horion
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
horion
horion, n.m. - feedhidda; tatoomidda; judbidda.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Chorion
Kooriyon, Qolof ugraan
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Horizon
Ufuq
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
horizon
/harayzan/ (n) ili-kuwareertay (dhulka inta ishu qaban karto, xarriiqda soo koobta ama la moodo in dhulka iyo cirku iska galaan).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
horizon
n., meesha cirka iyo dhulku iska hayaan or is kaga yaaliin or iska kala hayaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Horin
(Horin-ta)
Koox; xayn; hormo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horin
m.dh (-immo, m.dh) 1. In xoolo ah oo mar biyo loo sii daayo. 2. Koox dad ah. la-mid: hormo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
horin
m.dh (-immo, m.dh) 1. In xoolo ah oo mar biyo loo sii daayo. 2. Koox dad ah; hormo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
horin
f. n. group; platoon
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
horin
-ta: (n) group (guruup)', squad (iskwaadh) ~ koox. hormo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horin
-ta: (magac, dhedig, keli) koox geel ah oo isla socota ama wada daaqaysa.
horin-ta: (magac, dhedig, keli) ciidan, qaabdhismeed ciidan oo ka kooban saddex unug. Dh: hurin.
horin -ta: (magac, dhedig, keli) xoolo, koox ama xayn; hormo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
horin
bw: hormo
de: group; platoon
lx: horin
pd: (-ta)
ps: n2c-f
syn: koox
key: horin
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
horgoyn
screening
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Hormone
Hoormoon
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
hormone
(n) a substance formed by one organ, passes through the blood stream, to another organ, to stimulate function by means of its chemical activity.
dheecaan sameeyo xubin jidhka kuna soo daayo dhiigga kana shaqaysiya xubanaha kale
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hormone
/hoormown/ (n) hoormoon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hormoon
m.l (baayoloji) Dhacaan ay qanjirrada jirka qaarkood dhalaan oo dhiigga ku daraan dabadeedna dhaxalsiiya xubno badani inay shaqadooda fuliyaan, korriimada jirkana qayb weyn ka qaata.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hormoon
m.l (baay.) Dhacaan ay qanjirrada jirka qaarkood dhalaan oo dhiigga ku daraan dabadeedna dhaxalsiiya xubno badani inay shaqadooda fuliyaan, korriimada jirkana qayb weyn ka qaata.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hormoon
-ka: (magac, lab, keli) walax kimikeed yar oo uu jidhku soo saaro oo waxtar weyn u leh nudadka jidhka qaarkood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horniin
m.l la-mid: horayn.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
portion
/poorshan/ (n) qayb (jeex).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
portion
portion, n.f. - jab; qayb
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
portion
n., qayb, -ti.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
torsion
(n) a type of mechanical stress where an object is twisted and contorted.
meel shay lagu qaloociyo
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
torsion
/toorshan/ (n) duuban (wareegsan).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
torsion
torsion, n.f. - maroojinta
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoon
m.l (-nan, m.l) Aalad ku rakiban gaadiidka (baabuurta, tareenka, iyo wixi lamida) oo la dhawaajiyo markii wax loo digayo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hoon
m.l (-nan, m.l) Aalad ku rakiban gaadiidka (baabuurta, tareenka, iyo wixi lamida) oo la dhawaajiyo markii wax loo digayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoon
m. n. horn
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hoon
-ka: (n) horn (hoorn); honk (hoongk)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoon
-ka: (magac, lab, keli) qalab kala jaadjaad ah oo gaadiidka lagu rakibo oo baraarujinta iyo wixii la mid ah loo adeegsado.
hoon -ka: (magac, lab, keli) dhawaaqa iyo codka uu hoonku bixiyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoon
de: horn
lx: hoon
pd: (-ka Pl: hoonan (ka))
ps: n4-m
key: hoon
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Horn
Gees
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
horn
/hoorn/ (n) 1. gees. (n) 2. hoonka baabuurka.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
horn
n., gees, -ki, geesas, -ki, or geeso, -ihi (plural).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horo
f.g3 (-rtay, -ratay) Xoolo ooman biyo hormo-hormo ugu sii daysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Orin
(Orin-ta)
Or qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
orin
m.f.dh eeg ori. la-mid: oris, orrin, orris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
orin
-ta: (magac, dhedig, keli) sawaxan hees iyo socod isla socda ah samayn.
orin -ta: (magac, dhedig, keli) ku qaylin oo cid ka xishoodsiin. Orinta ka daaya shirka oo dhegaysta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gorin
(Gorin-ta)
(neef rimman) gor yeelasho; candhadu soo weynaansho bilaabid; habaasin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gorin
m.f.dh eeg gori. la-mid: goris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gorin
-ta: (magac, dhedig, keli) danbarka ku soo dhaca marka neefku shinkiisu dhowyahay. Godka lagu cadaabyeey hadduu dayn gorinta naaskeedu.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Harin
(Harin-ta)
Meel hoos ah, geyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harin
m.f.dh eeg hari. la-mid: harayn, haris¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harin
-ta: (magac, dhedig, keli) meel hoos leh, geyn. Dh: hadhin, haris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
herin
herin¹: m.dh/l Qof soo dhammaystay tababbarka xeeladaha ugaarsiga oo herinoobay.
herin²: m.dh.u Koox ugaarsato ah oo bahowday oo xeer iyo xeeladba wadaagta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
herin
m.dh.u Koox ugaarsato ah oo bahowday oo xeer iyo xeeladba wadaagta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hodon
m.l la-mid: hodan¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hodon
m. n. rich man, wealthy person
hodon [inchoative] v. become rich
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hodon
(tilmaame) qof xoolo badan leh. Dh: taajir, maalqabeen, hodan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hojin
(Hojin-ta)
(nafley, kd.) meel tubid, joojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hojin
m.f.dh eeg hoji. la-mid: hojis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hojin
-ta: (magac, dhedig, keli) joojin oo dhaqaad u diidid. Dh: hakin, tubid, hojis, dabbaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Holon
(Holon-ka)
Dabayl kulul; hongorre.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
holon
m.l 1. Dabayl kulul; hongorre. 2. Gaajo iyo wixi lamida. 3. Carro, dambas iyo wixi lamidaoo kulul. la-mid: holan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
holon
m. n. hot wind; heat (of flame); anger, ire, fury
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
holon
(tilmaame) eeg holan.
holon -ka: (magac, lab, keli) dabayl kulul oo xilliga xagaaga dhacda. Holon oomane kugu hela tallaabo rogi maysid. Dh: hanfi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
holon
de: hot wind; heat (of flame); [fig.] anger, ire, fury
lx: holon
pd: (-ka)
ps: n2c-m
key: holon
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horan
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Xoolo wax biyo loo horay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
horan
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Xoolo wax biyo loo horay ahaansho. m.f.dh, hornaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Horid
(Horid-da)
(xoolaha la shubayo) hadba hormo ama xayn ceelka u soo deyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horid
m.f.dh la-mid: horayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horid
-da: (magac, dhedig, keli) xoolaha la shubayo, kolba hormo sii dayn. Dh: horis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Horis
(Horis-ta)
Horid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horis
m.dh la-mid: horayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
horis
vl. n. act of organizing animals in groups for watering
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horis
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo loo shubaayey hadba hormo ama xayn ceelka u soo deyn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
horis
de: act of organizing animals in groups for watering
lx: horis
pd: (-ta)
ps: vn1-f
key: horis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hormo
(Horma-da)
Xayn; koox; jab: qaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hormo
m.dh 1. la-mid: Horin; ormo. 2. la-mid: horayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hormo
m.dh 1. Horin; ormo. 2. horayn.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
hormo
heat
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hormo
f. n. select group; section; faction; subset {mathematics}
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hormo
-hormada: (n) group (guruiip); squad (iskwaadh) ~ koox, horin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hormo
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo, qayb mar gudha darka biyaha loo sii daayo. Dh: koox, qayb, xayn, horin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hormo
a: horin
de: select group; section; faction; subset {mathematics} Orig: first group of camels extracted from the herd to be watered
lx: hormo
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: koox, xayn; qaar
key: hormo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horog
m.l Midab madow oo xooluhu qaarka hore ku yeeshaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
horog
m. n., [abstract] black color of the forequarters of the bodies of cattle, sheep and goats
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horog
-ga: (magac, lab, keli) wanka madax madaw leh.
horog -ta: (magac, dhedig, keli) midab madow oo dibigu labada qaar ku yeesho markuu labajir dhaafo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
horog
de: black color of the forequarters of the bodies of cattle, sheep and goats
lx: horog
pd: (-ga)
ps: n0-m-abs
key: horog
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Horor
(Horor-ka)
Si bareer ah, kan xoog iyo gardarro wax u qaata.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horor
horor¹: m.l.kh H. ah: qof ama dugaag xoog wax ku qaata.
horor²: f.g1 (-ray, -rtay) Xoog wax ku qaadasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
horor
m.l.kh H. ah: qof ama dugaag xoog wax ku qaata.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
horor
m. n. beast of prey, predator; plunderer, pirate; intervention
horor v. prey on; plunder, rob
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Horor
nickname-m wild, selfish; greedy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
horor
-ka: (n) 1. man-eating beast; predator (prediter), 2. robber (roob ber); horror (horor)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horor
-ka: (magac, lab, keli) dugaag aad wax u cuna oo maalin cad weerartama. Dh: dugaag.
horor-ka: (magac, lab, keli) si badheedh ah, xoog iyo gardarro wax u qaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horro
f.mg3 (-aday, -atay) Neef ido ah oo ilmihiisu xerada looga reebay, galabnimo dhanka aqalka u soo cararid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoyin
(Hoyin-ta)
Meel lagu hoydo siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoyin
m.f.dh la-mid: hoyn.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
HOYIN
Albizia obbiadensis 01
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoyin
-ka: (magac, lab, keli) meel lagu hoydo siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hurin
(Hurin-ta)
(dab) Bixin; ololin; shidid; noolayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurin
m.f.dh eeg huri. la-mid: huris¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurin
-ta: (magac, dhedig, keli) dab, ololin ama shidid. Hurinta dabku ma cusla. Dh: bakhtiin.
hurin-ta: (magac, dhedig, kel) koox ciidan ah oon tiro badnayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Korin
(Korin-ta)
1. Wax dhashay ama yar dheefin si uu korriimadiisa u dhammaysto.
2. Meel sare gaarsiin, geyn, saarid.
3. Dhibaato ka bixin, ka saarid; nabadgelin; samatabbixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
korin
m.f.dh eeg kori. la-mid: koris.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
korin
-ta: (n) raising (reeyzing)-, fostering; nurturing ~barbaarin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Koron
(Koron-ka)
Rati la dhufaanay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koron
m.l (-ommo, m.dh) Rati la dhufaanay. la-mid: koran.