hoosimasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoosimasho
m.f.dh eeg hoosimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoosimo
f.g3 (-maday, -matay) Guro awr hoosin u yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Goosasho
(Goosasha-da)
1. Goyn, qof isaga darti wax u goynayo; goosad.
2. Mutaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goosasho
m.f.dh eeg gooso. la-mid: goosad (2), goosi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goosasho
vl. n. secession; cutting for oneself
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
goosasho
-goosashada: (n) the act of seceding; secession (se sash en)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
goosasho
de: secession; cutting for oneself
lx: goosasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: goosasho
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
goosasho
إِنْشِقَاقِ انسلاخ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoobasho
(Hoobasha-da)
1. Meel deged ah marid; hoos u socosho; daadasho; qubasho.
2. Baabbi'id; dhimasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoobasho
m.f.dh eeg hoobo. la-mid: hoobad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoobasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhimasho iyo baaba' fara badan. Dh: baaba'.
hoobasho-da: (magac, dhedig, keli) meel dheer ka soo daadasho; hoos u daadegid. Dh: daadegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoosiman
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax hoosin loo yeelay ahaansho (guro awr).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moosasho
m.f.dh eeg mooso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moosasho
-da: (magac, dhedig, keli) ciid tiirsasho oo daad ama wax kale u teedin; daad iska weecin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoobsasho
(Hoobsasha-da)
(caano) si hoobsi ah u dhamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoobsasho
m.f.dh eeg hoobso. la-mid: hoobsad, hoobsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoobsasho
-da: (magac, dhedig, keli) hab caanaha la lisayo loo dhamo oo kolkii weelku buuxsamo ba la qurquriyo oo la dhimo, si haddana loogu sii liso. Dh: hoobsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoorsasho
(Hoorsasha-da)
Wax da'a haya ama la shuba hayo, weel ama sacab u dhigasho; hoorsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoorsasho
m.f.dh eeg hoorso. la-mid: hoorsad, hoorsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoorsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax da'aya ama shubmaya weel ama sacabka u dhigasho. Dh: hoorsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoosgashi
m.l (-iyo, m.dh) Dharka intiisa hoos laga xirto ee aan waxba ka hooseyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hoosgashi
m.l (-iyo, m.dh) Dharka intiisa hoos laga xirto ee aan waxba ka hooseyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoosgashi
m. n. undergarment, slip, petticoat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hoosgashi
-ga: (n) underclothes (andhar-klowz); underwear (andharweer); underclothing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoosgashi
-ga: (magac, lab, keli) dharka inta gudaha laga xidho, sida garanka ama buumaha, iyo wixii la mid ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoosgashi
de: undergarment, slip, petticoat
lx: hoosgashi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: hoosgashi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
holmisasho
m.f.dh eeg holmiso. la-mid: holansad, holansasho, holmisad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jicsimasho
m.dh eeg jicsimo. la-mid: jiscimasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laasimasho
m.f.dh eeg laasimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laasimasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax mar kasta samaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoosinnaansho
m.l/dh la-mid: hoosinnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hor'imaansho
-ha: (magac, lab, keli) maxkamad ama meel kale soo imaansho, si aad uga garbaxdid ama aad ula hadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hor-imaansho
m.f.dh eeg hor-imow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goosaarasho
m.dh la-mid: koosaarasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoolnaansho
m.l/dh la-mid: hoolnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koosaarasho
m.f.dh eeg koosaaro. la-mid: goosaarasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koosaarasho
-da: (magac, dhedig, keli) koosaar ku darsasho; suugo ku darsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moosnaansho
m.l/dh la-mid: moosnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moosnaansho
-ha: (magac, lab, keli) ciid dhan u moosan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
toosnaansho
m.l/dh la-mid: toosnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toosnaansho
-ha: (magac, lab, keli) wax toosan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hibasho
(Hibasha-da)
Wax hor u dhacay oo laga samri waayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hibasho
m.f.dh eeg hibo².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hibasho
f. n. unforgettable event
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hibasho
-hibashada: (n) memorable experience
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hibasho
-da: (magac, dhedig, keli) xasuus dhib horay loo soo maray; wax horay u dhacay oo laga samriwaayo. Dh: gocasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hibasho
de: unforgettable event
lx: hibasho
pd: (/da)
ps: n6-f
key: hibasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hifasho
(Hifasha-da)
Wax hor u dhacay oo sidii la doona hayey aan laga yeelin, isku canaanasho; isciilkaanbiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hifasho
m.f.dh eeg hifo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hifasho
vl. n. regret, blaming oneself, repentance
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hifasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax hore u dhacay oo sidii la doonayey u qabsoomi waayey isku canaanasho. Dh: karhid,
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hifasho
de: regret, blaming oneself, repentance
lx: hifasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: hifasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hilasho
(Hilasha-da)
Alaabo, kd., meel taallaysasho; tuunsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hilasho
m.f.dh eeg hilo².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hilasho
vl. n. accumulation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hilasho
-da: (magac, dhedig, keli) alaabo iyo wixii la mid ah, meel ku tuulid. Dh: taallaysasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hilasho
de: accumulation
lx: hilasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: hilasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hirasho
(Hirasha-da)
Wax ama meel la gabbaadsado ama wax lagaga nabadgalo, ama dan kale loo lee yahay, gaariddeed ku dadaalid, u socosho; tammadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hirasho
m.f.dh eeg hiro. la-mid: hirad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hirasho
-da: (magac, dhedig, keli) tiigsasho meel wehel ama waxtar kale laga dayayo. Dh: iilasho, hirad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hogasho
(Hogasha-da)
(xoolo, kd.) meel in door ah istubid, istaagid; taagnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hogasho
m.f.dh eeg hogo². la-mid: hogad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hogasho
vl. n. act of halting, standing still
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hogasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg hogad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hogasho
a: hogad (ka) [vn2-m]
de: act of halting, standing still
lx: hogasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: hogasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoosaas
m.l 1. Hoos sameyn. 2. Hiillo la qarinayo. 3. Daruur roob.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoosiis
(Hoosiis-ka)
Daruuraha qorraxdu qabato, hooska ay bixiyaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoosiis
m.l Hooska ay daruuruhu bixiyaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoosiis
m. n. cloud-shadow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoosiis
-ka: (magac, lab, keli) daruuraha qorraxdu qabato, hooska ay bixiyaan.
hoosiis-ka: (magac, lab, keli) jawiga ceeryaamada iyo daruuraha leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoosiis
de: cloud-shadow
lx: hoosiis
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: hoosiis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoosmar
-ka: (magac, lab, keli) wax korka saarnaa oo hoos gala ama mara.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horasho
m.f.dh eeg horo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horasho
-da: (magac, dhedig, keli) isku cararka neefka irmaan iyo ilmihiisa. Horashada ayaa lagu kartaa labada is dhashay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoyasho
(Hoyasha-da)
Meel habeen ku baryid; cid habeen marti u noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoyasho
m.f.dh eeg hoyo. la-mid: hoyaatimid, hoyaatin¹ (3), hoyad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoyasho
vl. n. act of spending the night, staying overnight
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoyasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg hoyaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoyasho
de: act of spending the night, staying overnight
lx: hoyasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: hoyasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
humasho
m.f.dh eeg humo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
humasho
vl. n. mending (of clothes)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
humasho
-da: (magac, dhedig, keli) maro calal ah tolosho. Dh: toltolosho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
humasho
cf: humo
de: mending (of clothes)
lx: humasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: humasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
limasho
m.f.dh eeg limo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
limasho
-da: (magac, dhedig, keli) beer, yaanbo ama wax kale ku falid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oodasho
m.f.dh eeg oodo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oodasho
-da: (magac, dhedig, keli) ood ku soo xidhasho. Oodashada dawgu waa xadgudub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oofasho
m.f.dh eeg oofo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oofasho
-da: (magac, dhedig, keli) rimid u diyaarnoqosho. Qaalintu da'dii oofashada way joogtaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sidasho
m.f.dh eeg sido.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sidasho
-da: (magac, dhedig, keli) alaabo ama wax kale gacanta ama dhabarka ku qaadasho. Dh: haysasho. Li: dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sigasho
(Sigasha-da)
Halis ama cabsi ku dhiciddeed wax yar u jirsasho, u gaarid, kaga baxsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sigasho
m.f.dh eeg sigo. la-mid: sigad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sigasho
-da: (magac, dhedig, keli) halis ku dhici lahayd wax yar kagaga baxsaho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sikasho
(Sikasha-da)
Wax yar durkid, dhaqaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sikasho
m.f.dh eeg siko.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sikasho
-da: (magac, dhedig, keli) halis, cabsi ku dhiciddeed wax yar u jirsad, u gaarid, wax yar kaga baxsad; qarka isu taagid; u dhowaad.
sikasho-da: (magac, dhedig, keli) wax yar durkid, dhaqaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siqasho
m.f.dh eeg siqo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siqasho
-da: (magac, dhedig, keli) iyadoo aad fadhido badhida ku soco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sirasho
m.f.dh eeg siro.