hurdo la'aan
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hurdo la'aan
(adj) 1. sleepless (isliiples). 2. hurdo la'aan -ta: (n) sleeplessness (isliiplisnes)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhafar
(Dhafar-ka)
1. Hurdo la'aan; soojeed badan.
2. Xargaha awrta lagu raro, mid kamid ah; marraag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Soojeed
(Soojeed-ka)
1. Oogada qaarkeeda sare, docda wejiga iyo laabtu ku yaalliin; hagaag; qaabbil.
2. Docdaas oo qofka wax eegaya xaggiisa dhuganeysa, soo xigta.
3. Seexasho la'aan; hurdo la'aan; dhafar.
4. Xus ama caways ama wax la mid ah oo habeenka gudihiisa la sameeyo oo lagu raago.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaddiro
m.dh Caajis, daal iyo hurdo la'aan ka yimaada cunidda qaadka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
insomnia
(n) inability to sleep; abnormal wakefulness.
hurdo la'aan
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
insomnia
/insomniya/ (n) qof hurdo la'aan qaba (aan seexan karin).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
narcotic
/narkatik/ (n) daroogo (daroogo hurdo la'aan iyo maan la'aan keenta).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sleepless
/sliip lis/ sleeplessness; (adj) hurdo-la'aan.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
insonnia
s.f. - hurdo la'aan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhafar
(fal) soo jeed oo hurdo ha seexan. Dh: saamalleel.
dhafar -ka: (magac, lab, keli) habeenkii hurdo la'aan la soo jeedo. Xalay dhafar ayaa i helay oo ma seexan.
dhafar -ka: (magac, lab, keli) xadhkaha awrta lagu heeryeeyo mid ka mid ah. Dhafarkii baa maqane ii keen aan awrka heeryeeyee. Dh: maraag.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhafrid
-da: (magac, dhedig, keli) saamalleylid oo hurdo la'aan soo jeedid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laballegdood
-ka: (magac, lab, keli) hurdo la'aan darteed islabarogid. Dh: isrogrog.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seexanwaa
-ga: (magac, lab, keli) hurdo iska waayid; hurdo la'aan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soojeed
(fal) ha seexan. U Soojeed caawa reerka.
soojeed -ka: (magac, lab, keli) qofka wax eegaya xagga soo xigta, ku soo jeedda, inta u muuqata ee ku toosan indhihiisa.
soojeed -ka: (magac, lab, keli) oogada qaarkeeda sare, docda wejiga iyo laabtu ku yaalliin. Dh: hagaag, qaabbil.
soojeed -ka: (magac, lab, keli) seexasho la'aan; hurdo la'aan; dhafar.
soojeed -ka: (magac, lab, keli) xus ama caweys ama wax la mid ah oo habeenka gudihiisa la sameeyo oo lagu raago oo aan la seexan; dhafar.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
insomnie
insomnie, n.f. - hurdo la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shuruudla'aan
m.dh.fk Shardi ku xirnaan la'aan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shuruudla'aan
-ta: (magac, dhedig, keli) iyadoon wax alla wax ku xidhayaa aanu jirin, wax aan shuruud lagu xidhin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadhla'aan
-ta: (magac, dhedig, keli) hadh waayid. Banka duhurkii hadhla'aan baan loo lugayn karin. Dh: hadhli'i. Li: hadh.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hawola'aan
-ta: (n) absence of moving of air; airlessness (eerles nes), stuffiness (istaafines)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xad la'aan
-ah: (adj) boundless (baawnd-les); infinite (in-finit); eternal (i-teer-nal)
xad la'aan -ta: (n) limitlessness
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadalla'aan
m.dh Aamusnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hadalla'aan
f. n., [abstract] lack of discussion, no discussion (at all); lack of talking, without argument
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadalla'aan
-ta: (magac, dhedig, keli) aamusnaan iyo waxsheeg la'aan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hadalla'aan
de: lack of discussion, no discussion (at all); lack of talking, without argument
lx: hadalla'aan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: hadalla'aan
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fulin la'aan
-ta: (n) failure to do what is required or fulfill an obligation; default (difoolt);
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurdaysanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) lulaysnaan.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Shago la'aan
Disoccupazione
Unemployment
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shaqo la'aan
-ta: (n) unemployment (an-implooy-mant)-, joblessness (joob-les-nes) ~ shaqo-li'i, shaqola'aan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xoolo la'aan
f. n., [compound] poverty, destitution
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ujeeddo la'aan
(adj) aimless (eey-mlas); senseless (san-si-las) ~ macna darro
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
culays la'aan
-ta: (n) weightlessness (weeytles-nes)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rabsho la'aan
-ta: (n) calm (kaam); tranquility (taraangu-wiliti); nonviolence (nan-vaayalans); lack of violence ~ degan
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shuqul-la'aan
-ta: (n) joblessness (jaab-les-nes); unemployment (an-im-polooyment) ~ camal la'aan, shaqo la'aan
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cududaar la'aan
(adj.) unjustified (anjastifaydh)-, unjustifiable (anjastifayabal)-, without reason ~ aan sabab lahayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Danla'aan
(Danla'aan-ta)
Aan dani ku jirin; muraad la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danla'aan
m.dh Seegseeg iyo shaqo la'aan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
danla'aan
m.dh Seegseeg iyo shaqo la'aan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
danla'aan
f. n., [abstract] lack of interest, aimlessness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danla'aan
-ta: (magac, dhedig, keli) qof aan dan iyo waxkorodhsi aan ku xisaabtamin. Dh: madaneyste.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
danla'aan
de: lack of interest, aimlessness
lx: danla'aan
pd: (-ta)
ps: n1-f-abs
key: danla'aan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibla'aan
m.dh 1. Dib la'aanshada. 2. (fk) Si fudud u ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huddanaan
m.f.dh eeg huddan³. la-mid: huddanaansho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hurdaysan
-aa: (adj) sleepy (isliipi); dozy (dhowsi); drowsy (dharawsi) ~ lulmaysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurdaysan
(tilmaame) qof lulaysan; qof hurdo hayso,
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurranaan
m.dh la-mid: hurnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hursanaan
m.f.dh eeg hursan. la-mid: hursanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurdanaan
m.f.dh eeg qurdan. la-mid: qurdanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurdanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qof madaxa moolaystay ahaan. Dh: moolaysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tolla'aan
(Tolla'aan-ta)
Aan tol la lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tolla'aan
m.dh 1. Qaraabo la'aan. 2. Kaalmo la'aan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tolla'aan
f. n., [abstract] state of being without relatives ~ without a nation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tolla'aan
(tilmaame) qof aan tol lahayn ahaan.
tolla'aan -ta: (magac, dhedig, keli) aan ehel la hayn, marka cid ama qof aan lahayn sokeeye u dhaw. Maxaan guulaystaa tolla'aan ayaa i haysee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tolla'aan
de: state of being without relatives ~ without a nation
initial: t
lx: tolla'aan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: tolla'aan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warla'aan
-ta: (magac, dhedig, keli) xog iyo wacaal la'aan. Warla'aan la deris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xogla'aan
(Xogla'aan-ta)
Warli'i.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xogla'aan
f. n., [abstract] (adj.): innocence, naivete; innocent, naive
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xogla'aan
-ta: (magac, dhedig, keli) la'aanta war xaqiiqa ah oo lagu kalsoonaado. Xogla'aan dagaal lama galo. Dh: warla'aan. Li: xog'ogaal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xogla'aan
de: innocence, naivete; [atr.] innocent, naive
initial: x
lx: xogla'aan
pd: (-ta)
ps: n1-f-abs
key: xogla'aan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caadla'aan
m.dh 1. Xasilloon ahaansho (cir). 2. Caddaan; xaqiiqo. 3. C. ah: xasilloon (cir). 4. C. ah: Wax saafi ah; wax caddaan ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caadla'aan
m.dh 1. Xasilloon ahaansho (cir). 2. Caddaan; xaqiiqo. 3. C. ah: xasilloon (cir). 4. C. ah: Wax saafi ah; wax caddaan ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caadla'aan
f. n., [abstract] (adj.): cloudlessness; clarity, clearness; clear, evident
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caadla'aan
-ta: (magac, dhedig, keli) aan caad ku rognayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caadla'aan
de: cloudlessness; clarity, clearness; [atr.] clear, evident
lx: caadla'aan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: caadla'aan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharla'aan
m.f.dh eeg dharla'². la-mid: dharla'aansho, dharra'aan, dharra'aansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoyla'aan
m.dh Dhoy la'ahaanshada. la-mid: dhooyla'aan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhoyla'aan
f. n. lack of intelligence, stupidity
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoyla'aan
-ta: (magac, dhedig, keli) maan ama caqli gaaban la'aan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhoyla'aan
de: lack of intelligence, stupidity
lx: dhoyla'aan
pd: (-ta)
ps: n-f
key: dhoyla'aan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhugla'aan
m.dh Axmaqnimo; maahsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhugla'aan
f. n., [abstract] stupidity, not being intellegent
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhugla'aan
(adj) 1. inattentive (in-a-ten-tiv); lacking of attention; absent-minded. 2. —dhugla'aan -ta: (n) in concentration; absent-mindedness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhugla'aan
-ta: (magac, dhedig, keli) fiiro iyo fikir gaabnaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhugla'aan
de: stupidity, not being intellegent
lx: dhugla'aan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: dhugla'aan
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
eex la'aan
(adj) unbiased (an baayast); fair (feer); impartial (impaarshal) ~ caadil. Syn: just, equitable, unprejudiced, objective, dispassionate.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaf la'aan
f. n., [abstract] faultlessness, correctness
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guud ahaan
[adverbial] [expression] in general, generally
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Guud ahaan
en général.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
guud ahaan
(adv) generally (jenaraali); widely (waaydhli); usually (yuushwali) ~ guud-ahaaneed
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
guud ahaan
عُمُومًا
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habila'aan
(Habila'aan-ta)
Laab la'aan; fiiroggaabi; maangaabi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habila'aan
m.dh Caqli yari, nacasnimo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habila'aan
f. n., [abstract] stupidity, lack of intelligence; bad luck
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habila'aan
de: stupidity, lack of intelligence; bad luck
lx: habila'aan
pd: (-ta)
ps: n1-f-abs
key: habila'aan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawlla'aan
m.f.dh eeg hawlla'. la-mid: hawl-la'aansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawlla'aan
-ta: (magac, dhedig, keli) shaqo la'aan; hawlli'i.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilkola'aan
-ta: (magac, dhedig, keli) la'aanshaha ilkaha afka. Carruurtu ilkola'aan bay ku dhashaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqoonla'aan
m.dh Xaaladda qof aan cilmi barani ku suganyahay. la-mid: aqoonli'i.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aqoonla'aan
m.dh Xaaladda qof aan cilmi barani ku suganyahay. la-mid: aqoonli'i.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aqoonla'aan
(adj) ignorant (ignorent); unaware or uninformed ~ jaahilnimo, aqoondarro.
—aqoonla'aan -ta: (n) ignorance (ig-noransi) ~ jahli
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqoonla'aan
-ta: (magac, dhedig, keli) cilmila'aan; garashala'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
awoodla'aan
m.dh Wax aan awood lahayn; tabardarro; karti la'aan. la-mid: awoodla'aansho, awoodli'i.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carabla'aan
-ta: (magacwadareed) ereyada qaarkood oo aan qofku ku dhawaaqi karin.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Carro laban
Brick earth
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciribla'aan
m.dh Ciribdambeed xumo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciribla'aan
-ta: (magac, dhedig, keli) aayola'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciso-la'aan
m.dh (daawo) La'aanta ama joogsashada caadada (dhiigga) ay dumarku bishii mar helaan. Caado ma laha gabdhaha aan baaluqin, dumarka uurka leh ama caano laga nuugayo iyo kuwa dhalmo dayska ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ciso-la'aan
m.dh (daaw.) La'aanta ama joogsashada caadada (dhiigga) ay dumarku bishii mar helaan. Caado ma laha gabdhaha aan baaluqin, dumarka uurka leh ama caano laga nuugayo iyo kuwa dhalmo dayska ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhegola'aan
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg dhagala'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhooyla'aan
m.dh la-mid: dhoyla'aan.