humin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
humin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg humid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhumin
m.f.dh eeg dhumi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhumin
-ta: (magac, dhedig, keli) hallayn oo wax la waayay ka dhigid. Lacagta waan kuu dhiibi lahaaye dhumin baan ka baqayaa. Dh: hallayn, lumin.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
humain
humain, adj. - bani'aadam.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shumin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhunkasho. Dh: dhunkasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dumin
(Dumin-ta)
Wax dhisan (aqal, kd.) oo la jebsho, la soo rido.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dumin
m.f.dh eeg dumi. la-mid: dumis¹.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dumin
-ta: (n) destruction (dis-tarak-shin); demolition (dhe-mi-lishin); tearing apart ~ burburin
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dumin
Demolizione
Demolition
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dumin
-ta: (magac, dhedig, kali) dhisme taagnaa, burburin ama baabi'in. Wax dumin way fudduddahay wax dhisidna way cululstahay. Li: dhisid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hubin
(Hubin-ta)
(war, arrin) runteeda gaarid; shaki ka bixin; salgaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hubin
m.f.dh eeg hubi.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
HUBIN
Accertamento
Ascertainment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hubin
-ta: (magac, dhedig, keli) war ama arrin jiriddeeda ka sal gaadhid. Dh: xaqiijin, hubsasho, hubsiimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hugin
m.f.dh eeg hugi.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
human
/hyuuman/ (n) 1. insaan, dad, aadane. (adj) 2. insaan-ah, (insaaniyad leh).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Humid
(Humid-da)
(calal, kd.) toltolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
humid
m.f.dh eeg hun².
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
humid
/hyuumidh/ (adj) qoyan, sayax ah, sida cimilo hawada ay ku jirto uumi-biyood iwm.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Humid
Dheel, qoyaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
humid
-da: (magac, dhedig, keli) toltolid maro calal ah. Dh: tolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hurin
(Hurin-ta)
(dab) Bixin; ololin; shidid; noolayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurin
m.f.dh eeg huri. la-mid: huris¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurin
-ta: (magac, dhedig, keli) dab, ololin ama shidid. Hurinta dabku ma cusla. Dh: bakhtiin.
hurin-ta: (magac, dhedig, kel) koox ciidan ah oon tiro badnayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Huwin
(Huwin-ta)
Dhar ama maryo ku daboolid, ku dedid, korka ka saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huwin
m.f.dh eeg huwi. la-mid: huwis, huwisiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huwin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhar ama maryo dul ka saarid ama ku dedid. Dh: huwis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lumin
(Lumin-ta)
Wax hallaabay ka dhigid; habaabin; anbin.
2. Xoorid; khasaarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lumin
m.f.dh eeg lumi. la-mid: lumis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lumin
-ta: (magac, dhedig, keli) jidka toosan ka leexin. Dh: khatalid, lumis.
lumin-ta: (magac, dhedig, keli) ka yeelista wax hallaabay oon gacan lagu hayn. Dh: hallayn, fakin, ambin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qumin
(Qumin-ta)
1. Hagaajin, toosin; dhab ka dhigid; suuraggelin.
2. Meel aadsiin; wadid;
3. (u-qumin) U farsamayn; u toosin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qumin
m.f.dh eeg qumi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qumin
-ta: (magac, dhedig, keli) hal awr u fadhi sin oo abaahinta u fududayn. Geeljiruhu wuu ya qaan quminta hasha rimaysa. Dh: qumis.
qumin -ta: (magac, dhedig, keli) hagaajin oo too- sin. Quminta hawsha waa adi. Dh: suuragelin.
qumin -ta: (magac, dhedig, keli) hawl iyo wixi lamid ah, fulin. Ninba quminta hawshiisa ha u dhaqaago. Dh: dhaqaajin, qumis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uumin
m.f.dh eeg uumi. la-mid: uumis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uumin
-ta: (magac, dhedig, keli) biyo kulaylin oo uumi ka samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hirrig
(Hirrig-ta)
Meel dhir badan; jiq; humin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhumbin
m.dh la-mid: yumbin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhumbin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax meel wada gelin; ku wada limmin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shummin
m.dh la-mid: shummayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shummin
vl. n. kiss, act of kissing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shummin
-ta: (n) the act of kissing ~ shummis, dhunkasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shummin
-ta: (magac, dhedig, keli) labada faruuryood oo kalkacayl ahaan loo saaro meel ka mid ah jidhka qof kale...
shummin -ta: (magac, dhedig, keli) dhunkasho, shumis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shummin
a: shummayn
de: kiss, act of kissing
initial: s
lx: shummin
pd: (-ta Pl: shushummin (ta))
ps: vn8-f
key: shummin
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
chemin
chemin, n.m. - Waddo; Jid; Marin; Wadiigo; Waddo-luuqeed; Dariiq.
chemin de fer - Tareen rasto-biro ah; saldhigga tareenka,
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhimin
m.dh la-mid: damqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhumid
(Dhumid-da)
Wax la waayey noqosho; hallaabid; habaabid; lumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhumid
m.f.dh eeg dhun.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhumid
-da: (magac, dhedig, keli) hallaabid oo wax la waayay noqosho. Wiilka yari magaalada ma garanayee dhumidda ka ilaali. Dh: hallaabid, lumid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhusin
-ka: (magac, lab, keli) dhulka xaggiisa hoose ee kaydisa nacfiga biyaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhutin
(Dhutin-ta)
Qof ama nafley kale oo lug la', socodkiisa; heetin; (ama dhitin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhutin
m.f.dh eeg dhuti. la-mid: dhitin, dhitis, dhutis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhutin
vl. n. limping, lameness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhutin
-ta: (n) limpness (limp-nes); flabbiness (falaabi-nes)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhutin
-ta: (magac, dhedig, keli) lug ka hoombin oo ka laangadhayn. Dh: dhitin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhutin
cf: heeti, muurri
de: limping, lameness
lx: dhutin
pd: (-ta)
ps: vn2-f
key: dhutin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dufmin
-ta: (magac, dhedig, keli) duf u yeelid; dunta oo inta shaal loo yeelo cidhifka go'yaasha laga lulo. Dunta guudka iyo shaalka waa loo dufminayaaye. Dh: fadhqin, dufayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulmin
m.dh la-mid: dulmiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulmin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid ku gefid oo caddaaladdarro kula dhaqmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haamin
(Haamin-ta)
Kasha iyo laabta arrin ku hayn, ka dhisid, ka maamulid; hindisid; taawin; saababayn; maamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haamin
m.f.dh eeg haami.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haamin
-ta: (magac, dhedig, keli) arrin kashka iyo laabta ku hayn; maanka ka maamulid oo ka dhisid. Dh: hammiyid, maamin, taawin, sababayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hammin
m.dh la-mid: hammiyid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hammin
vl. n. worrying, anxiety; confusion (caused by thinking too much)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hammin
-ta: (magac, dhedig, keli) walbahaarid; welwelid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hammin
de: worrying, anxiety; confusion (caused by thinking too much)
lx: hammin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: hammin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harmin
m.f.dh eeg harmi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
harmin
vl. n. contamination
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
harmin
de: contamination
lx: harmin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: harmin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heemin
(Heemin-ta)
Heenka ka dhurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heemin
m.f.dh eeg heemi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heemin
-ta: (magac, dhedig, keli) dareere la cabbayo dhammayn, fuuqsasho.
heemin -ta: (magac, dhedig, keli) hilib ama lafo karsamaya, duffanka dusha soo mara, ka dhurid.
heemin-ta: (magac, dhedig, keli) heenka ka dhurid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hem in
/hem-in/ (v) hareerayn, isku-xeerid. e.g. The whole army was hemmed in by the enemy.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Himlin
(Himlin-ta)
Wax kor u qaadid si lagu ogaado culayskiisu inuu weyn yahay ama yar yahay; tijaabin; iskudeyid; baxnaanin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
himlin
m.f.dh eeg himli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
himlin
-ta: (magac, dhedig, keli) kor u hinjinta wax culayskiisa in la garto la doonaayo. Himlintu waa qiyaase miisaan dhab ah maaha. Dh: hinjin, hollin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hodmin
m.f.dh eeg hodmi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hodmin
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo badan yeelasho; tanaadid; taajirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
holmin
m.f.dh eeg holmi. la-mid: holmis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hufmid
m.f.dh eeg hufan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hugmid
(Hugmid-da)
Hadal hugun ah, ku hadlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hugmid
m.f.dh eeg hugan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hugmid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal gurxan iyo buuq ah ku hadlid. Ninka buka hugmidda kala dul tega. Dh: gurxamid, yabqamid, buuqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hulbin
(Hulbin-ta)
Hawl degdeg u qabasho; wax gurgurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hulbin
m.f.dh eeg hulbi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hulbin
-ta: (magac, dhedig, keli) hawl, degdeg u qabasho, u gurgurid.
hulbin -ta: (magac, dhedig, keli) meel cidhiidhi ah marin. Hulbinta ka daa waxaraha yaryar.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
humane
/hyuumeyn/ (adj) bini-aadninimo leh, ibni-aadanimo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
humide
humide, adj. - hawada oo qoyaan ku dhex jira (cimilo); suyuc; qoyaan; dharab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hunmid
-da: (magac, dhedig, keli) calal iyo wixii la mid ah, toltolid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hunmis
-ta: (magac, dhedig, keli) calal toltolid. Dh: humid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurdin
m.f.dh eeg hurdin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Huurin
(Huurin-ta)
Meel huur ah dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huurin
m.f.dh eeg huuri³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huurin
-ta: (magac, dhedig, keli) neecawda iyo dabayshaba ka xidhid. Ninka buka huurintu uma fiicna Dh: huuris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huutin
-ta: (magac, dhedig, keli) si gaabis ah u socod. Dh: huutis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kulmin
(Kulmin-ta)
Meel isugu keenid; shirin; isgaarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kulmin
m.f.dh eeg kulmi. la-mid: kulmis¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kulmin
-ta: (magac, dhedig, keli) dad, meel isugu keenid. Dh: shirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kumbin
m.f.dh eeg kumbi. la-mid: yumbin. la-mid: kumbis (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kumbin
-ta: (magac, dhedig, keli) biyo wada gelin oo quusin. Dh: kumbis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mu'min
(Mu'min-ka)
Qof Muslin ah oo iimaan wanaagsan leh; aan kaafir ahayn; Ilaah-ka-cabsi badan; toobad badan; Muslin; (ama muumin).