horutubyo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horutubyo
m.dh la-mid: horatibyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horutibyo
m.dh la-mid: horatibyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
horutibyo
f. n. hastening, finishing something in advance, making someone hurry
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horutibyo
-da: (magac, dhedig, keli) wax xilligii uu dhici lahaa laga soo hormariyo. Dh: hormarin: deddejis, hormaris, horatibyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
horutibyo
a: horatibyo
de: hastening, finishing s.t. in advance, making s.o. hurry
lx: horutibyo
pd: (/da)
ps: n-f
key: horutibyo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horutubyee
f.g2 (-yeeyay, -yeysay) la-mid: horatibyee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horatabyo
m.dh la-mid: horatibyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Horatibyo
(Horatibya-da)
Hormarin; wax xilliguu dhici lahaa laga soo hormariyo; deddejis; soo hormaris; ama horutibyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horatibyo
m.dh Dedejinta wax la rabo in ay dhaqso u dhammaadaan la dedejiyo. la-mid: horatabyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
horatibyo
f. n. advance, something that comes before its time; early payment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horatibyo
-da: (magac, dhedig, keli) dedejin oo soo hormarin. Dh: horatabyo.
horatibyo-da: (magac, dhedig, keli) wax xilligii uu dhici lahaa laga soo hormariyo. Dh: hormarin, deddejis, hormaris, horutibyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
horatibyo
a: horutibyo
de: advance, s.t. that comes before its time; early payment
lx: horatibyo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: horatibyo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horutubyeyn
m.dh la-mid: horatibyeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horutibyee
f.g2 (-yeeyay, -yeysay) la-mid: horatibyee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
horutibyee
v. cause to come before its time; advance; hasten
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horutibyee
(fal) horay u deddeji; mindirraaci.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
horutibyee
de: cause to come before its time; advance; hasten
lx: horutibyee
pd: (horutibyeeyey)
ps: v2b=
key: horutibyee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sirutibyo
m.dh la-mid: sirdilyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horutibyayn
-ta: (magac, dhedig, keli) arrin iyo wixii la mid ah, dedejin oo horay u ridid. Dh: horatibyayn, horutibyays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horutibyays
-ka: (magac, lab, keli) tabaabulshaysi xilli hore la sii bilaabo. Horutibyays baa dibudhaca lagag hortegaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Horutibyeyn
(Horutibyeyn-ta)
(arrin, kd.) horay u ridid; deddejin; mindirraacin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horutibyeyn
m.dh la-mid: horatibyeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horutibyeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) arrin iyo wixi la mid ah, horay u ridid. Dh: deddejin, mindirraacin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horatabyee
f.g2 (-yeeyay, -yeysay) la-mid: horatibyee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horatibyee
f.g2 (-yeeyay, -yeysay) 1. Wax dedejin si ay u dhammaadaan. 2. Wax taqaantuqin. la-mid: horatabyee, horutibyee, horutubyee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
horatibyee
v. come before its time, come in advance; be paid in advance
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horatibyee
(fal) wax xilligii uu dhici lahaa ka hor mari.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
horatibyee
a: horutibyee
de: come before its time, come in advance; be paid in advance
lx: horatibyee
pd: (horatibyeeyey)
ps: v2b=
key: horatibyee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haruub
(Haruub-ka)
Aabburka dhiisha; doobi; bire; galaas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haruub
m.l (-bbo/byo, m.dh) 1. Daboolka haanta ama dhiisha. 2. Weelcaanoodka aan daboolka lahayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haruub
m.l (-bbo/byo, m.dh) 1. Daboolka haanta ama dhiisha. 2. Weelcaanoodka aan daboolka lahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haruub
m. n. lid, cover of a milk jar
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
haruub
-ka: (n) lid of a milk vessel [container] used by nomads
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haruub
-ka: (magac, lab, keli) aabudhka dhiisha. Dh: doobi, bidhe, galas.
haruub -ka: (magac, lab, keli) eeg hadhuub.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haruub
de: lid, cover of a milk jar
lx: haruub
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: haruub
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Huunyo
(Huunya-da)
Dhamiijada shinbiraha siiba qaniinka diyaadka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huunyo
m.dh.u Deris ku nool yaryar oo digaagga gasha.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
huunyo
f. n., [collective] bird louse, chicken lice
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
huunyo
-huunyada: (n) biting louse; bird louse ~ dhamiijo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huunyo
-da: (magac, dhedig, keli) cayayaan sida injirta ah oo digaagga ku dhasha oo cuna. Dh: qirinqiir, dhamiijo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
huunyo
cf: dhamiijo
de: bird louse, chicken lice
lx: huunyo
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: huunyo
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kutubo
m. n., pl. books (especially Koranic books)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kutubo
bw: Arabic
de: books (especially Koranic books) Sg: kitaab
lx: kutubo
pd: (/ha)
ps: n8-m-pl
key: kutubo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
anguubyo
m.dh la-mid: anguugyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fargubyo
-da: (magac, dhedig, keli) mushqaayad la siiyo qof shaqeeyey gaar ahaan ka wax kariyey. Dh: yoom.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faruuryo
(Faruurya-ha)
Xiddigaha dayuxu maro, waaxda ugu danbaysa (cirir) tan ugu horraysa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faruuryo
-ha: (magac, lab, keli) waaxaha ugu danbeeya ee uu xiddigaha dayaxu maro ee 'cirir' tan ugu horraysa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huruudso
f.mg3 (-saday, -satay) Huruud marsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huruusho
m.dh (-ooyin, m.l) Wax dhuxul noqday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kabuubyo
(Kabuubya-da)
Dareen, qodax wax mudmudeysa u eg, oo oogadu garato kolka meel kamid ah, inta dhiiggu cabbaar ka joogsado, ku soo noqdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabuubyo
m.dh Dareemaha xubnaha jirka midkood oo is dhimma waxyeello darteed lana dareemo jiriiricyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kabuubyo
m.dh Dareemaha xubnaha jirka midkood oo is dhimma waxyeello darteed lana dareemo jiriiricyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kabuubyo
f. n., [abstract] numbness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kabuubyo
-kabuubyada: (n) numbness (namnes); pins and needles
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabuubyo
-da: (magac, dhedig, keli) dareen, qodax wax mudmudaysa u eg, oo oogadu dareento kolka meel ka mid ah inta dhiiggu cabbaar ka joogsado, kusoo noqdo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kabuubyo
de: numbness
lx: kabuubyo
pd: (/da)
ps: n6-f-abs
key: kabuubyo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maruuryo
-da: (magac, dhedig, keli) murugo iyo cilkaambi, Dh: welwel, uurkutaallo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qartabyo
m.dh Joogsashada neef raaf lihi ku joogsado nafley kale. la-mid: qartabo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qartabyo
-da: (magac, lab, keli) joogsashada neef raaf lihi ku joogsado nafley kale.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
tortuóso
agg. - qalqaloocan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faragubyo
-da: (magac, dhedig, keli) waxyeello iyo haltago.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qorituuro
f.mg3 (-rtay, -ratay) Qorituur ka qayb qaadasho (qof).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qorituuro
v. draw lots using small pieces of wood of varying lengths, flip a coin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qorituuro
-da: (magac, dhedig, keli) qorituur ka qaybqaadasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qorituuro
de: draw lots using small pieces of wood of varying lengths, flip a coin
lx: qorituuro
pd: (qorituurtay)
ps: v3b=intr
key: qorituuro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raragubyo
m.dh Xanuun awrku dusha ka dareemo marka uu muddo dheer rarnaado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raragubyo
-da: (magac, dhedig, keli) haynkariwaa uu awrku rarka hayn keri waayo oo uu kulay! iyo dhidid dareemo. Awrta raragubyada waa laga dhawraa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horatibyayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax dedejin oo xiliggiisii ka soo hormarin. Dh: kidkidin, dedejin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Horatibyeyn
(Horatibyeyn-ta)
Wax, xilliguu dhici lahaa ka soo hormarin; deddejin; (ama horatibyeyn).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horatibyeyn
m.f.dh eeg horatibyee. la-mid: horatabyeyn, horutibyeyn, horutub-yeyn.