huuris
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huuris
-ka: (magac, lab, keli) cunto uumiga dabka lagu bisleeyo.
huuris -ka: (magac, lab, keli) eeg huurin.
huuris -ka: (magac, lab, keli) khudradda qaar ka mid ah oo inta meel lagu toomiyo la dedo si ay u bislaato.
huuris -ka: (magac, lab, keli) ugxankicinta baadleydu ku fadhiisato ugacdeeda.
huuris -ta: (magac, dhedig, keli) eeg huurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khuuris
m.l la-mid: khuurin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khuuris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg khuurin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shuuris
m.l la-mid: shuurin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huris
huris¹: m.l la-mid: hurin.
huris²: m.dh la-mid: hurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huris
-ta: (magac, dhedig, keli) dab ololitaan. Dh: hurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Huuri
(Huuri-ga)
Gaadiika badda mid kamid ah, oo badenka dhab uga yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huuri
huuri¹: m.l (-iyaal, m.l/dh/-iyo, m.dh) Gaadiid badeed yar, bedenka ka yar oo lagu kalluumaysto.
huuri²: f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax meel aan dabayl lahayn dhigid. 2. Cid xabbisid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
huuri
huuri¹: m.l (-iyaal, m.l/dh/-iyo, m.dh) Gaadiid badeed yar, bedenka ka yar oo lagu kalluumaysto.
huuri²: f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax meel aan dabayl lahayn dhigid. 2. Cid xabbisid. m.f.dh, huurin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
huuri
v. make (a place) hot and stuffy ~ overheated
huuri: m. n. canoe, row boat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
huuri
-yey / say: (v) put in a stuffy [airless] place
huuri -ga: (n) small boat propelled by oars; canoe (kanuu)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huuri
(fal) neecawda iyo dabayshaba ka xidh.
huuri: (fal) meel dab hoosta kaga shidmaayo laydha iyo hawda oo dhan ka xidh. Hilibka huuri huuriskuu ku macaan yahaye. Dh: moofee.
huuri-ga: (magac, keli) gaadiidka badda mid ka mid ah, oo bedenka ka sii yar; huudhi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guuris
(Guuris-ta)
Guurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guuris
guuris¹: m.l la-mid: guurin.
guuris²: m.dh la-mid: guurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guuris
-ta: (magac, dhedig, keli) cid meel ay degnayd ka rarata oo meel ama degmo kale aada; guurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Huurid
(Huurid-da)
Kulayl ka yimid neecaw iyo dabayl la'aan la dhididid; huur dareemid; dhididid; kululaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huurid
m.f.dh eeg huur².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huurid
-da: (magac, dhedig, keli) hawo la'aan iyo kulayl la dhididid. Dh: huuris. Li: laydhsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Huurin
(Huurin-ta)
Meel huur ah dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huurin
m.f.dh eeg huuri³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huurin
-ta: (magac, dhedig, keli) neecawda iyo dabayshaba ka xidhid. Ninka buka huurintu uma fiicna Dh: huuris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huutis
-ka: (magac, lab, keli) eeg huutin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quuris
m.dh la-mid: quurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg suurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tuuris
(Tuuris-ta)
Tuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuuris
m.dh la-mid: tuurid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tuuris
vl. n. throwing; piling, heaping
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tuuris
-ta: (n) 1. the act of throwing (tha-roow-ing) ~ tuuryo, 2. an useless thing
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tuuris
de: throwing; piling, heaping
initial: t
lx: tuuris
pd: (-ta)
ps: vn-f
see: tuur
key: tuuris
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
tuuris
قَذْفَ رَمِّي
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Incubation period
Kal huuris
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabsaar
-ka: (magac, lab, keli) xasiidda galkeeda lagu dubo. Li: huuris, karis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abuuris
(Abuuris-ta)
Uumis; alkun; dhalis; curis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abuuris
m.dh la-mid: abuurid; abuur².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abuuris
vl. n. creation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
abuuris
-ta: (n) creation (kiri yey-shen)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abuuris
-ta: (magac, dhedig, keli) alkumidda wax aan hore u jirin oo cusub.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abuuris
de: creation
lx: abuuris
pd: (-ta)
ps: vn1-f, vn2-f
key: abuuris
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aruuris
m.dh la-mid: aruurin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bururis
m.l la-mid: burburin; bururin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bururis
-ka: (magac, lab, keli) kala bashaagid oo biyo iyo dheecaan sii dayn. Isha hadduu dhagax ku dhaco bururis ayay halis u tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuugis
m.dh la-mid: dhuugid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuugis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg dhuugid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuujis
m.l la-mid: dhuujin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuujis
-ka: (magac, lab, keli) eeg dhuujin.db dhuuki: (fal) dhuuqdhuuqso oo adoo isgaabinaya soco. Dh: dhukus, dhuudhuuqso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhuukis
(Dhuukis-ka)
Dhuukin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuukis
m.l la-mid: dhuukin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhuukis
vl. n. stealthy walk, tiptoeing, stalking
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhuukis
-ka:: (v) stealth(isteelth); the act of moving in a covert [secret] way ~ dhuumaalays
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuukis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg dhuukin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhuukis
a: dhuukin (ta) [vn-f]
de: stealthy walk, tiptoeing, stalking
lx: dhuukis
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: dhuukis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuuqis
m.dh la-mid: dhuugid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuuqis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg dhuuqid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
huuri_1
de: make (a place) hot and stuffy ~ overheated
hm: 1
lx: huuri
pd: (huuriyey)
ps: v2a=tr
key: huuri_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
huuri_2
de: canoe, row boat
hm: 2
lx: huuri
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: huuri_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khuurin
(Khuurin-ta)
Khuuro ka yeersiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khuurin
m.f.dh eeg khuri². la-mid: khuuris.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khuurin
-ta: (n) snoring (isnooring)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khuurin
-ta: (magac, dhedig, keli) khuuro samayn, quurin, khuuris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shuumis
-ta: (magac, dhedig, keli) shuumid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shuuqis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg shuuqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shuurid
m.f.dh eeg shuur².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shuurin
(Shuurin-ta)
Aammus gafuurtaag ku jiro; afbuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shuurin
m.f.dh eeg shuuri. la-mid: shuuris.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shuurin
vl. n. haughtiness, obstinate silence
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shuurin
-ta: (magac, dhodig, keli) aamus kibir ku jiro; si cadho ama dareen ku jiro u aamusid. Dh: afbuurid, aftaagid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shuurin
de: haughtiness, obstinate silence
initial: s
lx: shuurin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: shuurin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uruuris
m.l la-mid: aruurin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huri
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Dab shididdiisa bilaabid. 2. Dab ololin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
huri
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Dab shididdiisa bilaabid. 2. Dab ololin. m.f.dh, hurin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
huri
v. kindle (fire); burn ~ ignite something
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
huri
-yey / say: (v) 1. start fire; set fire to; stoke (istook); ignite (ignaayt) ~ shid, ololi. 2. incite (inzaayt); provoke (provook); instigate (inistigeeyt) ~ kici
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huri
(fal) dab shid oo ololi. Dh: ololi, noolee, bixi. Li: bakhtii, demi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
huri
de: kindle (fire); burn ~ ignite s.t.
lx: huri
pd: (huriyey)
ps: v2a=tr
key: huri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Huur
(Huur-ka)
Meesha dabaysha iyo neecawda ka xiran sida ay noqoto; uumi; cawd; kulayl.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huur
huur¹: m.l Kulayl hawo la'aani keentay.
huur²: m.l (fiisikis) Xaaladda gibilka marka la eego uumi biyoodka ku jira hawada.
huur³: f.mg1 (-ray, -rtay) Nafley kulayl dareemid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
huur
huur¹: m.l Kulayl hawo la'aani keentay.
huur²: m.l (fiisikis) Xaaladda gibilka marka la eego uumi biyoodka ku jira hawada. m.f.dh, huurid.
huur³: f.mg1 (-ray, -rtay) Nafley kulayl dareemid. m.f.dh, huurid.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Huur
Humidity
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Huur
Humidity
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
huur
m. n. uncomfortable heat, high temperature
huur: [inchoative] v. become stuffy ~ overheated
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
huur
-ah: (adj) lacking fresh air; stuffy (istaafi)
huursan -aa: (adj)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huur
(fal) neecaw iyo dabayl la'aan darteed la dhidid.
huur -ka: (magac, lab, keli) kulayl neecaw iyo hawo midna jirin oo aad loo dhidido. Dh: kulayl. Li: laydh.
huur -ka: (magac, lab, keli) tirada uumibiyoodka ee ku jirta gibildhuleedka.
huur-ka: (magac, lab, keli) xaddiga uumibiyoodka ee ku jira hawada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uris
m.l Cudur carruurta ka ballaariya madaxa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
uris
m.l Cudur carruurta ka ballaariya madaxa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uris
-ka: (magac, lab, keli) eeg urin.
uris-ta: (magac, dhedig, keli) eeg urid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buris
buris¹: m.l la-mid: burin¹.
buris²: m.dh la-mid: burid.
bųris¹: m.l la-mid: bųrin.
bųris²: m.dh la-mid: bųrid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buris
-ka: (magac, lab, keli) burin keenid. Buris badanaa kookadu.
buris-ka: (magac, lab, keli) noole xoog u kaxayn. Burinta nirigta ka daa yeyna fiigini.
buris-ka: (magac, lab, keli) sed u burin oo siin. Buris ha siin naftaadana ha noqotee.
buris-ka: (magac, lab, keli) weyso iyo waxii la mid ah oo burin ku timaaddo.
buris -ka: (magac, lab, keli) xeer burin. Burista xeerku waa adiga oo ku dhaqmi waaya.
buris -ka: (magac,lab, keli) gees isu badin. Buris ma leh buulkan yari.
buris -ta: (magac, dhedig, keli) war ama xog beenin. Warkiisii beeni buris bay ahayd, dhaar waxay boholo jeexeene.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buuri
(Buuri-ga)
1. Geedo jaadad badan ah oo ubax guduud iyo caddaan ah iyo caleemo waaweyn, oo waran qaabki leh, bixiya; saakarro; Tabako.
2. Caleenta geedahaas oo siyaalo badan loogu isticmaalo (afka oo laga qiiqiyo ama laga cuno, sankoo laga cuno).
3. Waxyaalo kaloo caleemahaas laga sameeyo; sigaar; shurrug; saliid; dawo; udgoon; kd.
4. Buuriga la qiiqiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buuri
buuri¹: m.l 1. Geedo jaadad badan ah oo ubax guduud iyo caddaan ah iyo caleemo waaweyn, oo waran qaabki leh, bixiya; saakarro; tabaako. 2. Caleenta geedahaas oo siyaalo badan loogu isticmaalo (afka oo laga qiiqiyo ama laga cuno, sankoo laga cuno). 3. Waxyaalo kaloo caleemahaas laga sameeyo: sigaar, shurug, saliid, daawo, udgoon iyo wixi lamida. 4. Buuriga la qiiqiyo.
buuri²: f.g2 (-iyay, -isay) Qof ama wax cayilin, naaxin; wax weynayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buuri
m.l 1. Geedo jaadad badan ah oo ubax guduud iyo caddaan ah iyo caleemo waaweyn, oo waran qaabki leh, bixiya; saakarro; tabaako. 2. Caleenta geedahaas oo siyaalo badan loogu isticmaalo (afka oo laga qiiqiyo ama laga cuno, sankoo laga cuno). 3. Waxyaalo kaloo caleemahaas laga sameeyo: sigaar, shurug, saliid, daawo, udgoon iyo wixi lamida. 4. Buuriga la qiiqiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buuri
m. n. tobacco (plant ~ product); cigar; smoking pipe
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
buuri
-ga: (n) tobacco plant processed chiefly for smoking in pipes
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuri
-ga: (magac, lab, keli) geed caleentiisa sigaarka laga sameeyo siyaabo kala duwanna loo isticmaalo. Buuricune buuri loom dhiibto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buuri
de: tobacco (plant ~ product); cigar; smoking pipe
lx: buuri
pd: (-ga)
ps: n2-m-enum
key: buuri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curis
m.l (-syo, m.dh) 1. (-syo, m.dh) Maanso ama sheeko la allifay. 2. (-syo, m.dh) Curiye kiimikaad. 3. la-mid: curin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
curis
m.l (-syo, m.dh) 1. (-syo, m.dh) Maanso ama sheeko la allifay. 2. (-syo, m.dh) Curiye kiimikaad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
curis
-ka: (n) composition (kompozishin), essay (e-see)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curis
-ka: (magac, lab, keli) eeg curin.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
curis
إنشاء
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duris
-ta: (v) injection (zn-ji.c-s/ien); injection with syringe ~ durid, mudis durriin