horkicid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Horkicid
(Horkicid-da)
(xoolo, dad) inta kale hortooda socosho, si loo dabaggalo oo meeshuu maro loo maro; wax qoodeyna haya wadid iyadoo hortooda la socona hayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horkicid
m.f.dh eeg horkac². la-mid: horkac¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horkicid
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo iyo wixii la mid ah, hoggaamin oo dawga uga horrayn. Dh: horsocosho, horgalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horukicid
m.dh 1. Samaynta horukac la sameeyo. 2. la-mid: horukac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horseed
horseed¹: m.l (-dyo, m.dh) Qof marka la degayo hore loo diro oo meesha la degayo sii asteeya.
horseed²: f.mg1 (-day, -dday) 1. Cid wax u horkicid. 2. Cid geeddiga meel la dejiyo u soo arkid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
horseed
horseed¹: m.l (-dyo, m.dh) Qof marka la degayo hore loo diro oo meesha la degayo sii asteeya.
horseed²: f.mg1 (-day, -dday) 1. Cid wax u horkicid. 2. Cid geeddiga meel la dejiyo u soo arkid. m.f.dh, horseedid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoggaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) hoggaanka qabasho oo horkicid; hogaanka u qabad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horukacid
-da: (magac, dhedig, keli) horumarid oo koboc dhaqaale samayn. Dh: horumarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mirkicid
(Mirkicid-da)
Mir dhexe oo la hurdo, kicid, toosid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mirkicid
m.f.dh eeg mirkac².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mirkicid
-da: (magac, dhedig, keli) saq dhexe cunto u kicid. Mirkicidda lama barto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oodkicid
m.f.dh eeg oodkac².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barakicid
m.f.dh eeg barakac². la-mid: barakac¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barakicid
-da: (magac, dhedig, keli) qaxooti ahaan u guurid; cabsi ama gaajo u qayaadid. Dagaalladu waxay sababaan barakicidda dad badan. Dh: qixid, qaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawakicid
m.dh la-mid: hiyikicid.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Herbicide
Dhir hoosaad tire
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
herbicide
herbicide, adj. - sun disha geedaha xun
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hiyikicid
(Hiyikicid-da)
Hiyiga ka kicid; kalkaggeeddi gelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiyikicid
m.f.dh eeg hiyikac². la-mid: hawakicid, niyadkicid, niyakicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hordhigid
m.f.dh eeg hordhig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horkeenid
m.f.dh eeg horkeen². la-mid: horkeen¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sarakicid
(Sarakicid-da)
Jiif ama fadhi ka kicid; sarajoogsasho; istaagid; kicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarakicid
m.f.dh eeg sarakac². la-mid: sarakac¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarakicid
-da: (magac, dhedig, keli) jiif ama fadhi ka kicid. Dh: sarajoogsasho, istaagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shirkiyid
m.f.dh eeg shirki².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
toobkicid
m.f.dh eeg toobkac². la-mid: toobkac¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Horid
(Horid-da)
(xoolaha la shubayo) hadba hormo ama xayn ceelka u soo deyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horid
m.f.dh la-mid: horayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horid
-da: (magac, dhedig, keli) xoolaha la shubayo, kolba hormo sii dayn. Dh: horis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kicid
(Kicid-da)
1. Istaagid; joogsasho; sarakicid.
2. (ukicid) Tegid; aadid.
3. (ula kicid) Kas u yeelid; maagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kicid
m.f.dh eeg kac.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kicid
vl. n. alarm, commotion, confusion, flurry; arising, waking ~ getting up; rising
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kicid
-da: (n) 1. the act of waking. 2. the act of revolting — kicitaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kicid
-da: (magac, dhedig, keli) jiif ama hurdo ka toosid.
kicid-da: (magac, dhedig, keli) dhaqaaqidda dareenka dad degganaa.
kicid-da: (magac, dhedig, keli) istaagidda iyo sare u joogsashada. Dh: sarakicid.
kicid -da: (magac, dhedig, keli) meherad, dhaqdhaqaaqii wax soosaarka joojin; meherad baabi'id.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kicid
de: alarm, commotion, confusion, flurry; arising, waking ~ getting up; rising
lx: kicid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: kicid
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
kicid
قِيَامٍ نُهُوضِ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
holcid
m.f.dh eeg holoc².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
holcid
-da: (magac, dhedig, keli) ololidda iyo bixid; hurid ama noolaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Horkac
(Horkac-a)
Xoolo ama dad is dabajooga oo qoodeyna haya, oo mid iyaga kamid ahi u horreeyo oo horsocdo, inta kalena dabasocoto, si aan waddada looga habaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horkac
horkac¹: m.l 1. (-cyo, m.dh) H. ah: xoolo ama dad isdabajooga oo qoodeynaya, oo mid iyaga ka mid ahi u horreeyo oo horsocdo, inta kalena dabasocoto, si aan waddada looga habaabin. 2. la-mid: horkicid.
horkac²: f.g1 (-cay, -cday; -kici) 1. Cid hoggaamin. 2. Xoolo hor socosho si loo wado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
horkac
m. n., [compound] leader, first in line
horkac v., [compound] lead in single file, be the first of a line
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
horkac
-ay I day: (v) [with preposition u] lead (liidh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horkac
(fal) wax badan oo isdaba socda horsoco oo dawga uga horree. Dh: hoggaami, horgal.
horkac -a: (magac, lab, keli) xoolo iyo wixii la mid ah, si aanay waddada uga hallaabin uu mid iyaga ka mid ahi u horreeyo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
horrid
/hooridh/ (adj) aad u-xun.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horrid
-ka: (magac, lab, keli) neef dhalay oo xeradii ilmuhu ugu jireen u cararaya.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
forbici
s.f.pl.maqas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Horfiiq
(Horfiiq-a)
Nin dad ama qolo ama guddi u madax ah; waayeel; taliye; guddoonshe; hormuud.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horfiiq
m.l (-qyo, m.dh) Qof dad hoggaamiya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
horfiiq
m. n. leader, chairman
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horfiiq
-a: (magac, lab, keli) qof cid madax u ah oo hoggaamiya: nin dad ama qolo ama guddi u madax ah. Dh: hormuud, madax, guddoomiye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
horfiiq
de: leader, chairman
lx: horfiiq
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: horfiiq
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
horkace
m. n., [compound] guide, scout
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
horkace
de: guide, scout
lx: horkace
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: horkace
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horniin
m.l la-mid: horayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hororid
(Hororid-da)
Xoog iyo bareer wax ku qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hororid
m.f.dh eeg horor².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hororid
-da: (magac, dhedig, keli) badheedh iyo xoog wax ku qaadasho. Dh: weerarid, hujuumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
irkigid
m.f.dh eeg irkig². la-mid: argagid, erkegid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
irkigid
-da: (magac, dhedig, keli) fajac iyo yaab qaadis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mirkici
f.g2 (-iyay, -isay) Cid habeen gelinkiisa dambe toosin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoririd
m.l Qorituur.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qoririd
m.l Qorituur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabkicid
-da: (magac, dhedig, keli) kicitaanka dab ama olol meel ka kaca. Xilliga xagaaga dabkiciddu way badan tahay. Dh: dabkac.
dabkicid-da: (magac, dhedduign, keli) dab iyo olol oogsada. Dabkicidda waxa lagu eedeeyey duqda guriga leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fooricid
-da: (magac, dhedig, keli) soo kuusmid oo kor u soo foodhicid. Biqilkii imika uun buu fooricid ku jiraa. Dh: foodhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gowricid
(Gowricid-da)
Xoolaha la qala hayo, mindi ama bir kale oo afaysan, hunguriga ku goyn; birayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gowricid
m.f.dh eeg gowrac². la-mid: gowrac¹ (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurricid
m.f.dh eeg gurrac².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hardiyid
(Hardiyid-da)
Hardi ku dhufasho; madaxa xoog wax ugu dhufasho; cid madaxa wax ku yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hardiyid
m.f.dh eeg hardi. la-mid: haratin, hardin, hertin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hardiyid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale madax ku jiidid. Hardiyidda naga daa oo saani u ciyaar. Dh: herdiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
herdiyid
-da: (magac, dhedig, keli) herdootan; herdi isla dhicid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hirdiyid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg hardiyid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
homicide
/homasaydh/ (n) 1. dad-dilis. (n) 2. gacan ku-dhiigle.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Homicide
Dil
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
homicide
homicide, n.m. - dad layn; dad dilis.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
homicide
n., dil, -ki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hordegid
m.f.dh eeg hordeg.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
horkac_1
de: leader, first in line
hm: 1
lx: horkac
pd: (-a)
ps: n2a-m-cmp
key: horkac_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
horkac_2
de: lead in single file, be the first of a line
hm: 2
lx: horkac
pd: (horkacay)
ps: v1=cmp
key: horkac_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hormarid
m.f.dh eeg hormar².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hormarid
vl. n. movement forward; progress
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hormarid
de: movement forward; progress
lx: hormarid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: hormarid
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
horrific
/hoorifik/ (adj) argagax leh (shoog-leh).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hortegid
m.f.dh eeg hortag². la-mid: hortag¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horyerid
m.l Hoore layiig ah oo ku jira gudaha, ka soo horreeya marka ilmaha naasleydu dhalanayaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirnicid
m.dh eeg jirnac².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kirkirid
(Kirkirid-da)
Mindi ama qalab kale oo aan af lahayn wax ku goynteed ku celcelin; kirkir u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kirkirid
m.f.dh eeg kirkir³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kirkirid
-da: (magac, dhedig, keli) mindi ama qalab kale oo aan af lahayn wax ku goynteed oo ku celcelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mirkicin
m.f.dh eeg mirkici.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarwicid
-da: (magac, dhedig, keli) ku dayasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
surbicid
m.f.dh eeg surbac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tabkicid
(Tabkicid-da)
Dhib waqti gaar ah joogta, kaga bixid, kaga gudbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabkicid
m.f.dh eeg tabkac². la-mid: tabkac¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabkicid
-da: (magac, dhedig, keli) dhib wakhti gaar ah joogta, tab kaga bixid oo kaga gudbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ulakicid
(Ulakicid-da)
Iyadoo aan lagu gefin, kas iyo bareer wax ugu falid; ulakasid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ulakicid
-da: (magac, dhedig, keli) badheedh wax u samayn. Ulakicid dil waa denbi weyn if iyo aakhiro ba. Dh: ukas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hogoraacid
m.f.dh eeg hogoraac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horudhigid
m.dh Saacad iyo wixi lamida hore gayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horudhigid
-da: (magac, dhedig, keli) horay u marin; horay u dhigid.