hurdoqar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurdoqar
m.l Hurdo weyn oo aan qofka la kicin karayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurdoqar
-ka: (magac, lab, keli) hurdo weyn oo aan qofka la kicin karin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurdoyari
m.dh (daawo) Hurdo imaasho la'aan ama seexasho la'aan muddo caadi ah, taas oo keenta daal joogto ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hurdoyari
m.dh (daaw.) Hurdo imaasho la'aan ama seexasho la'aan muddo caadi ah, taas oo keenta daal joogto ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurdoyari
-da: (magac, hedig, keli) hurdo imaasho la'aan ama seexasho la'aan muddo caadi ah, taas oo keenta daal joogto ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hurda
v., subject case: asleep
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hurda
(adj) sleeping (isliiping); dormant (dhoormant); asleep (asliip)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hurda
de: asleep
lx: hurda
ps: v1-subj
see: hurud
key: hurda
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hurdo
(Hurda-da)
Nasasho oogada iyo maankuba u baahan yihiin, inta lagu jirona, ay aad u yaraadaan ama u baabba'aan wax-garashada maanka iyo wax-dareenka iyo dhaqdhaqaaqa oogadu.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurdo
m.dh Xaalad xubnaha jirka nafleydu nasasho ku jiraan, indhaha la isku hayo oo aan garaadka iyo maankuba shaqaynayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hurdo
m.dh Xaalad xubnaha jirka nafleydu nasasho ku jiraan, indhaha la isku hayo oo aan garaadka iyo maankuba shaqaynayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hurdo
f. n., [collective] sleep
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hurdo
-hurdada: (n) sleep (isliip) ~ seexasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurdo
-da: (magac, dhedig, keli) nasasho jidhku ku raaxaysto oo soojeed dabadii nafluhu sameeyo oo maanka iyo dhaqdhaqaaquba yaraado ama uu baabo'o. Hurdo habarba korin weydee ma anay hilbo i galin. Dh: seexasho. Li: soo jeed.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hurdo
cf: laamaddood
de: sleep
lx: hurdo
pd: (/da)
ps: n0-f-col
key: hurdo
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
hurdo
نوم
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hurdan
(Hurdan-ka)
Cayaar gaar ah oo haraati ama laad babcan, laysla dhaco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurdan
hurdan¹: m.l Ciyaar gaar ah oo haraati ama laad dadban la isladhaco.
hurdan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Hurdan ciyaarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hurdan
m. n. play-fighting, wrestling
hurdan: v. fight playfully, wrestle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hurdan
-ka: (n) kicking (kiking); usually playfully
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurdan
-ka: (magac, lab, keli) ciyaar ay dhalinyaradu ciyaarto oon aan laysku tudhin oo horey laysku harraatiyo. Dh: hurdub.
hurdan: (fal) hurdubtan ciyaar; hurdan ciyaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurday
(fal) urdo u keen, cid hurdaysii. Ilmuhu ha seexdee rux oo hurday. Dh: hurdee, lulaysii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurdoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Cid hurdo dareemid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hurdoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Cid hurdo dareemid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurdoo
(fal) hurdo ha ku qabato. Dh: luloo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horomar
-ka: (magac, lab, keli) horrumar; horramar.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
hurdler
haardalyahan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurdood
m.f.l eeg hurdoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hurdood
m.f.l eeg hurdoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurdood
-ka: (magac, lab, keli) lulood hurdo la dareemo. Hurdoodka carruurtu xilli ma leh. Dh: lulood, lilmood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurdawaa
-ga: (magac, lab, keli) hurdo is ka waayid. Dh: seexanwaa. Li: gam'id, hurdid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuryoqab
-ka: (magac, lab, keli) caruur aan wali la gudin oon laga goynin baaradii. Dh: beejaqab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhardhaar
(Dhardhaar-ka)
Dhagxanta dabka ku wareegsan oo dheriga wax lagu karinayo sidda, midkood; (ama dhadhaar).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhardhaar
dhardhaar¹: m.l (-rro, m.dh) 1. Dhagxaanta dabka ku wareegsan oo dheriga wax lagu karinayo la korsaaro midkood. 2. Dhagax weyn oo la qaadi karo. 3. la-mid: dhardhaarid. la-mid: dhadhaar¹.
dhardhaar²: m.dh Naxash.
dhardhaar³: m.dh (-rro, m.dh) (xisaab) Weedh ama hawraar loo qaatay run iyada oo aan la caddeyn, taas oo laga sii diiri karo weedho ama aragtiyo kale. Marka xisaabi la caddeynayo dhadhaarradu badanaaba waxa ay yihiin qaacidooyin la yaqaan oo sidooda loo qaato, maxaa yeelay caddeyntooda ayaa hore loo dhisay.
dhardhaar⁴: f.g1 (-ray, -rtay) Weel wax lagu karinayo dhagxaan u dhigid. la-mid: dhadhaar².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhardhaar
dhardhaar¹: m.l (-rro, m.dh) 1. Dhagxaanta dabka ku wareegsan oo dheriga wax lagu karinayo la korsaaro midkood. 2. Dhagax weyn oo la qaadi karo.
dhardhaar²: m.dh Naxash.
dhardhaar³: m.dh (-rro, m.dh) (xisaab) Weedh ama hawraar loo qaatay run iyada oo aan la caddeyn, taas oo laga sii diiri karo weedho ama aragtiyo kale. Marka xisaabi la caddeynayo dhadhaarradu badanaaba waxa ay yihiin qaacidooyin la yaqaan oo sidooda loo qaato, maxaa yeelay caddeyntooda ayaa hore loo dhisay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhardhaar
m. n. one of the three stones used to support a cooking pot
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhardhaar
-ka: (n) one of the stones used to support the cooking pot; fire place
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhardhaar
(fal) eeg dhadhaar.
dhardhaar -ka: (magac, lab, keli) saddexda dhagax ee dheriga la karinayo haya mid ka mid ah. Dhardhaar aan jabayn qaado. Dh: dhadhaar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhardhaar
de: one of the three stones used to support a cooking pot
lx: dhardhaar
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: dhardhaar
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hurdaysan
-aa: (adj) sleepy (isliipi); dozy (dhowsi); drowsy (dharawsi) ~ lulmaysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurdaysan
(tilmaame) qof lulaysan; qof hurdo hayso,
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hurdeysan
Hurdo hayso; lulmaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurdeysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Cid hurdo hayso ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hurdeysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Cid hurdo hayso ahaansho. m.f.dh, hurdeysnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hurdeysan
der. [adjective] asleep
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurdeysan
(tilmaame) mid hurdo hayso; lulmaysan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hurdeysan
de: asleep
lx: hurdeysan
pd: (hurdeysnaa)
ps: adj-der
key: hurdeysan
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hurdodiid
m.l Nooc ka mid ah ciyaaraha la raacsiiyo muusikada shareero, waxaana ciyaara beeraleyda ku sugan degaanka webiga Shabeelle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurdubtan
(fal) hurdan ama hurdubtan ciyaar.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
perdonare
v.tr. - saamixid, cafiyid.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
QURDHOBAN
Crotalaria dumosa 10