hoosiskudhig
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoosiskudhig
-ga: (magac, lab, keli) si aan islaweyni iyo qab ku jirin oo tawaaduc ah u dhaqmid. Dh: isyarayn.
hoosiskudhig-ga: (magac, lab, keli) badhba-badh xaqirid oo qofba qof ka ka hooseeya yasid. Dh: isyasid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hooskuhar
m.l la-mid: hoosaharre.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hoosudhac
m.l (dhaq.) Xilli waddan dhaqaalihiisu uu hoos u dhaco, dhinaca wax soo saarka, beeraha, warshadaha, taaso ay keento hoos u dhac qiimaha lacagta, iyo shaqo la'aan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hoosudhac
-a: (n) downfall (dhawn-fool)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoosudhac
-a: (magac, lab, keli) wax meel ay taagnaayeen ka soo yaraada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hooskadhaw
-ga: (magac, lab, keli) gaadmo iyo ogaal la'aan wax ku eyelid. Dh: ismijaxaabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoosudhigid
-da: (magac, dhedig, keli) wax soo yaraada noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharsingudhin
-ta: (magac, dhedig, keli) neef sida uu kolkuu godladaba u dharsayo ku gudhid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoos-u-dhigid
vl. n., [compound] demotion