huudmid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huudmid
-da: (magac, dhedig, keli) si aad u xagjir ah ula colloobid. Dh: colloobid, isnicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Huddamid
(Huddamid-da)
Socod tabar yar socosho; luudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huddamid
m.f.dh eeg huddan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huddamid
-da: (magac, dhedig, keli) socod tabar yar socosho. Dh: tukubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hujuumid
(Hujuumid-da)
Weerarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hujuumid
m.f.dh eeg hujuun².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hujuumid
-da: (magac, dhedig, keli) weerar qaadis. Dh hujuumis, weerarid. Li: difaacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hurdamid
(Hurdamid-da)
Hurdan cayaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurdamid
m.f.dh eeg hurdan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurdamid
-da: (magac, dhedig, keli) madaxa ku dagaallamid.
hurdamid -da: (magac, dhedig, keli) hurdan cayaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hudid
m.f.dh eeg hud².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Humid
(Humid-da)
(calal, kd.) toltolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
humid
m.f.dh eeg hun².
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
humid
/hyuumidh/ (adj) qoyan, sayax ah, sida cimilo hawada ay ku jirto uumi-biyood iwm.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Humid
Dheel, qoyaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
humid
-da: (magac, dhedig, keli) toltolid maro calal ah. Dh: tolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Uumid
(Uumid-da)
Wax aan hor u jirin abuurid; alkumid; curin; khalqid,
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uumid
m.f.dh eeg uun².
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Uumid
Creazione
Creation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uumid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan hore u jirin abuurid; wax cusub alkumid. Dh: alkumid, curin, khalqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cuudid
(Cuudid-da)
Cayaarta cuudka cayaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuudid
m.f.dh eeg cuud².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuudid
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaarta cuudka ciyaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fuudid
(Fuudid-da)
1. Fuud cabbid.
2. Wax la cabbo oo kulul, aayar cabbid; fiiqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuudid
m.f.dh eeg fuud².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuudid
-da: (magac, dhedig, keli) sida fuudka u cabbid; fuud cabbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hodmid
(Hodmid-da)
1. Xoolo badan yeelasho; hodan noqosho; tanaadid; taajirid.
2. Ku dagmid; ku khatalmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hodmid
m.f.dh eeg hodan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hodmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax ku dagmid ama ku khatalmid. Dh: dagmid, khatalmid.
hodmid-da: (magac, dhedig, keli) xoolo badan yeelasho, qani noqosho. Dh: tanaadid, taajirid. Li: caydhoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hudhid
-da: (magac, dhedig, keli) hilib iyo wixii la mid ah, hal mar ilkaha ku goosad. Dh: cantuugid, hurid, hudhis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hufmid
m.f.dh eeg hufan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hugmid
(Hugmid-da)
Hadal hugun ah, ku hadlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hugmid
m.f.dh eeg hugan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hugmid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal gurxan iyo buuq ah ku hadlid. Ninka buka hugmidda kala dul tega. Dh: gurxamid, yabqamid, buuqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hunmid
-da: (magac, dhedig, keli) calal iyo wixii la mid ah, toltolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hurdid
(Hurdid-da)
Hurdo dhex gelid, ku jirid; seexasho; gama'sanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurdid
m.f.dh eeg hurud.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurdid
-da: (magac, dhedig, keli) hurdo ku dhexjirid. Dadka wada shaqa tegey maxaa hurdid ku baday. Dh: seexasho, gama'sanaan. Li: soo jeedid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huudhi
-ga: (magac, lab, keli) mid gaadiidka badda ka mid ah oo yar ka aan mooteer lahayn waxa lagu kexeeyaa laba ulood oo afka balballaadhan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huufid
m.dh 1. la-mid: hiifid. 2. Qof soo orday neef gurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huufid
-da: (magac,dhedig,keli) canaanashada iyo haraamitaanka cid kale. Dh: hiif.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Huurid
(Huurid-da)
Kulayl ka yimid neecaw iyo dabayl la'aan la dhididid; huur dareemid; dhididid; kululaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huurid
m.f.dh eeg huur².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huurid
-da: (magac, dhedig, keli) hawo la'aan iyo kulayl la dhididid. Dh: huuris. Li: laydhsi
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Huusid
Percolation
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Luudid
(Luudid-da)
Si tabar yar u socosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luudid
m.f.dh eeg luud.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luudid
-da: (magac, dhedig, keli) socod tallaabo yar oo itaaldarro ka muuqato socosho. Dh: tukubid, luudis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mudmid
m.f.dh eeg mųdan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mudmid
-da: (magac, dhedig, keli) turqamid oo meel ka dalooshamid. Dh: turqamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muudid
(Muudid-da)
1. Dhir is haysata ama biyo dhexdood, si qarsoodi ah ama dhuumasho, u marid; dusid.
2. Meel inta laga galo, meel kale oo fog laga soo baxo.
3. Doolnimo meel ku tegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muudid
m.f.dh eeg muud³. la-mid: muud¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muudid
-da: (magac, dhedig, keli) socod doolaallo ah meel ku tegid. Dh: kudaalid.
muudid -da: (magac, dhedig, keli) dhir jig abs dhuumasho ah uga dhex dusdusid. Dh: jibaaxid.
muudid -da: (magac, dhedig, keli) meel ka gelid oo bar durugsan oo kale ka bixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quudid
-da: (magac, dhedig, keli) si baahiyi ku jirto cid wax ad ka naawilayso u eegid. Dh: quudis, quuddarrayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suumid
m.f.dh eeg suun³.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Uunmid
(Uunmid-da)
Iska abuurmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uunmid
m.f.dh eeg uuman².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uunmid
-da: (magac, dhedig, keli) abuurmidda wax aan hore u jirin; waa awood Eebbe u gaar ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buusmid
(Buusmid-da)
Hoos isugu diismid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buusmid
m.f.dh eeg buusan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuurmid
m.f.dh eeg cuuran¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duubmid
m.f.dh eeg duuban¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duugmid
m.f.dh eeg duugan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duugmid
-da: (magac, dhedig, keli) baabi'id oo wax dabargo'ay noqosho. Dh: dabargu'id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guulmid
(Guulmid-da)
Sida wax la guuley oo cabsiyi gashay dib u joogsasho, hakasho, leexasho, didid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guulmid
m.f.dh eeg guulan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guulmid
-da: (magac, dhedig, keli) sida qof cabsi gashay dib u gurasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuusmid
(Kuusmid-da)
Wax kuusan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuusmid
m.f.dh eeg kuusan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuusmid
-da: (magac, dhedig, keli) soo foocanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quudhid
-da: (magac, dhedig, keli) ku deegid. Dh: quudhis, hurid. Li: bakhaylid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shuumid
-da: (magac, dhedig, keli) sharfid; sharaf saarid; sare u qaadid; shuumis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Suuqmid
(Suuqmid-da)
Wax suuqan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suuqmid
m.f.dh eeg suuqan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuqmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax suuqan noqosho, miiqmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guudaamid
m.f.dh eeg guudan².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guudmarid
(Guudmarid-da)
Hadal duuban oo kormar ah ku hadlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guudmarid
m.f.dh eeg guudmar². la-mid: guudmar¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaduudmid
m.f.dh eeg kaduudan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abuurmid
m.f.dh eeg abuuran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abuurmid
-da: (magac, dhedig, keli) mid jira ama soo baxay noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afuufmid
m.f.dh eeg afuufan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afuufmid
-da: (magac, dhedig, keli) mid nakhas lagu afuufay noqosho; mid nakhas galay noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aguugmid
m.f.dh eeg aguugan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhuunyid
(Dhuunyid-da)
Dhuuni siin; dheefin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuunyid
m.f.dh eeg dhuuni².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuunyid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, dhuuni siin; wax si joogta ah u quudin. Dh: quudin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhuuryid
(Dhuuryid-da)
Xanuun dhuuri ah, iska dareemid; dhuuri hayn; kaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuuryid
m.f.dh eeg dhuur³.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dundumid
m.dh la-mid: diddimid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dundumid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dhisnaa oo taagnaa, burburid oo kolba in ka dumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gurdamid
(Gurdamid-da)
Gurdan la maqlo samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurdamid
m.f.dh eeg gurdan². la-mid: gurdan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurdamid
-da: (magac, dhedig, keli) fardo, u ordid si xooggan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guxuumid
(Guxuumid-da)
Gamuuxid; gamuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guxuumid
m.dh la-mid: gamuuxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hamuumid
m.dh eeg hamuun².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hamuumid
-da: (magac, dhedig, keli) wax hamuuni hayso ahaansho, baahi sigaar, qaad, cunto ama wax kale qab. Dh: xaraaro, baahi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hardamid
(Hardamid-da)
Hardi isla dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hardamid
m.f.dh eeg hardan². la-mid: hardan¹, hertamid, hertan¹.