hungoobid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hungoobid
(Hungoobid-da)
Qof ama meel wax loo doontay, wixii ka waayid; ku luggo'id; qadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hungoobid
m.f.dh eeg hungow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hungoobid
-da: (magac, dhedig, keli) qof ama meel wax laga filayay ka waayid oo faramadhnaan kala noqosho. Dh: luggu'id, hantaaqmid, qadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hankaagid
(Hankaagid-da)
Meel ku hungoobid, wax ka waayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hanqaaran
(Hanqaaran-ka)
Meel wax loo doontay ama lagu malayna hayey, wixii ka waayid; hungoobid; luggooyo; (ama hanqaran).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hanqaarmid
(Hanqaarmid-da)
Meel wax loo doontay ama lagu malayna hayey, wax ka soo waayid, ku soo hungoobid; ku luggo'id; (ama hanqarmid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qatooyo
(Qatooya-da)
Wax waayid; hungoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muho
f.mg3 (-hday, -hatay) 1. Wax ku hungoobid. 2. U m.: cid ama wax kalgacayl ama rabid u qabid; uurka wax ka doonid; wax laabraacid. 3. U m.: khatar uga baqid (cid). la-mid: maho, moho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warra'
warra'¹: m.l/dh 1. Fal samayntiisa laga xishoodo oo qofka sharaf dhaca u keena; ceebi. 2. Luggooyo; hungo. 3. Garabmar; dhinac ka dhaaf.
warra'²: f.mg1 (-rra'ay, -rra'day) 1. Sharaf dhac la kulmid. 2. Ku w.: ku hungoobid; ku luggo'id. 3. Garabmarid; dhinac ka dhaafid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hungow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Cid wax seegid. m.f.dh, hungoobid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
muho
f.mg3 (-hday, -hatay) 1. Wax ku hungoobid. 2. U m.: cid ama wax kalgacayl ama rabid u qabid; uurka wax ka doonid; wax laabraacid. 3. U m.: khatar uga baqid (cid). m.f.dh, muhasho. la-mid: maho, moho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gulaalmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aad rabtay ku hungoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guuldarro
-da: (magac, dhedig, keli) libin waayis; howshii la galay oo wax natiijo wanaagsan ah aan laga keenin. Dh: hungoobid, khasaare, jab, jabniin. Li: guulaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hankaagid
-da: (magac, dhedig, keli)meel aad wax u doonatay ka soo waayid; meel ku hungoobid. Dh: hongoobid, luggo'id.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanqaaran
(fal) meel aad wax u doonatay, ku hankaag: ku soo hungow; ku luggo'.
hanqaaran -ka: (magac, lab, keli) meel wax loo doontay ama lagu malaynayey wax ka waayid. Dh: hungoobid, luggo'id.
hanqaaran: (tilmaame) qof hungoobay oo la luggooyay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanqaarmid
-da: (magac, dhedig, keli) meel wax loo doontay ama lagu malaynayey wax ka soo waayid; ku soo hungoobid; ku hankaagid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoogay
hoogay!: (ereydhawaaq) lagu dhawaaqo kolka uu qofku dareemo hungoobid iyo dhiillo. Dh: ba'ay! jabay! tolla'ay!
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khasoobid
-da: (magac, dhedig, keli) been iyo wixii la mid ah, ku ceeboobid; arrin ku hungoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tahanbaabid
-da: (magac, dhedig, keli) (ku ~) ku hungoobid, ku lugo'id.
tahanbaabid -da: (magac, dhedig, keli) luggo'id: hungoobida.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warra'id
-da: (magac, dhedig, keli) gefid oo sidii ad u jeedday maahee si kale samayn. Warra'id la iskulama yaabo. Dh: qaldamid, gefid.
warra'id -da: (magac, dhedig, keli) ku luggo'id; ku hungoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
junoobid
m.dh la-mid: jinaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dangoobid
m.f.dh eeg dangow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duugoobid
(Duugoobid-da)
Duug noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duugoobid
m.f.dh eeg duugow². la-mid: duugow¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duugoobid
-da: (magac, dhedig, keli) gaboobid darteed wax burburaya noqosho. Dh: baaliyoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuundoobid
m.dh la-mid: fuuntoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuundoobid
-da: (magac, dhedig, keli) naalo ama ukun iyo wax la mid ah, qudhmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuuntoobid
m.f.dh eeg fuuntow. la-mid: fuundoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuuntoobid
-da: (magac, dhedig, keli) naalo iyo wixii la mid ah, qudhmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guuntoobid
m.dh la-mid: guuntood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guuntoobid
-da: (magac, dhedig, keli) neef dhedig oo ido ah oo asooshay oo haddana wayda wan saarta sidaana ku asoolcelisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shuftoobid
(Shuftoobid-da)
Shufto noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shuftoobid
m.f.dh eeg shuftow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shuftoobid
-da: (magac, dhedig, keli) shufto noqosho; shuftayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Goobid
(Goobid-da)
Wax maqan ama lumay raadin, doondoonid, baadiggoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goobid
m.f.dh eeg goob³. la-mid: goobis.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Goobid
Ricerca
Research
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goobid
-da: (magac, dhedig, keli) wax maqan baadigoobid. Goobidda hashu bil bay iga qaadatay. Dh: doodoonis, raacdayn, raadin.
goobid -da: (magac, dhedig, keli) dibi, tun buuxin; tunweyni; luqunta muruqyo waaweyn oo naaxay ku yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hungid
m.dh la-mid: hongid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hungid
-da: (magac, dhedig, keli) meel wax laga doonto, oo wixii laga waayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hungod
m.dh la-mid: hongod.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hangood
-ka: (magac, lab, keli) hungurayn iyo damac. Gosha naaska yara muuqday buu yara hangoodaaye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hingood
m.f.l eeg hingoo. la-mid: higgasho, higgood, hingasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hingood
m.f.l eeg hingoo. la-mid: higgood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hingood
v.pat: hiccough
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hingood
-ay / hingootay: (v) make a hiccup
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hingood
-ka: (magac, lab, keli) eeg higgood.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hingood
a: higgood ~ hingow
de: hiccough
lx: hingood
pd: (hingooday)
ps: v1=pat
key: hingood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
budoobid
m.f.dh eeg budow². la-mid: budow¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dufoobid
(Dufoobid-da)
1. Duf noqosho.
2. (qof) duf ku dhicid; xumaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dufoobid
m.f.dh eeg dufow². la-mid: dufow¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dufoobid
-da: (magac, dhedig, keli) dulloobid oo sidii hore ka sii liidasho. Dh: humoobid, calaloobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duqoobid
(Duqoobid-da)
Duq noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duqoobid
m.f.dh eeg duqow³. la-mid: duqow¹.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duqoobid
-da: (n) the act of ageing (ey/'iMg); aging
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duqoobid
-da: (magac, dhedig, keli) gabow iyo da weynaan uu nooluhu gaadho. Duqoobid ba ka soo muuqata. Dh: gabow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hagoogid
m.f.dh eeg hagoog².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hagoogid
-da: (magac, dhedig, keli) aqal iyo wixii la mid ah, dusha wax ka saarid. Harrarka waxa loogu tala galay hagoogidda aqallada dasada ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hiloobid
(Hiloobid-da)
Dal hore oo la joogi jirey ama qof horay loo yiqiin aragtidi ama u tegiddi jeclaysasho; xiisaqabid; buseelid; daltabyood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiloobid
m.f.dh eeg hilow².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiloobid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la jeclaa oo araggiisa laga raagay sida qof ama dal, aragtidiisa u xiisid. Dh: xiisid.
hiloobid -da: (magac, dhedig, keli) dal hore oo la joogi jirey ama wax horay loo yiqiin aragtidii jeclaysasho; buseelid; daltabyood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Quwoobid
(Quwoobid-da)
Quwo yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quwoobid
m.f.dh eeg quwow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quwoobid
-da: (magac, dhedig, keli) xoog yeelasho. Dh: xoogaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rumoobid
(Rumoobid-da)
Run noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rumoobid
m.f.dh la-mid: rumow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rumoobid
-da: (magac, dhedig, keli) run noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sumoobid
(Sumoobid-da)
Sun noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sumoobid
m.f.dh eeg sumow².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sumoobid
-da: (magac, dhedig, keli) sun cunid oo ku bukood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ubxoobid
m.dh la-mid: ubaxoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ubxoobid
-da: (magac, dhedig, keli) ubax noqsho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Uuroobid
(Uuroobid-da)
Uur yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uuroobid
m.f.dh eeg uurow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uuroobid
-da: (magac, dhedig, keli) uuro yeelad; uuraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xujoobid
(Xujoobid-da)
Qof tolka eed ka galay oo loo haysto noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xujoobid
m.f.dh eeg xujow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xujoobid
-da: (magac, dhedig, keli) denbi galid, eedoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuloobid
m.f.dh eeg xulow².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boogoobid
m.f.dh eeg boogow². la-mid: boogow¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boogoobid
-da: (magac, dhedig, keli) meel aad u bugta oo boog weyn qabta noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhuroobid
(Dhuroobid-da)
Wax wanaagsan oo dhan helid; liibaanid; bulaalid; tarmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuroobid
m.f.dh eeg dhurow².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doogoobid
m.f.dh eeg doogow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doogoobid
-da: (magac, dhedig, keli) dhul, doog yeelasho oo tigaad cusub bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dulloobid
(Dulloobid-da)
Dulli ku dhicid; duf ku bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulloobid
m.f.dh eeg dullow¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulloobid
-da: (magac, dhedig, keli) daranyo iyo dacdarro la ba'yaalid; dulli noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gandoobid
m.dh la-mid: gantoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gandoobid
-da: (magac, dhedig, keli) wax gandooban ka dhigid. Dh: gaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gantoobid
m.f.dh eeg gantoob². la-mid: gandoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gantoobid
-da: (magac, dhedig, keli) wax gandooban oo aan dhannayn ka dhigid. Dh: gaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guuroobid
m.f.dh eeg guurow².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hafroobid
-da: (magac, dhedig, keli) mid hafroobay noqosho oo xoog u bukoosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hantoobin
-ta: (magac, dhedig, keli) in weyn gacanta kaga qaadasho. Dh: cantoobin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muqloobid
(Muqloobid-da)
Muqlaha shilintu keento qaadid, ku dhicid; shilimmow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muqloobid
m.f.dh eeg muqlow². la-mid: muqlow¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muqloobid
-da: (magac, dhedig, keli) xanuunka shilinta yeelasho. Dh: shilinoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Suuroobid
(Suuroobid-da)
Suuraggelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suuroobid
m.f.dh eeg suurow². la-mid: suurtoobid.