horfiiqsad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horfiiqsad
m.l la-mid: horfiiqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horfiiqso
f.g3 (-saday, -satay) Qof, garwade ka dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horfiiqsasho
m.f.dh eeg horfiiqso. la-mid: horfiiqsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fiiqsad
(Fiiqsad-ka)
Fiiqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiiqsad
m.l la-mid: fiiqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiiqsad
-ka: (magac, lab, keli) heemis ama dhammayn; faaruqin iyo dhammaan laacid. Dh: fiiqsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Horfiiq
(Horfiiq-a)
Nin dad ama qolo ama guddi u madax ah; waayeel; taliye; guddoonshe; hormuud.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horfiiq
m.l (-qyo, m.dh) Qof dad hoggaamiya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
horfiiq
m. n. leader, chairman
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horfiiq
-a: (magac, lab, keli) qof cid madax u ah oo hoggaamiya: nin dad ama qolo ama guddi u madax ah. Dh: hormuud, madax, guddoomiye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
horfiiq
de: leader, chairman
lx: horfiiq
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: horfiiq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hariisad
-da: (magac, dhedig, keli) basbaas kulul oo cuntada lagu daro. Dh: middimiddi, basbaas, barbari.
hariisad -da: (magac, dhedig, keli) cunto qamadi ama heed ka samaysan oo si gaara loo kariyo.
hariisad -da: (magac, dhedig, keli) jaadadka xalwadda middood. Dh: hariiso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cariiqsad
(Cariiqsad-ka)
Cariiqsi, cariiqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cariiqsad
m.l la-mid: cariiqsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cariiqsad
vl. n. provocation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cariiqsad
-ka: (magac, lab, keli) amardiiddo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cariiqsad
a: cariiqsasho (/da) [vn6-f]
de: provocation
lx: cariiqsad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: cariiqsad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rafiiqsad
-ka: (magac, lab, keli) cid rafiiq ka dhigasho. Rafiiqsadka nimaan run aqoon waa lagu luggo'aa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiiqfiiqsad
-ka: (magac, lab, keli) caano iyo wixii la mid ah, kabbasho yar oo dabaylkunuugis ah ku cabbid; fiiqsasho oo mar kale fiiqsasho. Dh: fiiqfiiqsi, fiiqfiiqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fiidsad
(Fiidsad-ka)
Fiidsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiidsad
m.l la-mid: fiidsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiidsad
-ka: (magac, lab, keli) inta ay ka noqonayso fiid, sugid ama u kaadsasho. Dh: caweysimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fiirsad
(Fiirsad-ka)
Fiirsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiirsad
m.l la-mid: fiirsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiirsad
-ka: (magac, lab, keli) eeg'eegista ama fikirka talo laga baaraandego. Dh: fiirsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiigsad
-ka: (magac, lab, keli) wax aad doonaysid inaad taabtid ama gaadhid, si laballaxaadsi ah u tiigsad, u dabajjoogid. Dh: hiigsasho, hiigsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hiinsad
(Hiinsad-ka)
Hiinsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiinsad
m.l la-mid: heensasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiinsad
-ka: (magac, lab, keli) wax yar oo caano iyo wixii la mid ah oo weel ku hadhay, ka fuuqsad. Dh: hiinsasho,
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horqaad
(fal) wax uu eeganayo la horsoco.
horqaad -ka: (magac, lab, keli) neef kolka ay xooluhu soconayaan la hor kaxeeyo oo ay intooda kale dabagalaan oo raacaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiiqsad
(Jiiqsad-ka)
Jiiqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiiqsad
m.l la-mid: jiiqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiiqsad
-ka: (magac, lab, keli) cid kaa itaal yar, u xoogsheego.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bariisad
-ka: (magac, lab, keli) inta qorraxdu soo dheeraanayso sugid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dariiqad
-da: (magac, dhedig, keli) hab wax loo fahansiiyo qofka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiiqsad
m.l la-mid: dhiiqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiiqsad
-ka: (magac, lab, keli) naas dhiiq ku jirta ka maalid. Dh: lisad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diriqsad
(Diriqsad-ka)
Diriqsasho; muquunsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diriqsad
m.l la-mid: diriqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diriqsad
-ka: (magac, lab, keli) wax xoog ku muquunsasho. Dh: dirqisad, qasbad. diriqsasho -da: (magac, dhedig, keli) qasab iyo xoog wax ku marsiin. Dh: qasbid, dirqisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fariisad
(Fariisad-ka)
Fariisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fariisad
m.l la-mid: fariisasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fariisad
vl. n. act of sitting (down)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fariisad
-ka: (magac, lab, keli) dhulka, iyo wixii la mid ah. korkiisa salka dhigid ama saarid; salka dhulka saarid. Dh: fadhiisad, fadhiisasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fariisad
a: fariisasho (/da) [vn6-f]
de: act of sitting (down)
lx: fariisad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: fariisad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
holmisad
m.l la-mid: holmisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qariisad
m.dh (-do, m.l) (baayoloji) U jajabnaan dabiici ah oo loogu dhaqmo si gaar ah, taas oo aan koritaankeeda, uga baahnayn barasho waayo aragnimo gaar ah leh. Sidaa darteed waa aqoon dhalasho oo dabeeci ah. la-mid: inistinkt.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qariisad
m.dh (-do, m.l) (baay.) U jajabnaan dabiici ah oo loogu dhaqmo si gaar ah, taas oo aan koritaankeeda, uga baahnayn barasho waayo aragnimo gaar ah leh. Sidaa darteed waa aqoon dhalasho oo dabeeci ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qariisad
-da: (magac, dhedig, keli) (baaolaji.) u jajabnaan dabiici ah oo loogu dhaqmo si gaar ah, taas oo aan koritaankeedu u baahnayn barasho iyo waayo-aragnimo gaar ah. Sidaa darted waa aqoon dhalasho oo dabeeci ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qoriqaad
(Qoriqaad-ka)
Agas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoriqaad
qoriqaad¹: m.l Neef loo qalo dad xabaal ka hawl galay. la-mid: qorijiid¹.
qoriqaad²: f.g1 (-day, -dday) Dad xabaal ka hawlgalay neef u qalid. la-mid: qorijiid².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qoriqaad
m. n., [compound] feast in honor of a dead person, eaten beside the tomb
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qoriqaad
de: feast in honor of a dead person, eaten beside the tomb
lx: qoriqaad
pd: (-ka)
ps: n2a-m-cmp
key: qoriqaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiiqsad
m.l la-mid: shiiqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiiqsad
-ka: (magac, lab, keli) shiiqsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barriiqad
-ka: (magac, lab, keli) barriiqasho lugaha oo ku kala orda. Barriiqadka waa lagu kufaa. Dh: sinbiriirixad, silbad, tarrimba, sibiibasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cariigsad
m.l la-mid: cariiqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cariigsad
-ka: (magac, lab, keli) canaagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirfiidad
m.dh Wiish silig koronto leh ku socda oo qararka iyo buuraha dhaadher la isaga tallaabo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cirfiidad
m.dh Wiish silig koronto leh ku socda oo qararka iyo buuraha dhaadher la isaga tallaabo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cirfiidad
f. n. she-devil, demon, female evil spirit
cirfiidad [feminine] n. bulldozer
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hormarsad
m.l la-mid: hormarsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hormarsad
-ka: (magac, lab, keli) horay u dhigasho; horay u marsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirriqsad
m.l la-mid: jirriqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirriqsad
-ka: (magac, lab, keli) ilkahaaga xoog iskugu qabasho oo kaga jirriqsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mirriqsad
(Mirriqsad-ka)
Mirriqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mirriqsad
m.l la-mid: mirriqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mirriqsad
-ka: (magac, lab, keli) candho madhan caana ka dayid oo naaska ka xooxin. Dh: xooxsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Morooqsad
(Morooqsad-ka)
Marooqsasho,
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaqiiqsad
(Xaqiiqsad-da)
Xaqiiqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaqiiqsad
m.l la-mid: xaqiiqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaqiiqsad
-ka: (magac, lab, keli) rumaysad oo jiritaankiisa run u aaminid. Dh: xaqiiqsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barriinsad
-ka: (magac, lab, keli) u baradka hawl ama wax kale oo si isdabajooga ah loo falo. Barriinsadka barqin seexashaduu bartay. Dh: caadaysad, laasimid, joogtaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carriigsad
-ka: (magac, lab, keli) «ku cariigsasho; cariiqsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gowriirsad
m.l la-mid: gowriirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gowriirsad
-ka: (magac, lab, keli) wax ku kor foorarsad oo qaandoodsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horjoogsad
m.l la-mid: horjoogsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mashiiqsad
-ka: (magac, lab, keli) mashiiqsi samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tartiibsad
-ka: (magac, lab, keli) qunyar u socod, degenaan iyo aayar u shaqayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacdiidsad
m.l la-mid: dhacadiidsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hiinhiinsad
(Hiinhiinsad-ka)
Hiinhiinsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiinhiinsad
-ka: (magac, lab, keli) dhawr jeer hiinsad; heensasho soo noqnoqota. Dh: heenheensad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horraanqaad
-ka: (magac, lab, keli) habsocod, degdeg ama gaabis ah oo ka hore lagu daydo. Awrba awrka horuu horraanqaadkiisa leeyahay. Dh: socod
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riiqriiqsad
-ka: (magac, lab, keli) dhagdhaqaag kolba dhan loo faadhumaysto samayn. Dh: nuuxnuuxsad
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xarriiqbadh
m.l (-qo ..., m.l) (xisaab) (Fallaar) Xarriiq toosan oo ka bilaabanta bar maguuraan ah oo si aan joogto ahayn ugu fidda hal jiho (dhinac) oo keliya.