hummaagso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hummaagso
f.mg3 (-saday, -satay) Wax aan si fiican u muuqan eegid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hummaagso
v. peer at (on account of bad sight)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hummaagso
(fal): malluug aanay aragtidiisu qeexnayn oo durugsan si himbiriirsi ah ku eeg. Dh: himbiriirso, biciriirso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hummaagso
de: peer at (on account of bad sight)
lx: hummaagso
nt: hummaagsad (ka) [vn-m], hummaagsasho (/da) [vn-f], hummaagsi (ga) [vn-m]
pd: (hummaagsaday)
ps: v3a=
key: hummaagso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hummaagsi
(Hummaagsi-ga)
Hummaagsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hummaagsi
m.l la-mid: hummaagsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hummaagsi
-ga: (magac, lab, keli) arag aan fiicnayn wax ku eegid; malluug aan qeexnayn oo durugsan fiirin. Dh: biciriirsasho, hummaagsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hummaagsad
(Hummaagsad-ka)
Hummaagsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hummaagsad
m.l la-mid: hummaagsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dheeho
(fal) si fiican wax u hummaagso. Dheeho bal sida ay u egtahay taswiirteedu. Dh: eego.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hummaag
m.l (-gyo, m.dh) Muuqaal aan si fiican loo arag.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Hummaag
Image
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hummaag
m. n. indistinct dim view, unclear vision ~ sight; image
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hummaag
-ga: (n) 1. image (imeeyj); not real; mental picture of something. 2. unclear view of something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hummaag
-ga: (magac, lab, keli) sawirkaaga muraayadda kaaga soo baxa kolkaad isku eegto. Dh: hummaag, sawir.
hummaag-ga: (magac, lab, keli) muuqaal aan kala caddayn. Qofka indhah caad ka saarmo humaag uunbuu arkaa. Dh: muuqaal.
hummaag-ga: (magac, lab, keli) qaab loo adeegsado suugaanta oo isbarbardhig ah, sida jacaylka oo lagu shabbaho kan ka dhexeeya xoolaha.
hummaag-ga: (magac, lab, keli) marka aragtidu ay cidhiidhiga tahay ee si adag loo wax loo fiirsado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hummaag
de: indistinct dim view, unclear vision ~ sight; image
lx: hummaag
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: hummaag
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
humaagsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg humaagsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hummaagsasho
(Hummaagsasha-da)
Arag aan fiicnayn wax ku eegid; malluug aan qeexnayn oo durugsan fiirin; biciriirsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hummaagsasho
m.f.dh eeg hummaagso. la-mid: , hummaagsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hummaagsasho
-da: (magac, dhedig, keli) si hihbiriirsi ah wax u eegid. Dh: himbiriirsi, humaagsi.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Humaag
Image
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
humaag
-ga: (magac, lab, keli) sawir aan si wanaagsan u muuqan ama hadh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ummaag
m.dh Xirmo ah cawska rarada laga sameeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ummaag
-ga: (magac, lab, keli) xidhmo ah cawska rarada laga sameeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ammaanso
f.mg3 (-saday, -satay) Ku a.: cid ammaano u dhiibasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ammaanso
f.mg3 (-saday, -satay) Ku a.: cid ammaano u dhiibasho. m.f.dh, ammaansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ammaanso
(fal) ammaano ahaan u soo qaado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hagaagso
f.g3 (-saday, -satay) Wax si toosan ama wanaagsan ka dhigasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hagaagso
f.g3 (-saday, -satay) Wax si toosan ama wanaagsan ka dhigasho. m.f.dh, hagaagsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hamaahso
(fal) afka kala waax oo kala qaad. Ilkaha ha lagu eegee hamaahso. Dh: hamaanso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hamaanso
f.mg3 (-saday, -satay) 1. Hurdo ama caajis awgiis af la kala qaadid. 2. Naftii baa ka h. satay: wuu dhintay. 3. la-mid: hamaan².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hamaanso
f.mg3 (-saday, -satay) 1. Hurdo ama caajis awgiis af la kala qaadid. 2. Naftii baa ka h. satay: wuu dhintay. 3. la-mid: hamaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hamaanso
v. yawn, gape
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hamaanso
-hamaansaday / hamaansatay: (v) yawn (yoon)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hamaanso
(fal) astaanta in ay hurdo ku hayso laga garto yeelo oo afka kala waax, oo neef badan ka keen.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hamaanso
de: yawn, gape
lx: hamaanso
nt: hamaansad (ka) [vn-m], hamaansasho (/da) [vn-f], hamaansi (ga) [vn-m]
pd: (hamaansaday)
ps: v3a=
key: hamaanso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hummaaji
f.g2 (-iyay, -isay) Wax cid u baacin si loo cabsi geliyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hummaaji
v. wound, strike
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hummaaji
(fal) gacan ama nabar u tag. Dh: gaaci.
hummaaji: (fal) aad u cantuug. Waa la addimee timirta humaaji. Dh: maggaabi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hummaaji
de: wound, strike
lx: hummaaji
nt: hummaajis (ka) [vn2a-m]
pd: (hummaajiyey)
ps: v2a=
key: hummaaji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hummajis
m.l la-mid: hummajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rummayso
f.mg3 (-stay, -satay) la-mid: rum-mayo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rummayso
f.mg3 (-stay, -satay) Qof rummay ilkaha ku nadiifsasho. m.f.dh, rummaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heemaarso
f.g3 (-saday, -satay) 1. Wax heensasho. 2. Wax dufan ka qaadasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
heemaarso
v. drain; sip ~ swallow (the last remains in a container); skim; degrease something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heemaarso
(fal) heemi oo ha hambayn. Dh: heenheensi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
heemaarso
de: drain; sip ~ swallow (the last remains in a container); skim; degrease s.t.
lx: heemaarso
pd: (heemaarsaday)
ps: v3a=tr
key: heemaarso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
humaagsad
-ka: (magac, lab, keli) si araggeegu cidhiidhi yahay, wax ugu fiirsad. Dh: hummaagsasho, biciriirsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hummaajin
(Hummaajin-ta)
Gacan ama nabar u taagid; gaacin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hummaajin
m.f.dh eeg hummaaji. la-mid: hummaajis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hummaajin
-ta: (magac, dhedig, keli) gacan ama nabar u taagid. Dh: waabin, gaacin, hummaajis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hummaajis
(Hummaajis-ka)
Hummaajin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hummaajis
-ka: (magac, lab, keli) eeg hummaajin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku maadso
v. make fun of, laugh at, amuse oneself at someone else's expense
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ku_maadso
de: make fun of, laugh at, amuse oneself at s.o. else's expense
lx: ku maadso
pd: (maadsaday)
ps: v3a=expr
key: ku_maadso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhammaansho
(Dhammaansha-ha)
Wax dhan ama dhammaaday ahaansho; wax idil ama idlaaday noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhammaansho
m.l/dheeg dhammow. la-mid: dhammaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhammaansho
vl. n., [abstract] completeness, completion; state of being complete
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhammaansho
-dhammaanshaha: (n) completeness (kom-pliit-nas); completion (kom-pilii-shin) ~ gababayn. -Syn. close, end, finish, conclusion, termination
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhammaansho
-da: (magac, dhedig, keli) wax idlaaday ama dhammaaday ahaansho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhammaansho
de: completeness, completion; state of being complete
lx: dhammaansho
pd: (/ha)
ps: vn-m-abs
key: dhammaansho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
humaagsasho
-da: (magac, dhedig, keli) si araggeegu cidhiidhi yahay, wax ugu fiirsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhammaanjo
m.dh Geed-gaab dhulka ku faalala xididkiisana laga dhigto cabagta lagu baalo gammuunka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dumnaansho
m.l/dh la-mid: dumnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hufnaansho
m.l/dh la-mid: hufnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hufnaansho
-ha: (magac, dhedig, keli) eeg hufnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hugnaansho
m.l/dh la-mid: hugsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hulnaansho
m.l/dh la-mid: hulnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurnaansho
m.l/dh la-mid: hurnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jumladayso
(fal) alaabta aad gadanaysid, si jimlo ah u iibso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rummayasho
m.f.dh eeg rummayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rummayasho
-da: (magac, dhedig, keli) rummay ilkaha ku nadiifsasho; cadayasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tumnaansho
m.l/dh la-mid: tumnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tumnaansho
-ha: (magac, lab, keli) wax meel la tumay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhimmanaasho
m.dh (daaw.) Xaalad uu koritaanka maskaxdu horay u joogsatay ama ay maskaxdu si aan dhammayn u kortay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuumaalayso
f.mg3 (-stay, -satay) 1. Dhuu mashow cayaarid (qof). 2. Gaggabbasho; dhuundhuumasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhuumaalayso
f.mg3 (-stay, -satay) 1. Dhuumashow cayaarid (qof). 2. Gaggabbasho; dhuundhuumasho. m.f.dh, dhuumaalaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhuumaalayso
v. play hide-and-seek; hide oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuumaalayso
(fal) dhuumaalaysi ciyaar. Orod carruurta la soo dhuumaalayso
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhuumaalayso
cf: dhuumo
de: play hide-and-seek; hide oneself
lx: dhuumaalayso
pd: (dhuumaalaystay)
ps: v3b=intr
key: dhuumaalayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qummanaansho
(Qummanaansha-ha)
Wax qumman ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qummanaansho
m.l/dh la-mid: qummanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qummanaansho
-ha: (magac, lab, keli) wax qumman ahaansho. Dh: fiicnaan. Li: qaldanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ammaag
f.g1 (-gay, -gtay) Ciid ku aasid (god, dab iyo wixi lamida). la-mid: amaag.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ammaag
(fal) god, dab ama wax kale, ciid ku aas.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gumaas
nickname-m clean cut, smooth and short
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haadso
f.g3 (-saday, -satay) Cid dhibaato haysata darteed uga faa'iideysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hąadso
f.g3 (-saday, -satay) Badar buunsho ka saarasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haadso
hąadso: f.g3 (-saday, -satay) Badar buunsho ka saarasho. m.f.dh, hąadsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haadso
v. exploit, take advantage of someone's weakness in order to harm him/her
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haadso
(fal) cid kale, dagaal ugu bood; ku bood oo xuubso. Dh: ku bood.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haadso
de: exploit, take advantage of s.o.'s weakness in order to harm him/her
lx: haadso
nt: haadsasho (/da) [vn6-f] 'exploitation'
pd: (haadsaday)
ps: v3a=
key: haadso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maadso
f.mg3 (-saday, -satay) Ku m.: qof ku dheeldheelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maadso
f.mg3 (-saday, -satay) Ku m.: qof ku dheeldheelid. m.f.dh, maadsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maadso
(fal) eeg maadeyso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maanso
(Maansa-da)
Magac guud oo suugaaneed oo kooba waxyaalo badan oo la tirsho, sida gabayga iyo masafada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maanso
m.dh (-ooyin, m.l) Suugaanta qayb ka mid ah oo ka kooban waxyaabo badan oo la tirsho sida, gabayga, masafada, heesta iyo wixi lamida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maanso
m.dh (-ooyin, m.l) Suugaanta qayb ka mid ah oo ka kooban waxyaabo badan oo la tirsho sida, gabayga, masafada, heesta iyo wixi lamida.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maanso
f. n. poem, verses, poetry