn dhigid. 2. Cid xabbisid. m.f.dh, huurin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
huuri
v. make (a place) hot and stuffy ~ overheated
huuri: m. n. canoe, row boat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
huuri
-yey / say: (v) put in a stuffy [airless] place
huuri -ga: (n) small boat propelled by oars; canoe (kanuu)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huuri
(fal) neecawda iyo dabayshaba ka xidh.
huuri: (fal) meel dab hoosta kaga shidmaayo laydha iyo hawda oo dhan ka xidh. Hilibka huuri huuriskuu ku macaan yahaye. Dh: moofee.
huuri-ga: (magac, keli) gaadiidka badda mid ka mid ah, oo bedenka ka sii yar; huudhi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Huwin
(Huwin-ta)
Dhar ama maryo ku daboolid, ku dedid, korka ka saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huwin
m.f.dh eeg huwi. la-mid: huwis, huwisiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huwin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhar ama maryo dul ka saarid ama ku dedid. Dh: huwis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuuti
f.mg2 (-iyay, -isay) Si aayar ah u socosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kuuti
v. walk ~ proceed slowly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuuti
(fal) si deggan oo aan saqadh lahayn oo isgaabin ah u soco. Kuuti oo ha dheerayn. Dh: luud, kuuti. Li: hiiri.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kuuti
de: walk ~ proceed slowly
lx: kuuti
pd: (kuutiyey)
ps: v2a=intr
key: kuuti
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uujin
m.f.dh eeg uuji. la-mid: uujis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uumin
m.f.dh eeg uumi. la-mid: uumis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uumin
-ta: (magac, dhedig, keli) biyo kulaylin oo uumi ka samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buubin
(Buubin-ta)
1. Eryid, cagaajin.
2. Lalin, haadin, bitin, duulin.
3. (biyo) dhibco ama roob ahaan meel ama qof ku kor doojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buubin
m.f.dh eeg buubi. la-mid: buubis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buubin
-ta: (magac, dhedig, keli) bajin oo wax maagay ka dhigid. Awrka buubinta ka daa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buufin
1. (Buufin-ka) a) Qalab jaadad badan ah, oo neefta ama gaaska ama biyaha, kd. weelal kale ama qalabyo kale lagula shubo ama lagaga shubo: riixid iyo baari buu wax ku geliyaa, soojiid iyo nuugisna wax buu ku soo saaraa. b) Kolay yar oo harag ah ama xuub ah, oo inta neef laga buuxsho, lagu cayaaro.
2. (Buufin-ta) Neef, gaas, kd., ku afuufid; neefin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buufin
buufin¹: m.l Xuub yar cinjir ka samaysan, qaabab kala duwan leh, marka hawo laga buuxiyo kala baxa oo carruurtu ku ciyaarto.
buufin²: m.f.dh eeg buufi. la-mid: buufis.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buufin
m.l Xuub yar cinjir ka samaysan, qaabab kala duwan leh, marka hawo laga buuxiyo kala baxa oo carruurtu ku ciyaarto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buufin
m. n. balloon, ball
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
buufin
-ka: (n) 1. sprayer (ispareeyer) 2. balloon (baalluun)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buufin
-ta: (magac, dhedig, keli) neef ama naqas aad walax ka buuxisid. Buufinta banoonigu waa bilaash. Dh: buufis.
buufin -ta: (magac, dhedig, keli) naqas sun ah cayayaan ku buufin. Buufinta ka hor weelasha daboola kana soo baxa guriga. Dh: buufis.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Buufin
Bir is wadata oo leh qabaal dhuxushu ku shidanto iyo qotimo afar ah ee buufinku ku istaago. Buufin-bireedku wuxuu la manaaficaad yahay buufin Soomaaliga saanta ka samaysan ee dhuxusha lagu buufiyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buufin
de: balloon, ball
lx: buufin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: buufin
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
buufin
نفاحة
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buulin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg buulayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buurin
m.f.dh eeg buuri².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buusin
-ta: (magac, dhedig, keli) walax adag, hoos u diisin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buuxin
(Buuxin-ta)
Wax buuxa ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buuxin
m.f.dh eeg buuxi. la-mid: buuxis (2).
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
buuxin
bumping
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Buuxin
Filling
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buuxin
vl. n. filling, act of filling
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuxin
-ta: (magac, dhedig, keli) fulinta ballan aad gashay. Ballan buuxin nu samaynay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buuxin
de: filling, act of filling
lx: buuxin
pd: (-ta)
ps: vn0-f
key: buuxin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cuudin
(Cuudin-ta)
Cuud u shidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuudin
m.f.dh eeg cuudi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuudin
-ta: (magac, dhedig, keli) masaajid, aqal iyo wixii la mid ah, cuud u shidid oo udgoon ka dhigid. Dh: cuudis.
cuudin-ta: (magac, dhedig, keli) (ka ~) duulal, ardooyin, quruumo iyo wixii la mid ah, ka shidid, ka bidin; ka cuudis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhutin
(Dhutin-ta)
Qof ama nafley kale oo lug la', socodkiisa; heetin; (ama dhitin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhutin
m.f.dh eeg dhuti. la-mid: dhitin, dhitis, dhutis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhutin
vl. n. limping, lameness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhutin
-ta: (n) limpness (limp-nes); flabbiness (falaabi-nes)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhutin
-ta: (magac, dhedig, keli) lug ka hoombin oo ka laangadhayn. Dh: dhitin.