horin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Horin
(Horin-ta)
Koox; xayn; hormo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horin
m.dh (-immo, m.dh) 1. In xoolo ah oo mar biyo loo sii daayo. 2. Koox dad ah. la-mid: hormo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
horin
m.dh (-immo, m.dh) 1. In xoolo ah oo mar biyo loo sii daayo. 2. Koox dad ah; hormo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
horin
f. n. group; platoon
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
horin
-ta: (n) group (guruup)', squad (iskwaadh) ~ koox. hormo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horin
-ta: (magac, dhedig, keli) koox geel ah oo isla socota ama wada daaqaysa.
horin-ta: (magac, dhedig, keli) ciidan, qaabdhismeed ciidan oo ka kooban saddex unug. Dh: hurin.
horin -ta: (magac, dhedig, keli) xoolo, koox ama xayn; hormo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
horin
bw: hormo
de: group; platoon
lx: horin
pd: (-ta)
ps: n2c-f
syn: koox
key: horin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoorin
(Hoorin-ta)
1. Wax da'a haya ama shubma haya, weel u dhigid.
2. Quraanka ama xubnaha heesaha dhammaadkooda, wadajir u wada qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoorin
m.f.dh eeg hoori. la-mid: hooris.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
HOORIN
(Horin) S Enteropogon macrostachyus (A. Rich.) Benth. Gramineae.
S Enteropogon rupestris (Schmidt.) A. Chev. Gramineae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoorin
-ta: (magac, keli) aayadaha Quraanka dhammaadkooda ama dhextaallada heesaha wadajir islula wada qaaditaan. Dh: hooris.
hoorin-ta: (magac, dhedig, keli) wax da'aya ama shubmaya weel u dhigid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
horion
horion, n.m. - feedhidda; tatoomidda; judbidda.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Horn
Gees
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
horn
/hoorn/ (n) 1. gees. (n) 2. hoonka baabuurka.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
horn
n., gees, -ki, geesas, -ki, or geeso, -ihi (plural).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Orin
(Orin-ta)
Or qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
orin
m.f.dh eeg ori. la-mid: oris, orrin, orris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
orin
-ta: (magac, dhedig, keli) sawaxan hees iyo socod isla socda ah samayn.
orin -ta: (magac, dhedig, keli) ku qaylin oo cid ka xishoodsiin. Orinta ka daaya shirka oo dhegaysta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gorin
(Gorin-ta)
(neef rimman) gor yeelasho; candhadu soo weynaansho bilaabid; habaasin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gorin
m.f.dh eeg gori. la-mid: goris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gorin
-ta: (magac, dhedig, keli) danbarka ku soo dhaca marka neefku shinkiisu dhowyahay. Godka lagu cadaabyeey hadduu dayn gorinta naaskeedu.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Harin
(Harin-ta)
Meel hoos ah, geyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harin
m.f.dh eeg hari. la-mid: harayn, haris¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harin
-ta: (magac, dhedig, keli) meel hoos leh, geyn. Dh: hadhin, haris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
herin
herin¹: m.dh/l Qof soo dhammaystay tababbarka xeeladaha ugaarsiga oo herinoobay.
herin²: m.dh.u Koox ugaarsato ah oo bahowday oo xeer iyo xeeladba wadaagta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
herin
m.dh.u Koox ugaarsato ah oo bahowday oo xeer iyo xeeladba wadaagta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hojin
(Hojin-ta)
(nafley, kd.) meel tubid, joojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hojin
m.f.dh eeg hoji. la-mid: hojis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hojin
-ta: (magac, dhedig, keli) joojin oo dhaqaad u diidid. Dh: hakin, tubid, hojis, dabbaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horan
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Xoolo wax biyo loo horay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
horan
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Xoolo wax biyo loo horay ahaansho. m.f.dh, hornaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Horid
(Horid-da)
(xoolaha la shubayo) hadba hormo ama xayn ceelka u soo deyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horid
m.f.dh la-mid: horayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horid
-da: (magac, dhedig, keli) xoolaha la shubayo, kolba hormo sii dayn. Dh: horis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Horis
(Horis-ta)
Horid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horis
m.dh la-mid: horayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
horis
vl. n. act of organizing animals in groups for watering
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horis
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo loo shubaayey hadba hormo ama xayn ceelka u soo deyn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
horis
de: act of organizing animals in groups for watering
lx: horis
pd: (-ta)
ps: vn1-f
key: horis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoyin
(Hoyin-ta)
Meel lagu hoydo siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoyin
m.f.dh la-mid: hoyn.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
HOYIN
Albizia obbiadensis 01
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoyin
-ka: (magac, lab, keli) meel lagu hoydo siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hurin
(Hurin-ta)
(dab) Bixin; ololin; shidid; noolayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurin
m.f.dh eeg huri. la-mid: huris¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurin
-ta: (magac, dhedig, keli) dab, ololin ama shidid. Hurinta dabku ma cusla. Dh: bakhtiin.
hurin-ta: (magac, dhedig, kel) koox ciidan ah oon tiro badnayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Korin
(Korin-ta)
1. Wax dhashay ama yar dheefin si uu korriimadiisa u dhammaysto.
2. Meel sare gaarsiin, geyn, saarid.
3. Dhibaato ka bixin, ka saarid; nabadgelin; samatabbixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
korin
m.f.dh eeg kori. la-mid: koris.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
korin
-ta: (n) raising (reeyzing)-, fostering; nurturing ~barbaarin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bulsho
(Bulsha-da)
1. Horin dad ah oo isku hawl iyo dano ah (fardooley, lo'ley, ...).
2. Urur; wadajir; mujtamac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cuur
(Cuur-ka)
1. (dad, kd.) koox; horin; xayn.
2. Aan teelteel ahayn; cumur;
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Firqo
(Firqa-da)
Dad koox ah; horin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jameeco
(Jameeca-da)
1. Dad badan oo meel wada jooga.
2. Urur diineed.
3. Horin kol wada tukata.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Koox
(Koox-da)
Tiro isku duuban oo aan badnayn; xayn; horin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tarab
(Tarab-ka)
Xayn; koox; horin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tarabtarab
(u dhimasho) xayn xayn; koox koox; horin horin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tunbul
(Tunbu-sha)
Wax urursan; wadajir; horin; koox.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wegen
(Wegen-ka)
1. Boqol fardo ah.
2. Xayn; koox; horin; (ama wagan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xayn
(Xayn-ta)
Wadajir urursan oo ka kooban dad ama waxyaalo; koox; horin; xoogaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firqo
m.dh Dad koox ah; horin.

hormee
f.g2 (-meeyay, -maysay) 1. Wax horin horin u qaybin. 2. Nafley hormo gelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hormo
m.dh 1. la-mid: Horin; ormo. 2. la-mid: horayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wegen
m.l 1. Boqol fardo ah. 2. Xeyn; koox; horin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xayn
m.dh In yar oo aan badayn oo xoolo, ugaar iyo wixi lamida oo wada jira; horin; koox.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
firqo
m.dh Dad koox ah; horin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hormo
m.dh 1. Horin; ormo. 2. horayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xayn
m.dh In yar oo aan badayn oo xoolo, ugaar iyo wixi lamida oo wada jira; horin; koox.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
flotilla
/flootila/ (n) cutub ama horin maraakiib dagaal
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Chorion
Kooriyon, Qolof ugraan
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Horizon
Ufuq
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
horizon
/harayzan/ (n) ili-kuwareertay (dhulka inta ishu qaban karto, xarriiqda soo koobta ama la moodo in dhulka iyo cirku iska galaan).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
horizon
n., meesha cirka iyo dhulku iska hayaan or is kaga yaaliin or iska kala hayaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horniin
m.l la-mid: horayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doorin
(Doorin-ta)
1. Siduu ahaa maahee si kale ka dhigid; wax wax dhaafin; beddelid.
2. (Lacag) sarrifid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doorin
m.f.dh eeg doori². la-mid: dooris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dǫorin
m.f.dh eeg dǫori. la-mid: dooris.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Doorin
Cambio
Change
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doorin
-ta: (magac, dhedig, keli) sidii uu ahaa si ka duwan ka dhigid ama wax aan la mid ahayn ku beddelid. Dh: beddelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foorin
m.dh la-mid: fooryid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foorin
-ta: (magac, dhedig, keli) foodhi samayn; foodhyid; fiijin; foodhis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gorfin
m.f.dh eeg gorfi. la-mid: gorfis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Harbin
(Harbin-ta)
Horay u riixid ama u dhaqaajin yar oo xoog ku jiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harbin
m.f.dh eeg harbi. la-mid: harbis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harbin
-ta: (magac, keli) horay u riixid ama u dhaqaajin yar oo xoog ku jiro;.
harbin -ta: (magac, dhedig, keli) si xoog ah hore ugu riixid ama u dhaqaajin. Dh: harbis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hardin
m.dh la-mid: hardiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hardin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale madax ku riixid. Ninka hardinta ka daa oo dagaal u badheedh. Dh: herdin.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Hariin
name-m shading, put ~ carry into the shade
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harmin
m.f.dh eeg harmi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
harmin
vl. n. contamination
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
harmin
de: contamination
lx: harmin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: harmin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harqin
m.f.dh eeg harqi. la-mid: hirqin. la-mid: harqis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harqin
-ta: (magac, dhedig, keli) biyo badan dhexgelin oo ku hafin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heerin
(Heerin-ka)
Gabdho in la guursado darteed isu raaca oo dalka u mara.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heerin
m.l.kh H. ah: gabdho in la guursado darteed isu raaca oo dalka u mara. la-mid: heeran¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
heerin
m. n. alliance through marriage
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heerin
-ta: (magac, dhedig, keli) gabdho guurdoon ah oo dhulkoodii dhul an ahayn u baxa; gabdho in la guursado isu raaca oo dhulka geyaankoodu joogo marba meel ka taga, ilaa iyo inta laga guursanayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
heerin
de: alliance through marriage
lx: heerin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: heerin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
herdin
-ta: (magac, dhedig, keli) wan ama wax kale, cid madaxa ku dhufasho. Dh: hardin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hertin
m.dh la-mid: hardiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hertin
-ta: (magac, dhedig, keli) madaxa iksu dhufasho; herdin.