horudhalow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Horudhalow
(Horudhalow-ga)
Fool beenaad xoolaha ku dhacda oo calaamooyinkii fooshoo dhan leh, kolka sidku dhammaado; waa laga biskoodaa; dabadeed fooshii runta ahayd baa timaadda; jajabow; fooldiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horudhalow
m.l (-wyo, m.dh) Fool beenaad xoolaha qabata oo calaamadihii foosha leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
horudhalow
vl. n. false indications that an animal is about to give birth, fake labor
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
horudhalow
de: false indications that an animal is about to give birth, fake labor
lx: horudhalow
pd: (-ga)
ps: vn2a-m
key: horudhalow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horudhalaw
-ga: (magac, lab, keli) foolbeenaad ta runta ah ka horraysa, waa laga bogsoodaa, dabadeed foolshii runta ahayd ayaa timaadda. Dh: jajabaw, fooldiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fooldiin
(Fooldiin-ka)
Fool-beenaad; jajabow; horudhalow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jajabow
(Jajabow-ga)
Xanxanuun yaryar oo qabatin leh oo ku dhaca dumarka sidkoodu dhammaaday (foosha ka hor); fool diin; horudhalow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fooldiin
-ka: (magac, lab, keli) xummadda iyo xanuunka ka horreeya foosha. Dh: foolbeenaad, horudhalow, jajabaw.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
horudhac
-a: (n) introduction (intra-dhak shin); foreword (foorwordh) ~ arar, gogoldhig, hordhac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horudhac
-a: (magac, lab, keli) eeg hordhac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hordhalad
(Hordhalad-ka)
1. Curad.
2. Meher-kaweyne.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hordhalad
m.l (-dyo, m.dh) 1. Curad. 2. Horgal.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hordhalad
m.l (-dyo, m.dh) 1. Curad. 2. Horgal. hordhig f.g1 (-gay, -gtay) 1. Wax, wax kale ku hor gudbid. 2. Arrin, dacwad iyo wixi lamida cid wax ka qaban karta hor gayn. 3. Cunto, cabbid iyo wixi lamida cid u gayn. m.f.dh, hordhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hordhalad
m. n., [compound] first ~ eldest child
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hordhalad
-ka: (magac, lab, keli) ilmaha u horeeya ee labada qof ee is qaba u dhasha. Dh: curad. Li: garudambays.
hordhalad-ka: (magac, lab, keli) ilmaha meherka ka hor dhasha oo aan sharci ahayn.
hordhalad-ka: (magac, lab, keli) walaalaha kan ama tan ugu filweyn oo u hordhashay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hordhalad
de: first ~ eldest child
lx: hordhalad
pd: (-ka)
ps: n2a-m-cmp
key: hordhalad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hodanow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Qof hanti leh noqosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hodanow
inch. v. become rich, be ~ get wealthy
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hodanow
de: become rich, be ~ get wealthy
lx: hodanow
pd: (hodanoobay)
ps: v1=inch
key: hodanow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hordhac
(Hordhac-a)
1. Dhicitaanka dhaca goortii la filayey goor ka soo horraysa; shinkiisa ka soo hormara, ka soo dheereeya.
2. (xoolo, ...) kuwa la socda weligi ka soo horreeya; aan dabaadi ahayn; caarad.
3. (suugaan) hadal kooban oo hadalka weyn laga soo hormariyo oo lagu caddeeyo; arar; gogol.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hordhac
m.l (-cyo, m.dh) 1. Arar (suugaanta); gogol. 2. Hadal kooban oo qoraal ah, oo ujeedada buugga lagu koobo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hordhac
m.l (-cyo, m.dh) 1. Arar (suugaanta); gogol. 2. Hadal kooban oo qoraal ah, oo ujeedada buugga lagu koobo.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Hordhac
Lead
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Hordhac
Introduction
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hordhac
m. n., [compound] introduction, introductory speech; preface; something that happens early
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hordhac
-a: (n) introductory note; foreword (foorwordh) ~ gogoldhig, horudhac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hordhac
-a: (magac, lab, keli) hadal dulmar guud ah oo ujeeddada muhiimka ah afeef u ah. Dh: arar, gogol dhig.
hordhac-a: (magac, lab, keli) wax badan oo isku xidhan waxa ugu horreeya ee bilawga u ah. Intay qadadu bislaanayso hordhac lagu sii sugo noo keena.
hordhac-a: (magac, lab, keli) xoolo, inta la socota ka soo horreeya; xoolo aan dabaadi ahayn. Dh: caarad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hordhac
cf: arar, soobandhig
de: introduction, introductory speech; preface; s.t. that happens early
lx: hordhac
pd: (-a)
ps: n2a-m-cmp
key: hordhac
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
hordhac
تقديم
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kordhaw
-ga: (magac, lab, keli) xarakada Carabiga mid ka mid ah oo xarafka kor ka fuula (ـَ).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afdhalow
m.l Cudur afka dadka iyo xoolaha ku dhaca oo bushimaha nabarro u yeela. la-mid: afgorofow.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afdhalow
m.l Cudur afka dadka iyo xoolaha ku dhaca oo bushimaha nabarro u yeela. la-mid: afgorofow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afdhalow
m. n. inflammation of the mouth, sore lips
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
afdhalow
-ga: (n) thrush (thuraash), see [eeg] cabeeb
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afdhalow
de: inflammation of the mouth, sore lips
lx: afdhalow
pd: (-ga)
ps: n-m
syn: cabeeb
key: afdhalow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cordaalo
m.l la-mid: curdaalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoosdhaw
hoosdhaw¹: m.l 1. Shaqalka carabiga mid ka mid ah oo xuruufta hoos loogaga dhigo. 2. la-mid: hoosdhebid.
hoosdhaw²: f.g1 (-dhabay, -dhabtay; -dhebi) Xuruufta carabiga shaqal hoos uga dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hoosdhaw
m.l 1. Shaqalka carabiga mid ka mid ah oo xuruufta hoos loogaga dhigo. hoose s. Meel hoos ah ku sugan; hooseeya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoosdhaw
v. mark something with a diacritic
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hoosdhaw
-ga: (n) the Arabic vowel “ I ” , called [kasra] in Arabic ~ hoosdhig
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoosdhaw
-ga: (magac, lab, keli) Carabiga, xarakada kolka xarafka hoosta laga mariyo oo aqrisanta 'i'.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoosdhaw
de: mark s.t. with a diacritic (as the vowel i under the consonant in Arabic script)
lx: hoosdhaw
nt: hoosdhaw (ga) [vn-m], hoosdhebid (da) [vn-f]
pd: (hoosdhabay)
ps: v1=tr
key: hoosdhaw
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hordhaan
m.l Neefka xoolaha ugu horreeya marka ay soconayaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hordhaan
-ka: (magac, lab, keli) neefka xoolaha ugu horreeya marka ay soconayaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hormadow
m.l la-mid: hurmadow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoydadow
-ga: (magac, lab, keli) ciyaaraha botorka mid ka mid ah oo ay haweenku ciyaaraan ahna ciyaar dhiirri galin iyo boorrin ku salaysan waxa lagu jiibiyaa «hoydadoow, hoydadoow, hadagane hoydadoow».
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurushow
-ga: (magac, lab, keli) gubasho iyo halacdhoomid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duudgalow
duudgalow¹: m.l la-mid: duurgaloobid.
duudgalow²: f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Badow noqosho (qof). la-mid: duurgalow².
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
foreshadow
/foorshaadhow/ calaamad saadaaleed u noqosho (calaamad digniin wax dhici doona oo la arko).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horudhigid
m.dh Saacad iyo wixi lamida hore gayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horudhigid
-da: (magac, dhedig, keli) horay u marin; horay u dhigid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
halow-halow
-ga: (n) walkie-talkie (wooki-tooki)
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
hors-la-loi
hors-la-loi, n.m. - sharciga ka baxsan
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
kor u bilow
upstart
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
soo dhawoow
(interjection) [plural soo dhawaada] welcome (weel-kam); the state of being welcome