hurgumid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hurgumid
(Hurgumid-da)
Hurgun yeelasho; caallirid; fasasid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurgumid
m.f.dh eeg hurgun².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurgumid
-da: (magac, dhedig, keli) hurgumo yeelasho. Dh: hurgumis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhurgumid
m.f.dh eeg dhurgun².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurgumi
f.g2 (-iyay, -isay) Meel hore oo bugtay caallir ku ridid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hurgumi
v. infect
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurgumi
(fal) nabar qudhmi oo ha dawayn. Dh: callaadhi, fasasi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hurgumi
de: infect
lx: hurgumi
pd: (hurgumiyey)
ps: v2a=tr
key: hurgumi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hurgufid
(Hurgufid-da)
Habaas ama wax kale ka daadin, ka jafid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurgufid
m.f.dh eeg hurguf². la-mid: hurguf¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurgufid
-da: (magac, dhedig, keli) boodh, habaas iyo wixii la mid ah ka daadin oo dabaysha ka raacin. Dh: hurgufis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hurgumin
(Hurgumin-ta)
Caallirin; fasasin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurgumin
m.f.dh eeg hurgumi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurgumin
-ta: (magac, dhedig, keli) nabur, hurgumo iyo dheecaan, ka sii deyn. Dh: callaadhin, fasasin, hurgumis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurgumis
-ka: (magac, lab, keli) eeg hurgumin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fasasid
(Fasasid-da)
Hurgumid; caallirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caabuq
caabuq¹: m.l 1. Hurgumidda meel dhaawac ah; fasas. 2. C. ah: nafley xoog lahayd oo jirro, nafaqo darro awgeed la tabar darreysay. la-mid: caabaq¹.
caabuq²: m.l (daawo) Halaamacoodka caloosha iyo mindhicirka sida badan waxa keena fiirus ama baktiiriya ama cunno sumow; wuxuuna keenaa matag iyo shuban.
caabuq³: f.mg1 (-qay, -qday) 1. Meel dhaawac ah hurgumid. 2. Nafley tabar darreyn jirro, nafaqo darro iyo wixi lamida awgeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caallir
caallir¹: m.l Hurgumidda meel dhaawac ah; fasas; caabuq. la-mid: caallirid.
caallir²: f.mg1 (-ray, -rtay) Meel dhaawac ah hurgumid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caabuq
caabuq¹: m.l 1. Hurgumidda meel dhaawac ah; fasas. 2. C. ah: nafley xoog lahayd oo jirro, nafaqo darro awgeed la tabar darreysay. la-mid: caabaq.
caabuq²: m.l (daaw.) Halaamacoodka caloosha iyo mindhicirka sida badan waxa keena fiirus ama baktiiriya ama cunno sumow; wuxuuna keenaa matag iyo shuban.
caabuq³: f.mg1 (-qay, -qday) 1. Meel dhaawac ah hurgumid. 2. Nafley tabar darreyn jirro, nafaqo darro iyo wixi lamida awgeed. m.f.dh, caabuqid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caallir
caallir¹: m.l Hurgumidda meel dhaawac ah; fasas; caabuq.
caallir²: f.mg1 (-ray, -rtay) Meel dhaawac ah hurgumid. m.f.dh, caallirid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
fester
/festar (v) 1. hurgumid, fashfashid (v) 2. xumaansho, ka-darid, sii iid,
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fasasid
-da: (magac, dhedig, keli) nabar,hurgumid iyo caalladhid.
fasasid -da: (magac, dhedig, keli) neef ama wax kale, wadajir u qiimayn oo u qalasho oo ammin danbe qofkii lahaa wadajir ugu gudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hugmid
(Hugmid-da)
Hadal hugun ah, ku hadlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hugmid
m.f.dh eeg hugan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hugmid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal gurxan iyo buuq ah ku hadlid. Ninka buka hugmidda kala dul tega. Dh: gurxamid, yabqamid, buuqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hurgumo
(Hurguma-da)
Hurgun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurgumo
hurgumo¹: m.dh la-mid: hurgun¹.
hurgumo²: f.mg3 (-untay, -umatay) Aroor hore socod gelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hurgumo
f. n. infection
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurgumo
-da: (magac, dhedig, keli) dheecaan iyo yacarun nabarradu yeeshaan. Nabarkii hurgomo badan ayaa ka dillaacday. Dh: hurgun, calladh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hurgumo
de: infection
lx: hurgumo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: hurgumo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gurgurid
(Gurgurid-da)
Wax meel laga qaada hayo oo meel kale la geyna hayo, oo aan isku mar la qaadin ee hadba inta in yar la qaado, loo soo noqnoqona hayo; diqdiqayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hujuumid
(Hujuumid-da)
Weerarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hujuumid
m.f.dh eeg hujuun².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hujuumid
-da: (magac, dhedig, keli) weerar qaadis. Dh hujuumis, weerarid. Li: difaacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hurdamid
(Hurdamid-da)
Hurdan cayaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurdamid
m.f.dh eeg hurdan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurdamid
-da: (magac, dhedig, keli) madaxa ku dagaallamid.
hurdamid -da: (magac, dhedig, keli) hurdan cayaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurgufis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg hurgufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huruufid
m.f.dh eeg huruuf². la-mid: haruuf¹, haruufid, huruuf¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huruufid
-da: (magac, dhedig, keli) si huruuf ah qof u eegid. Dh: khaakhaayirid, qammacid, huruufis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
turjumid
m.dh la-mid: tarjumid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
turjumid
-da: (magac, dhedig, keli) af kale wax ku qorraa, luqad kale u rogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xuruumid
(Xuruumid-da)
Cod xuruun ah, laabta ka soo saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuruumid
m.f.dh la-mid: xaruumid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuruumid
-da: (magac, dhedig, keli) cod xuruun ah soo saarid. Waa maxay xuruumiddu ma xabeeb ayaa ku haysa?
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhursugid
(Dhursugid-da)
Dhur danbe ama aayatiin wanaagsan oo la filana hayo, sugid; dhawrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhursugid
m.f.dh eeg dhursug.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhursugid
-da: (magac, dhedig, keli) «ka wax ama war sugid oo rajayn. Li: quus.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furfurmid
-da: (magac, dhedig, keli) kala bixbixid; kala tegtegid; iskeed u furfuran. Dh: furfurmis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurgumitaan
-ka: (magac, lab, keli) hurgumo yeelasho; calladhitaan; fasasitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huruuftamid
-da: (magac, dhedig, keli) labo iyo wax ka badan is huruufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hugid
m.dh la-mid: xogid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hugid
-da: (magac, dhedig, keli) haragga iyo hilibka gacanta ku kala saarid. Dh: hugis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Humid
(Humid-da)
(calal, kd.) toltolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
humid
m.f.dh eeg hun².
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
humid
/hyuumidh/ (adj) qoyan, sayax ah, sida cimilo hawada ay ku jirto uumi-biyood iwm.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Humid
Dheel, qoyaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
humid
-da: (magac, dhedig, keli) toltolid maro calal ah. Dh: tolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hurid
(Hurid-da)
1. Wax bixin; wax dhiibid; wax quurid.
2. Ka maarmid; deyn.
3. (dab) Bixid; ololid; shidmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurid
m.f.dh eeg hur². la-mid: huris².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hurid
vl. n. combustion, burning
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurid
-da: (magac, dhedig, keli) dab, ololid oo shidmid.
hurid -da: (magac, dhedig, keli) wax quudhid oo niyad u siin. Dh: huris, dhiibid, bixin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hurid
de: combustion, burning
lx: hurid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: hurid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurud
f.mg1 (-rday, -rudday; -rdi) Hurdo dhex gelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hurud
f.mg1 (-rday, -rudday; -rdi) Hurdo dhex gelid. m.f.dh, hurdid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hurud
v.st: go to sleep, be asleep
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hurud
-hurday I hurudday: (v) sleep (isliip); fall asleep
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurud
(fal) hurdo ku jir oo ha ka kicin. Maanta waa jimcee iska hurud. Li: toos, kac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hurud
de: go to sleep, be asleep
lx: hurud
pd: (hurday / hurudday)
ps: v1=st
xe: Is he asleep?
xv: Ma hurdaa?
key: hurud
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Uumid
(Uumid-da)
Wax aan hor u jirin abuurid; alkumid; curin; khalqid,
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uumid
m.f.dh eeg uun².
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Uumid
Creazione
Creation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uumid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan hore u jirin abuurid; wax cusub alkumid. Dh: alkumid, curin, khalqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cugmid
m.dh la-mid: cubmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curmid
m.f.dh eeg curan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Furmid
(Furmid-da)
Wax furan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
furmid
m.f.dh eeg furan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax furan. noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hogmid
-da: (magac, dhedig, keli) qaylin oo yab-qamid. Dh: buugid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hufmid
m.f.dh eeg hufan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hungid
m.dh la-mid: hongid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hungid
-da: (magac, dhedig, keli) meel wax laga doonto, oo wixii laga waayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hunmid
-da: (magac, dhedig, keli) calal iyo wixii la mid ah, toltolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hurdid
(Hurdid-da)
Hurdo dhex gelid, ku jirid; seexasho; gama'sanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurdid
m.f.dh eeg hurud.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurdid
-da: (magac, dhedig, keli) hurdo ku dhexjirid. Dadka wada shaqa tegey maxaa hurdid ku baday. Dh: seexasho, gama'sanaan. Li: soo jeedid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurguf
hurguf¹: m.l Jafidda habaas, biyo iyo wixi lamida wax laga jafo. la-mid: hurgufid.
hurguf²: f.g1 (-fay, -ftay) Habaas, biyo iyo wixi lamida wax ka daadin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hurguf
f.g1 (-fay, -ftay) Habaas, biyo iyo wixi lamida wax ka daadin. m.f.dh, hurgufid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hurguf
v. shake out
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hurguf
-ay / tay: (v) blow or shake (dust) off or away ~ huf
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurguf
(fal) wax balan kor iyo hoos u lul oo boodh iyo wax la mid ah dabaysha ka raaci; habaaska ka daadi. Gogosha iska hurguf intaanad ku seexan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hurguf
de: shake out
lx: hurguf
pd: (hurgufay)
ps: v1=tr
key: hurguf
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hurgun
(Hurgun-ka)
Caallir; fasas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurgun
hurgun¹: m.l Caalirka iyo fasaska ku dhaca meel hore u jirranayd. la-mid: hurgumo¹.
hurgun²: m.l (daawo) Dhiig ku uruursamid xubin dhexdeed. Waxaana keena cadaadiska ku soo noqda xididdada dhiigga cabburidda sambabada iyo beerka waxay dhacdaa markii uu wadnuhu hawl gabo.
hurgun³: f.mg1 (-umay, -untay; -umi) Meel hore u bugtay hoos ka caalirid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hurgun
hurgun¹: m.l (daaw.) Dhiig ku uruursamid xubin dhexdeed. Waxaana keena cadaadiska ku soo noqda xididdada dhiigga cabburidda sambabada iyo beerka waxay dhacdaa markii uu wadnuhu hawl gabo. m.f.dh, hurgumid.
hurgun²: f.mg1 (-umay, -untay; -umi) Meel hore u bugtay hoos ka caalirid. m.f.dh, hurgumid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hurgun
m. n. infection
hurgun: [inchoative] v. become infected
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hurgun
-hurmay / hurguntay: (v) swelling caused by infection or bloating caused infection
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurgun
(fal) hurgumo yeelo; hurgumood. Dh: calladh, fasas.
hurgun -ka: (magac, lab, keli) eeg hurgumo. hurgunsan: (tilmaame) caalliran; fasasan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Huruud
(Huruud-da)
1. Nagaar ubixiisa laga sameeyo asal wax lagu midabeeyo; midab cillaan-guduud ah.
2. Asalka geedka laftiisa oo waxyaalo badan laga dhigto (dawo; sabbakh, dhirta cunnada lagu daro, kd.); Sacfaraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huruud
m.dh 1. Sacfaraan. 2. Budo hurdi ah oo haweenku wejiga, gacmaha iyo lugaha ku qurxistaan.