hooyanimo
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hooyanimo
-da: (n) motherhood (maatharhudh) ~ hooyonnimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hooyannimo
m.dh Hooyo ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hooyannimo
-da: (magac, dhedig, keli) hooyo ahaansho; yooyonnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hooyonnimo
(Hooyonnima-da)
Hooyo ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hooyonnimo
f. n., [abstract] motherhood
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hooyonnimo
-hooyonnimada: (n) motherhood (maathar hudh) ~ hooyanimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hooyonnimo
-da: (magac, dhedig, keli) ahaanshaha ama noqoshada marxaladda hooyada; waalidnnimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hooyonnimo
de: motherhood
lx: hooyonnimo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: hooyonnimo
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
motherhood
/mathar-hudh/ (n) hooyanimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aabbanimo
-da: (magac, dhedig, keli) ahaanshaha labada waalid kooga lab. Aabbanimo carruurtu ha kaa dareento. Li: hooyanimo.
aabbanimo -da: (magac, dhedig, keli) lahaanshaha tilmaamaha xilkasnimo ee aabbaha. Ugaasku waa nin ay aabbanimadu ka muugato. Dh: xilkasnimo.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
maternity
n., hooyanimo, -adi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoomonimo
-da: (magac, dhedig, keli) caydh ahaan; saboolnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Horyaalnimo
(Horyaalnima-da)
Madaxnimo; horfiiqnimo; hormuudnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horyaalnimo
m.dh Horyaal ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
horyaalnimo
f. n., [abstract] leadership, chairmanship
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
horyaalnimo
-horyaalnimada: (n) championship (jaam piyan shiip)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horyaalnimo
-da: (magac, dhedig, keli) wax ugu mudan oo u horreeya ahaansho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
horyaalnimo
de: leadership, chairmanship
lx: horyaalnimo
pd: (/da)
ps: n6-f-abs
key: horyaalnimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abootanimo
-da: (magac, dhedig, keli) labada waalid midkood, hooyadood ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
awoowanimo
-da: (magac, dhedig, keli) awoowe ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
loofarnimo
m.dh Loofar ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
loofarnimo
-da: (magac, dhedig, keli) loofar ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoosimo
f.g3 (-maday, -matay) Guro awr hoosin u yeelasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doobnimo
-da: (magac, dhedig, keli) doob ahaan; wiil weli ahaan guursan ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gobanimo
-da: (magac, dhedig, keli) madaxbannaani la helo; dawladnimo la gaadho. Dh: xorriyad. Li: gunnimo.
gobanimo -da: (magac, dhedig, keli) wanaag loo dhasho iyo dhaqan suubban. Li: gunnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moolnimo
m.dh Mool ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moolnimo
-da: (magac, dhedig, keli) gundheeraan; hoos wax u dheer ahaan. Ceelka moolnimo ayaa loogu hagaagi waayay.
moolnimo -da: (magac, dhedig, keli) geesa la'aan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toornimo
-da: (magac, dhedig, keli) qof awran ahaan. Toor bilaa caqli ayaad tahay.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gooninimo
-gooninimada: (a) aloneness (a loon-nes); lone someness (loon-sam-nes)~kalinim
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hodannimo
m.dh Hodan ahaansho. la-mid: hodantinnimo, hodantooyo, hodontinnimo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hodannimo
-hodannimada: (n) wealthiness (weel-thi-nes); richness (riij-nes) ~hodonnimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hodannimo
-da: (magac, dhedig, keli) hodan ahaan; qof hodan ah noqosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hodonnimo
f. n., [abstract] wealth, richness, being a rich person
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hodonnimo
-hodonnimada: (n) see [eeg] hodannimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hodonnimo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg hodannimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hodonnimo
de: wealth, richness, being a rich person
lx: hodonnimo
pd: (/da)
ps: n6-f-abs
key: hodonnimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horornimo
-da: (magac, dhedig, keli) dhaqanka hororka lahaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Hormogalnimo
Associativity
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abootannimo
m.dh Abooto ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cooraafnimo
m.dh Cooraaf ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoocilnimo
m.dh Dhoocil ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoocilnimo
-da: (magac, dhedig, keli) foodlay ahaan. Dh: gambayarnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doofaarnimo
m.dh 1. Doofaar ahaansho. 2. Qof aad u dabci xun ahaansho. la-mid: doonfaarnimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doofaarnimo
-da: (magac, dhedig, keli) doqonniimo iyo dhaqan doofaar yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kootalinimo
m.dh Kootali ahaansho (nin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boojisnimo
m.dh Boojis ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
codkarnimo
m.dh Codkar ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
codkarnimo
f. n., [abstract] eloquence, having good oratory skills
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
codkarnimo
-codkarnimada: (n) oratorship (ooritar-shiip)-, eloquence (elak-wansi) ~ aftahannimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
codkarnimo
-da: (magac, dhedig, keli) codkar ahaan lahaanshaha awoodda iyo farsamada dadka lagu qanciyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
codkarnimo
de: eloquence, having good oratory skills
lx: codkarnimo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
syn: ciraab
key: codkarnimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
coobilnimo
m.dh Coobil ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dotoornimo
m.dh la-mid: doktoornimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dotoornimo
-da: (magac, dhedig, keli) shaqada dhakhtarnimada ee daaweynta abuurta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dowladnimo
(Dowladnima-da)
Dowlad ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dowladnimo
m.dh la-mid: dawladnimo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dowladnimo
-dowladnimada: (n) sovereignty (sovranti); statehood (isteeyt-huud) ~ dawladnimo, qaranmimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goblannimo
m.dh la-mid: gablannimo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
habaynnimo
-habaynnimada: (adv) during the night; overnight (oovarnaayt) ~ isla habaynkaas, habeennimo
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
habeynnimo
-habeynnimada: (adv) 1. during the night; overnight (oovar-naayt); 2. (n) night-time ~ habeennimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halyeynimo
-da: (magac, dhedig, keli) raganimo iyo wanaag. Halyaynimo hibo laguma helo. Dh: geesinimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qowlannimo
m.dh Qowle ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qumayanimo
m.dh la-mid: qumanyannimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shuftanimo
m.dh (taar.) Dagaalyahan ee dagaallamaaya oo ka mid ah ciidan aan rasmi ahayan, ee ka soo horjeeda ciidamada dawladda iyo booliska; jabhad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sowjarnimo
m.dh la-mid: sawjarnimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sowjarnimo
-da: (magac, dhedig, keli) geesinimo; waracnimo. Li: fulaynimo, geesinimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
booldhannimo
m.dh Booldhe ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hodontinnimo
m.dh la-mid: hodannimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sokeeyannimo
-da: (magac, dhedig, keli) sokeeye ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Soomaalinimo
-da: (magac, dhedig, keli) Soomaali ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xogogaalnimo
m.dh Xogogaal ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xogogaalnimo
-da: (magac, dhedig, keli) xogogaal ahaan; goobjoog xogaha la doonayo og anaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eynimo
-da: (magac, dhedig, keli) yeelashada dhaqanka eyga oo kale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hadimo
(Hadima-da)
Had; dhimasho; geeri; wed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadimo
m.dh (-ooyin, m.l) Dhibaato weyn oo khiyaamo ku jirto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hadimo
m.dh (-ooyin, m.l) Dhibaato weyn oo khiyaamo ku jirto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hadimo
f. n., [abstract] death; disaster, catasrophe, calamity; deceit
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadimo
-da: (magac, dhedig, keli) dhimashada iyo geerida. Dh: wed, had, dhimasho, wed.
hadimo -da: (magac, dhedig, keli) luggooyo lagala kulmo wax aan la filanayn. Saddex lagama kaco habaar waalid, hansi gabadheed iyo hadimo xoolaad. Dh: dhibaato.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hadimo
de: death; [fig.] disaster, catasrophe, calamity; deceit
lx: hadimo
pd: (/da)
ps: n6-f-abs
key: hadimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Harimo
(Harima-da)
Cunnada weyn oo maalinta kalabbarkeeda la cuno; qado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harimo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Cuntada harkii la cuno; qado. 2. Wax jirro awgeed loo takooro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
harimo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Cuntada harkii la cuno; qado. 2. Wax jirro awgeed loo takooro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
harimo
f. n. lunch
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harimo
-da: (magac, dhedig, keli) cuntada maalinta bartankeeda la cunno. Dh: qado, hadhimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
harimo
de: lunch
lx: harimo
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: qado
key: harimo
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Hayimo
nickname; name-f docile; simple, uncomplicated; tamed ~ trained pack camel
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoolan
La hoolay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoolan
hoolan¹: f.mg1 (-lmay, -lantay; -lmi) 1. Wax la xoqay noqosho. 2. Timo ama dhogor wax la xiiray noqosho. 3. Wax dubka laga qaaday noqosho.
hoolan²: f.mg4 (-lnaa, -lnayd) 1. Wax la xoqay ahaansho. 2. Timo ama dhogor la xiiray ahaansho. 3. Wax dubka laga qaaday ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hoolan
hoolan¹: f.mg1 (-lmay, -lantay; -lmi) 1. Wax la xoqay noqosho. 2. Timo ama dhogor wax la xiiray noqosho. 3. Wax dubka laga qaaday noqosho. m.f.dh, hoolmid.
hoolan²: f.mg4 (-lnaa, -lnayd) 1. Wax la xoqay ahaansho. 2. Timo ama dhogor la xiiray ahaansho. 3. Wax dubka laga qaaday ahaansho. m.f.dh, hoolnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoolan
der. [adjective] scraped, clipped; badly cut ~ shaved (of hair); sheared; skinned, peeled; plucked
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoolan
(tilmaame) diirka laga saaray: aan dub iyo dahaadh midna lahayn. Dh: diiran.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoolan
de: scraped, clipped; badly cut ~ shaved (of hair); badly sheared; skinned, peeled; plucked
lx: hoolan
nt: hoolan (hoolmay) [v1=inch]
pd: (hoolnaa)
ps: adj-der
key: hoolan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hooyad
vl. n. homecoming, going home
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hooyad
a: hooyasho (/da) [vn6-f]
de: homecoming, going home
lx: hooyad
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: hooyad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hooyal
-ka: (magac, lab, keli) sanam magaciis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hooyid
(Hooyid-da)
Wax la isa siiyey ama la isu soo taagey, qaadasho; wax hoo laysku yiri, qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hooyid
m.f.dh eeg hoo².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hooyid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la isa siinayo isku soo fiiqid. Dh: siin.
hooyid-da: (magac, dhedig, keli) wax la isa siiyey ama la iso soo taagey, qaadasho; wax hoo laysku yiri qaadasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afonimo
-da: (magac, dhedig, keli) xaas la qabo ahaan.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
anònimo
agg. - magac la'.