horyerid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horyerid
m.l Hoore layiig ah oo ku jira gudaha, ka soo horreeya marka ilmaha naasleydu dhalanayaan.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
horrid
/hooridh/ (adj) aad u-xun.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horrid
-ka: (magac, lab, keli) neef dhalay oo xeradii ilmuhu ugu jireen u cararaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hororid
(Hororid-da)
Xoog iyo bareer wax ku qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hororid
m.f.dh eeg horor².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hororid
-da: (magac, dhedig, keli) badheedh iyo xoog wax ku qaadasho. Dh: weerarid, hujuumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hordegid
m.f.dh eeg hordeg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hormarid
m.f.dh eeg hormar².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hormarid
vl. n. movement forward; progress
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hormarid
de: movement forward; progress
lx: hormarid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: hormarid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hortegid
m.f.dh eeg hortag². la-mid: hortag¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horyarad
-ka: (magac, lab, keli) xab culus oo ilmuhu ku dhex jiro. Horyaradkii bay keentey hashu.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhareerid
m.f.dh eeg dhareer². la-mid: dhareer¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhareerid
-da: (magac, dhedig, keli) dhareer sii dayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horjeedid
m.f.dh eeg hoorjed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horkeenid
m.f.dh eeg horkeen². la-mid: horkeen¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Horseedid
(Horseedid-da)
Horseed u bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horseedid
m.f.dh eeg horseed².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horseedid
-da: (magac, dhedig, keli) reer raran, iyo wixii la mid ah, ka soo horrayn oo sii astayn halka lagu furi doono, la dejin doono.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horumarid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan hore loo hayn oo wanaagsan gaadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kormeerid
(Kormeerid-da)
Hadba kormeer ugu tegid; dusha ka maamulid; ka ilaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kormeerid
m.f.dh eeg kormeer².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kormeerid
-da: (magac, dhedig, keli) dul ka ilaalin. Kormeerid bay askartu ku jirta ilaa xalay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shareerid
(Shareerid-da)
Wax shareeran ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shareerid
m.f.dh eeg shareer³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shareerid
-da: (magac, dhedig, keli) wax shareeran ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Horid
(Horid-da)
(xoolaha la shubayo) hadba hormo ama xayn ceelka u soo deyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horid
m.f.dh la-mid: horayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horid
-da: (magac, dhedig, keli) xoolaha la shubayo, kolba hormo sii dayn. Dh: horis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yerid
(Yerid-ka)
Xanuun afka ku dhaca oo ilkaha iyo cirridka waxyeela (ama yirid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yerid
m.l 1. la-mid: yirid. Cudur ku dhaca ilkaha oo cirridka waxyeela. 2. Y. ah: nin doob ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
yerid
m.l 1. la-mid: yirid. Cudur ku dhaca ilkaha oo cirridka waxyeela. 2. Y. ah: nin doob ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yerid
m. n. gingivitis, disease of the mouth ~ gums
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yerid
-da: (magac, dhedig, keli) wax yar ahaan. Geeljire yerid soo wada mar. Dh: yarid; yaraan.
yerid -ka: (magac, lab, keli) wiilka reeka ugu yar markuu weynaado. Inankani ma yeridkii idiinku yaraabaa?
yerid -ka: (magac, lab, keli) xanuun afka ku dhaca oo ilkaha iyo cirridka waxyeela. Yerid baa carruurtii afka ka galay. Dh: yirid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yerid
de: gingivitis, disease of the mouth ~ gums
initial: y
lx: yerid
pd: (-ka)
ps: n0-m
key: yerid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heerid
(Heerid-da)
Naafo ka dhigid; goyn; dhaawicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heerid
m.f.dh eeg heer².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heerid
-da: (magac, dhedig, keli) naafo ka dhigid; dhaawicid, waxyeellayn. Dh: dhaawacid, heeris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoorid
(Hoorid-da)
(roob, kd.) di'id; tiixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoorid
m.f.dh eeg hoor². la-mid: hoorrimaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoorid
-da: (magac, dhedig, keli) biyo iyo wixii la mid ah, dareerid oo shubmid. Dh: di'id, tiixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hooyid
(Hooyid-da)
Wax la isa siiyey ama la isu soo taagey, qaadasho; wax hoo laysku yiri, qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hooyid
m.f.dh eeg hoo².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hooyid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la isa siinayo isku soo fiiqid. Dh: siin.
hooyid-da: (magac, dhedig, keli) wax la isa siiyey ama la iso soo taagey, qaadasho; wax hoo laysku yiri qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horrad
m.l 1. H. ah: neef dhalay oo xeradii ilmuhu ugu jireen u cararaya. 2. la-mid: horrasho.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Hybrid
Badhax
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hybrid
/hay bridh/ (n) muq-shabeel (muwallad).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
torrid
/tooridh/ (adj) kulul (aad u kulul, sida cimilo dab ah, arin kulul iwm).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gororid
(Gororid-da)
1. (Wax shubma) sida gororka u daadasho, u dindimid.
2. Sanka dhiig ka immaansho.
3. Taagnaan badan ama dhaqdhaqaaq la'aan darteed, dhiiggu meel oogada kamid ah ku soo ururid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gororid
m.f.dh eeg gorord². la-mid: goror¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gororid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dareere ah meel hoose ku shubmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hareeri
(Hareeri-ga)
Geed dhirta waaweyn kamid ah oo toos u baxa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hareeri
m.l (hareeri, m.dh) Geed aan qodax lahayn, dhirta waaweyn ka mid ah oo toos u baxa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hareeri
m.l (hareeri, m.dh) Geed aan qodax lahayn, dhirta waaweyn ka mid ah oo toos u baxa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hareeri
m. n., [collective] tall tree species
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
HAREERI
Terminalia spinosa 80
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
HAREERI
(Hareri) All.Som Terminalia polycarpa Engl. & Diel. Combretaceae.
S Terminalia prunioides Laws. Combretaceae.
C, May Terminalia spinosa Engl. Combretaceae.
C Terminalia basilei Chiov. Combretaceae.
N, C Terminalia orbicularis Engl. & Diel. Combretaceae.
May Terminalia parvula Pampan. Combretaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hareeri
-ga: (magac, lab, keli) geed dhirta waaweyn ka mid ah oo hoos u baxa. Hareeriga ma daaqeen ka baxa, hawdka xodoyoode.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hareeri
de: tall tree sp.
lx: hareeri
pd: (-ga)
ps: n2a-m-col
key: hareeri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horjeed
f.mg1 (-day, -dday) Ka h.: wax, wax kale hortooda jooga ahaansho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
horjeed
-ka: (adj) [with preposition kasoo] opposite (op-po-sit), contrary (koon tareeri) ~ kasoo horjeedka
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horjeed
-ka: (magac, lab, keli) meel meesha ka soo jeedda ama ka soo horraysa.
horjeed -ka: (magac, lab, keli) amar diidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hormari
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Dad horumar gaarsiin. 2. Cid safka hore gelin. 3. Lacag iyo wixi lamida cid hore u siin. la-mid: hoummari.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hormari
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Dad horumar gaarsiin. 2. Cid safka hore gelin. 3. Lacag iyo wixi lamida cid hore u siin. m.f.dh, hormarin. la-mid: hoummari.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hormari
v. cause to progress, advance; precede, give precedence to someone~ something; anticipate something (money)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hormari
-yey / say: (v) 1. bring forward. 2. make prepayment; prepay (priipeey) ~ qadin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hormari
(fal) horay u dhig; horay u mari.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hormari
de: cause to progress, advance; precede, give precedence to s.o.~ s.t.; anticipate s.t. (money)
lx: hormari
pd: (hormariyey)
ps: v2a=tr
key: hormari
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Horseed
(Horseed-ka)
Kan kolka la dega hayo horay loo diro oo meesha la dega hayo iyo berrinka cidda u wanaagsan sii asteeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horseed
horseed¹: m.l (-dyo, m.dh) Qof marka la degayo hore loo diro oo meesha la degayo sii asteeya.
horseed²: f.mg1 (-day, -dday) 1. Cid wax u horkicid. 2. Cid geeddiga meel la dejiyo u soo arkid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
horseed
horseed¹: m.l (-dyo, m.dh) Qof marka la degayo hore loo diro oo meesha la degayo sii asteeya.
horseed²: f.mg1 (-day, -dday) 1. Cid wax u horkicid. 2. Cid geeddiga meel la dejiyo u soo arkid. m.f.dh, horseedid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
horseed
m. n. commander, leader; guide, scout
horseed v. lead, command, be commander; pioneer
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
horseed
-ka: (n) pioneer (paaya niir); forerunner (foor-ranar); leader (liidher) ~ horseede
horseed -ay / day: (n) act as a pioneer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horseed
(fal) reer raran iyo wixii la mid ah, ka sii horray oo sii astee halkii lagu furi lahaa ama la degi lahaa.
horseed-ka: (magac, lab, keli) qofka wax isagu bilaaba ee ugu horreeya. Dh: ulhaye, hormood.
horseed -ka: (magac, lab, keli) qofka marka meel la degayo la sii diro ee sii asteeya degsiimo fiican.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
horseed
رائد
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
ordered
/oodharid/ (adj) 1. habaysan (nidaamsan) 2. la dalbay (la amray).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoririd
m.l Qorituur.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qoririd
m.l Qorituur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bareerid
(Bareerid-da)
Qarsoodi la'aan wax u falid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bareerid
m.f.dh eeg bareer². la-mid: bareer¹, bareero.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bareerid
-da: (magac, dhedig, keli) gabbashala'aan iyo qarsoodi wax u falid, u dhihid. Dh: badheedhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
berberid
m.dh la-mid: dardarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dareerid
(Dareerid-da)
(xoolo, wax shubma) meel ka tegid oo meel kale aadid; dhaqaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dareerid
m.f.dh eeg dareer². la-mid: dareer¹, dureer¹, dureerid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dareerid
-da: (magac, dhedig, keli) durdurid oo yaacid. Ishu dareeridda lilmada ma joojinayso.
dareerid-da: (magac, dhedig, keli) xoolo, sooftegid. Dh: soofid, foofid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
derderid
m.dh la-mid: dardarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhererid
(Dhererid-da)
1. Aad u sugid; raagsasho; daahsasho.
2. Taagnaan; likaysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhererid
m.f.dh eeg dherer².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dureerid
m.dh la-mid: dareerid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haayirid
(Haayirid-da)
Dal fog aadid; dalaabid; (ama haajirid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haayirid
m.dh la-mid: haajirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haayirid
-da: (magac, dhedig, keli) dhulkaagii ka qaxid oo meel kaa fog u dalandoolid. Dh: haajirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hargelid
(Hargelid-da)
1. Harkii soo gelid; harkii noqosho.
2. Harkii meel ku sugnaan, joogid, harsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hargelid
m.f.dh eeg hargal². la-mid: hargal¹, hergelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hargelid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg hadhgalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
herdemid
-da: (magac, dhedig, keli) madaxa isku dhufasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hirgelid
(Hirgelid-da)
Dhaqan gelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hirgelid
m.f.dh eeg hirgal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Horkicid
(Horkicid-da)
(xoolo, dad) inta kale hortooda socosho, si loo dabaggalo oo meeshuu maro loo maro; wax qoodeyna haya wadid iyadoo hortooda la socona hayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horkicid
m.f.dh eeg horkac². la-mid: horkac¹ (2).