hufid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hufid
(Hufid-da)
Ka la soocid; inta xun ka reebid; jafid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hufid
m.f.dh eeg huf².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hufid
-da: (magac, dhedig, keli) haadin ama kala shaandhaynta firida iyo xashiishka; inta xun ka reebid. Dh: hufis, haadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hufmid
m.f.dh eeg hufan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huufid
m.dh 1. la-mid: hiifid. 2. Qof soo orday neef gurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huufid
-da: (magac,dhedig,keli) canaanashada iyo haraamitaanka cid kale. Dh: hiif.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hufi
f.g2 (-iyay, -isay) Dab babbin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cufid
-da: (magac, dhedig, keli) gufayn oo wax cufan ka dhigid. Dh: cufis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fufid
(Fufid-da)
Fuf yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fufid
m.f.dh eeg fuf².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fufid
-da: (magac, dhedig, keli) abuur iyo wixii la mid ah, gabaabsi ka bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hafid
(Hafid-da)
1. Si kale u qaadasho; illaawid.
2. Si degdeg iyo boob ah wax u cunid, u qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hąfid
m.f.dh eeg hąf².
hafid²: m.f.dh eeg haf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hafid
-da: (magac, dhedig, keli) si degdeg iyo boob ah wax kaga qaadasho. Dh: hafis, boobid.
hafid-da: (magac, dhedig, keli) si kale u qaadasho. Dh: illaabid, illaawid, hufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hubid
(Hubid-da)
Runteeda dhab loo og yahay; aad wax uga warqabid; ka warhayn aan shaki ku jirin; sugan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hubid
m.f.dh eeg hub².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hubid
-da: (magac, dhedig, keli) warhayn aan shaki ku jirin; wax runteeda dhab loo og yahay. Dh: hubis, sugnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hudid
m.f.dh eeg hud².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hufis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg hufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hugid
m.dh la-mid: xogid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hugid
-da: (magac, dhedig, keli) haragga iyo hilibka gacanta ku kala saarid. Dh: hugis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hulid
m.f.dh eeg hul².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hulid
-da: (magac, dhedig, keli) qodid oo dheerayn, fogayn; hulis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Humid
(Humid-da)
(calal, kd.) toltolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
humid
m.f.dh eeg hun².
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
humid
/hyuumidh/ (adj) qoyan, sayax ah, sida cimilo hawada ay ku jirto uumi-biyood iwm.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Humid
Dheel, qoyaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
humid
-da: (magac, dhedig, keli) toltolid maro calal ah. Dh: tolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hurid
(Hurid-da)
1. Wax bixin; wax dhiibid; wax quurid.
2. Ka maarmid; deyn.
3. (dab) Bixid; ololid; shidmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurid
m.f.dh eeg hur². la-mid: huris².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hurid
vl. n. combustion, burning
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurid
-da: (magac, dhedig, keli) dab, ololid oo shidmid.
hurid -da: (magac, dhedig, keli) wax quudhid oo niyad u siin. Dh: huris, dhiibid, bixin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hurid
de: combustion, burning
lx: hurid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: hurid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kufid
(Kufid-da)
Wax soconaya ama ordaya ama boodaya, dhulka ku dhicid; kuftin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kufid
m.f.dh eeg kuf². la-mid: kufniin, kuftin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kufid
-da: (magac, dhedig, keli) dhul ku dhicidda qof socda ama ordaaya ama boodaaya. Dh: dhicid. Li: kicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lufid
m.f.dh eeg luf².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qufid
(Qufid-da)
Wax gudo ama uur ku jira, soo saarid, dibadda ku soo tuurtuurid; qodid; fagid; faagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qufid
m.f.dh eeg quf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qufid
-da: (magac, dhedig, keli) wax meel ku jira ka soo saarid. Dh: qufis, faqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tufid
(Tufid-da)
Wax afka ku jira oo aan liqiddood la doonayn, dibadda xoog ugu soo tuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tufid
m.f.dh eeg tuf³.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tufid
vl. n. spitting; spit, spittle, sputum
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tufid
-da: (n) the act of spitting (ispit-ing)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tufid
-da: (magac, dhedig, keli) wax afka ku jira oo aan la doonayn liqiddooda, dibadda xoog ugu soo tuurid. Dh: tufis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tufid
de: spitting; spit, spittle, sputum
initial: t
lx: tufid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: tufid
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
tufid
بصاق، بُراق
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jafid
(Jafid-da)
1. Wax adag ku dhufdhufasho, si habaas ama wax kale uga soo daataan; garaacid; tumid; hufid.
2. Hurdo ka kicin; toosin.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Editing (statistics)
Tiftirid, hufid
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
spolverare
v.tr. - habaas ka qaadid, tirtirid, hufid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asoorid
-da: (magac, dhedig, keli) qashin ka saaridda hadhuudhka iyo wixii kale ee la hufayo. Asooridda hadhuudhku waa hawl culus. Dh: hufid. haadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buushibixin
-ta: (magac, dhedig, keli) buushiga ka hufid oo ka nadiifin. Mooyaha ayaa buushibixinta hadhuudhka Igau sameeya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haadin
-ta: (magac, dhedig, keli) hadhuudh la tumay iyo wixii la mid ah oo inta weel lagu shubo ee kor loo saydho buushiga iyo qashinka laga tuuro. Haadinta hadhuudhka xilliga dabaysha ayaa lagu beegaa. Dh: hufid.
haadin -ta: (magac, dhedig keli) «u» qof meel fog jooga gacanta u lulid si uu kuu arko. Haadintayda miyaanad arkayn gellin baan gacanta kuu lulaye?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hufitaan
-ka: (magac, lab, keli) harag, hilib iyo wixii la mid ah, gacanta ku kalasaar. Dh: hufniin.
hufitaan-ka: (magac, lab, keli) eeg hufid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hufniin
-ka: (magac, lab, keli) hufidda lafteeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaandhayn
-ta: (magac, dhedig, keli) waraagaha turubka isku qasid. Dh: baandhayn, bawisid.
shaandhayn -ta: (magac, dhedig, keli) arrin inta dib loogu noqdo sii'hufid iyo isku celcelin lagu sameeyo; shaandhays.
shaandhayn -ta: (magac, dhedig, keli) isku bedbeddelka xubnaha dawladda; shaandhays.
shaandhayn -ta: (magac, dhedig, keli) waxyaabo isku dhexjira, isku celcelin, shaandho ku kala safayn.
shaandhayn -ta: (magac, dhedig, keli) wax isku jiray kala gurid oo inta wanaagsan kala bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shurfid
m.dh la-mid: shirfid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shuufid
m.f.dh eeg shuuf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shuufid
-da: (magac, dhedig, keli) sannifid; diidid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cugfid
-da: (magac, dhedig, keli) qof ordaya ama ciyaaraya lug hor dhigid. Dh: qonfid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhafid
(Dhafid-da)
Labo wax ama ka badan oo kala jaad ah isku dhexdarid oo mid ka dhigid; isku darid; isku dheehid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhafid
m.f.dh eeg dhaf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhafid
-da: (magac, dhedig, keli) wax isku dardarid oo isku mulaaqid. Digirta iyo bariiska ayaa isku dhafidda ku macaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhufad
(Dhufad-ka)
Jiidis dhaqso iyo xoog leh; dhuftin; (ama dhifad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhufad
m.l la-mid: dhifasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhufad
vl. n. act of pulling, jerking ~ snatching (away)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhufad
-ka: (magac, lab, keli) wax meel ama wax kale ku jiidid. Dh: dhifasho, dhifad.
dhufad -ka: (magac, lab, keli) xafid oo wax qof gacantii ku jira ama meel yaal xoog iyo degdeg u qaadasho. Dh: xafid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhufad
a: dhufasho (/da) [vn6-f], dhifad
de: act of pulling, jerking ~ snatching (away)
lx: dhufad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: dhufad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhumid
(Dhumid-da)
Wax la waayey noqosho; hallaabid; habaabid; lumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhumid
m.f.dh eeg dhun.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhumid
-da: (magac, dhedig, keli) hallaabid oo wax la waayay noqosho. Wiilka yari magaalada ma garanayee dhumidda ka ilaali. Dh: hallaabid, lumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhurid
(Dhurid-da)
Biyo ama wax la mid ah meel ka shubid oo meel kale ku shubid, iyadoo weel yar (dhure, kd.) la dardara hayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhurid
m.f.dh eeg dhur².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duufid
duufid: m.f.dh eeg duuf². la-mid: duuf¹ (2).
dųufid: m.f.dh eeg dųuf². la-mid: dųuuf¹ (3).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gulfid
(Gulfid-da)
Guluf ku duulid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gulfid
m.f.dh eeg guluf². la-mid: guluf¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gulfid
-da: (magac, dhedig, keli) guluf ku duulid; weerar weyn ku qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadfid
m.f.dh eeg hadaf³. la-mid: hadaf¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hafrid
(Hafrid-da)
Qof wax aan la siin, in la siiyey been ah, sheegid, ku nabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hafrid
m.f.dh eeg hafar². la-mid: hafaryo, hafriin, hafriinyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hafrid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale wax aanay samayn ku masabidid; qof wax aanu samayn oo uu xogmoog ka yahay dusha ka saarid. Dh: nabid, masabidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hiifid
(Hiifid-da)
Eed saarid; canaanasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiifid
m.f.dh eeg hiif². la-mid: huufid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiifid
-da: (magac, dhedig, keli) canaanasho iyo haaraamid karhid iyo dulqaad la'aani ku jirto. Dh: nicid. Li: dulqaadasho.
hiifid-da: (magac, dhedig, keli) canaanasho; eed saarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hudhid
-da: (magac, dhedig, keli) hilib iyo wixii la mid ah, hal mar ilkaha ku goosad. Dh: cantuugid, hurid, hudhis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hugmid
(Hugmid-da)
Hadal hugun ah, ku hadlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hugmid
m.f.dh eeg hugan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hugmid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal gurxan iyo buuq ah ku hadlid. Ninka buka hugmidda kala dul tega. Dh: gurxamid, yabqamid, buuqid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
humide
humide, adj. - hawada oo qoyaan ku dhex jira (cimilo); suyuc; qoyaan; dharab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hungid
m.dh la-mid: hongid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hungid
-da: (magac, dhedig, keli) meel wax laga doonto, oo wixii laga waayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hunmid
-da: (magac, dhedig, keli) calal iyo wixii la mid ah, toltolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hurdid
(Hurdid-da)
Hurdo dhex gelid, ku jirid; seexasho; gama'sanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurdid
m.f.dh eeg hurud.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurdid
-da: (magac, dhedig, keli) hurdo ku dhexjirid. Dadka wada shaqa tegey maxaa hurdid ku baday. Dh: seexasho, gama'sanaan. Li: soo jeedid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Huurid
(Huurid-da)
Kulayl ka yimid neecaw iyo dabayl la'aan la dhididid; huur dareemid; dhididid; kululaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huurid
m.f.dh eeg huur².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huurid
-da: (magac, dhedig, keli) hawo la'aan iyo kulayl la dhididid. Dh: huuris. Li: laydhsi
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Huusid
Percolation
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luufid
m.dh la-mid: liifid.