hoolniin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoolniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg hoolid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oolniin
-ka: (magac lab, keli) negaan, sugnaan. Oolniinka halkan nooma wanaagsana.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoolliin
(Hoolliin-ka)
Hoolis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoolliin
vl. n. bad shave ~ haircut, poor shearing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoolliin
-ka: (magac, lab, keli) eeg hoolid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoolliin
de: bad shave ~ haircut, poor shearing = hool + niin
lx: hoolliin
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: hoolliin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoorniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg hoorid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoosniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg hoosid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
loolniin
-ka: (magac, lab, keli) ciyaarta loolka ciyaaritaan. Dh: loolitaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhoofniin
vl. n. departure, takeoff (as of a plane)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhoofniin
-ka: (n) departure (di-paarjar); departing (di-paarting) ~ bixitaan, dhoofitaan
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhoofniin
de: departure, takeoff (as of a plane)
lx: dhoofniin
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: dhoofniin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Holliin
(Holliin-ka)
Hollin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
holliin
vl. n. trying
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
holliin
de: trying = hol + niin
lx: holliin
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: holliin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horniin
m.l la-mid: horayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oolliin
-ka: (magac, lab, keli) safar ka negaansho. Dh: negaansho.
oolliin -ka: (magac, lab, keli) yaallid oo meeshii la dhigay ahaan. Dh: aalliin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
solniin
m.l la-mid: solid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
solniin
-ka: (magac, lab, keli) solitaan; solid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tolniin
m.l la-mid: tolid; tolmo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tolniin
-ka: (magac, lab, keli) ku qasbid oo ku sandulayn. Ku tolniin axmed kaama yeelayo. Dh: tolliin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foocniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg foocnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fooldiin
(Fooldiin-ka)
Fool-beenaad; jajabow; horudhalow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fooldiin
m.l Xanuun fooleed qabta dheddigoodka dhalaya marka ay soo sid dhoweeyaan. la-mid: foolbeenaad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fooldiin
m.l Xanuun fooleed qabta dheddigoodka dhalaya marka ay soo sid dhoweeyaan. la-mid: foolbeenaad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fooldiin
m. n. false labor; minor pain; the beginning of childbirth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fooldiin
-ka: (magac, lab, keli) xummadda iyo xanuunka ka horreeya foosha. Dh: foolbeenaad, horudhalow, jajabaw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fooldiin
de: false labor; minor pain; the beginning of childbirth
lx: fooldiin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: fooldiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoobsiin
(Hoobsiin-ta)
Si hoobsi ah, qof caano u siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoobsiin
m.f.dh eeg hoobsii. la-mid: hoobsiis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoobsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) si hoobsi ah, qof caano u siin.
hoobsiin-ta: (magac, dhedig, keli) dhinaca u hooseeya marin. Dharka uskagga ah hoobsiinta ka daa oo sarraysii. Li: sarraysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoolnaan
m.f.dh eeg hoolan². la-mid: hoolnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoorriin
-ka: (magac, lab, keli) eeg hoorid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
joogniin
-ka: (magac, lab, keli) tegid la'aan iyo nagaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koobniin
m.dh la-mid: koobmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koobniin
-ka: (magac, lab, keli) ogaal iyo aqoon wax ku garasho; wada gaarid; wada tirin. Dh: taabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
loolliin
-ka: (magac, lab, keli) ciyaarta loolitaanka lafteeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moodniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg moodid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moosniin
-ka: (magac, lab, keli) moosidda lafteeda. Moosniinka aqalka wiilka yar u daa. Dh: moosid, moositaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoolliin
-ka: (magac, lab, keli) eeg qoolid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soocniin
-ka: (magac, lab, keli) soocitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soohniin
-ka: (magac, lab, keli) soohidda lafteeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soorniin
-ka: (magac, lab, keli) wax kala qaybin, sooritaan, sooritaanka laftiisa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toobniin
-ka: (magac, lab, keli) soo ururrin oo dhiig soo jiidniin; toobidda lafteeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoorniin
-ka: (magac, lab, keli) iska tuurid. Dh: xoorriin, xooritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hololobin
-ta: (magac, dhedig, keli) hollin oo degdeg hawl u qabasho. Dh: dadjin. Li: daahin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qooshniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg qooshnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheelniin
-ka: (magac, lab, keli) sheelidda lafteeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiilniin
m.l la-mid: shiilid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiilniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg shilnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oolin
-ka: (magac, lab, keli) meel muddo badan la deggaa ama dadku aad u dego oo shilin yeelatay. Dh: guricas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foolin
m.f.dh eeg fooli . la-mid: foolis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
holcin
m.f.dh eeg holci.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
holcin
-ta: (magac, dhedig, keli) ololin oo shidid; belbelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hollin
(Hollin-ta)
Isku deyid; holid; sharribid; tijaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hollin
m.f.dh eeg holli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hollin
-ta: (magac, dhedig, keli) isku dayid wax laysku dayo. Holli socodka, hollid, shirabid, tijaabin.
hollin -ta: (magac, dhedig, keli) xoolo la wado, aguujin oo bullin. Lo'du way cokan tahaye hollinta ka yaree. Dh: aguujin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
holmin
m.f.dh eeg holmi. la-mid: holmis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoobin
(Hoobin-ta)
Gurid; uruurin; daadin; baabbi'in.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoobin
m.f.dh eeg hoobi. la-mid: hoobis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoobin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax badan, gurid oo ururin. Dh: hoobis, ururis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoojin
(Hoojin-ta)
Hoog ku ridid, badid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoojin
m.f.dh eeg hooji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoojin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhib culus iyo ba' ku ridid; hoog ku ridid. Dh: bi'in, ba'ayaalin, hoojis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoolan
La hoolay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoolan
hoolan¹: f.mg1 (-lmay, -lantay; -lmi) 1. Wax la xoqay noqosho. 2. Timo ama dhogor wax la xiiray noqosho. 3. Wax dubka laga qaaday noqosho.
hoolan²: f.mg4 (-lnaa, -lnayd) 1. Wax la xoqay ahaansho. 2. Timo ama dhogor la xiiray ahaansho. 3. Wax dubka laga qaaday ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hoolan
hoolan¹: f.mg1 (-lmay, -lantay; -lmi) 1. Wax la xoqay noqosho. 2. Timo ama dhogor wax la xiiray noqosho. 3. Wax dubka laga qaaday noqosho. m.f.dh, hoolmid.
hoolan²: f.mg4 (-lnaa, -lnayd) 1. Wax la xoqay ahaansho. 2. Timo ama dhogor la xiiray ahaansho. 3. Wax dubka laga qaaday ahaansho. m.f.dh, hoolnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoolan
der. [adjective] scraped, clipped; badly cut ~ shaved (of hair); sheared; skinned, peeled; plucked
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoolan
(tilmaame) diirka laga saaray: aan dub iyo dahaadh midna lahayn. Dh: diiran.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoolan
de: scraped, clipped; badly cut ~ shaved (of hair); badly sheared; skinned, peeled; plucked
lx: hoolan
nt: hoolan (hoolmay) [v1=inch]
pd: (hoolnaa)
ps: adj-der
key: hoolan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoolid
(Hoolid-da)
Dhogor ama timo, si farsamo xun u xiirid; bir aan af lahayn ama qalab la mid ah, xoog wax ugu xiirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoolid
m.f.dh eeg hool. la-mid: hoolis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoolid
-da: (magac, keli) dhogor ama timo, si farsamaxumi ah u xiirid; bir aan af lahayn ama qalab la mid ah, xoog wax ugu xiirid. Dh: hoolis.
hoolid -da: (magac, dhedig, keli) diirka ka qaadis; diir ka hoolis. Dh: hoolis, diiris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoolif
m.dh.u Timo badan oo shuruf leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoolif
f. n., [collective] wooly hair, thick ruffled hair
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Hoolif
nickname-m wooly hair, thick ruffled hair. Lit: he who has such hair
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoolif
-ta: (magac, dhedig, keli) timaha wejiga soo gala.
hoolif-ta: (magac, dhedig, keli) timaha iyo gaska ka baxa oogada nafleyda iyo dadka qaarkii. Miyaan hoolif mooyee, hal turxaan ah leeyahay. Dh: bulbul.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoolif
de: wooly hair, thick ruffled hair
lx: hoolif
pd: (-ta)
ps: n-f-col
key: hoolif
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoolis
(Hoolis-ta)
Hoolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoolis
m.dh la-mid: hoolid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoolis
vl. n. clumsy shearing; bad shave ~ haircut
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoolis
-ta: (magac, dhedig, keli) diirka ka qaadis; diir ka hoolis. Dh: hoolid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoolis
de: clumsy shearing; bad shave ~ haircut
lx: hoolis
pd: (-ta)
ps: vn1-f
key: hoolis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoorin
(Hoorin-ta)
1. Wax da'a haya ama shubma haya, weel u dhigid.
2. Quraanka ama xubnaha heesaha dhammaadkooda, wadajir u wada qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoorin
m.f.dh eeg hoori. la-mid: hooris.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
HOORIN
(Horin) S Enteropogon macrostachyus (A. Rich.) Benth. Gramineae.
S Enteropogon rupestris (Schmidt.) A. Chev. Gramineae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoorin
-ta: (magac, keli) aayadaha Quraanka dhammaadkooda ama dhextaallada heesaha wadajir islula wada qaaditaan. Dh: hooris.
hoorin-ta: (magac, dhedig, keli) wax da'aya ama shubmaya weel u dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoosin
hoosin¹: m.f.dh eeg hoosi.
hoosin²: m.dh Dallaallimo awrka guradiisa carruurta iyo waxaraha loogu sameeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoosin
-ka: (magac, la, keli) hadh weyn oo la hoos galo. Dh: hoos.
hoosin -ka: (magac, lab, keli) rarmo awr; dulxidh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Koolin
(Koolin-ta)
Ammaanid; faanin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koolin
m.f.dh eeg kooli. la-mid: koolis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koolin
-ta: (magac, dhedig, keli) wanaag badan oo qof laga sheego: qof loo bogo. Dh: ammaan. Li: cay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Loolin
(Loolin-ta)
Mindi iyo wax la mid ah, oo lool la marmariyo si ay wax u goyso; afayn; lisid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
loolin
m.f.dh eeg looli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
loolin
-ta: (magac, dhedig, keli) mindi iyo wax la mid ah, soofayn. Dh: afayn, loolis.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Loolin
Xanaf bi'in, lisid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oollin
m.l Meel muddo badan la degganaa; yaallin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
oollin
v., neg., simple past tense: there was none (in a place)
oollin v., neg.-impsg. don't be (in a place)!
oollin v., neg., opt. form: don't let it / may it not be (in a place)!
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
oollin
(v) [with negative ma] not there; there was no... Ex: guriga cunno ma oollin; there was no food at home
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oollin
-ka: (magac, lab, keli) meel muddo badan la degganaa, aallitaan.