hufane
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Hufane
magac loo baxsho wiil aan ceeb abuur iyo akhlaaq toona lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hufan
La hufey; intii xumayd laga reebay; la jafay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hufan
hufan¹: f.mg1 (-fmay, -fantay, -fmi) 1. Wax la sifeeyey ama boor laga qaaday noqosho. 2. Wax la kala saaray noqosho.
hufan²: f.mg4 (-fnaa, -fnayd) 1. Wax la sifeeyey ama boorka laga qaaday ahaansho. 2. Wax la kala saaray ahaansho. 3. Qof aan ceeb lahayn ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hufan
hufan¹: f.mg1 (-fmay, -fantay, -fmi) 1. Wax la sifeeyey ama boor laga qaaday noqosho. 2. Wax la kala saaray noqosho. m.f.dh, hufmid.
hufan²: f.mg4 (-fnaa, -fnayd) 1. Wax la sifeeyey ama boorka laga qaaday ahaansho. 2. Wax la kala saaray ahaansho. 3. Qof aan ceeb lahayn ahaansho. m.f.dh, hufnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hufan
der. [adjective] winnowed; clean, clear; decent
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Hufan
name-f winnowed; clean, clear, decent
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hufan
-aa: (adj) decent (diisent); modest (maadhest)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Hufan
magac loo baxsho gabadh ceeb oo dhan ka hufan oo dabeecad wanaagsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hufan
(tilmaame) aan wax turxaan ah lahayn. Dh: saqaltiran, goolaban.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hufan
de: winnowed; clean, clear; decent
lx: hufan
pd: (hufnaa)
ps: adj-der
key: hufan
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
humane
/hyuumeyn/ (adj) bini-aadninimo leh, ibni-aadanimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boojo
-da: (magac, dhedig, keli) biro ama cinjir miisaan culus oo sida gucista u samaysan oo malmalaasan, laguna ciyaaro oo iyaka la isku tookto, lagu dheelo. Boojo ciyaarka iyo soojeedkuu odaygii bartay. Dh: buul.
boojo: -da: (magac, dhedig, keli) xoolo aan wax laga qaata lahayn oo weyd ah. Hufane halkanuu boojadii mariyey. Dh: booji.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhufsane
m.l (-ayaal, m.l/dh) 1. (xisaab) Tiro ama tibaax la mid ah taranka tiro ama tibaax la isa siiyey iyo tiro ama tibaax kale. Tusaale: “6 waa dhufsane 2”. 2. Tiro ama tibax isirkeedu yahay tiro la isa siiyay ama tibaax. Tusaale: “26 waa dhufsane 13”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhufsane
m.l (-ayaal, m.l/dh) 1. (xisaab) Tiro ama tibaax la mid ah taranka tiro ama tibaax la isa siiyey iyo tiro ama tibaax kale. Tusaale: 6 waa dhufsane 2. 2. Tiro ama tibax isirkeedu yahay tiro la isa siiyay ama tibaax. Tusaale: 26 waa dhufsane 13.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhufsane
Multiple
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhufsane
-ha: (magac, lab, keli) jadeeyaha la helo marka labo tiro la isku dhufto. 8 waa dhusanaha 4x2.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dufanee
(fal) cunto yaabis ah subag ku dar; wax basaasay subag mari. Dh: subagee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dufanle
-ha: (magac, lab, keli) qof had iyo jeer jidhkiisu iyo hugiisu subkan yahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cufan
(tilmaame) wax la cufay ama gufaysan.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Cufan
Wax si buuxda isugu dhex jira.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dufan
(Dufan-ka)
Dux jaadad badan ah, oo wax la cuniyo wax la shitiyo wax waxyaalo kale lagu qabsadoba leh, oo tu xoolaad iyo tu dhireed iyo tu dhulka laga qodoba leh; dhacaan iyo qoyaan baruurta iyo subagga, kd., ka yimaada. ~ sahid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dufan
m.l (-nno, m.dh) Subag, saliid, xayr, iyo wixi lamida oo wax lagu iidaanto laguna subkado.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dufan
m.l (-nno, m.dh) Subag, saliid, xayr, iyo wixi lamida oo wax lagu iidaanto laguna subkado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dufan
m. n., (mass n.) (adj.): grease, oil; body fats; oily, greasy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dufan
-ka: (n) grease (giriis); animal fats (faatis)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dufan
Lubrificante
Lubricant
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dufan
-ka: (magac, lab, keli) wixii dux leh ama oon xoolaad. Dh: subag.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dufan
de: grease, oil; [ext.] body fats; [atr.] oily, greasy
lx: dufan
pd: (-ka)
ps: n2-m-mass
key: dufan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hudan
-ta: (magac, dhedig, keli) buuq ka dhashay is afgaranwaa. Dh: khilaaf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hufni
-da: (magac, dhedig, keli) eeg hufnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hugan
hugan¹: f.mg1 (-gmay, -gantay; -gmi) Shanqar xoog leh samayn.
hugan²: f.mg4 (-gnaa, -gnayd) la-mid: hugsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hugan
v. mutter, murmur; produce a loud indistinct noise
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hugan
(fal) guux iyo qaylo samee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hugan
cf: hugun
de: mutter, murmur; produce a loud indistinct noise
lx: hugan
pd: (hugmay)
ps: v1=
key: hugan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hulan
La huley; hul loo yeelay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hulan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) God si hul ah loo qoday ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hulan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) God si hul ah loo qoday ahaansho. m.f.dh, hulnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hulan
der. [adjective] cracked, with a chink
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hulan
(tilmaame) wax dusha ka xidhan hoostana ka bannaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hulan
de: cracked, with a chink
lx: hulan
pd: (hulnaa)
ps: adj-der
key: hulan
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
human
/hyuuman/ (n) 1. insaan, dad, aadane. (adj) 2. insaan-ah, (insaaniyad leh).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax lagu khasbanyahay ahaansho. la-mid: hurran.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
huran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax lagu khasbanyahay ahaansho. m.f.dh, hurnaan. la-mid: hurran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huwan
huwan¹: m.dh (-nno, m.dh) Dad dano gaar ah heshiis ku ah.
huwan²: f.mg4 (-naa, -nayd) Cid wax ku daboolan ahaansho. la-mid: hugan² (2).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
huwan
huwan¹: m.dh (-nno, m.dh) Dad dano gaar ah heshiis ku ah.
huwan²: f.mg4 (-naa, -nayd) Cid wax ku daboolan ahaansho. m.f.dh, huwanaan. la-mid: hugan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
huwan
der. [adjective] covered, as with a cloth; dressed
huwan: [feminine] n. group of warriors from different clans
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
huwan
-ta: (n) a group of people, parties united for common interest; bloc (balook) ~ xulafo
huwan -aa / ayd: (v) covered with
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huwan
(tilmaame) dhar iyo wixii la mid ah, dusha ay ka saaranyihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lufan
(Lufan-ka)
Wax duugnimo la idlaaday wax ka haray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lufan
m.l (-nno, m.dh) Xarig iyo wixi lamida oo duugnimo awgeed la dhammaaday oo googo'ay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lufan
m. n. worn out object
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lufan
-ka: (magac, lab, keli) wax dhammaaday waxa ka hadha.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lufan
de: worn out object
lx: lufan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: lufan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qufan
Wixii uurka ugu jirey laga soo saaray; la qufay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qufan
f.mg4 (-fnaa, -fnayd) Wax meel ay ku guda jireen laga soo qufay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qufan
der. [adjective] emptied, dug out
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qufan
(tilmaame) wax meel laga soo faqay oo la soo saaray ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qufan
de: emptied, dug out
lx: qufan
pd: (qufnaa)
ps: adj-der
key: qufan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tufan
f.mg4 (-fnaa, -fnayd) Wax la hibeeyey ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tufan
der. [adjective] spit (out)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tufan
(tilmaame) wax la tufay ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tufan
de: spit (out)
initial: t
lx: tufan
pd: (tufnaa)
ps: adj-der
key: tufan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cukane
(Cukana-ha)
Geed yar oo adaahida u eg kana yar; wuxuu lee yahay buruq dibadyaal ah iyo laamo dhuudhuuban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cukane
m.l Geed yar oo adaahida u eg oo leh buruq dibadyaal ah iyo laamo dhuudhuuban.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cukane
m.l Geed yar oo adaahida u eg oo leh buruq dibadyaal ah iyo laamo dhuudhuuban.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cukane
m. n. small plant species, with a projecting tuber and thin leaves
cukane m. n. tall well-built man, muscle-man
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cukane
-ha: (magac, lab, keli) eeg cokane.
cukane -ha: (magac, lab, keli) geed yar oo adaahida u eg kana yar. Waxa uu leeyahay buruq ama badhi adag oo kankoonsan oo dibadyaal ah oo la cuno iyo laamo dhuudhuuban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duwane
(Duwana-ha)
Aan kuwa kale la mid ahayn ee ka duwan oo ka fiican; wanaagsane.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duwane
m. n. different ~ unusual person; uncommon ~ excellent person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duwane
(tilmaame) leh dabeecad ka duwan walaalihii aabbe iyo hooyoba.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duwane
de: different ~ unusual person; uncommon ~ excellent person
lx: duwane
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: duwane
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gafane
(Gafana-ha)
Shilinta xoolaha jaad kamid ah oo inta dhiig badan nuuga, qaab kankoonsan yeesha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gafane
m.l (-nayaal, m.l) Dulin shilinta ka weyn, maqaar jilicsan oo ku nool dhiigga nafleyda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gafane
m.l (-nayaal, m.l) Dulin shilinta ka weyn, maqaar jilicsan oo ku nool dhiigga nafleyda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gafane
m. n. tick species, animal parasite
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gafane
-gafanaha: (n) a small bloodsucking parasitic bug, especially preying animals; tick (tik)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gafane
-ha: (magac, lab, keli) nooc shilinta ka mid ah oo marka uu dhiigga xoolaha in badan jaqo wax buuran oo jilicsan noqda. Dh: gofane, gofone.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gafane
de: tick sp., animal parasite
lx: gafane
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: gafane
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gofane
-ha: (magac, lab, keli) nooc shilinta ka mid ah; dulin sida shilinta nafleyda dhiigga ka jaqa oogadiisuna khafiif tahay markuu dhiigga ka dhergana qarxa. Dh: gafane, gofone.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
havane
havane, n.f. - nooc tubaakada kamid ah ama sigaarka oo laga helo Kuuba
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mudane
(Mudana-ha)
1. Qof in la weyneeyo mudan ama mutaystay oo dhan.
2. Magac lagu muuneeyo madaxda iyo waayeellada dadku soo doorto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mudane
m.l (-nayaal, m.l/dh) 1. Xubin baarlamaan oo la soo doortay; xildhibaan. 2. Qof sharfid mudan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mudane
m.l (-nayaal, m.l/dh) 1. Xubin baarlamaan oo la soo doortay; xildhibaan. 2. Qof sharfid mudan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mudane
m. n. senior man, elder; Mr., mister, sir; honorable
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mudane
-mudanaha: (n) 1. member of a parliament, 2. Mister (mis 'ter); Mr. (mistar); gentleman (jental-man), sir (seer)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mudane
-ha: (magac, lab, keli) magacmartabeed laga horraysiiyo magaca qof rag ah oo la sheegayo. Dh: sayid.
mudane -ha: (magac, lab, keli) magac martabeed loogu yeedho qof xil baarlamaan loo doortay . Dh: xildhibaan.
mudane -ha: (magac, lab, keli) inta sii joogtay reer ay martiyi u soo hoyatay; cid aan marti ahayn. Dadku waa marti iyo mudane. Li: marti.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mudane
de: senior man, elder; Mr., mister, sir; honorable (as title for heads of state)
lx: mudane
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: mudane
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
mudane
سید
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qubane
m. n. miscellany; variety; series (of TV programs)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qubane
-qubanaha: (n) miscellany (misa-leeyniya); mixture (mik-sijar); various items
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qubane
-ha: (magac, lab, keli) wax guud ahaan isku xidhan ha yeeshee kala daadsan oon wada socon. Ciidan qubane ah ayaa dhexda lagu qaqabtay.
qubane-ha: (magac, lab, keli) hadal ama barnaamij isla socda oo haddana kolba dhinacyo badan galaya oon khad keliya ku socon. Waxa raadiyooga ka socda barnaamij qubane ah.
qubane -ha: (magac, lab, keli) magta inteeda badan ee tolku qaybsado marka jifida laga saaro. Dh: magweyn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qubane
de: miscellany; variety; [ext.] series (of TV programs)
lx: qubane
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: qubane
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Sumane
Nooc ka tirsan soofeyaasha birta ee leh bog duuban iyo mid fidsan.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
surané
surané, adj. - aan dib loo sii isticmaali doonin; waqtigiisi dhacay ama dhammaaday
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xafane
name-m chopped, slashed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuubane
m.l (-nayaal, m.l/dh) Jaad kalluunka ka mid ah.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhuubane
(n) slimmer (islim-mer)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuubane
-ha: (magac, lab, keli) qof dhuuban oo aan buurnayn.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
furfante
s.m. khaa'in.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
humanité
humanité, n.f. - dadnimo; bani'aadanimo; aadaminimo