hooskatuur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hooskatuur
m.l Colaad yar oo dad ka dhexeysa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hooskatuur
m.l Colaad yar oo dad ka dhexeysa. hooso m.dh (-ooyin, m.l) 1. Dhis yar oo la harsado. 2. Meel dhisan oo hawl lagu qabto; garaash.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hooskatuur
-ka: (magac, lab, keli) khilaafka qarsoon oo labada ishaysa oo keli ah ay og yihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xinif
(Xinif-ta)
Colaad yar oo qarsoon oo labo qof ama ka badan dhex taal; hooskatuur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fandab
-ta: (magac, dhedig, keli) is afgaranwaa iyo khilaaf labo dhinac u dhexeeya. Dh: hooskatuur, khilaaf, xurguf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xasaasiyad
-da: (magac, dhedig, keli) xasarad iyo hoos ka tuur laba dhinac ka dhaxaysa. Dh: shaqaaqo, hooskatuur.
xasaasiyad -da: (magac, dhedig, keli) cadanyo iyo diidmo jidhku uu wax diido.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xinif
-ka: (magac, lab, keli) qof aad u itaal daaran oo caato ah. Dh: xiid, caato..
xinif-ta: (magac, dhedig: keli) xumaan hoose oon soo shaac bixin oo laba qof ama laba kooxood u dhaxaysa. Labo xinif hori u dhaxayso xumaani kama dhammaato. Dh: hooskatuur, xiniftan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qariskatuur
-ka: (magac, lab, keli) qof naftiihallig ah. Dh: jariskatuur
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoosmar
-ka: (magac, lab, keli) wax korka saarnaa oo hoos gala ama mara.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hooshaar
-ka: (magac, lab, keli) lebisaad iyo xarrago xaddhaaf ah.
hooshaar -ka: (magac, lab, keli) shukaanka huuriga ama doonta dhanka danbe lagaga xidho. Dh: dafad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hooskuhar
m.l la-mid: hoosaharre.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hootanuug
m.l (-gyo, m.dh) Ilmo geel, yar, oo aan hooyadiis laga maalin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hootanuug
-ga: (magac, lab, keli) neef yar oo aan maalintii laga reebin hooyadii oo jaqa.
hootanuug-ga: (magac, lab, keli) nirig labo halaad ka dhaxaysa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhexkatuur
m.dh Derin, harrar iyo wixi lamida oo aqal Soomaaliga dusha laga saaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hooskadhaw
-ga: (magac, lab, keli) gaadmo iyo ogaal la'aan wax ku eyelid. Dh: ismijaxaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hooskalla'
m.dh Qof u muuqda inuu wanaagsanyahay oo aan wax tar lahayn. la-mid: hoosgalla'.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
horodateur
horodateur, n.m. - makiinad qorta saacada iyo taariikhda
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jar-iskatuur
m.l.kh la-mid: jar-iskaxoor.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qar-iskatuur
m.l Naftihallig. la-mid: jar-iskatuur
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qar-iskatuur
m.l Qof naftiisa meel halis ah geliya; naftihalig. la-mid: jar-iskatuur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoollatuso
f.mg3 (-stay, -satay) la-mid: dhoollatus².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoollatuso
(fal) cududdaada iyo muruqaaga cadawga tus oo dhoollatus samee.