hubsiin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hubsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg hubsiimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hubsiino
(Hubsiina-da)
Wax hubsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hubsiino
m.dh la-mid: hubsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hubsiino
vl. n. verifying, making sure
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hubsiino
-hubsiinada: (n) verification (veer-ifikeeyshen); confirmation (kan foor-meeyshen) ~ hubsasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hubsiino
-da: (magac, dhedig, keli) wax hubsasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hubsiino
de: verifying, making sure
lx: hubsiino
pd: (/da)
ps: vn6-f
syn: hubsasho
key: hubsiino
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habsiin
m.f.dh eeg habsii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habsiin
vl. n. hug, embrace; act of hugging
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habsiin
de: hug, embrace; act of hugging
lx: habsiin
pd: (-ta)
ps: vn2-f
key: habsiin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hubniin
-ka: (magac, lab, keli) sugniin iyo shaki bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qubsiin
m.f.dh eeg qubsii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaki
(Shaki-ga)
Hubsiino la'aan; laballaabow; waswaas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danni
danni¹: m.l Dareen shaki iyo hubsiino la'aan abuura.
danni²: f.g1 (-iyay, -iday; -iyi) Dareen shaki iyo hubsiino la'aan leh cid ku abuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hubsasho
m.f.dh eeg hubso. la-mid: hubsad, hubsi, hubsiimo, hubsiino.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
danni
m.l Dareen shaki iyo hubsiino la'aan abuura.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hubsasho
-hubsashada: (n) freedom from doubt; the act of verifying; verification (veer-ifikeeyshen); confirmation (kan-foor-meey-shin) ~ hubsiino
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Confirmation
hubsiino, hubaal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaki
(fal) tuhun; dareen ha kaa galo.
shaki -ga: (magac, lab, keli) hubsiino la'aan; laballaabow; bidaal; waswaas.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tijaabo
-da: (magac, dhedig, keli) hubsiino wax loo fara geliyey ama lagarabo inuu sidii laga doonayey yahay; u kuurgalka iyo jirrabidda fikrad cilmiyeed lagu ogaanayo inay sax tahay iyo in kale. Tijaabo ayaan uga socdaa hawshan. Dh: baxnaano, shirrab.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
bras
bras, n.m. - Cudud (gacanta inteeda calaacasha ka sarraysa); hub; hubsiin.
moulin à bras - Mishiinka xawaashka lagu riqdo.
bras de mer - marka badu dhulka soo gasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoobsiin
(Hoobsiin-ta)
Si hoobsi ah, qof caano u siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoobsiin
m.f.dh eeg hoobsii. la-mid: hoobsiis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoobsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) si hoobsi ah, qof caano u siin.
hoobsiin-ta: (magac, dhedig, keli) dhinaca u hooseeya marin. Dharka uskagga ah hoobsiinta ka daa oo sarraysii. Li: sarraysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hubsiimo
m.dh U kuurgelidda wax xaqiiqdooda loo kuur galo. la-mid: hubsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hubsiimo
m.dh U kuurgelidda wax xaqiiqdooda loo kuur galo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hubsiimo
-da: (magac, dhedig, keli) wax hubsasho. Hubsiimo hal baa la siistaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huwisiin
m.dh la-mid: huwin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shubniin
(Shubniin-ka)
Shubaal; shubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shubniin
m.l la-mid: shubid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shubniin
vl. n. pouring, act of pouring; smelting
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shubniin
-ka: (magac, lab, keli) shubid; shubitaan; shubaal.
shubniin -ta: (magac, dhedig, keli) 'raashin' meel ku jira meel kale ku rogid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shubniin
de: pouring, act of pouring; smelting
initial: s
lx: shubniin
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: shubniin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hubin
(Hubin-ta)
(war, arrin) runteeda gaarid; shaki ka bixin; salgaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hubin
m.f.dh eeg hubi.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
HUBIN
Accertamento
Ascertainment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hubin
-ta: (magac, dhedig, keli) war ama arrin jiriddeeda ka sal gaadhid. Dh: xaqiijin, hubsasho, hubsiimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hubsi
m.l la-mid: hubsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hubsi
-ga: (magac, lab, keli) hubsasho; hubsad: hubin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Cid kalgacayl dartii isku duubid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
habsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Cid kalgacayl dartii isku duubid. m.f.dh, habsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habsii
v. hug, embrace
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
habsii
-yey / say: (v) hug (haag); embrace (embareey); cuddle (kadhel)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habsii
(fal) Cid kalgacayl dartii isku duubid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habsii
de: hug, embrace
lx: habsii
pd: (habsiiyey)
ps: v2a=
key: habsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qubsii
f.mg2 (-iiyay, -iisay) Ka q.: hoore hal mar si aayar ah u kabbasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qubsii
(fal) (ka ~) hoore hal mar si aayar ah u kabbo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ursiin
(Ursiin-ta)
Qof kale sankiisa wax u dhoweyn si uu ugu uro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ursiin
m.f.dh eeg ursii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ursiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, ur dareensiin; qof kale sankiisa wax u dhoweyn. Ursiinta ayaa eygu cid ku bartaa oo dabadeed gartaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bebsiin
m.l (kiimika) Insaymyo ay dhiiqaan unugyada ku yaalla gudaha caloosha lafdhabarleyda, kaas oo dedejiya borotiinka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bebsiin
m.l (kiim.) Insaymyo ay dhiiqaan unugyada ku yaalla gudaha caloosha lafdhabarleyda, kaas oo dedejiya borotiinka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cabsiin
(Cabsiin-ta)
1. Cabsi gelin; bajin.
2. (-°) Wax la cabbo (biyo, khamro) siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabsiin
m.f.dh eeg cabsii. la-mid: cabsiis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cąbsiin
m.f.dh eeg cąbsii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cabsiin
vl. n. act of scaring, frightening
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Cabsiin
Intimidazione
Intimidation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cabsigelin; bajin; cabsiis.
cabsiin -ta: (magac, dhedig, keli) biyo iyo wax la mid, qof kale waraabin. Curdankiyo dhalaanka na intaad darar cabsiinayso. Dh: waraabin, dhansiin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cabsiin
de: act of scaring, frightening
lx: cabsiin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: cabsiin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cubniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg cubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cunsiin
(Cunsiin-ta)
(qof, kd.) aan cunno cuneen ama diiddan, inuu cuno yeelsiin, oggolaysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cunsiin
m.f.dh eeg cunsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cunsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof iyo wixii la mid ah oo cunno diiddan, inuu wax cuno yeelsiin ama oggolaysiin. Dh: cunsiis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabsiin
m.f.dh eeg dabsii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dugsiin
(Dugsiin-ta)
Dugsi u yeelid; meel ama wax la dugsan karo ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dugsiin
m.f.dh eeg dugsii. la-mid: dugsiis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dugsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhaxanta, roobka, dabaysha, roobka iyo cadawga ka jirid ama ka ilaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gebsiin
m.f.dh eeg gebsii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gubniin
(Gubniin-ka)
1. Wax gubid.
2. Saamayska gubashada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gubniin
m.l la-mid: gubid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gubniin
vl. n. act of burning ~ setting fire to
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gubniin
-ka: (magac, lab, keli) wax gubid; gubis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gubniin
de: act of burning ~ setting fire to
lx: gubniin
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: gubniin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habniin
-ka: (magac, lab, keli) habidda iyo heemidda biyo iyo wax la mid ahi ka tiftifqaan weel cusub oo dhowaan la tolay.
habniin -ka: (magac, lab, keli) habitaanka carruurta aan ababin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hufniin
-ka: (magac, lab, keli) hufidda lafteeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg hurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qubniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg qubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rudsiin
m.f.dh eeg rudsii. la-mid: rudhsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tubniin
-ka: (magac, lab, keli) tubitaanka laftiisa, koox koox ma xoonxon isu taagis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tunsiin
m.f.dh eeg tunsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tunsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax wax kale dusha ka marsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurdisiin
m.dh la-mid: hurdeysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qulubsiin
m.dh la-mid: qulbin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
subagsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) nafaqayn; buulin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuhunsiin
m.f.dh eeg tuhunsii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afursiin
m.f.dh eeg afursii. la-mid: afurin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afursiin
-ta: (magac, dhedig, keli) baad ama biyo. uu ku afuro siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ahaysiin
(Ahaysiin-ta)
1. Wax aan jirin, wax jira ka dhigid; abuurid; uumid.
2. Dhab ama run ka dhigid.
3. Si, ama, wax ka dhigid, ka yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ahaysiin
m.f.dh eeg ahaysii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ahaysiin
vl. n., [compound] making, invention, creating
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ahaysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax aan jirin wax jira ka dhigid. Ahaysiintu waa arrin Eebbe u gaar ah. Dh: abuurid, uumid, alkumid, ahaysiis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ahaysiin
de: making, invention, creating
lx: ahaysiin
pd: (-ta)
ps: vn0-f-cmp
key: ahaysiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boobsiin
m.f.dh eeg boobsii. la-mid: boobsiis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bursiino
m.dh Sed dheeraad ah oo laga qaato wax la qaybsanayo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bursiino
m.dh Sed dheeraad ah oo laga qaato wax la qaybsanayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bursiino
f. n., [collective] quantity in addition, excess, extra
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bursiino
de: quantity in addition, excess, extra
lx: bursiino
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: bursiino
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhacsiin
(Dhacsiin-ta)
Si qof, waxa la bara hayo ama loo sheega hayo uu u garto, hadal tilmaamo iyo tusaalooyin badan leh, wax ugu sheegid; faro waaweyn wax ugu sheegid; u dhaadhicin; garansiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacsiin
m.f.dh eeg dhacsii. la-mid: dhacsiis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhacsiin
vl. n. elucidation; act of making someone understand