hoosaaligisayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoosaaligisayn
-ta: (magac, dhedig, keli) labo qof oo dagaallamaya dhexgelid oo midkood si qarsoodi ah ugu hiilin; labada midkood u garabgorayeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Soomaaliyayn
(Soomaaliyayn-ta)
Soomaali ama wax Soomaaliyeed ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
Soomaaliyayn
m.f.dh eeg soomaalyee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Soomaaliyayn
-ta: (magac, dhedig, keli) Soomaali ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaligarayn
m.f.dh eeg qaaligaree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaligarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qiimaha uu joogo biirin oo mid ka sarreeya ku iibin; sicirkii hore mid ka badan ku gadid: qaali ka dhigid. Qaaligarayntu waxay ku xidhan tahay hadba qiimaha suuqu sida uu yahay: Dh: qaaligarays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soomaliyayn
m.f.dh eeg Soomaaliyee.