hungid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hungid
m.dh la-mid: hongid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hungid
-da: (magac, dhedig, keli) meel wax laga doonto, oo wixii laga waayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hugid
m.dh la-mid: xogid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hugid
-da: (magac, dhedig, keli) haragga iyo hilibka gacanta ku kala saarid. Dh: hugis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hongid
m.f.dh eeg honog². la-mid: hungid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hungod
m.dh la-mid: hongod.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hunmid
-da: (magac, dhedig, keli) calal iyo wixii la mid ah, toltolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhuugid
(Dhuugid-da)
Afka ama qalab kale, biyo ama wax kaloo shubma ku soo jiidid; nuugid; jaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuugid
m.f.dh eeg dhuug². la-mid: dhuugis, dhuuqid, dhuuqis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuugid
-da: (magac, dhedig, keli) faruuryaha ku jaqid. Dh: nuugid, jaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hugi
f.g2 (-iyya, -isay) Dhar, derin iyo wixi lamida wax dusha ka saarid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hung
/hang/ (v) hang, oo fal tagay ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ugid
(Ugid-da)
Dab ku kululayn iyadoo aan la taabsiine lagu dhoweeyo keliya; (weel) hanbalyayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ugid
m.f.dh eeg ug.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugid
-da: (magac, dhedig, keli) hadhuub ama dhiil qori dab ah ku cugid. Dh: ugis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cugid
m.dh la-mid: Cubid; culid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cugid
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar cusub oo billaabmi doonta, ciyaartoyda kala safan doonta kala doorad. Dh: cubtan.
cugid-da: (magac, dhedig, keli) weel caano lagu shubanayo, culid. Dh: hogayn, culid, cugitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cunid
(Cunid-da)
1. Cunno, inta afka la geliyo oo la calaliyo, liqid.
2. Cawryid. kuunyid, ilayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cunid
m.f.dh eeg cun.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cunid
vl. n. eating, consumption (of something)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cunid
-da: (magac, dhedig, keli) cunno, afka gelin oo calaalin oo dabadeed liqid. Dh: cunis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cunid
de: eating, consumption (of s.t.)
lx: cunid
pd: (-da)
ps: vn1-f
xe: I take an oath against the eating of meat again.
xv: Waxaan nidir ka maray, hilib dambe cuniddii
key: cunid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dugid
(Dugid-da)
1. Ebyoomid: dhammaansho.
2. Afgenbi u dhicid; jabid; bi'id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dugid
dųgid: m.f.dh eeg dųg².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dugid
-da: (magac, dhedig, keli) ba' iyo ba'ayaale la kulmid. Dh: hoogid.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Fungi
Fangi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hagid
(Hagid-da)
Qof indhala' wadid, (taxaabid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hagid
m.f.dh eeg hąg. la-mid: hagis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hagid
vl. n. guiding ~ leading of the blind
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hagid
-da: (n) leading (Hiding), guiding (geeyding)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hagid
-da: (magac, dhedig, keli) qof indhla' hoggaamin. Dh: hagis
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hagid
a: hagis (ta) [vn-f]
de: guiding ~ leading of the blind
lx: hagid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: hagid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hubid
(Hubid-da)
Runteeda dhab loo og yahay; aad wax uga warqabid; ka warhayn aan shaki ku jirin; sugan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hubid
m.f.dh eeg hub².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hubid
-da: (magac, dhedig, keli) warhayn aan shaki ku jirin; wax runteeda dhab loo og yahay. Dh: hubis, sugnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hudid
m.f.dh eeg hud².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hufid
(Hufid-da)
Ka la soocid; inta xun ka reebid; jafid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hufid
m.f.dh eeg huf².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hufid
-da: (magac, dhedig, keli) haadin ama kala shaandhaynta firida iyo xashiishka; inta xun ka reebid. Dh: hufis, haadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hugin
m.f.dh eeg hugi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hugis
m.l H. ah: maro, busto iyo wixi lamida oo dusha la iska saaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hugis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg hugid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hulid
m.f.dh eeg hul².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hulid
-da: (magac, dhedig, keli) qodid oo dheerayn, fogayn; hulis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Humid
(Humid-da)
(calal, kd.) toltolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
humid
m.f.dh eeg hun².
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
humid
/hyuumidh/ (adj) qoyan, sayax ah, sida cimilo hawada ay ku jirto uumi-biyood iwm.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Humid
Dheel, qoyaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
humid
-da: (magac, dhedig, keli) toltolid maro calal ah. Dh: tolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hungo
(Hunga-da)
Qof ama meel wax loo doontay, oo wixii laga waayo; eber.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hungo
m.dh 1. Meel aan waxba oollayn. 2. la-mid: hingo¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hungo
m.dh 1. Meel aan waxba oollayn. 2. la-mid: hingo¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hungo
f. n. emptiness, empty-handedness; disappointment
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hungo
-hungada: (n) emptiness (em-ti-nes)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hungo
(tilmaame) madhnaanta shabaagta dabashada kalluunka, shabaggii waa hungo.
hungo -da: (magac, dhedig, keli) guuldarro iyo farama-dhnaan lagala soo noqdo meel lagu hanweynaa. Dh: qadid, lugo'id.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hungo
cf: eber
de: emptiness, empty-handedness; disappointment
lx: hungo
pd: (/da)
ps: n0-f
key: hungo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hunri
(Hunri-ga)
Kulayl; uumi; oomaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hunri
m.l Kulayl badan ee qorraxeed.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hunri
m. n., (mass n.): steam, hot vapor
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Hunri
nickname-m steam, hot vapor: always hot and temperamental person. Cf: Oomaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hunri
naanays loo baxsho nin diirdiiran oo xilli kasta niyad fiican ama faraxsan.
hunri -ga: (magac, lab, keli) kulaylka iyo uumiga. Dh: oomaar, hanfi, uumi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hunri
de: steam, hot vapor
lx: hunri
pd: (-ga)
ps: n0-m-mass
syn: oomaar, uumi
key: hunri
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hunsi
-ga: (magac, lab,keli) toltolashada maro humoyday, duugawday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hurid
(Hurid-da)
1. Wax bixin; wax dhiibid; wax quurid.
2. Ka maarmid; deyn.
3. (dab) Bixid; ololid; shidmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurid
m.f.dh eeg hur². la-mid: huris².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hurid
vl. n. combustion, burning
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurid
-da: (magac, dhedig, keli) dab, ololid oo shidmid.
hurid -da: (magac, dhedig, keli) wax quudhid oo niyad u siin. Dh: huris, dhiibid, bixin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hurid
de: combustion, burning
lx: hurid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: hurid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nugid
-da: (magac, dhedig, keli) nabid oo wax meel aad ugu cadaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rugid
rųgid: m.f.dh eeg rųg².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sugid
(Sugid-da)
1. Wax la hubo ka dhigid; shaki ka saarid; runta gaarid, xaqiijin.
2. (°) Wax danbeeya ama iman doona, meel u joogsasho taniyo intay ka yimaadaan; dhawrid; korasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sugid
sugid: m.f.dh eeg sug². la-mid: sugitaan, sugniin.
sųgid: m.f.dh eeg sųg. la-mid: sųgitaan, sųgniin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sugid
vl. n. waiting, watching; expectation; assurance
sugid vl. n. affirmation, being sure ~ certain; assurance
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sugid
-da: (n) 1. the act of waiting. 2. the act of confirming; confirmation ~ sugitaan, sugis
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Sugid
Accertamento
waiting
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sugid
-da: (magac, dhedig, keli) hubin; caddayn; xaqiijin; sugis.
sugid-da: (magac, dhedig, keli) wax danbeeya ama iman doona, dhawrid. Dh: korasho, sugis.
sugid-da: (magac, dhedig, keli) ka war hayn ama adkayn. Sugidda ammaanka ayuu ciidanku ku hawlanyahay. Dh: akayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tugid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg tubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
udgid
m.f.dh eeg udug².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
udgid
-da: (magac, dhedig, keli) mid udug iyo caraf leh noqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Unkid
(Unkid-da)
Unugga hore samayn; bilaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
unkid
m.f.dh eeg unug².
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Unkid
Iniziamento
Incipience
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
unkid
-da: (magac, dhedig, keli) wax cusub samayntiisa bilaabid: unugga hore samayn. Unkidda tixdu ma hawl yara ebyiddu na ka sii daran. Dh: bilaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xugid
(Xugid-da)
Xoolo isku duuban, si degdeg ah, u kaxayn, u eryid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xugid
m.f.dh eeg xug². la-mid: hugid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xugid
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo isku duubid oo xoog u eryesho. Xogidda ka daa adhiga oo dabbaal. Dh: bullin, xurbin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yugid
-da: (magac, dhedig, keli) meel ku ligid oo dhaqdhaqaaq iyo dabac u diidid. Yugida alaabtu waa lagama maarmaan kolka jid dheer la marayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bungis
m.l la-mid: bunkis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dunmid
(Dunmid-da)
Isku duwmid; isku dubbarridmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dunmid
m.f.dh eeg duman¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dunmid
vl. n. organization, act of organizing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dunmid
-da: (magac; dhedig; keli) abaabulmid oo qof cid wax la wada ahaan. Dh: abaabulmid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dunmid
de: organization, act of organizing
lx: dunmid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: dunmid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duugid
(Duugid-da)
1. Suun ama wax la mid ah oo la jilciyo inta suunduuge ama qalab kale wax lagaga qabto.
2. (qof) tuujin: daliigid.
3. Dhulka dhexdiisa ku qarin; xabaalid; aasid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duugid
m.f.dh eeg duug³. la-mid: duug² (2), duugis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duugid
-da: (magac, dhedig, keli) faraha si farsamo iyo khibradi ku jirto jidhka ugu jijibin oo xididdada iyo muruqyada ku furfurid.
duugid -da: (magac, dhedig, keli) qof dhintay, qabri ku aasid. Duugidda maydka laguma raago.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guntid
(Guntid-da)
(xarig, kd.) guntin ama gunud u yeelid; xirid; adkayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guntid
m.f.dh eeg gunud².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guntid
-da: (magac, dhedig, keli) labo shay isku xidhid. Li: furid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haagid
(Haagid-da)
Dhab u cunid; ka dhergid; ka xiisadhicid.