hurde
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurde
-ha: (magac, lab, keli) waxmatare dadka iyo dantiisa midna wax u qaban. Hurde hedelkii ma tamariyo. Dh: waxmatare. Li: hedlede.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhurde
(Dhurda-ha)
Cayayaan sida gelmiga u yaryar oo surta sameeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhurde
m.l Cayayaan sida gelmiga u yaryar oo surta sameeya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhurde
m. n. bee ~ small insect species, produces a kind of honey
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhurde
-dhurdaha: (n) bee fly (biifalaay)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhurde
-ha: (magac, lab, keli) cayayaan yaryar oo sameeya malab aan ka shinnida ahayn oo la cuno.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhurde
cf: qaanqanni, sur
de: bee ~ small insect sp., produces a kind of honey
lx: dhurde
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: dhurde
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
hurdle
haardal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hure
-ha: (magac, lab, keli) qof niyad wax u baxsha. Dh: deeqsi, gacanfurane. Li: waakade, bakhayl.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Burde
(Burda-ha)
Qasiido caan ah oo Nebi Maxamed lagu ammaana hayo; waxaa tirshey Sheekh Maxamed Buusiiri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burde
m.l.u Qasiiddo nabi ammaan ah oo uu tirshey Maxamed Buusiri.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
burde
m.l.u Qasiiddo nabi ammaan ah oo uu tirshey Maxamed Buusiri.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
burde
m. n. chanting in praise of the Prophet Mohammad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burde
-ha: (magac, lab, keli) Nebi'ammaan caan ah oo uu tiriyey Sh. Maxame Bawsari.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
burde
de: chanting in praise of the Prophet Mohammad
lx: burde
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: burde
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
harde
harde, n.f. - raxan xoolo dugaag ah.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
horde
/hoordh/ (n) ciidaanyo (dad aad u-fara badan iwm). e.g. Hordes of tourists visit Toronto during the summer.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hunde
-ha: (magac, lab, keli ) meel gudo ah ama dhuka dooxada ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hurda
v., subject case: asleep
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hurda
(adj) sleeping (isliiping); dormant (dhoormant); asleep (asliip)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hurda
de: asleep
lx: hurda
ps: v1-subj
see: hurud
key: hurda
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurdi
hurdi¹: m.l Midab u dhexeeya midabka cagaarka iyo kan liinta una eg midabka sacfaraanka.
hurdi²: f.g2 (-iyay, -isay) Seexin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hurdi
m.l Midab u dhexeeya midabka cagaarka iyo kan liinta una eg midabka sacfaraanka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurdi
(fal) hurdaysii; lulmaysil.
hurdi: (tilmaame) midabka jaallaha ah ama huruudda.
hurdi -ga: (magac, lab, keli) midab u dhexeeya midabka cagaarka iyo kan liinta una og midabka sacfaraanka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hurdo
(Hurda-da)
Nasasho oogada iyo maankuba u baahan yihiin, inta lagu jirona, ay aad u yaraadaan ama u baabba'aan wax-garashada maanka iyo wax-dareenka iyo dhaqdhaqaaqa oogadu.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurdo
m.dh Xaalad xubnaha jirka nafleydu nasasho ku jiraan, indhaha la isku hayo oo aan garaadka iyo maankuba shaqaynayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hurdo
m.dh Xaalad xubnaha jirka nafleydu nasasho ku jiraan, indhaha la isku hayo oo aan garaadka iyo maankuba shaqaynayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hurdo
f. n., [collective] sleep
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hurdo
-hurdada: (n) sleep (isliip) ~ seexasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurdo
-da: (magac, dhedig, keli) nasasho jidhku ku raaxaysto oo soojeed dabadii nafluhu sameeyo oo maanka iyo dhaqdhaqaaquba yaraado ama uu baabo'o. Hurdo habarba korin weydee ma anay hilbo i galin. Dh: seexasho. Li: soo jeed.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hurdo
cf: laamaddood
de: sleep
lx: hurdo
pd: (/da)
ps: n0-f-col
key: hurdo
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
hurdo
نوم
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Hurfe
nickname-m darker and stronger
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Hurfe
magac loo baxsho wiil madow oo xoog leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurre
m.l Midab madow-dhalaal ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hurre
m.l Midab madowdhalaal ah.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Hurre
nickname-m black; darker
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Hurre
magac ama naanayso loo baxsho wiil aad u madaw. Dh: madoobe. Li: caddawe.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurde
-da: (magac, dhedig, keli) guntimaha aan Imilmin kolka budo laga dhigayo shuuro ama qoosh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baraarugsan
1. Aan hurdeysneyn; hurdo ka kacay oo ay ka ba'day.
2. Soo jeeda oo aan la dagi karin; digtoon; feeyig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurdeysiin
m.f.dh eeg hurdeysii. la-mid: hurdisiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurdeysnaan
m.f.dh eeg hurdeysan. la-mid: hurdeysnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurdeysnaansho
m.l/dh la-mid: hurdeysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurdisii
f.g2 (-iiyay, -iisay) la-mid: hurdeysii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurdisiin
m.dh la-mid: hurdeysiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hurdeysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Cid hurdo hayso ahaansho. m.f.dh, hurdeysnaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hurdeysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Cid seexin. m.f.dh, hurdeysiin. la-mid: hurdisii.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sedate
/sideyt/ (adj) 1. degan (qof aad u xasillan, oo dabci qabow) (v) 2. hurdeysiin (dejin, siiba daawo ku dajin).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sedative
/sedativ/ (n) dejiye (hurdeysiiye, dawo hurdo keenta ama qofka neerfihiisa dejisa).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hedlade
-ha: (magac, lab, keli) qofka kartida badan ee naftiisa daryeela dadkana wax u tara. Li: hurde.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lilee
(fal) lilo u keen oo hurdaysii. Lul ilmaha o lilee ha seexdee. Dh: lulee, hurdeysii. Li: toosi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hurdeysan
de: asleep
lx: hurdeysan
pd: (hurdeysnaa)
ps: adj-der
key: hurdeysan
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
hurdler
haardalyahan
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
hurdles
haardaliska
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Hurdles
Tartan hakash.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Burden
Dulsaar
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
burden
/berdhan/ (n) 1. culays 2. culays saarid (xammuul xaga shaqada ah).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
burden
/bardhan/ (n) 1. wal ulus. The donkey carried a burden of sacks. 2. wal hekaar bathyng amy dhib bathyng.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
burden
n., xamil, -ki, rar, -ki, rarmo, -adi.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
curdle
/kerdhal/ (v) burqo-noqosho, soo adkaansho.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
curdle
v.tr. and v.i., fadhiisi, gadhoodhi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhurbe
(Dhurba-ha)
Jaadadka cawska mid kamid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhurbe
m.l Jaadadka cawska mid ka mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhurbe
m. n. grass species
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhurbe
cf: caws
de: grass sp.
lx: dhurbe
pd: (/ha)
ps: n-m
key: dhurbe
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gourde
gourde, n.f. - ubo; buraashad.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
harden
/hardhn/ (v) adkaan, qalleyf noqosho.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
harden
v.tr., (make hard) adkee.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
heurté
heurté, adj. - iska horimaad; is diidid fikradeed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hordeg
f.mg1 (-gay, -gtay) Cayaar turub, haad socda haad kale oo aan la nooc ahayn ku darid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hordeg
-ga: (magac, lab, keli) cayaar turub, haad socda haad kale oo aan la nooc ahayn ku darid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
huddle
/hadhal/ (n) 1. xoon-sanaan. (v) 2. shamoomid, isa-soo xoomin.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
huddle
v.tr., (throw in confusion) qalad, isku qalad.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
humide
humide, adj. - hawada oo qoyaan ku dhex jira (cimilo); suyuc; qoyaan; dharab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hurdan
(Hurdan-ka)
Cayaar gaar ah oo haraati ama laad babcan, laysla dhaco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurdan
hurdan¹: m.l Ciyaar gaar ah oo haraati ama laad dadban la isladhaco.
hurdan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Hurdan ciyaarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hurdan
m. n. play-fighting, wrestling
hurdan: v. fight playfully, wrestle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hurdan
-ka: (n) kicking (kiking); usually playfully
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurdan
-ka: (magac, lab, keli) ciyaar ay dhalinyaradu ciyaarto oon aan laysku tudhin oo horey laysku harraatiyo. Dh: hurdub.
hurdan: (fal) hurdubtan ciyaar; hurdan ciyaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurday
(fal) urdo u keen, cid hurdaysii. Ilmuhu ha seexdee rux oo hurday. Dh: hurdee, lulaysii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hurdid
(Hurdid-da)
Hurdo dhex gelid, ku jirid; seexasho; gama'sanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurdid
m.f.dh eeg hurud.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurdid
-da: (magac, dhedig, keli) hurdo ku dhexjirid. Dadka wada shaqa tegey maxaa hurdid ku baday. Dh: seexasho, gama'sanaan. Li: soo jeedid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurdin
m.f.dh eeg hurdin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurdoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Cid hurdo dareemid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hurdoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Cid hurdo dareemid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurdoo
(fal) hurdo ha ku qabato. Dh: luloo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurdub
-ka: (magac, lab, keli) harraatida xagga hore loo tuuro. Dh: laad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurduf
-ta: (magac, dhedig, keli) shanqadh xoog leh oo aad maqashay adoon arkayn wixii sameeyay, hurdufta aad maqlaysaa malaha waa doofaar ooda jiidhay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huriye
m.l (-yayaal, m.l/dh) 1. (dii.) Qof kaniisad ka heesa. 2. (riw.) Qof ka mid ah koox heesta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huriye
-ha: (magac, lab, keli) qof kaniisad ka heesa.
huriye -ha: (magac, lab, keli) qof ka mid ah koox heesta.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
hurler
hurler, v. - qaylada dhuuban (xayawaanka, caruurta); codka libaaxa oo kale ah; qaylo dhuuban oo dheer (sida damqashada).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
murder
/mardhar/ (n) 1. qof dilid (qudha ka jarid) 2. daal iyo dhibaato leh.
murder: /mardhar/ (v) dil (qudh gooyo).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
murder
v.tr., dil.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurdee
(fal) shuuro ama qoosh buurbuur u yeel. Dh: qurday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hud
(Hud-da)
1. Xubnaha uurkujirta midkood oo inta xuubkii ku rognaa soo jeexa, meel ka soo buurta.
2. Xuddunta soo buurata; buuf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hud
hud¹: m.dh (-do, m.l) Xiidmo soo gala meel caloosha ka mid ah oo xuubkii ku dahaarnaa dillaacay.
hud²: f.g1 (-day, -dday) Dhar dillaacsan tolid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hud
f. n. hernia
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hud
-da: (magac, dhedig, keli) xudunta oo soo buurraata. Dh: buuf.
hud-da: (magac, dhedig, keli) meel baydhsan ama leexsan.
hud-da: (magac, dhedig, keli) xubnaha uurkujirta midkood oo inta xuubkii ku rognaa soo jeexa, meel kasoo buurta.

Hue
Ribmidab