hulbin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hulbin
(Hulbin-ta)
Hawl degdeg u qabasho; wax gurgurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hulbin
m.f.dh eeg hulbi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hulbin
-ta: (magac, dhedig, keli) hawl, degdeg u qabasho, u gurgurid.
hulbin -ta: (magac, dhedig, keli) meel cidhiidhi ah marin. Hulbinta ka daa waxaraha yaryar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hubin
(Hubin-ta)
(war, arrin) runteeda gaarid; shaki ka bixin; salgaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hubin
m.f.dh eeg hubi.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
HUBIN
Accertamento
Ascertainment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hubin
-ta: (magac, dhedig, keli) war ama arrin jiriddeeda ka sal gaadhid. Dh: xaqiijin, hubsasho, hubsiimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hulbi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Ari cayrin. 2. Wax dedejin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hulbi
v. work quickly, hurry, rush
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hulbi
(fal) hawl, si degdeg ah u qabo. Dh: deddeji.
hulbi: (fal) meel cidhiidhiya mari. Waa gabal dhacaye hulbi adhiga oo hoo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hulbi
de: work quickly, hurry, rush
lx: hulbi
pd: (hulbiyey)
ps: v2a=
key: hulbi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mulbin
m.f.dh eeg mulbi. la-mid: mulbis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qulbin
m.f.dh eeg qulbi. la-mid: qulubsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qulbin
-ta: (magac, dhedig, keli) ku walacsad. Had- daad i siinayn qulbinta iga daa. Dh: walcin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sulbin
m.f.dh eeg sulbi. la-mid: sulbis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhumbin
m.dh la-mid: yumbin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhumbin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax meel wada gelin; ku wada limmin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hubi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax runtooda gaarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hubi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax runtooda gaarid. m.f.dh, hubin.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Hubi
Check
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hubi
v. make sure of, verify; ascertain, investigate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hubi
-yey / say: (v) make certain; make sure; prove (puruuf); verify (veerifaay) ~ xaqiiji, hubso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hubi
(fal) war ama arrin runteeda gaadh; shaki bixi; ka salgaadh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hubi
de: make sure of, verify; ascertain, investigate
lx: hubi
pd: (hubiyey)
ps: v2a=tr
key: hubi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulin
m.l (-nno, m.dh) 1. Cayayaanka yaryar ee xoolaha ku dul nool; qaniin; deriskunnoole.. 2. la-mid: dulmi¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dulin
m.l (-nno, m.dh) 1. Cayayaanka yaryar ee xoolaha ku dul nool; qaniin; deriskunnoole.. 2. la-mid: dulmi¹.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dulin
-ta: (n) parasite (paarasayt) ~ noole ku dhul nool kale
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulin
-ka: (magac, lab, keli) shilinta ku dhalata xoolaha ee ku nool dhiigooda iyo dheecaankooda. Dh: qaniin, dulan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fulin
(Fulin-ta)
1. (xoolo) meesha ay u soo arooreen oo biyaha ka cabbeen ka kaxayn, ka wadid.
2. (arrin) meel marin; dhab ka dhigid; dhaqan gelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fulin
m.f.dh eeg fuli.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
fulin
execution
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fulin
vl. n. fulfillment, accomplishment, satisfaction, implementation, execution
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fulin
-ta: (n) the act of fulfilling; fulfilment (fulfilment)-, performance (peerfoor-mansi); completion
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Fulin
Esecuzione
Implementation; execution
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fulin
-ta: (magac, dhedig, keli) arrin ka dhabayn oo hirgelin. Dh: fulis.
fulin-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo, meelsha ay u soo arooreen oo biyaha ka cabbeen ka kaxayn oo ka dareerin. Dh: fulis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fulin
de: fulfillment, accomplishment, satisfaction, implementation, execution
lx: fulin
pd: (-ta)
ps: vn2-f
key: fulin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hilin
(Hilin-ka)
Waddo weyn oo haloosi ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hilin
m.l (-immo/-nno, m.dh) Waddo ay samaysay cagta dadka ama xoolaha.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hilin
m.l (-immo/-nno, m.dh) Waddo ay samaysay cagta dadka ama xoolaha.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hilin
m. n. road, street, avenue
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hilin
-ka: (n) path (paath); route (ruut). Ex: hilinka toosan; the right path
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Hilin
magac loo baxsho wiil dhashay xilli reerku uu geeddi ahaa. Waxa kale oo loo baxshaa wiil toosan sida hilinka ama caato ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hilin
-ka: (magac, lab, keli) dariiq ama waddo la maro. Dh: dariiq, waddo, jid, marrin, daw.
hilin-ka: (magac, lab, keli) jidka lagu gaadho summadaha iyo jaantusyada gaar ahaaneed ee xogta sayniska iyo xisaabta. Dh: jid, tub.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hilin
cf: haloosi, waddo
de: road, street, avenue
lx: hilin
pd: (-ka)
ps: n2c-m
key: hilin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hubid
(Hubid-da)
Runteeda dhab loo og yahay; aad wax uga warqabid; ka warhayn aan shaki ku jirin; sugan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hubid
m.f.dh eeg hub².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hubid
-da: (magac, dhedig, keli) warhayn aan shaki ku jirin; wax runteeda dhab loo og yahay. Dh: hubis, sugnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hubis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg hubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hugin
m.f.dh eeg hugi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hulan
La huley; hul loo yeelay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hulan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) God si hul ah loo qoday ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hulan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) God si hul ah loo qoday ahaansho. m.f.dh, hulnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hulan
der. [adjective] cracked, with a chink
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hulan
(tilmaame) wax dusha ka xidhan hoostana ka bannaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hulan
de: cracked, with a chink
lx: hulan
pd: (hulnaa)
ps: adj-der
key: hulan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hulid
m.f.dh eeg hul².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hulid
-da: (magac, dhedig, keli) qodid oo dheerayn, fogayn; hulis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hulis
-ta: (magac, dhedig, keli) god qodis oo dheerayn. Dh: hulid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
humin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg humid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hurin
(Hurin-ta)
(dab) Bixin; ololin; shidid; noolayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurin
m.f.dh eeg huri. la-mid: huris¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurin
-ta: (magac, dhedig, keli) dab, ololin ama shidid. Hurinta dabku ma cusla. Dh: bakhtiin.
hurin-ta: (magac, dhedig, kel) koox ciidan ah oon tiro badnayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Huwin
(Huwin-ta)
Dhar ama maryo ku daboolid, ku dedid, korka ka saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huwin
m.f.dh eeg huwi. la-mid: huwis, huwisiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huwin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhar ama maryo dul ka saarid ama ku dedid. Dh: huwis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mulbi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax tuugo ku dhammayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mulbi
-da: (magac, dhedig, keli) wax tuugo ku dhammayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qulbi
f.g2 (iyay, -isay) Ciil iyo murugo cid ku beerid. la-mid: qulubsii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qulbi
v. disturb, annoy, worry, depress
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qulbi
(fal) ku walacso. Dh: walacso
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qulbi
de: disturb, annoy, worry, depress rw: qulub
lx: qulbi
pd: (qulbiyey)
ps: v2a=tr
key: qulbi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sulbi
f.g2 (-iyay, -isay) Hawl si dhaqso leh u deddejin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sulbi
(fal) hawl si dhaqso leh u dedejin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tubin
m.f.dh eeg tubi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tubin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax badan meel isu keenid. Dh: xoomin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xubin
1. (Xubin-ka) Dadka maamul ama urur ka kooban yahay, midkiiba.
2. (Xubin-ta) Qaybaha oogada nafleyda, middiiba, siiba inta labo kalaggoys u dhexaysa ama isku cad ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xubin
m.dh (-bno, m.l) 1. Qaybaha oogada nafleyda middiiba, siiba inta laba kalaggoys u dhexaysa ama isku cad ah. 2. Dadka maamul ama urur ka koobanyahay, midkiiba.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xubin
m.dh (-bno, m.l) 1. Qaybaha oogada nafleyda middiiba, siiba inta laba kalaggoys u dhexaysa ama isku cad ah. 2. Dadka maamul ama urur ka koobanyahay, midkiiba.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xubin
Component
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xubin
m. n. limb, joint; body part, internal organ; segment; branch; member (of team ~ group); syllable {grammar}
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xubin
-ta: (n) [Pl. xubno -xubnaha] organ (oorgan); part (paart); member (mem-ber)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
XUBIN
Membro
Member
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Xubin
Membro
Member
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xubin
-ta: (magac, dhedig, keli) kala goyska laba lafood u dhexeeya. Labadii lafoodba xubin ayaa u dhaxaysa. Dh: kalagoys.
xubin-ta: (magac, dhedig, keli) laf xidhiidhsan oo laba kala goys u dhaxaysa. Xubin taada xaadda leh kolkaan soo xasuustaba xadantoodayeey. Dh: qayb, gobol. Wa: xubno.
xubin -ta: (magac, dhedig, keli) qayb oogada jidhka ka mid ah oo iyadna xubno u sii qaybsanta. Madaxu waa xubin xubnaha jidka ka mid ah. Dh: waax, qayb.
xubin -ta: (magac, dhedig, keli) qof kasta oo ka mid ah maamul ama urur ay dad badani ku jiraan. Xisbigaan xubin ka ahay. Wa: xubno.
xubin -ta: (magac, dhedig, keli) qaybaha ay laanta aalaha ahi u qaybsan tahay qayb ka mid ah.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Xubin
Qayb is leh oo ka mid ah xubnaha shayga ama jirka nool ka kooban yahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xubin
de: limb, joint; body part, internal organ; segment; branch; member (of team ~ group); syllable {grammar}
initial: x
lx: xubin
pd: (-ka ~ -ta Pl: xubno (/ha))
ps: n3-m/f
key: xubin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xulin
m.f.dh eeg xuli.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Bulbil
Badhi yar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buubin
(Buubin-ta)
1. Eryid, cagaajin.
2. Lalin, haadin, bitin, duulin.
3. (biyo) dhibco ama roob ahaan meel ama qof ku kor doojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buubin
m.f.dh eeg buubi. la-mid: buubis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buubin
-ta: (magac, dhedig, keli) bajin oo wax maagay ka dhigid. Awrka buubinta ka daa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulcin
m.f.dh eeg dulci.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulcin
-ta: (magac, dhedig, keli) marka googgarad ama daah loo samaynayo xadhig dhexda ka gala oo lagu xidho oo xajiya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulmin
m.dh la-mid: dulmiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulmin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid ku gefid oo caddaaladdarro kula dhaqmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galbin
(Galbin-ta)
Gelbin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galbin
m.f.dh eeg galbi. la-mid: galbis¹, gelbin, gelbis.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
galbin
m.f.dh eeg galbi. la-mid: galbis, gelbin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
galbin
-ta: (n) the act of escorting or accompanying the bride and groom, to show honor ~ galbis, gurigayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galbin
-ta: (magac, dhedig, keli) dad aroos ah gurigeyn.