huruuftamid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huruuftamid
-da: (magac, dhedig, keli) labo iyo wax ka badan is huruufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guruurctamid
m.f.dh eeg guruuructan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huruufid
m.f.dh eeg huruuf². la-mid: haruuf¹, haruufid, huruuf¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huruufid
-da: (magac, dhedig, keli) si huruuf ah qof u eegid. Dh: khaakhaayirid, qammacid, huruufis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huruuftan
-ka: (magac, lab, keli) labo qof oo nacayb dhex yaal si huruuf ah midba midka kale u eegid. Dh: is huruufid, huruuftamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurdabtamid
-da: (magac, dhedig, keli) hurdan ciyaarid; hurdamid,
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huruushadid
m.f.dh eeg huruushad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuruubbamid
m.dh la-mid: xaruumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haruufid
m.dh la-mid: huruufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hertamid
m.dh la-mid: hardamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hujuumid
(Hujuumid-da)
Weerarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hujuumid
m.f.dh eeg hujuun².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hujuumid
-da: (magac, dhedig, keli) weerar qaadis. Dh hujuumis, weerarid. Li: difaacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hurdamid
(Hurdamid-da)
Hurdan cayaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurdamid
m.f.dh eeg hurdan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurdamid
-da: (magac, dhedig, keli) madaxa ku dagaallamid.
hurdamid -da: (magac, dhedig, keli) hurdan cayaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hurgufid
(Hurgufid-da)
Habaas ama wax kale ka daadin, ka jafid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurgufid
m.f.dh eeg hurguf². la-mid: hurguf¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurgufid
-da: (magac, dhedig, keli) boodh, habaas iyo wixii la mid ah ka daadin oo dabaysha ka raacin. Dh: hurgufis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hurgumid
(Hurgumid-da)
Hurgun yeelasho; caallirid; fasasid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurgumid
m.f.dh eeg hurgun².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurgumid
-da: (magac, dhedig, keli) hurgumo yeelasho. Dh: hurgumis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huruufis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg huruufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xuruumid
(Xuruumid-da)
Cod xuruun ah, laabta ka soo saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuruumid
m.f.dh la-mid: xaruumid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuruumid
-da: (magac, dhedig, keli) cod xuruun ah soo saarid. Waa maxay xuruumiddu ma xabeeb ayaa ku haysa?
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duufsamid
(Duufsamid-da)
Qof la duufsaday noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duufsamid
m.f.dh eeg duufsan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huruudsad
m.l la-mid: huruudsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huruushad
f.mg1 (-day, -dday) Dhuxul noqosho (wax).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huruushad
-ka: (magac, lab, keli) aad u gubasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuugtamid
m.f.dh eeg tuugtan². la-mid: tuugtan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuugtamid
-da: (magac, dhedig, keli) baryootan: yaboohsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
urursamid
m.f.dh la-mid: ururid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
urursamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax kala baahsanaa, isku soo ururid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mutuutaxid
-da: (magac, dhedig, keli) jargiyoobid oo wax kala daadanaya noqosho.
mutuutaxid-da: (magac, dhedig, keli) kibir darteed kala mannaanikhid. Mutuutaxidda dadka kala weeco. Dh: kibrid, faaqid, mataatixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xariiftamid
m.f.dh eeg xariiftan². la-mid: xariiftan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xariiftamid
-da: (magac, dhedig, keli) si xariifnimo ah u ciyaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaruubbamid
m.dh la-mid: xaruumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afuufmid
m.f.dh eeg afuufan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afuufmid
-da: (magac, dhedig, keli) mid nakhas lagu afuufay noqosho; mid nakhas galay noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cartamid
(Cartamid-da)
Kulayl la rogrogmasho; karkarid; dhirfid; xanaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cartamid
m.f.dh eeg cartan². la-mid: cartan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cartamid
-da: (magac, dhedig, keli) cadho iyo wax la mid ah dartood, la kirtamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cubtamid
(Cubtamid-da)
Cubtan dadka cayaara haya ku kala doorasho; (ama cugtamid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cubtamid
m.f.dh eeg cubtan². la-mid: cubtan¹ (2), cugtamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cubtamid
-da: (magac, dhedig, keli) xulasho ay dadka cayaarayaa cayaartoyda ku kala doortaan; wax kala doorasho. Dh: cugtamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cugtamid
m.dh la-mid: cubtamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cugtamid
-da: (magac, dhedig, keli) cukamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cuntamid
(Cuntamid-da)
(u cuntamid) Cunto u noqon kara; u dhigmid; u qalmid; ku habboonaansho; istaahilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuntamid
m.f.dh eeg cuntan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuntamid
-da: (magac, dhedig, keli) u qalmid; habboonaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durqamid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal aan istaag lahayn. Dh: duryamid, dhawdhaw. Li: aamus.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duryamid
m.dh la-mid: guryamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guntamid
m.f.dh eeg guntan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guntamid
-da: (magac, dhedig, keli) meel guntan yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gurdamid
(Gurdamid-da)
Gurdan la maqlo samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurdamid
m.f.dh eeg gurdan². la-mid: gurdan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurdamid
-da: (magac, dhedig, keli) fardo, u ordid si xooggan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gurxamid
(Gurxamid-da)
Ci gurxan ah, ciyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurxamid
m.f.dh eeg gurxan ².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurxamid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal aan macne lahayn oo aan dhammaanayn ku hadlid. Dh: guryamid, gurxamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guryamid
(Guryamid-da)
Hadal guryan ah tixid; guraabbaasid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guryamid
m.f.dh eeg guryan². la-mid: duryamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guryamid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal badan oo aan milqo lahayn ku hadlid. Dh: duryamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guxuumid
(Guxuumid-da)
Gamuuxid; gamuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guxuumid
m.dh la-mid: gamuuxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hamuumid
m.dh eeg hamuun².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hamuumid
-da: (magac, dhedig, keli) wax hamuuni hayso ahaansho, baahi sigaar, qaad, cunto ama wax kale qab. Dh: xaraaro, baahi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hardamid
(Hardamid-da)
Hardi isla dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hardamid
m.f.dh eeg hardan². la-mid: hardan¹, hertamid, hertan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hardamid
-da: (magac, dhedig, keli) madaxa ku dagaallamid. Dagaalka wananku waa haradamid. Dh: hirdamid, herdamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hirdamid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg hardamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Huddamid
(Huddamid-da)
Socod tabar yar socosho; luudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huddamid
m.f.dh eeg huddan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huddamid
-da: (magac, dhedig, keli) socod tabar yar socosho. Dh: tukubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hulkamid
(Hulkamid-da)
(dab) shidmid; bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hulkamid
m.f.dh eeg hulkan². la-mid: hulkan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hulkamid
-da: (magac, dhedig, keli) dab shidmid, bixid, hurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huluugid
-da: (magac, dhedig, keli) si debecsan oo kala fogfog, u tolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Huluulad
(Huluulad-ka)
Huluulasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huluulad
m.l la-mid: xuluulasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huluulad
-ka: (magac, lab, keli) shay hoostiisa oo cidhiidhi ah ka dusid. Huluulad kiibuu dhagaxi muday. Dh: huluulasho, xuluulad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Huluuqid
(Huluuqid-da)
Si debecsan oo kala fogfog, u tolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huluuqid
m.f.dh eeg huluuq². la-mid: huluuq¹ (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurgufan
f.mg4 (-fnaa, -fnayd) Wax la jafay ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurgufan
(tilmaame) gogol iyo wixii la mid ah oo la hurgufay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurgufis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg hurgufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hurgumin
(Hurgumin-ta)
Caallirin; fasasin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurgumin
m.f.dh eeg hurgumi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurgumin
-ta: (magac, dhedig, keli) nabur, hurgumo iyo dheecaan, ka sii deyn. Dh: callaadhin, fasasin, hurgumis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurgumis
-ka: (magac, lab, keli) eeg hurgumin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huruudsi
-ga: (magac, lab, keli) huruud marsasho. Dh: huruudaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaftamid
(Kaftamid-da)
Hadal ama waxyaalo kale oo kaftan ah ku kicid, isdhaafsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaftamid
m.f.dh eeg kaftan². la-mid: kaftan¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaftamid
-da: (magac, dhedig, keli) xafiiltan iyo dacaayad aan turxaan lahayn. Kaftamid badan iyo kaadi badan ba waa la isku nacaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kirtamid
(Kirtamid-da)
(xoolo) kadaalliyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kirtamid
m.f.dh eeg kirtan². la-mid: kirtan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kirtamid
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo, kadaalliyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muquufid
m.f.dh eeg muquuf².