hubsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hubsi
m.l la-mid: hubsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hubsi
-ga: (magac, lab, keli) hubsasho; hubsad: hubin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hubi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax runtooda gaarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hubi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax runtooda gaarid. m.f.dh, hubin.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Hubi
Check
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hubi
v. make sure of, verify; ascertain, investigate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hubi
-yey / say: (v) make certain; make sure; prove (puruuf); verify (veerifaay) ~ xaqiiji, hubso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hubi
(fal) war ama arrin runteeda gaadh; shaki bixi; ka salgaadh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hubi
de: make sure of, verify; ascertain, investigate
lx: hubi
pd: (hubiyey)
ps: v2a=tr
key: hubi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg habsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hubso
f.g3 (-saday, -satay) Wax xaqiiq-dooda ogaasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hubso
f.g3 (-saday, -satay) Wax xaqiiqdooda ogaasho. m.f.dh, hubsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hubso
v. ascertain, make sure for oneself, be sure; specify, make more precise; find out; investigate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hubso
-hubsaday / hubsatay: (v) make certain; make sure; prove (puruuf); verify (veerifaay) ~ xaqiiji, hubi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hubso
(fal) dhugo oo ka gungaadh; runteeda gaadh; ka niib keen; ka salgaadh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hubso
de: ascertain, make sure for oneself, be sure; specify, make more precise; find out; investigate
lx: hubso
pd: (hubsaday)
ps: v3a=
key: hubso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hunsi
-ga: (magac, lab,keli) toltolashada maro humoyday, duugawday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tubsi
m.l Meesha ugu fog oo wax laga nishaabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaki
(Shaki-ga)
Hubsiino la'aan; laballaabow; waswaas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danni
danni¹: m.l Dareen shaki iyo hubsiino la'aan abuura.
danni²: f.g1 (-iyay, -iday; -iyi) Dareen shaki iyo hubsiino la'aan leh cid ku abuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hubsasho
m.f.dh eeg hubso. la-mid: hubsad, hubsi, hubsiimo, hubsiino.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
danni
m.l Dareen shaki iyo hubsiino la'aan abuura.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hubsasho
-hubsashada: (n) freedom from doubt; the act of verifying; verification (veer-ifikeeyshen); confirmation (kan-foor-meey-shin) ~ hubsiino
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Confirmation
hubsiino, hubaal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ababa'
-da: (magac, dhedig, keli) si qardajeex ah oo an hubsiimo lahayn u falgalid. Ababa'da Caarre cidba ka cabsiin mayso. Dh: qardajeex.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ababa'layn
-ta: (magac, dhedig, keli) si qardajeex ah oo hubsiimo lahayn u dhaqmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaadid
-da: (magac, dhedig, keli) ogaansho ay hubsiimo ku jirto. Dh: hadid.
dhaadid -da: (magac, dhedig, keli) u fiirsasho oo aad ula socosho. Dhabbadii markay naga duween shicibku dhaadaayay. Dh: eegid, dhursugud.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hal
-ka: (magac, lab, keli) tiro eberna ka weyn labana ka yar. Dh: xabbad, kow, mid, 1.
hal -ka: (magac, lab, keli) erey; hadal; weedh. Hubsiimo hal baa la siistaa.
hal -ka: (magac, keli) meel; xag. Dh: goob, kob.
hal -sha: (magac, dhedig, keli) neef dhidig oo dhalooyo ah oo geel ah. Hal diidaysaa geed ay ku xoqato ma weydo. Li: awr. Wa: halo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hubin
-ta: (magac, dhedig, keli) war ama arrin jiriddeeda ka sal gaadhid. Dh: xaqiijin, hubsasho, hubsiimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilshaafalato
-da: (magac, dhedig, keli) hubsiimo iyo indha'indhayn. Weli qiimo ma goyne ilshafalato ayaan ku jiraa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salaaf
-ka: (magac, lab, keli) miyirdarro keenta in ka hor hubsiimo iyo fiiro la'aan la iska kaco. Dh: seeflaboodnimo, salfudayd. Li: kaadsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salfudayd
-ka: (magac, lab, keli) degdeg, fiirsi la'aan ama samir darraan oo wax lagu qabto. Salfudaydka hooggiisa, bal sallaankan fuul laalan. Li degganaansho, hubsiimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaki
(fal) tuhun; dareen ha kaa galo.
shaki -ga: (magac, lab, keli) hubsiino la'aan; laballaabow; bidaal; waswaas.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hubsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg hubsiimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buubsi
-ga: (magac, lab, keli) xoolaha nool ee tuugada lagu kaxaysto. Buubsi waxaan ku taabiyo boolina ma haystee. Dh: baabsi, caydhsi.
buubsi -ga: (magac, lab, keli) cayrsi ama kaxaysi. Beder iyo kabtiyo raaxo iyo, buubsi iyo weerar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabsi
-ga: (magac, lab, keli) si maalindhaaf ah biyo u cabbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Cid kalgacayl dartii isku duubid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
habsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Cid kalgacayl dartii isku duubid. m.f.dh, habsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habsii
v. hug, embrace
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
habsii
-yey / say: (v) hug (haag); embrace (embareey); cuddle (kadhel)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habsii
(fal) Cid kalgacayl dartii isku duubid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habsii
de: hug, embrace
lx: habsii
pd: (habsiiyey)
ps: v2a=
key: habsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haybsi
(Haybsi-ga)
Haybsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haybsi
m.l la-mid: haybsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haybsi
vl. n. asking ~ inquiring about (someone ~ his/her background)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
haybsi
-ga: (n) inquiry (inkuwaayri); query (kuweeri); inquisition (inkuwizishen); usually an inquiry about one's origin or tribe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haybsi
-ga: (magac, lab, keli) cid kale, haybsasho; haybsi; haybsad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haybsi
a: haybsad (ka) [vn2-m], haybsasho [vn6-f]
de: asking ~ inquiring about (s.o. ~ his/her background)
lx: haybsi
pd: (-ga)
ps: vn2a-m
key: haybsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoobsi
(Hoobsi-ga)
1. Hab caanaha la lisa hayo loo dhamo: hadba kolkii weelku buuxsamo baa la qurquriyaa oo la dhimaa oo haddana lagu lisaa; sidaasaa lagu wadaa taniyo inta laga dhergo ama caanaha la lisa hayaa ka dhammaadaan.
2. Xaabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoobsi
m.l la-mid: hoobsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoobsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg hoobsad.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
HUBIRI
(Hubiri) May Ziziphus spina christi (L) Desf. Rhamnaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hubsad
(Hubsad-ka)
Hubsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hubsad
m.l la-mid: hubsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hubsad
-ka: (magac, lab, keli) arrin, runteeda ka sal gaadhid; ka niib keenid; ka salgaadhid. Dh: hubsi, hubsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huursi
m.l la-mid: huursasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huursi
-ga: (magac, lab, keli) eeg huursad.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Huusid
Percolation
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qubsii
f.mg2 (-iiyay, -iisay) Ka q.: hoore hal mar si aayar ah u kabbasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qubsii
(fal) (ka ~) hoore hal mar si aayar ah u kabbo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xuubsi
(Xuubsi-ga)
Xuubsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuubsi
m.l la-mid: xuubsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuubsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg xuubsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hubsiimo
m.dh U kuurgelidda wax xaqiiqdooda loo kuur galo. la-mid: hubsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hubsiimo
m.dh U kuurgelidda wax xaqiiqdooda loo kuur galo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hubsiimo
-da: (magac, dhedig, keli) wax hubsasho. Hubsiimo hal baa la siistaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hubsiino
(Hubsiina-da)
Wax hubsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hubsiino
m.dh la-mid: hubsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hubsiino
vl. n. verifying, making sure
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hubsiino
-hubsiinada: (n) verification (veer-ifikeeyshen); confirmation (kan foor-meeyshen) ~ hubsasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hubsiino
-da: (magac, dhedig, keli) wax hubsasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hubsiino
de: verifying, making sure
lx: hubsiino
pd: (/da)
ps: vn6-f
syn: hubsasho
key: hubsiino
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hub
(Hub-ka)
1. Qalabka lagu dagaallamo.
2. Dhar; marashi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hub
hub¹: m.l.u 1. Qalab lagu dagaalamo. 2. la-mid: hu.
hub²: f.g1 (-bay, -btay) Arrin xaqiiqdeeda ogaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hub
hub¹: m.l.u 1. Qalab lagu dagaalamo. 2. la-mid: hu.
hub²: f.g1 (-bay, -btay) Arrin xaqiiqdeeda ogaansho. m.f.dh, hubid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hub
v.st: be sure, make certain, ascertain
hub: m. n., [collective] weapons, arms; equipment, gear; clothes
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hub
/hab/ (n) 1. bartamaha shaagga. (n) 2. xuddunta ama halka ugu muhiimsan ee arrin ama meeli leedahay.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hub
-ka: (n) weapon (wepan); munition (miyuunisheriy, such as a gun, missile, or sword
hub -ay / tay: (v) make certain; make sure ~ hubi. Ex: ma hubo; I am not sure
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hub
-ka: (magac lab, keli)) magac guud oo qalabka lagu dagaallamo oo dhan ah.
hub -ka: (magac, lab, keli) wax la gashado oo dhan. Dh: dhar, marashi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hus
Aammus! Shib dheh! Us!
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hus
e.d Aammus!; shib dheh!; us!
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hus
inter. be quiet!, shut up!, shhh!
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hus
(fal) aammus oo afkaaga hayso. Dh: shib, us, aammus.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hus
cf: aammus
de: be quiet!, shut up!, shhh!
lx: hus
ps: intj
key: hus
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dusi
f.mg2 (-iyay, -isay) Ka d.: wax, wax kale dhex tararsiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dusi
f.mg2 (-iyay, -isay) Ka d.: wax, wax kale dhex tararsiin. m.f.dh, dusin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dusi
v. cause to pass through, pierce with
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dusi
-yey / say: (v) [with preposition ka] slip through (islip thuruu); move smoothly and easily mrough. Ex: wuu ka dusiyey; he slipped through
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dusi
(fal) si qarsoodi ah, wax meel uga saar.
dusi: (fal) meel cidhiidhi ah, wax hoosta ka mari.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dusi
de: cause to pass through, pierce with
lx: dusi
pd: (dusiyey)
ps: v2a=
key: dusi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habi
(Habi-ga)
Fiirada wax lagu kala garto; laab; qalbi; caqli; maan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habi
m.l Caqli, maan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habi
m. n., [collective] intelligence, thought
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habi
-da: (magac,dhedig, keli) ul sherbi ah.
habi -ga: (magac, lab, keli) fiirada iyo garashada wax lagu kala garto. Habiyow indhahaygu, ha arkaan indhahaagee, i agjoog abidkaa oo, meel kaleeta ha aadin. Dh: laab, qalbi, caqli, maan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habi
de: intelligence, thought
lx: habi
pd: (-ga)
ps: n2a-m-col
key: habi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hufi
f.g2 (-iyay, -isay) Dab babbin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hugi
f.g2 (-iyya, -isay) Dhar, derin iyo wixi lamida wax dusha ka saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huri
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Dab shididdiisa bilaabid. 2. Dab ololin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
huri
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Dab shididdiisa bilaabid. 2. Dab ololin. m.f.dh, hurin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
huri
v. kindle (fire); burn ~ ignite something