hooskadhaw
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hooskadhaw
-ga: (magac, lab, keli) gaadmo iyo ogaal la'aan wax ku eyelid. Dh: ismijaxaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoosdhaw
hoosdhaw¹: m.l 1. Shaqalka carabiga mid ka mid ah oo xuruufta hoos loogaga dhigo. 2. la-mid: hoosdhebid.
hoosdhaw²: f.g1 (-dhabay, -dhabtay; -dhebi) Xuruufta carabiga shaqal hoos uga dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hoosdhaw
m.l 1. Shaqalka carabiga mid ka mid ah oo xuruufta hoos loogaga dhigo. hoose s. Meel hoos ah ku sugan; hooseeya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoosdhaw
v. mark something with a diacritic
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hoosdhaw
-ga: (n) the Arabic vowel “ I ” , called [kasra] in Arabic ~ hoosdhig
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoosdhaw
-ga: (magac, lab, keli) Carabiga, xarakada kolka xarafka hoosta laga mariyo oo aqrisanta 'i'.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoosdhaw
de: mark s.t. with a diacritic (as the vowel i under the consonant in Arabic script)
lx: hoosdhaw
nt: hoosdhaw (ga) [vn-m], hoosdhebid (da) [vn-f]
pd: (hoosdhabay)
ps: v1=tr
key: hoosdhaw
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sokowkadhaw
(fal) intaa ka sokow; hadalkaa ka sokow; waxaan kuu sheegay ka sokow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoosdadab
m.l H. ah: caws, raro iyo wixi lamida geed ama aqal hoos looga duggaaliyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hooskuhar
m.l la-mid: hoosaharre.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hoosudhac
m.l (dhaq.) Xilli waddan dhaqaalihiisu uu hoos u dhaco, dhinaca wax soo saarka, beeraha, warshadaha, taaso ay keento hoos u dhac qiimaha lacagta, iyo shaqo la'aan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hoosudhac
-a: (n) downfall (dhawn-fool)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoosudhac
-a: (magac, lab, keli) wax meel ay taagnaayeen ka soo yaraada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hooskalla'
m.dh Qof u muuqda inuu wanaagsanyahay oo aan wax tar lahayn. la-mid: hoosgalla'.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoos-u-dhac
m.l (dhaq.) Xilli waddan dhaqaalihiisu uu hoos u dhaco, dhinaca wax soo saarka, beeraha, warshadaha, taaso ay keento hoos u dhac qiimaha lacagta, iyo shaqo la'aan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoosaad
-ka: (magac, lab, keli) xagga hoose xigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoosaas
m.l 1. Hoos sameyn. 2. Hiillo la qarinayo. 3. Daruur roob.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doogdhaw
m.l Guuridda loo guuro meel doog leh; doograac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fooldhaw
m.l Bun la dubay oo jirka la marsado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoosdhig
hoosdhig¹: m.l la-mid: hoosdhigid.
hoosdhig²: f.g1 (-gay, -gtay) Xuruufta carabiga shaqal hoos uga dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoosdhig
v. mark with a diacritic
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hoosdhig
-ga: (n) 1. the Arabic vowel “I” called (kasra} in Arabic. 2. —hoosdhig -ay / tay: (v) put something under ~ hoosgali. Ex: miiska hoosdhig: put it under the chair
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoosdhig
-ga: (magac, lab, keli) Carabiga, xarakada xarfaha mid ka mid ah oo hoosta xarafka looga dhigo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoosdhig
a: hoosdhaw
de: mark with a diacritic
lx: hoosdhig
pd: (hoosdhigay)
ps: v1=tr
key: hoosdhig
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hooshaar
-ka: (magac, lab, keli) lebisaad iyo xarrago xaddhaaf ah.
hooshaar -ka: (magac, lab, keli) shukaanka huuriga ama doonta dhanka danbe lagaga xidho. Dh: dafad.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Hooso-ha
atelier.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iskadhal
m.l.kh 1. I. ah: qof labadiisa waalid aysan isku jiinsiyad ahayn. 2. I. ah: qof labadiisa waalid ay isku qoys yihiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
iskadhal
m.l.kh 1. I. ah: qof labadiisa waalid aysan isku jiinsiyad ahayn. 2. I. ah: qof labadiisa waalid ay isku qoys yihiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iskadhal
m. n. person born of parents of a different race
iskadhal m. n. person born of parents of the same clan ~ sub-clan
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iskadhal
-ka: (n) person who's parents are from same clan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iskadhal
-ka: (magac, lab, keli) noole ka dhasha labo noole oo kala sinji ah, ama mid ka dhasha labo noole oo ka soo jeeda labo raas oo isku sinji ah. Raaska madaw iyo raaska cad ee dadku waxay keenaan iskadhal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boogadhay
m.l la-mid: boogadhaye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulkadhaw
-ga: (magac, lab, keli) dusha ka garaacid. Dh: korkadhaw. Li: hooskadhaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoodadday
(fal) hadimay oo luggoo; dibindaabyay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoosgashi
m.l (-iyo, m.dh) Dharka intiisa hoos laga xirto ee aan waxba ka hooseyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hoosgashi
m.l (-iyo, m.dh) Dharka intiisa hoos laga xirto ee aan waxba ka hooseyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoosgashi
m. n. undergarment, slip, petticoat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hoosgashi
-ga: (n) underclothes (andhar-klowz); underwear (andharweer); underclothing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoosgashi
-ga: (magac, lab, keli) dharka inta gudaha laga xidho, sida garanka ama buumaha, iyo wixii la mid ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoosgashi
de: undergarment, slip, petticoat
lx: hoosgashi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: hoosgashi
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
korkadhac
outsider
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoosgalla'
m.dh la-mid: hooskalla'.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hooskatuur
m.l Colaad yar oo dad ka dhexeysa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hooskatuur
m.l Colaad yar oo dad ka dhexeysa. hooso m.dh (-ooyin, m.l) 1. Dhis yar oo la harsado. 2. Meel dhisan oo hawl lagu qabto; garaash.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hooskatuur
-ka: (magac, lab, keli) khilaafka qarsoon oo labada ishaysa oo keli ah ay og yihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Roobladhac
(Roobladhac-a)
Bahal yar oo kudkudaha qaabka uga eg oo midabkiisu xariir guduudan u eg yahay, oo weligi roobka dabadiisa la arko, oo la moodo inuu cirka ka soo dhacay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
roobladhac
m.l Cayayaan jurmi yar oo midab guduudan leh oo kudkudaha u eg oo la arko marka roob da'o kaddib.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
roobladhac
m. n., [compound] small red flying insect species
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
roobladhac
de: small red flying insect sp. (that appears after a rain)
lx: roobladhac
pd: (-a)
ps: n2a-m-cmp
key: roobladhac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoosiskudhig
-ga: (magac, lab, keli) si aan islaweyni iyo qab ku jirin oo tawaaduc ah u dhaqmid. Dh: isyarayn.
hoosiskudhig-ga: (magac, lab, keli) badhba-badh xaqirid oo qofba qof ka ka hooseeya yasid. Dh: isyasid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goofaadhtan
-ka: (magac, lab, keli) isrogrogid ama gagadoon. Goofaadhtanka badan waa lagu daalaa.