hush-hush
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hush-hush
/hash-hash/ (infl) (adj) qarsoodi, sir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qushqush
qushqush¹: m.l.u Calool xanuun ka dhasha cunto kala jaadjaad ah oo la cunay.
qushqush²: f.mg1 (-shay, -shtay) Cunto kala jaadjaad ah calool xanuun ka qaadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qushqush
m. n., [collective] bad feeling in one's stomach
qushqush [inchoative] v. have a bad feeling (butterflies, anger); get an upset stomach
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khashkhash
(Khashkhash-ka)
Khashkhashid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khashkhash
khashkhash¹: m.l 1. Dhagar; sir; mardabo. 2. Wadnaqabad; qasacajebis. la-mid: qashqash¹.
khashkhash²: f.g1 (-shay, -shtay) 1. Hadal badan oo been iyo khayaano ah cid wax kaga qaadid. 2. Cid dhibid, ku dheelid ama lagu dheelo. la-mid: qashqash².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
khashkhash
f.g1 (-shay, -shtay) 1. Hadal badan oo been iyo khayaano ah cid wax kaga qaadid. 2. Cid dhibid, ku dheelid ama lagu dheelo. m.f.dh, khashkhashid. la-mid: qashqash.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khashkhash
v. disturb, annoy, bother
khashkhash vl. n. disturbance, annoyance
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khashkhash
-ay / tay: (v) annoy (a nooy); harass (haaras); bug (baag); bother (baather); irritate (ir riteeyt); anger (angger); pester (pester)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khashkhash
(fal) hadal mardabo oo aan dhab ahayn ku dheh oo ku ciyaar; khalkhal geli; jaahwareer ku rid. Dh: qashqash, khalkhali.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shuush
(Shuush-ka)
1. Cudur; bugto.
2. Xumaan uurka la isugu hayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shuush
m.l 1. Cudur. 2. Xumaan uurka la isugu hayo; uurkutaallo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shuush
m.l 1. Cudur. 2. Xumaan uurka la isugu hayo; uurkutaallo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shuush
m. n. disease, illness; not being comfortable with someone
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shuush
shuush! (ereycodeed) lagu tusmeeyo war bixinaya shanqar hoos ka guux ah, guuxa laga maqlo wax qoyan oo dabka la saaro ama mawjadaha qalabka wax lagu dhegeysto tashwiish ku jiro.
shuush: (ereycodeed) lagu tilmaansado dhuusada aan la maqlin oo hoos loo sii daayo.
shuush -ka: (magac, lab, keli) cudur; xanuun; bugto.
shuush -ka: (magac, lab, keli) xumaan uurka laysugu hayo.
shuush-ka (magac, lab, keli) uskagga iyo hadhaaga woolka guntiisa ku hadha. Dh: huurshaa.
shuush -ta: (magac, dhedig, keli) codka uu bixiyo nakhas meel lagu curjiyay oo meel ku cidhiidhsan ka soo baxaya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shuush
de: disease, illness; [ext.] not being comfortable with s.o.
initial: s
lx: shuush
pd: (-ka)
ps: n-m
key: shuush
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ash-ash
ash-ash¹: m.l Yaqyaqsi.
ash-ash²: f.mg1 (-shay, -shtay) Ka a.: wax dhadhankooda, urtooda ama muuqaalkooda ka yaqyaqsasho.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hashish
/haashish/ (n) xashiish (xashiishad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hud-hud
m.l (-do/-dyo, m.dh) 1. Shimbir yar oo dhoor, dabo dheer iyo midab qurxoon leh. 2. Qof dadka isku dira.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hud-hud
m.l (-do/-dyo, m.dh) 1. Shimbir yar oo dhoor, dabo dheer iyo midab qurxoon leh. 2. Qof dadka isku dira.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hud-hud
m. n. cuckoo, hoopoe bird species
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hud-hud
-ka: (n) cuckoo (kuu-kuu) ~ guuguule
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hud-hud
(fal) hurdo seexo; hurud.
hud-hud-ka: (magac, lab, keli) shimbir yar oo dhoor sare leh. Hud-hud waa shimbir Qur'aanka lagu sheegay. Dh: guuguule.
hud-hud-ka: (magac, keli) qof dadka isku dirdira, Dh: diradiraale, diradiroole.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hundhudh
(fal) murug iyo ciil muuji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hunnuush
-ka: (magac, lab, keli) socod caga jiid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qushaash
qushaash¹: m.l 1. Wasakh. 2. Qashqashaad.
qushaash²: f.g1 (-shay, -shtay) Cid qashqashid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qushaash
m.l 1. Wasakh. 2. Qashqashaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qushaash
-ka: (magac, lab, keli) wasakh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tashuush
-ka: (magac, lab, keli) wax uu kaaga jiro shaki oo aan kuu caddeyn, tashuush ayaa iga galay arintan. Dh: shaki.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
DHUS DHUS
[DUDUS] Commiphora kataf 01
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHUS-DHUS
(Dus-dus) S Cadaba heterotricha Hook. Capparidaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huur-tuse
m.l (-sayaal, m.l/dh) (fiisikis) Qalab tusinaya isbeddellada huurka hawada, habka tusinta wuxuu u adeegsadaa isbeddellada ku dhaca muuqaalka iyo addimada walax.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
XASH-XASH
(Hash-Hash) N Leucas neuflizeana Courb. Labiatae.
N Leucas urticifolia R.Br. Labiatae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHUSUN-DHUS
(Dusundus) C Commiphora albiflora Engl. Burseraceae.
C Commiphora ancistrophora Chiov. Burseraceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shushubasho
m.f.dh eeg shushubo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shushubasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax dareere ah, qof walba iskiis u shubasho.