hurdamid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hurdamid
(Hurdamid-da)
Hurdan cayaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurdamid
m.f.dh eeg hurdan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurdamid
-da: (magac, dhedig, keli) madaxa ku dagaallamid.
hurdamid -da: (magac, dhedig, keli) hurdan cayaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gurdamid
(Gurdamid-da)
Gurdan la maqlo samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurdamid
m.f.dh eeg gurdan². la-mid: gurdan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurdamid
-da: (magac, dhedig, keli) fardo, u ordid si xooggan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hardamid
(Hardamid-da)
Hardi isla dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hardamid
m.f.dh eeg hardan². la-mid: hardan¹, hertamid, hertan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hardamid
-da: (magac, dhedig, keli) madaxa ku dagaallamid. Dagaalka wananku waa haradamid. Dh: hirdamid, herdamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hirdamid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg hardamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Huddamid
(Huddamid-da)
Socod tabar yar socosho; luudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huddamid
m.f.dh eeg huddan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huddamid
-da: (magac, dhedig, keli) socod tabar yar socosho. Dh: tukubid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurdadiid
-ka: (magac, lab, keli) ciyaar gabay leh oo lagu ciyaaro fadhiga oo keliya, waxayna caan ku tahay gobollada Shabeellada Dhexe iyo Shabeellada Hoose. Qalabka lagu tumo waxaa ka mid ah shareero iyo daf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hurdid
(Hurdid-da)
Hurdo dhex gelid, ku jirid; seexasho; gama'sanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurdid
m.f.dh eeg hurud.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurdid
-da: (magac, dhedig, keli) hurdo ku dhexjirid. Dadka wada shaqa tegey maxaa hurdid ku baday. Dh: seexasho, gama'sanaan. Li: soo jeedid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huudmid
-da: (magac, dhedig, keli) si aad u xagjir ah ula colloobid. Dh: colloobid, isnicid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durqamid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal aan istaag lahayn. Dh: duryamid, dhawdhaw. Li: aamus.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duryamid
m.dh la-mid: guryamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gurxamid
(Gurxamid-da)
Ci gurxan ah, ciyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurxamid
m.f.dh eeg gurxan ².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurxamid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal aan macne lahayn oo aan dhammaanayn ku hadlid. Dh: guryamid, gurxamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guryamid
(Guryamid-da)
Hadal guryan ah tixid; guraabbaasid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guryamid
m.f.dh eeg guryan². la-mid: duryamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guryamid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal badan oo aan milqo lahayn ku hadlid. Dh: duryamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hardafid
(Hardafid-da)
Orod hardaf ah ordid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hardafid
m.f.dh eeg hardaf². la-mid: hardaf¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hardafid
-da: (magac, dhedig, keli) orod hardaf ah ordid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
herdemid
-da: (magac, dhedig, keli) madaxa isku dhufasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hertamid
m.dh la-mid: hardamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hulkamid
(Hulkamid-da)
(dab) shidmid; bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hulkamid
m.f.dh eeg hulkan². la-mid: hulkan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hulkamid
-da: (magac, dhedig, keli) dab shidmid, bixid, hurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hurgumid
(Hurgumid-da)
Hurgun yeelasho; caallirid; fasasid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurgumid
m.f.dh eeg hurgun².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurgumid
-da: (magac, dhedig, keli) hurgumo yeelasho. Dh: hurgumis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurdabtamid
-da: (magac, dhedig, keli) hurdan ciyaarid; hurdamid,
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bardaamid
-da: (magac, dhedig, keli) miisaan saaritaan. Waa la soo miisay subagga bardaamid uma baahna.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Curyaamid
(Curyaamid-da)
Curyaan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curyaamid
m.f.dh eeg curyaan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curyaamid
-da: (magac, dhedig, keli) curyaan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dardarmid
m.f.dh eeg dardaran¹. la-mid: berbermid, derdermid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dardarmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dardaran oo maanka wax ka gaadheen ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhufaamid
-da: (magac, dhedig, keli) neef ama qof lab, xiniinyaha ka saarid ama tumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhugtamid
m.dh la-mid: dhaqtamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhugtamid
-da: (magac, dhedig, keli) dhoog ku tartamid. Dh: dhoogtamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhukaamid
(Dhukaamid-da)
Dhukaan ku dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhukaamid
m.f.dh eeg dhukaan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhukaamid
-da: (magac, dhedig, keli) cudurka dhukaanka qaadid. Qaniinkii cunay ayaa awrka dhukaamidda ugu wacan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhurgumid
m.f.dh eeg dhurgun².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Furdaamin
(Furdaamin-ta)
Qof la falay ama la sixray, wax falka iyo sixirka ka saara kula kicid; sixirfuryo u samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
furdaamin
m.f.dh eeg furdaami. la-mid: furdaamis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furdaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof la falay ama la sixray, falka iyo sixirka ka saarid oo sixirfuryo u samayn.
furdaamin -ta: (magac, dhedig, keli) arrin adag xal u helid. Furdaaminta arrintii waad ku guulaysatay. Dh: xallin, furdaamis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Furdaamis
(Furdaamis-ka)
Furdaamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
furdaamis
m.l la-mid: furdaamin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
furdaamis
vl. n. act of lifting a spell, exorcism
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
furdaamis
-ka: (n) exorcism (eksorsiisim)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furdaamis
-ka: (magac, lab, keli) eeg furdaamin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
furdaamis
de: act of lifting a spell, exorcism
lx: furdaamis
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: furdaamis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurracmid
m.f.dh eeg gurracan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guudaamid
m.f.dh eeg guudan².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haaraamid
(Haaraamid-da)
Wax sidii la rabey si aan ahayn u dhacay, dad kale ku eedayn, ku dagaalid, wax kaga sheegid; hiilid; canaanasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haaraamid
m.f.dh eeg haaraan². la-mid: haa-raan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haaraamid
-da: (magac, dhedig, keli) canaan iyo foolxagad tiro badan oo hiif ah cid kale u geysasho. Meel balaayo heeryaha dhigtoo, la isku haaraamey. Dh: guulguulid, hiifid, haaramid, eedayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harqaamid
m.f.dh eeg harqaan².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haydalmid
m.f.dh eeg haydalan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hulaaqmid
-da: (magac, dhedig, keli) laaqmid iyo yalaalugood ay xanuun darteed calooshu samayso. Cunto aan nadiif ahayni hulaaqmid way keentaa.
hulaaqmid-da: (magac, dhedig, keli) dab, qiiqaabid; soo hurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huldhabid
-da: (magac, dhedig, keli) iil qodid; loxod qodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurdansii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Laba wiil hurdan ciyaarsiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hurdodiid
m.l Nooc ka mid ah ciyaaraha la raacsiiyo muusikada shareero, waxaana ciyaara beeraleyda ku sugan degaanka webiga Shabeelle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murqaamid
m.dh la-mid: marqaamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murqaamid
-da: (magac, dhedig, keli) mirqaan ku jirid. Jaadka ayaa murqaamidda keena.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sharqamid
(Sharqamid-da)
Shanqarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharqamid
m.dh la-mid: sanqarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharqamid
-da: (magac, dhedig, keli) sanqadh samayn. Dh: sanqadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
urursamid
m.f.dh la-mid: ururid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
urursamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax kala baahsanaa, isku soo ururid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuuraamid
-da: (magac, dhedig, keli) isku wareegid oo buuq iyo jahawareer ku jirid. Laba cisho ayaa xuuraamid lagu jiraa.
xuuraamid-da: (magac, dhedig, keli) baadhid oo u kuurgalid. Dadbaan xuuraamidda u diran. Dh: xograadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuuryaamid
m.f.dh eeg dhuuryaan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huruuftamid
-da: (magac, dhedig, keli) labo iyo wax ka badan is huruufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Damid
(Damid-da)
Dhammaansho; soo yaraansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
damid
m.f.dh eeg dąn. la-mid: demid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
damid
-da: (magac, dhedig, keli) ololkii joojin oo bakhtiyid. Dab dabayli shidayso damid ha ka sugin. Dh: damis, bakhtiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hudid
m.f.dh eeg hud².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Humid
(Humid-da)
(calal, kd.) toltolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
humid
m.f.dh eeg hun².
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
humid
/hyuumidh/ (adj) qoyan, sayax ah, sida cimilo hawada ay ku jirto uumi-biyood iwm.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Humid
Dheel, qoyaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
humid
-da: (magac, dhedig, keli) toltolid maro calal ah. Dh: tolid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hurda
v., subject case: asleep
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hurda
(adj) sleeping (isliiping); dormant (dhoormant); asleep (asliip)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hurda
de: asleep
lx: hurda
ps: v1-subj
see: hurud
key: hurda
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurdi
hurdi¹: m.l Midab u dhexeeya midabka cagaarka iyo kan liinta una eg midabka sacfaraanka.
hurdi²: f.g2 (-iyay, -isay) Seexin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hurdi
m.l Midab u dhexeeya midabka cagaarka iyo kan liinta una eg midabka sacfaraanka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurdi
(fal) hurdaysii; lulmaysil.
hurdi: (tilmaame) midabka jaallaha ah ama huruudda.
hurdi -ga: (magac, lab, keli) midab u dhexeeya midabka cagaarka iyo kan liinta una og midabka sacfaraanka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hurid
(Hurid-da)
1. Wax bixin; wax dhiibid; wax quurid.
2. Ka maarmid; deyn.
3. (dab) Bixid; ololid; shidmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurid
m.f.dh eeg hur². la-mid: huris².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hurid
vl. n. combustion, burning
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurid
-da: (magac, dhedig, keli) dab, ololid oo shidmid.
hurid -da: (magac, dhedig, keli) wax quudhid oo niyad u siin. Dh: huris, dhiibid, bixin.