huldhabid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huldhabid
-da: (magac, dhedig, keli) iil qodid; loxod qodid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gundhabid
-da: (magac, dhedig, keli) gundhab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hullaabid
m.f.dh eeg hullow. la-mid: hillaab, hillaabid, hillaab¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hullaabid
-da: (magac, dhedig, keli) hab dharka loo huwado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaldhabid
-da: (magac, dhedig, keli) sakaraadid co naf daraareed jiif iyo joogba diidid. Qaldhabid lama garan waayo. Dh: sakaraadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuldhicid
m.f.dh eeg dhuldhac². la-mid: dhuldhac¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuldhicid
-da: (magac, dhedig, keli) taagdarro ama bugtaan xoog ah la dhicid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuurdhabid
-da: (magac, dhedig, keli) qaldhabid oo sakaraad neefta la gurid. Dh: sakaraadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hudhid
-da: (magac, dhedig, keli) hilib iyo wixii la mid ah, hal mar ilkaha ku goosad. Dh: cantuugid, hurid, hudhis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huldhaw
(fal) iil qod, loxod qod.
huldhaw -ga: (magac, lab, keli) dalool darbiga labada dhinac isaga baxa.
huldhaw -ga: (magac, lab, keli) iilka meydka la dhigo ee xabaal farasta xagga qiblada laga qudo. Dh: iil, luxud.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ildabid
-da: (magac, dhedig, keli) il isku qabasho ujeeddo leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afdhabid
-da: (magac, dhedig, keli) qof, wax aanu odhan ka sheegid; si wanjelid ah wax uga sheegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haldhaji
m.l la-mid: dhaji.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haldhami
f.g2 (-iyay, -isay) Badar haldhan ka saarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haldhami
-da: (magac, dhedig, keli) badar, haldhan ka saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Huddamid
(Huddamid-da)
Socod tabar yar socosho; luudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huddamid
m.f.dh eeg huddan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huddamid
-da: (magac, dhedig, keli) socod tabar yar socosho. Dh: tukubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hulaaqid
(Hulaaqid-da)
Qiiqaabidda hore oo dabka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hulaaqid
m.f.dh eeg hulaaq². la-mid: hulaaq¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hulaaqid
-da: (magac, dhedig, keli) is qabsi iyo baahidda dabka huraya. Dabayshaa dabka hulaaqidda ugu wacan. Dh: hurid, baahid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hulkamid
(Hulkamid-da)
(dab) shidmid; bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hulkamid
m.f.dh eeg hulkan². la-mid: hulkan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hulkamid
-da: (magac, dhedig, keli) dab shidmid, bixid, hurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hurdamid
(Hurdamid-da)
Hurdan cayaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurdamid
m.f.dh eeg hurdan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurdamid
-da: (magac, dhedig, keli) madaxa ku dagaallamid.
hurdamid -da: (magac, dhedig, keli) hurdan cayaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhadhabid
(Dhadhabid-da)
Hurdada gudaheeda muuqaallo kala jaad ah, maanka ku arkid; riyood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhadhabid
m.f.dh eeg dhadhab². la-mid: dhadhab¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhadhabid
-da: (magac, dhedig, keli) adiga oo hurda, dhacdooyin sawiran ku riyood. Dhadhabidda hurdadu ma runbaa ma riyaa?
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duldhigid
m.f.dh eeg duldhig.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duldhigid
-da: (magac, dhedig, keli) wax kor saarid oo dushiisa dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haldhable
-ha: (magac, lab, keli) haldhabaalewax ku gurasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haldhamin
m.f.dh eeg haldhami. la-mid: haldhamis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haldhamis
m.l la-mid: haldhamin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halgaabid
-da: (magac, dhedig, keli) wax gacanta ku qabasho oo meel fog ku tuurid. Dh: halgaadis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hallaabid
(Hallaabid-da)
1. Xoolo ama alaabo aan la aqoon meel ay aadeen ama jiraan; baxsasho; lumid.
2. Waxyeello gaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hallaabid
m.f.dh eeg hallow².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hallaabid
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo ama alaabo meel lagu ogaa ka waayid iyadoon sababta maqnaashana la garanayn. Dh: baadiyow, lumid, dhumid, waayid. Li: helid.
hallaabid-da: (magac, dhedig, keli) wax xumaaday noqosho. Dh: kharribmid, xumaad, cilladaysasho, caddilmid, kharribnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hillaabid
m.dh la-mid: hullaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hillaabid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg hillaabad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hullaabad
(Hullaabad-ka)
Hullaabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hullaabad
m.l la-mid: hullaabasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hullaabad
-ka: (magac, lab, keli) hab loo huwado go'a oo iyada oo aan madaxa lagu qarin, qaarka sare loogu duubo, gacmuhuna hawl u bannaadaan. Dh: hullaabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hundhurid
m.f.dh eeg hundhur².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kuldhibib
m.l (daaw.) Xaalad cudureed ay xubnaha saxa kulka jirka hawlgabaan taas oo keenta kulka jirka oo kor u kaca,dhidid la'aan iyo miyir beel.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuldhibib
-ka: (magac, lab, keli) (daawo) xaalad cudureed ay xubnaha saxa kulka jirka hawlgabaan taas oo keenta kulka jirka oo kor u kaca,dhidid la'aan iyo miyir beel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magdhabid
m.f.dh eeg magdhaw².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magdhabid
-da: (magac, dhedig, keli) qof waxyeello loo geystey ama wax laga bi'iyay mag ka bixin oo wixii gaadhay beddelkiisii ciddii lahayd siin. Reerkii baabuurka iga jejebiyay magdhabid ayay oggolaadeen.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaldhacid
-da: (magac, dhedig, keli) qallixid oo hal diidaysa labo loox ama qori sanka kaga xidhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaldhebid
m.f.dh eeg qaldheb.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sardhabid
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo la horayo kala celin ama dib u celin. Sardhabiddii adhigaan ku daalay. Dh: horid, sardhin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuundhebid
m.f.dh eeg dhuundhaw². la-mid: dhuundhaw¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuundhebid
-da: (magac, dhedig, keli) gawricid oo dhuunta middi kaga taagid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhagdhaqid
-da: (magac, dhedig, keli) weel biyo yar ku xallayn. Dh: xallayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhandhamid
m.dh la-mid: dhadhamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhandhamid
-da: (magac, dhedig, keli) sida cunto ama cabbitaan carrabku u dareemo oo uu dhandhankoogu yahay. Dh: dhadhamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaqdhaqid
(Dhaqdhaqid-da)
Dhawr jeer biyo ku xalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqdhaqid
m.f.dh eeg dhaqdhaq². la-mid: dhaqdhaq¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaydhayid
-da: (magac, dhedig, keli) dawayn oo nabar wixii uu ku bogsan lahaa u samayn. Dh: dhayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhildhilid
m.f.dh eeg dhildhil.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhildhilid
-da: (magac, dhedig, keli) liimanka arabikhida ama xasiidda kolba liin firida ka daadin.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhul aasid
Aggradation
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhul jarid
Degradation
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhul-aasid
m.dh (jool) Dariiqadda uu webigu ku dhigo ama ku fuulo meelaha godgodan waxyaabaha adag ee uu sido.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhul-aasid
m.dh (jool) Dariiqadda uu webigu ku dhigo ama ku fuulo meelaha godgodan waxyaabaha adag ee uu sido.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fooldhaqid
-da: (magac, dhedig, keli) wejiga biyo ku maydhid. Dh: wajidhaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haldhacsad
(Haldhacsad-ka)
Haldhacsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haldhacsad
m.l la-mid: haldhacsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haldhacsad
-ka: (magac, lab, keli) «ka ~» hadal xog ah oo la qarinayey, si xirrib leh qof uga soo ridasho. Dh: haldhacsasho, haldhacsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haldhansad
m.l la-mid: haldhansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoosdhebid
m.f.dh eeg hoosdhaw². la-mid: hoosdhaw¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khaddaabid
m.f.dh eeg khaddaab².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khalkhalid
(Khalkhalid-da)
Khalkhal noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khalkhalid
m.f.dh eeg khalkhal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khalkhalid
-da: (magac, dhedig, keli) jahawareer iyo khalkhal qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kul-dhibib
m.l (daawo) Xaalad cudureed ay xubnaha saxa kulka jirka hawlgabaan taas oo keenta kulka jirka oo kor u kaca,dhidid la'aan iyo miyir beel.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quwadjabid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg quwadjab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shulshulid
m.f.dh eeg shulshul².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shulshulid
-da: (magac, dhedig, keli) shushul u samayn; faraq u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suuldaarid
m.f.dh eeg suuldaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuldaarid
-da: (magac, dhedig, keli) suuldaar u dhigid; jillaafid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaabdhaabid
m.f.dh eeg dhaabdhaab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaabdhaabid
-da: (magac, dhedig, keli) wax badan qodqotomin oo dhulka ku taagtaagid.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cudbid
Conduct ion
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cudhid
-da: (magac, dhedig, keli) jidhka oo xadhig ama wax la mid ah lagu giijiyo si uu barar u yeesho.
cudhid-da: (magac, dhedig, keli) dareenka in wax qofka haya, sida kaadi ama mantag, aanu isku celin karin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daabid
(Daabid-da)
Daab la qabto u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daabid
m.f.dh eeg daab³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daabid
-da: (magac, dhedig, keli) wax daabi ku dhacday oo buka noqosho. Nirgaha daabidda ka ilaaliya. Dh: daabis.
daabid-da: (magac, dhedig, keli) gudun, billaawe. taki, dongore iyo wixii la mid ah, daab u samay. Dh: daabis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhabad
(Dhabad-ka)
(dabayl) babbad; dhaqdhaqaaq; kacaan; ruxad; dhabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabad
m.l la-mid: dhabasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhabad
m. n. shaking in the wind; shake-up; revolution
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabad
-ka: (magac, lab, keli) dhaqdhaqaaq degdeg ah. Dh: babbad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhabad
de: shaking in the wind; shake-up; revolution
lx: dhabad
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: dhabad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhacid
-da: (magac, dhedig, keli) meel sare ka soo hoobasho oo dhulka ku soo dhicid.
dhacid-da: (magac, dhedig, keli) suuxid oo iskala garanwaayid. Dh: dhicis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhadid
m.dh eeg dhad. la-mid: dharid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhafid
(Dhafid-da)
Labo wax ama ka badan oo kala jaad ah isku dhexdarid oo mid ka dhigid; isku darid; isku dheehid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhafid
m.f.dh eeg dhaf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhafid
-da: (magac, dhedig, keli) wax isku dardarid oo isku mulaaqid. Digirta iyo bariiska ayaa isku dhafidda ku macaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhalid
(Dhalid-da)
1. Ummulid.
2. Ilmo ama carruur aabbe ama hooyo u noqosho.
3. Soo saarid.