hundhudh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hundhudh
(fal) murug iyo ciil muuji.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hundud
f.mg1 (-day, -dday) Cid hoos u foorarid. la-mid: rundud.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hundud
v. bend, put one's head down
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hundud
(fal) jilayc oo kala daado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hundud
de: bend, put one's head down
lx: hundud
pd: (hunduday)
ps: v1=intr
key: hundud
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hundhur
hundhur¹: m.l Madax foorarinta qof madaxa hoos u foorariyo murugo ama ciil dartiis.
hundhur²: f.mg1 (-ray, -rtay) Qof madaxa hoos u foorarin ciil ama murugo dartiis.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hundhur
m.l Madax foorarinta qof madaxa hoos u foorariyo murugo ama ciil dartiis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hundhur
-ka: (magac, lab, keli) madax foorarinta qof madaxa hoos u dhigo murugo ama ciil dartiis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hundhurid
m.f.dh eeg hundhur².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hundhursi
m.l la-mid: hundhursasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hundhurso
f.mg3 (-saday, -satay) Ciil murugo darteed madaxa hoos u foorarin (qof).
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Hundredth
Boqoleed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huudhaydh
-ka: (magac, lab, keli) dhar horay loo soo adeegsaday oo dib inta loo maydho la iibiyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gundud
-ka: (magac, lab, keli) foorar wax aad loogu mashquulsan yahay oo murugo shaqo, wadatashi ama wax la mid ah lagu fooraro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hudhid
-da: (magac, dhedig, keli) hilib iyo wixii la mid ah, hal mar ilkaha ku goosad. Dh: cantuugid, hurid, hudhis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hundho
m.l Gobaha qoriga ka samaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rundud
rundud¹: m.l la-mid: hundhur¹.
rundud²: f.mg1 (-day, -dday) la-mid: hundud²; la-mid: hundhur².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rundud
-ka: (magac, lab, keli) fadhi aan qurux badnayn oo gorod laalaadin ah. Rundudka ka kac oo kac xoogso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hud'hud
(Hud'hud-ka)
Shinbir yar oo dhor leh; guugguule.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hud-hud
m.l (-do/-dyo, m.dh) 1. Shimbir yar oo dhoor, dabo dheer iyo midab qurxoon leh. 2. Qof dadka isku dira.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hud-hud
m.l (-do/-dyo, m.dh) 1. Shimbir yar oo dhoor, dabo dheer iyo midab qurxoon leh. 2. Qof dadka isku dira.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hud-hud
m. n. cuckoo, hoopoe bird species
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hud-hud
-ka: (n) cuckoo (kuu-kuu) ~ guuguule
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hud-hud
(fal) hurdo seexo; hurud.
hud-hud-ka: (magac, lab, keli) shimbir yar oo dhoor sare leh. Hud-hud waa shimbir Qur'aanka lagu sheegay. Dh: guuguule.
hud-hud-ka: (magac, keli) qof dadka isku dirdira, Dh: diradiraale, diradiroole.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hundred
/handhredh/ (n) boqol.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
hundred
num., boqol, -ki, tiro, -adi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kunbudh
-ka: (magac, lab, keli) koob daweeyaha ka sii yar oo dareeraha lagu cabbo.
kunbudh -ka: (magac, lab, keli) ciyaarcarruureed shan dhagax lagu ciyaaro. Carruurtu kunbudh ayey ciyaaraysaa. Dh: gunbudh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xundhur
(Xundhur-ta)
1. Xanuun qabatin leh oo caloosha qabta.
2. Xuddun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xundhur
xundhur¹: m.dh (-ro, m.l) Xuddun.
xundhur²: m.dh (daawo) Cudur la is qaadsiiyo oo ku dhaca xiidmaha shuban dhiig iyo axal la socdaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xundhur
xundhur¹: m.dh (xundhurro, m.l) Xuddun.
xundhur²: m.dh (daaw.) Cudur la is qaadsiiyo oo ku dhaca xiidmaha shuban dhiig iyo axal la socdaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xundhur
f. n. navel, umbilical cord
xundhur [feminine] n. dysentery, severe stomach-ache
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xundhur
-ta: (n) 1. umbilical cord (ambili-kal koodh); navel (neey-val); umbilicus (ambili-kas) ~ xuddun caloosha. 2. central point
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xundhur
-ta: (magac, dhedig, keli) meesha mandheerta hooyadu kaga tiillay ilmaha ee caloosha badhtankeeda ah. Dh: xuddun.
xundhur-ta: (magac, dhedig, keli) xanuun qabatin leh oo kolkol qofka leh ku kaca oo calooshu aad u xanuunto.
xundhur-ta: (magac, dhedig, keli) xuddunxidh.
xundhur -ta: (magac, dhedig, keli) bar badhtameedka goobada.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
xundhur
زَحير
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yunbudh
-ka: (magac, lab, keli) fadhi kuudad ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
budhbudh
budhbudh!: (ereycodeed) lagu tusmeeyo meel ka soo bixbixitaanka sida qiiqa, abur, boodh iyo waxii la mid ah. Qiiqa budhbudha haya buulkuu ka soo baxayaa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hadhuudh
m. n., [collective] maize, jowari, millet, sorghum (grain cereal crops)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hadhuudh
-ka: (n) sorghum (soorgem); grain (gareeyn)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadhuudh
-ka: (magac, lab, keli) jaad ka mid aht badar beeraha ka baxa oo la cuno oo Soomaalidu beerato. Dh: garaw, masaggo, messeggo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hadhuudh
a: haruur {N}
de: maize, jowari, millet, sorghum (grain cereal crops)
lx: hadhuudh
pd: (-ka)
ps: n0-m-col
key: hadhuudh
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hundudid
m.f.dh eeg hundud. la-mid: rundudid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hundudid
-da: (magac, dhedig, keli) dabacsanaan iyo kala daadasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hunnuush
-ka: (magac, lab, keli) socod caga jiid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xundhuro
m.l.u Qaraabo calaaqaad wanaagsani ka dhexeeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xundhuro
-da: (magac, dhedig, keli) eeg xundhur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buudhbuudh
-ka: (magac, lab, keli) eeg buud.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuundhuun
dhuundhuun¹: m.l 1. Hilib aad loo daahiyay. 2. Miro aad u bisil. 3. la-mid: dhuundhuumid.
dhuundhuun²: f.mg1 (-uumay, -uuntay; - uumi) 1. Wax bisayldhaaf ah noqosho (hilib). 2. Wax aad u bisil noqosho (miro).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuundhuun
-ka: (magac, lab, keli) gubasho ama bislaasho xoog ah oo mataataq ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hundhursad
m.l la-mid: hundhursasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hundhursan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax hundhura ahaansho (qof).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muudhmuudh
(fal) aad u bislaw oo wax jilicsan noqo. Hilib yahaw muudhmuudh had macaanaatide. Dh: bislaaddhaaf.
muudhmuudh: (fal) aad u gubo oo googo'. Dabku dhac oo muudhmuudh had kulaylka cadaabta garatide. Dh: dumudh, googo'.
muudhmuudh -ka: (magac, lab, keli) bislaasho aad ah oo wax la kaariyayi uu si xoog ah u jilco faraha u raaco. Dh: bisayldhaaf. Li: yacyacood.
muudhmuudh-ka: (magac, lab, keli) gubasho xog ah oo dubka dadka gaadha oo dhimasho ah ama qarka loo gaadho. Dh: dummudh.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
DHUUDHUUB
[DULUB] Momordica trifoliolata 01
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuudhuum
-ka: (magac, lab, keli) bisayl farakucun ah. Dh: muudhmuudh, mannaanakh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gundhubis
-ka: (magac, lab, keli) isciilbadis iyo is'ururin. Gaaridaba hadduu liiti gabay ways gundhubisaaye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heedheedh
-ka: (magac, lab, keli) eeg haydhhaydh.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hush-hush
/hash-hash/ (infl) (adj) qarsoodi, sir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qudhqudhi
(fal) si degdeg ah oo neefsasho lahayn u cab. Caanaha dhan oo qudhqudhi. Dh: qurquri. Li: fiiti.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qudhqudho
-da: (magac, dhedig, keli) cabitaan degdeg ah oo aan la neefsan ama la nasan. Dh: qurquro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sindhiidh
-a: (magac, dhedig, keli) ur qudhmuun. Dh: siniin. Li: udgoon.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xandhadhi
(fal) wixii yaalba dhammee oo faaruqi. Tukaanka xandhadhi oo leexee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xundhur_1
de: navel, umbilical cord
hm: 1
initial: x
lx: xundhur
pd: (-ta)
ps: n1-f
syn: xuddun
key: xundhur_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xundhur_2
de: dysentery, severe stomach-ache
hm: 2
initial: x
lx: xundhur
pd: (-ta)
ps: n0-f
key: xundhur_2
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curdandhadh
(fal) geed laantii iyo wixii la mid ah, adiga oo curdan ah cawdh noqo. Dh: dhadh.
curdandhadh!: erey la isku habaaro oo la macne ah 'ha hanaqaadin'.
curdandhadh -ka: (magac, lab, keli) curdin ahaan ku dhadhid, cawdh ku noqod. Dh: dhadhid.
curdandhadh -ka: (magac, lab, keli) dhibaato waxyeello weyn gaadhsiisa qof dhallinyaro ah, sida curyaannimo, ma dhalaysnimo iwm. Wiilkii yaraa wuu curdandhadhay. Dh: qadarjab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuundhuuma
(fal) aad u karsama oo muudhmuudha. Dh: muudhmuudha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuundhuumi
(fal) wax la karinayo, aad u muudhmuudhi. Hilibka ka dhuundhuumi carruurta. Dh: muudhmuudhi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuundhuumo
f.mg3 (-uuntay, -uumatay) 1. Dhuundhuumashow ciyaarid (carruur). 2. Isqarqarin; gaggabbasho. la-mid: dhuudhuudhuumo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhuundhuumo
v. hide oneself repeatedly; play hide and seek
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuundhuumo
(fal) eeg dhuudhuumo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhuundhuumo
de: hide oneself repeatedly; play hide and seek
lx: dhuundhuumo
pd: (dhuundhuuntay)
ps: v3b=pl
key: dhuundhuumo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hindhaadhir
-ka: (magac, lab, keli) neefkaguranka uu sakaraadku weheliyo. Dh: sakaraad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kamandhuudh
-ka: (magac, lab, keli) fadhi kadalloob ah oo aan si fiican loo fadhiisan. Si kamandhuudh ah baad u fadhidaa ee si fiican u fadhiiso. Dh: kambadhuudh, kambaruur.