hootodhegalay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hootodhegalay
-da: (magac, dhedig, keli) jaad ka mid ah warmaha yaryar ama leeb loo yeelo labo dhegood oo dib u rogan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horudhalaw
-ga: (magac, lab, keli) foolbeenaad ta runta ah ka horraysa, waa laga bogsoodaa, dabadeed foolshii runta ahayd ayaa timaadda. Dh: jajabaw, fooldiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dooxodaldalan
m.dh (-ooyin ..., m.l) (juqraafi) Waadi laageed ku darma waadi weyn, laagtaas oo ka soo dhacaysa meel joog door ah ka sarraysa waadiga weyn, sidaas darteed biyaha ku qulqulaya waadi laageedkaas waxay ku galaan waadiga weyn si biyo dhac ama daadag ah. D.ooyinka ama waadiyaasha daldalan waxay caan ku yihiin dhulalka socodka baraf weynuhu uu gooyay.