hunguriga cad
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hunguriga cad
(n) the windpipe (windh-paayp) ~ kan cad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carjaw
(Carjaw-da)
Sooh adag oo cad oo sida dhalada u dhalaala; wuxuu ku rogan yahay oo xajiyaa oo isu hayaa kalaggoysyada meesha madaxyada lafuhu isaga hor yimaadaan kol, kolna meel gooni ah buu ka baxaa (dhegta, hunguriga cad,...).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhuun
1. (Dhuun-ka) Naf; ruux; qof.
2. (Dhuun-ta) a) Ul ama bir dhuuban ama wax kaloo la mid ah oo dhexda ka daloola oo biyaha iyo wixii la mid ahi dhex maraan. b) Hunguriga cad; cunaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hunguri
(Hunguri-ga)
1. Dhuunta afka iyo sanka iyo isu haysa caloosha oo cunnadu marto (hunguriga madow).
2. Dhuunta neeftu marto oo afka iyo sanka iyo isu haysa sanbabbada (hunguriga cad).
3. Cunno, oomati.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qufac
(Qufac-a)
Neefta oo si kedis ah, oo xoog iyo shanqar leh, sanbabbada uga soo baxda, oo hunguriga cad u soo marta, muruqyada hunguriga, oo xanuun qabtay iskula roora, ama dhuumaha neefta iyo sanbabbada oo xaako xirtay laga soo saarayo, darteed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qulaanqulye
(Qulaanqulya-ha)
Muruq iyo carjaw isku dhafan oo hunguriga cad madaxiisa kore ku yaal; waa xubinta codka, gudihiisana waxaa ku yaal xargaha codka; waa meesha curtu ka soo taagan tahay; (ama qulaanqulshe).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sanbab
(Sanbab-ka)
1. Mid ka mid ah labada xubnood oo hunguriga cadi isu hayo oo sida buufimada neeftu gasho kana baxdo.
2. (xoolo) cudur xun oo sanbabbada ku dhaca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saxasho
(Saxasha-da)
Wax la cunayey ama la cabbayey in yar oo ka leexata oo hunguriga cad ku roorta oo lala qufaco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xabag
(Xabag-ta)
1. Dhacaan geedaha qaarkood ka yimaada ama laga liso oo kolkii uu neecawda dareemo is-qabsada oo adkaada.
2. Hunguriga cad, meesha curtu ku taal; cone; dig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cur
m.l 1. Carjawda qulaanqulshaha hunguriga cad oo ku taal cunaha ragga oo xagga dibadda u soo taagan; halcun. 2. Qoorta hor ee dhuuban o weelasha qaarkood leeyihiin; sida: dhalada, ubbada iyo wixi lamida.

dalqo
m.dh (cilmiga naflayda) Xubinta codku ka sameysmo, hawadana sambabada ayay ku duwda, waxay ku taal hunguriga cad dushiisa, waxay ka sameysantahay sagaal carjowood oo ay isu hayaan seedo iyo muruqyo xuub gaduudan ayaa ku dadan, waxa ku dhexyaal laba joog o xargaha codka ah oo sameeya codka. la-mid: dalqe.

holac-cad-hunguri
m.l (-cyo .., m.dh) (daawo) Halaamacood hunguriga cad oo neeftu marto sida badan ka yimaada infekshin marka hore ku dhaca cunaha iyo sanka, oo ay keeneen fiirus ama baktiiriya. Cudurku wuxuu keena xanfaf laabta hoose, qufac xanuun leh, waxaa aalaaba weheliya dhuun-neef-holac (bronchites).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qufac
qufac¹: m.l 1. Neef xoog iyo shanqar leh oo ka dhalata cuncun ku dhaca hawo mareenka ama hunguriga cad kana soo baxda afka. 2. Cudurka qaaxada oo ku dhaca sanbabka.
qufac²: f.mg1 (-cay, -cday; -fici) 1. Cid qufac ka imaansho. 2. Nafley qaaxo qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saxo
saxo¹: m.dh Xaaladda uu ku sugan yahay jir aan cudur hayn. la-mid: sixo¹.
saxo²: f.g/mg3 (-xday, -xatay) 1. (f.g) Wax sax ka dhigasho. 2. (f.mg) Wax la liqay oo hunguriga cad aaday ku qufacid. la-mid: sixo².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabag
m.dh 1. (-bko, m.l) Dhacaan geedaha qaarkood ka yimaada ama laga liso oo kolkii uu neecaawda dareemo isqabsada oo adkaada. 2. Hunguriga cad meesha curtu ku taal; cune; dig.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cur
m.l 1. Carjawda qulaanqulshaha hunguriga cad oo ku taal cunaha ragga oo xagga dibadda u soo taagan; halcun. 2. Qoorta hor ee dhuuban o weelasha qaarkood leeyihiin; sida: dhalada, ubbada iyo wixi lamida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dalqo
m.dh (cilmiga naflayda) Xubinta codku ka sameysmo, hawadana sambabada ayay ku duwda, waxay ku taal hunguriga cad dushiisa, waxay ka sameysantahay sagaal carjowood oo ay isu hayaan seedo iyo muruqyo xuub gaduudan ayaa ku dadan, waxa ku dhexyaal laba joog o xargaha codka ah oo sameeya codka. la-mid: dalqe.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
holac'cad-hunguri
m.l (-cyo .., m.dh) (daaw.) Halaamacood hunguriga cad oo neeftu marto sida badan ka yimaada infekshin marka hore ku dhaca cunaha iyo sanka, oo ay keeneen fiirus ama baktiiriya. Cudurku wuxuu keena xanfaf laabta hoose, qufac xanuun leh, waxaa aalaaba weheliya dhuun-neef-holac (bronchites).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qufac
qufac¹: m.l 1. Neef xoog iyo shanqar leh oo ka dhalata cuncun ku dhaca hawo mareenka ama hunguriga cad kana soo baxda afka. 2. Cudurka qaaxada oo ku dhaca sanbabka.
qufac²: f.mg1 (-cay, -cday; -fici) 1. Cid qufac ka imaansho. 2. Nafley qaaxo qaadid. m.f.dh, quficid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saxo
f.g/mg3 (saxday, saxatay) 1. (f.g) Wax sax ka dhigasho. 2. (f.mg) Wax la liqay oo hunguriga cad aaday ku qufacid. m.f.dh, saxasho. la-mid: sixo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xabag
m.dh 1. (-bko, m.l) Dhacaan geedaha qaarkood ka yimaada ama laga liso oo kolkii uu neecaawda dareemo isqabsada oo adkaada. 2. Hunguriga cad meesha curtu ku taal; cune; dig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hunguricad
hunguricad¹: m.l 1. Xubin dhuunta ka mid ah oo neeftu marto. 2. la-mid: hunguri.
hunguricad²: m.l (-dyo, m.dh) (cilmiga naflayda) Dhuun haweedka lafdhabarleyda neefta qaadataa: waa dhuun hawada ka soo qaadda hunguri cadka una gudbisa farac hunguri cadka, waxa adkeeya maraaryo qaybo ah oo carjaw ka samaysan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hunguricad
hunguricad¹: m.l 1. Xubin dhuunta ka mid ah oo neeftu marto. 2. la-mid: hunguri.
hunguricad²: m.l (-dyo, m.dh) (cilmiga naflayda) Dhuun haweedka lafdhabarleyda neefta qaadataa: waa dhuun hawada ka soo qaadda hunguri cadka una gudbisa farac hunguri cadka, waxa adkeeya maraaryo qaybo ah oo carjaw ka samaysan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hunguricad
m. n., [compound] trachea, windpipe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hunguricad
-ka: (magac, lab, keli) dhuunta isu haysa afka, sanka iyo sambabada oo hawadu marto. Dh: hungur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hunguricad
de: trachea, windpipe
lx: hunguricad
pd: (-ka)
ps: n2a-m-cmp
key: hunguricad
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Hunguri-ga
gorge.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hunguriyood
m.f.l eeg hunguriyoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hunguriyood
m.f.l eeg hunguriyoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hungurimadow
-ga: (magac, lab, keli) dhuun isku haysa afka, sanka iyo caloosha oo cuntadu marto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hunguriweynaan
m.f.dh eeg guriweyn. la-mid: hunguriweynaansho, hunguriweyni.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hunguriweynaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qof hunguriweyn ahaan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cunsuriyad
-da: (n) racism (reeyziisim); discrimination (dis kiri mineeyshin); apartheid (apaar-taayt) ~ midabfaquuq, midab-takoor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cunsuriyad
-da: (magac, dhedig, keli) midabkalasooc; dirsooc.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Durdur cad
Freshet
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurgurqaad
-ka: (magac, lab, keli) awrka lagu guuro ee sida xamaanta hoose ee aqalka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurisamaad
m.l Degaan barwaaqo iyo nabad leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gurisamaad
m. n. thriving and hospitable ~ welcoming place
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurisamaad
-ka: (magac, lab, keli) xilli barwaaqo ah guriga la deggan yahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gurisamaad
de: thriving and hospitable ~ welcoming place Pl: guryosamaad (ka)
lx: gurisamaad
pd: (-ka)
ps: np-m
key: gurisamaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hunguriyee
f.g2 (-yeeyay, -yeysay) Wax damcid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hunguriyee
f.g2 (-yeeyay, -yeysay) Wax damcid. m.f.dh, hunguriyayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hunguriyee
v. long for in vain; be tempted
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hunguriyee
(fal) hunguri ha kaa galo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hunguriyee
cf: cuquulee, damac
de: long for in vain; be tempted
lx: hunguriyee
pd: (hunguriyeeyey)
ps: v2b=tr
key: hunguriyee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hunguriyoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) U h.: wax damcid (qof).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hunguriyoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) U h.: wax damcid (qof). m.f.l, hunguriyood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hunguriyoo
(fal) si baahi ka muuqato u baryootan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hugunraacid
-da: (magac, dhedig, keli) kolba dhanka dadku u kacaan u raacid. Dh: aameel.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hunbulitaan
-ka: (magac, lab, keli) wax humbulan ka dhigitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hunguriweyn
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof dhuuni ah ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hunguriweyn
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof dhuuni ah ahaansho. m.f.dh, hunguriweynaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hunguriweyn
Comp. adj., (ie. n., adj.): greedy, eager, thirsty
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hunguriweyn
-aa: (adj) extremely eager or desirous; greedy (giriidhi); gluttonous (galat-nes) ~ dhuuni
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hunguriweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) qof aan limaan lahayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hunguriweyn
de: greedy, eager, thirsty
lx: hunguriweyn
pd: (hunguriweynaa)
ps: adj-cmp
key: hunguriweyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hungurixume
m.l (-mayaal, m.l/dh) Qof dhuuni ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hungurixume
m. n. greedy man, avid ~ voracious person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hungurixume
-ha: (magac, lab, keli) hunguriweyne; iimaan daran.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hungurixume
de: greedy man, avid ~ voracious person
lx: hungurixume
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: hungurixume
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hungurixumo
m.dh Si xun oo wax loo doono.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hungurixumo
m.dh Si xun oo wax loo doono.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hungurixumo
-hungurixumada: (n) selfishness (selfish-nes); greediness (giriidhines)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hungurixumo
-da: (magac, dhedig, keli) limaanxumo; iimaandarro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hunguriyeyn
(Hunguriyeyn-ta)
Hunguri ka gelid; wax ka damcid; cuquulayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hunguriyeyn
m.f.dh eeg hunguriyee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurgufitaan
-ka: (magac, lab, keli) wax la hurgufay ahaan; habaaska ka daadin; boodhka ka jafitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurgumitaan
-ka: (magac, lab, keli) hurgumo yeelasho; calladhitaan; fasasitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hunguriweyne
m.l (-nayaal, m.l/dh) Qof dhuuni ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hunguriweyne
m. n. greedy person, heavy eater
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hunguriweyne
-ha: (magac, lab, keli) qof iimaan daran ama iimaan xun.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hunguriweyne
de: greedy person, heavy eater
lx: hunguriweyne
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: hunguriweyne
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hunguriweyni
m.dh la-mid: hunguriweynaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hunguriweyni
-da: (magac, dhedig, keli) limaan darro; iimaan xumo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hunguridhubuq
-da: (magac, dhedig, keli) midhaha carmada ka baxa ee yaryar oo macmacaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hungurijuqjuq
m.l Rabitaan dheeraad ah oo cid ku dhaliya in ay cuntada sugi weydo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hungurijuqjuq
m.l Rabitaan dheeraad ah oo cid ku dhaliya in ay cuntada sugi weydo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hungurijuqjuq
m. n., [compound] tempting smell of food; impatient craving for food
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hungurijuqjuq
-a: (magac, lab, keli) haliilka iyo jeclaysiga udgoonka iyo muuqalka wanaagsan ee cunto leedahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hungurijuqjuq
de: tempting smell of food; impatient craving for food
lx: hungurijuqjuq
pd: (-a)
ps: n2a-m-cmp
key: hungurijuqjuq