horudhalaw
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horudhalaw
-ga: (magac, lab, keli) foolbeenaad ta runta ah ka horraysa, waa laga bogsoodaa, dabadeed foolshii runta ahayd ayaa timaadda. Dh: jajabaw, fooldiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Horudhalow
(Horudhalow-ga)
Fool beenaad xoolaha ku dhacda oo calaamooyinkii fooshoo dhan leh, kolka sidku dhammaado; waa laga biskoodaa; dabadeed fooshii runta ahayd baa timaadda; jajabow; fooldiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horudhalow
m.l (-wyo, m.dh) Fool beenaad xoolaha qabata oo calaamadihii foosha leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
horudhalow
vl. n. false indications that an animal is about to give birth, fake labor
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
horudhalow
de: false indications that an animal is about to give birth, fake labor
lx: horudhalow
pd: (-ga)
ps: vn2a-m
key: horudhalow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hordhalad
(Hordhalad-ka)
1. Curad.
2. Meher-kaweyne.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hordhalad
m.l (-dyo, m.dh) 1. Curad. 2. Horgal.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hordhalad
m.l (-dyo, m.dh) 1. Curad. 2. Horgal. hordhig f.g1 (-gay, -gtay) 1. Wax, wax kale ku hor gudbid. 2. Arrin, dacwad iyo wixi lamida cid wax ka qaban karta hor gayn. 3. Cunto, cabbid iyo wixi lamida cid u gayn. m.f.dh, hordhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hordhalad
m. n., [compound] first ~ eldest child
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hordhalad
-ka: (magac, lab, keli) ilmaha u horeeya ee labada qof ee is qaba u dhasha. Dh: curad. Li: garudambays.
hordhalad-ka: (magac, lab, keli) ilmaha meherka ka hor dhasha oo aan sharci ahayn.
hordhalad-ka: (magac, lab, keli) walaalaha kan ama tan ugu filweyn oo u hordhashay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hordhalad
de: first ~ eldest child
lx: hordhalad
pd: (-ka)
ps: n2a-m-cmp
key: hordhalad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hordhaan
m.l Neefka xoolaha ugu horreeya marka ay soconayaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hordhaan
-ka: (magac, lab, keli) neefka xoolaha ugu horreeya marka ay soconayaan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
horudhac
-a: (n) introduction (intra-dhak shin); foreword (foorwordh) ~ arar, gogoldhig, hordhac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horudhac
-a: (magac, lab, keli) eeg hordhac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hordhac
(Hordhac-a)
1. Dhicitaanka dhaca goortii la filayey goor ka soo horraysa; shinkiisa ka soo hormara, ka soo dheereeya.
2. (xoolo, ...) kuwa la socda weligi ka soo horreeya; aan dabaadi ahayn; caarad.
3. (suugaan) hadal kooban oo hadalka weyn laga soo hormariyo oo lagu caddeeyo; arar; gogol.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hordhac
m.l (-cyo, m.dh) 1. Arar (suugaanta); gogol. 2. Hadal kooban oo qoraal ah, oo ujeedada buugga lagu koobo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hordhac
m.l (-cyo, m.dh) 1. Arar (suugaanta); gogol. 2. Hadal kooban oo qoraal ah, oo ujeedada buugga lagu koobo.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Hordhac
Lead
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Hordhac
Introduction
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hordhac
m. n., [compound] introduction, introductory speech; preface; something that happens early
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hordhac
-a: (n) introductory note; foreword (foorwordh) ~ gogoldhig, horudhac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hordhac
-a: (magac, lab, keli) hadal dulmar guud ah oo ujeeddada muhiimka ah afeef u ah. Dh: arar, gogol dhig.
hordhac-a: (magac, lab, keli) wax badan oo isku xidhan waxa ugu horreeya ee bilawga u ah. Intay qadadu bislaanayso hordhac lagu sii sugo noo keena.
hordhac-a: (magac, lab, keli) xoolo, inta la socota ka soo horreeya; xoolo aan dabaadi ahayn. Dh: caarad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hordhac
cf: arar, soobandhig
de: introduction, introductory speech; preface; s.t. that happens early
lx: hordhac
pd: (-a)
ps: n2a-m-cmp
key: hordhac
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
hordhac
تقديم
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kordhaw
-ga: (magac, lab, keli) xarakada Carabiga mid ka mid ah oo xarafka kor ka fuula (ـَ).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afdhalaw
-ga: (magac, lab, keli) cudur dadka iyo xoolahaba ku dhaca oo afka hareerihiisa huruuruc iyo finan ka soo dareeriya. Kolkaa, xooluhu dhareer badan bay yeeshaan, waxna ma cuni karaan. Dh: cabeeb.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoosdhaw
hoosdhaw¹: m.l 1. Shaqalka carabiga mid ka mid ah oo xuruufta hoos loogaga dhigo. 2. la-mid: hoosdhebid.
hoosdhaw²: f.g1 (-dhabay, -dhabtay; -dhebi) Xuruufta carabiga shaqal hoos uga dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hoosdhaw
m.l 1. Shaqalka carabiga mid ka mid ah oo xuruufta hoos loogaga dhigo. hoose s. Meel hoos ah ku sugan; hooseeya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoosdhaw
v. mark something with a diacritic
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hoosdhaw
-ga: (n) the Arabic vowel “ I ” , called [kasra] in Arabic ~ hoosdhig
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoosdhaw
-ga: (magac, lab, keli) Carabiga, xarakada kolka xarafka hoosta laga mariyo oo aqrisanta 'i'.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoosdhaw
de: mark s.t. with a diacritic (as the vowel i under the consonant in Arabic script)
lx: hoosdhaw
nt: hoosdhaw (ga) [vn-m], hoosdhebid (da) [vn-f]
pd: (hoosdhabay)
ps: v1=tr
key: hoosdhaw
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gardhalad
Bisha 30ka maalmood ku dhalata ee aan 29 maalmood ku dhalan;; aan toomaan ahayn; shindhalad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gardhalad
m.l Bil bilatay kaddib markay u buuxsameen soddon beri bishii ka horreysay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gardhalad
m. n. full Muslim lunar month
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gardhalad
-ka: (magac, lab, keli) wax shindhalad. ah sida bisha soddon maalmood ku dhammaata. Li: tooman.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gardhalad
de: full Muslim lunar month (any Muslim lunar month that has the full 30 days instead of 29)
lx: gardhalad
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: gardhalad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hogdhagax
m.l (-xyo, m.dh) 1. Meel hog ah oo dhagaxa laga guro. 2. Meesha dhagaxa lagu gubo si nuurad looga dhigo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hogdhagax
m. n., [compound] quarry, mine
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hogdhagax
de: quarry, mine
lx: hogdhagax
pd: (-a)
ps: n2a-m-cmp
key: hogdhagax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurushaad
-da: (magac, dhedig, keli) ood gabowday buburkii ka hadhay. Dh: jabad, guri.
hurushaad -ka: (magac, lab, keli) aad u gubasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horudhigid
m.dh Saacad iyo wixi lamida hore gayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horudhigid
-da: (magac, dhedig, keli) horay u marin; horay u dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shin'udhalad
-ka: (magac, lab, keli) wax muddadi caadiga ahaa ku dhasha oo bilihii uu uurka kijiri lahaa ay u buuxsantay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hormosalaad
hormosalaad¹: m.l Ku soo yaacidda meel wax yaalliin ama wax ka dhaceen lagu soo yaaco. la-mid: qamaan¹.
hormosalaad²: f.mg1 (-day, -dday) Meel ay wax yaalliin ama wax ka dheceen ku yaacid. la-mid: qamaan².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horummarsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Cid horukac gaartay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
horummarsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Cid horukac gaartay ahaansho. m.f.dh, horummarsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
horummarsan
Comp. adj., (ie. n., adj.): advanced, developed, evolved
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
horummarsan
-aa: (adj) developed (di-veloopidh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horummarsan
(tilmaame) horay loo dhigay ama loo mariyey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
horummarsan
de: advanced, developed, evolved
lx: horummarsan
pd: (horummarsanaa)
ps: adj-cmp
key: horummarsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhowaandhalad
(Dhowaandhalad-ka)
Yar; cusub; fil yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhowaandhalad
m.l Fikrad, qalab iyo wixi lamida hore u jiri jirin oo waqti dhow soo baxay. la-mid: dhawaandhalad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhowaandhalad
m.l Fikrad, qalab iyo wixi lamida hore u jiri jirin oo waqti dhow soo baxay. la-mid: dhawaandhalad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhowaandhalad
m. n., [compound] recently born, very young person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhowaandhalad
-ka: (magac, lab, keli) wax goor dhaw dhashay ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhowaandhalad
de: recently born, very young person
lx: dhowaandhalad
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: dhowaandhalad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hootodhegalay
-da: (magac, dhedig, keli) jaad ka mid ah warmaha yaryar ama leeb loo yeelo labo dhegood oo dib u rogan.