ereyga

hoos ... u

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

hoos ... u

DHAN

adv-loc: downwards

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

hoos ... ka

DHAFAN

adv-loc (adj.): from below; under, lower; quietly

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

hor ... u

DHAFAN

adv-loc: forwards

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Aroorid

DHAABAN
1

(Aroorid-da)

2

1. Biyo raadin; biyo doonid.

3

2. Hoos u dhigid; wadid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Aroorin

DHAABAN
1

(Aroorin-ta)

2

1. Biyo la doonid; ceel u kaxayn.

3

2. Hoos u dhigid, u dejin, ku fogeyn.

4

3. Qof hurda riyo wax ku tusid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Booraan

DHAABAN
1

(Booraan-ta)

2

God hoos u dheer; uub; lun; hataq.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Caal

DHAABAN
1

1. (Caal-ka) Cudur xoolaha ku dhaca oo oogadu bararto, oo cunnaxumada ka yimaada; cashi.

2

2. (Caa-sha) Harag dheer oo balaqsan oo lo'da dhuunteeda hoos uga laallaada.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Ceel

DHAABAN
1

(Ceel-ka)

2

God la qoday oo hoos u dheer oo wareegsan oo laga helo biyo ama saliid ama dhuxul ama wax kale.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Culaab

DHAABAN
1

(Culaab-ta)

2

Baariga hoos u dhacaya oo wax waliba ku hayaan waxa sida, jiidashada dhulka daraaddeed; culays.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Di'id

DHAABAN
1

(Di'id-da)

2

(roob, kd.) hoos u soo daadashada ama u soo qubashada biyaha daruuraha ka yimaada.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Diisan

DHAABAN

Hoos u gotey, dillaac la'aan, xoog ama baari la saaray darti; riixan; buusan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Fiqin

DHAABAN
1

(Fiqin-ta)

2

Faq ugu yeerid; hoos ula hadlid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Fooror

DHAABAN
1

(Fooror-ka)

2

Iyadoo qaarka hoose laga taagaan yahay oo qaarka kore hoos iyo xagga dhulka loo laabo; madaxa iyo dhabarka oo hoos iyo horay loo dhigo, lugaha oo hoos u taagan; (ama foorar).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Foororsasho

DHAABAN
1

(Foororsasha-da)

2

Iyadoo la taagan yahay, qaarka sare, horay iyo hoos u laallaadin, u godid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Gaabsasho

DHAABAN
1

(Gaabsasha-da)

2

1. Dherer gaaban u yeelasho.

3

2. (hadal, kd.) hoos u dhigasho; yaraysasho.

4

3. Gaabis.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Gorrosid

DHAABAN
1

(Gorrosid-da)

2

Madaxa hoos u laallaadin, feker iyo islahadal aawadeed; gebida hoos u rogasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Haadaan

DHAABAN
1

(Haadaan-ta)

2

Dhul jeexan oo hoos u fog oo laga dhaco; bohol ama qar, dhiniciis aad u dheer; gebi laga finiino; jar.

3

2. Geed caano leh oo dharkaynka la tol ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Hir

DHAABAN
1

1. (Hir-ka) a) Hor iyo dib u socodka ama kor iyo hoos u socodka ka samaysma badda korkeeda, hawada iyo wixii la mid ah; mowjad; waddac. b) Muuqaal weyn oo hirka badda u eg (xiriirka buuraha, cirka, kd.).

2

2. (Hir-ta) Ariga (riyaha) jaad kamid ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Hoobad

DHAABAN
1

(Hoobad-ka)

2

Meel laga degto oo dululub ah; hoos u degad.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Hoobasho

DHAABAN
1

(Hoobasha-da)

2

1. Meel deged ah marid; hoos u socosho; daadasho; qubasho.

3

2. Baabbi'id; dhimasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Hoosaasin

DHAABAN
1

(Hoosaasin-ta)

2

1. Hiillo, haddana la qarinayo; garabgoroyo; garabhagoojin.

3

2. Hoos u yeelid, ku rogid; qarin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Hoosid

DHAABAN
1

(Hoosid-da)

2

Hoos u yeelid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Jebin

DHAABAN
1

(Jebin-ta)

2

1. Wax is haysta xoog u kala duulin; labo cad ka dhigid.

3

2. (ganacsi) qiime hoos u dhigid; raqiisin.

4

3. (weeso, kd.) gadid; burin.

5

4. (guddoon, qiil, kd.) burin.

6

5. (cayaar) dhibcihii ama intii lagu adkaana hayey, intaan la gaarin, laga reebid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

gees ... u

DHAFANDHAAF

adv-loc: sideways

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

si ... u

DHAFANDHAAF

[adverbial] [expression] like, as, how, so, in order that, in such a way

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

aad ... u

DHAFANDHAAF

[adverbial] [expression] very much, quite, a lot; hard, firmly

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

dib ... u

DHAFANDHAAF

adv-loc: backwards

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

sare ... u

DHAFANDHAAF

adv-loc: upwards

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

maxay ... u

DHAFANDHAAF

question word: why?, what for?

waa la naqliyay ✓