huud-carbeed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huud-carbeed
-ka: (magac, lab, keli) jaad kaluunka ka mid ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuun-carbeed
-ha: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah kalluunka badda laga soo saaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuub-xabeed
m.l (-dyo, m.dh) (baayoloji) Lakab nudo ah oo ka kooban ibitiiliyam ay tiiriyaan nudo isku-xidhayaal. Ibtiiliyamka dhexdiisa waxa laga heelaa unugyo goblet oo gaar ah, kaas oo guudka kaga dhiijiya xab, ibitiiliyamkuna badanaa waxaa uu leeyahay gan. Xuub xabeebku wuxuu ku dhereereranyahay moqorrada jidhka ee xidhiidhka la leh dibadda sida mariinka cuntada iyo mariinka hawada.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Hbos-carreed
Subsoil
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoos-carreed
m.l (jooloji) Lakab walxo ah oo hoos yaal carro rumeedka, ama carrada kore, walxa dhintayna way kaga yaryihiin kan ku xiga waxaana laga yaabaa in muxtawiyaadkiisa macdaneed kala duwan yahay, wuuna ka yare dahsoonyahay wakiillada ogsidhaynta iyo haydaraynta. Wuu ka bacrimin yaryahay carrada kore. Laakiin waxa hoos u gala xididdada dhirta iyo deegaanta.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MIRA-CARBEED
(miro-arbed) N Ceratostigma abyssinicum (Hochst) Schweinf. Plumbaginaceae.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhumuc careed
Soil texture
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
shaag Carbeed
Arabian cartwheel
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Duudabees
Nooc kamid ah soofaha looxa ee leh afar dhaban oo isu le'eg labo ballaaran iyo labo yar yar kaasoo ah soofeyaasha looxa kan ugu dheer uguna ballaaran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huur-beeg
m.l (-ooyin, m.l) (fiisikis) Qalab loo sameeyay in lagu cabbiro huur u eegidda (huurka la isu eegayo hawada inta ku jirta uumi biyood iyo inta ay qaadi karto) gibilka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quuddaree
(fal) filo wax in aad hesho ama aad gaadhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
musdambeed
-ka: (magac, lab, keli) oodda aqalka la galo ka dambaysa. Musdambeedka ayuu libaax ka soo dhacay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quuddarree
f.mg2 (-reeyay, -raysay) Wax helitaankooda rajo ka qabid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
quuddarree
f.mg2 (-reeyay, -raysay) Wax helitaankooda rajo ka qabid. m.f.dh, quuddarrayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
quuddarree
v. expect (against the odds), desire, hope (against hope)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
quuddarree
-yey: (v) [with u] cause someone to lower his or her expectations
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quuddarree
(fal) eeg quuddarray.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
quuddarree
de: expect s.t. (against all of the odds), desire, hope (against hope) With preposition ka 'from s.o.'
lx: quuddarree
pd: (quuddarreeyey)
ps: v2b=tr
key: quuddarree
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xuubxabeed
m.l (-dyo, m.dh) (baay.) Lakab nudo ah oo ka kooban ibitiiliyam ay tiiriyaan nudo isku-xidhayaal. Ibtiiliyamka dhexdiisa waxa laga heelaa unugyo goblet oo gaar ah, kaas oo guudka kaga dhiijiya xab, ibitiiliyamkuna badanaa waxaa uu leeyahay gan. Xuub xabeebku wuxuu ku dhereereranyahay moqorrada jidhka ee xidhiidhka la leh dibadda sida mariinka cuntada iyo mariinka hawada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duud-oogeed
m.l (jooloji) Oogo dhadhaab shiileed ah, inta badan ufuq ahaan, wuxuu samaysmaa marka magma soo herdiyo laba lakab oo dhadhaab lakabeed dhexdood oo halkaa ku qaboobo kuna adkaado; qaradiidu waxay gaadhi kartaa xoogaa sentimitirro ah ama dhowr boqol mitir, laakiin ufuqiisu inta badan wuu ka weynyahay marka la barbardhigo qaradiisa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
duud-oogeed
m.l (jool.) Oogo dhadhaab shiileed ah, inta badan ufuq ahaan, wuxuu samaysmaa marka magma soo herdiyo laba lakab oo dhadhaab lakabeed dhexdood oo halkaa ku qaboobo kuna adkaado; qaradiidu waxay gaadhi kartaa xoogaa sentimitirro ah ama dhowr boqol mitir, laakiin ufuqiisu inta badan wuu ka weynyahay marka la barbardhigo qaradiisa.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GEED-HAREED
(Ged-hared) N Barleria argentea Balf.F. Acanthaceae.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hooscarreed
m.l (jool.) Lakab walxo ah oo hoos yaal carro rumeedka, ama carrada kore, walxa dhintayna way kaga yaryihiin kan ku xiga waxaana laga yaabaa in muxtawiyaadkiisa macdaneed kala duwanyahay, wuuna ka yare dahsoonyahay wakiillada ogsidhaynta iyo haydaraynta. Wuu ka bacrimin yaryahay carrada kore. Laakiin waxa hoos u gala xididdada dhirta iyo deegaanta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quun-saneed
m.l (-dyo, m.dh) (cilmiga naflayda) Qanjirro linfo sooheed ah qaybta sare ee dhuunta oo marka ay bukoodaan sanka xira.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
quun-saneed
m.l (-dyo, m.dh) (cilmiga naflayda) Qanjirro linfo sooheed ah qaybta sare ee dhuunta oo marka ay bukoodaan sanka xira.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SUUF-JAREER
(Suf.gerer) S Ipomoea paolii Chiov. Convolvulaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xuur-badeed
-ka: (n) cormorant (koor-ma-ranf)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadhicarbeed
-ka: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah gogosha la dhigo qolka fadhiga oo ka kooban saldhigyo adadag iyo barkimooyin teedsan oo lagu dangiigsado ama lagu jiqilaysto. Fadhi Carbeed faan ma galo. Dh: fadhi Sucuudi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fud-barafeed
m.l (fiisikis) Cadad biyo fadhiista ah oo ku samaysma dhulka dushiisa, marka heerkulka hawadu uu hoos u dhaco ilaa iyo ka hoos.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GUUD-FAYLEEY
(Gud-failei) S Coccinia grandia (L) Voigt. Cucurbitaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuub-wadneed
m.l (-dyo, m.dh) (cilmiga naflayda) Dhinaca lafdhabarleyda, xuub qoyan oo sameeya gidaarka moqorka kalka wadnaha.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Buuq danabeed
Electrical Noise
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buur barafeed
m.l.u (-yo, m.dh) Cuf baraf dhuleed oo ka sammaysmay dhammaadka baraf weyne ama baraf gogol. Buur baraftu waxay dul sabbaysaa badda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duud-garaacid
m.dh la-mid: dhabar-garaacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hakad-wadneed
m.l (-dyo, m.dh) (c.nafl) Wejiga garaaca wadnaha ka dhex dhaca labada isku soo urur ee wadnaha, marka ay muruqyada wadnuhu dabcaan ee caloolyaradana dhiiggu ka buuxsamo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuub-muruqeed
m.l (-bab ..., m.dh) (cilmiga naflayda) Sooh xiriireed daboola xubnaha jilicsan ee jirka wuxuuna leeyahay qayb sare, maqaarka hoostiisa, iyo qayb hoose oo ku duuban xirmooyinka muruqyada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xuub-muruqeed
m.l (-bab ..., m.dh) (cilmiga naflayda) Sooh xiriireed daboola xubnaha jilicsan ee jirka wuxuuna leeyahay qayb sare, maqaarka hoostiisa, iyo qayb hoose oo ku duuban xirmooyinka muruqyada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
duuddhadhaabeed
m.l (-dyo, m.dh) (jool.) Duud bataax ama dhadhaab ah oo in yar ka hooseeya badda ama wabiga dushiisa, oo khatar ku ah bad maaxidda.