hook shot
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
hook shot
toogasho maqaalin

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoobasho
(Hoobasha-da)
1. Meel deged ah marid; hoos u socosho; daadasho; qubasho.
2. Baabbi'id; dhimasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoobasho
m.f.dh eeg hoobo. la-mid: hoobad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoobasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhimasho iyo baaba' fara badan. Dh: baaba'.
hoobasho-da: (magac, dhedig, keli) meel dheer ka soo daadasho; hoos u daadegid. Dh: daadegid.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
lob shot
toogasho tooxan
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
hard shot
toogasho adag
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
booster shot
(n) a supplementary dose of a vaccine injected to maintain immunity.
talaal kordhis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoobso
f.g3 (-saday, -satay) 1. Weel buuxdhaafay si uusan u daadan in ka cabid. 2. Wax meel ka daadasho. 3. Miro xaabsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoobso
v. drain (out ~ off), drink to the finish
hoobso v. share out the milk while milking ~ when selling milk
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoobso
(fal) caano, si hoobsi ah, u cab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoorso
f.g3 (-saday, -satay) Weel, gacan iyo wixi lamida in wax lagu shubo u dhigasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hoorso
f.g3 (-saday, -satay) Weel, gacan iyo wixi lamida in wax lagu shubo u dhigasho. m.f.dh, hoorsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoorso
v. catch a dripping ~ pouring liquid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoorso
(fal) wax da'aya ama shubmaya weel ama gacanta hoos dhigo.
hoorso: (fal) 'gacmahacid kale, wax bari; baryootan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoorso
de: catch a dripping ~ pouring liquid
lx: hoorso
nt: hoorsad (ka) [vn-m], hoorsasho (/da) [vn-f], hoorsi (ga) [vn-m]
pd: (hoorsaday)
ps: v3a=
key: hoorso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hakasho
(Hakasha-da)
Joogsad yar joogsasho: iscelin yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hakasho
m.f.dh eeg hako. la-mid: hakad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hakasho
vl. n. pausing, stopping briefly
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hakasho
-hakashada: (n) stoppage (istappeeyj), adjournment (ajeernment), cessation; pausing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hakasho
-da: (magac, dhedig, keli) hawl in yar ka nasasho; wax yar joogsasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hakasho
de: pausing, stopping briefly
lx: hakasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: hakasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hogasho
(Hogasha-da)
(xoolo, kd.) meel in door ah istubid, istaagid; taagnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hogasho
m.f.dh eeg hogo². la-mid: hogad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hogasho
vl. n. act of halting, standing still
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hogasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg hogad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hogasho
a: hogad (ka) [vn2-m]
de: act of halting, standing still
lx: hogasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: hogasho
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hook up
/huuk ap/ (v) qalab rakibid ama meel ku xirid. e.g. Is the television hooked up?
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoosh_1
de: snatch, rob; kidnap
hm: 1
lx: hoosh
pd: (hooshay)
ps: v1=
key: hoosh_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoosh_2
de: robbery, kidnapping
hm: 2
lx: hoosh
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: hoosh_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hooshid
(Hooshid-da)
Boobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hooshid
m.f.dh eeg hoosh².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hooshid
-da: (magac, dhedig, keli) boobidda iyo dhicidda cid kale.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hooshis
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale boobid. Dh: hooshid.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
hop hop
int., ayaay! ayaay!
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horasho
m.f.dh eeg horo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horasho
-da: (magac, dhedig, keli) isku cararka neefka irmaan iyo ilmihiisa. Horashada ayaa lagu kartaa labada is dhashay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoyasho
(Hoyasha-da)
Meel habeen ku baryid; cid habeen marti u noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoyasho
m.f.dh eeg hoyo. la-mid: hoyaatimid, hoyaatin¹ (3), hoyad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoyasho
vl. n. act of spending the night, staying overnight
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoyasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg hoyaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoyasho
de: act of spending the night, staying overnight
lx: hoyasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: hoyasho
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
look at
/ (v) daawasho; daawo (fiiri).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oodasho
m.f.dh eeg oodo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oodasho
-da: (magac, dhedig, keli) ood ku soo xidhasho. Oodashada dawgu waa xadgudub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oofasho
m.f.dh eeg oofo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oofasho
-da: (magac, dhedig, keli) rimid u diyaarnoqosho. Qaalintu da'dii oofashada way joogtaa.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
potshot
/pat shat/ (n) iska-shiishid (wax layska tuuro ayadoon si fiican loo shiishin).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soo hoo
v. carry ~ bring; procure something; bring about
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xooshow
nickname; name-m gray-light-colored skin/hair
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Booqasho
(Booqasha-da)
(meel ama qof) booqad u tegid ama ugu tegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
booqasho
m.f.dh eeg booqo. la-mid: booqad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
booqasho
vl. n. visit, visiting
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
booqasho
-booqashada: (n) the act or an instance of visiting
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Booqasho
Visita
Visit
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
booqasho
-da: (magac, dhedig, keli) qof aad kala maqnaydeen ama kala raagteen u tegis ama u imasho. Dh: siyaarasho.
booqasho-da: (magac, dhedig, keli) u imaatinka iyo soo eegidda qof bukaan ah, oo gurigii ku sugan ama sariir takhtareed jiifa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
booqasho
de: visit, visiting
lx: booqasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
xe: This is my first visit to Mogadishu.
xv: Tani waa booqashadeydii koowaad ee Xamar.
key: booqasho
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
booqasho
زيَارَة
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boorasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg boodhaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doogasho
(Doogasha-da)
1. Roob badani ku di'id.
2. Nabar hore oo inuu biskoodey la mooda hayey, xanuun iyo lahan danbe soo celin; soo labakaclayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doogasho
m.f.dh eeg doogo. la-mid: doogad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
doogasho
vl. n. recurrence of pain in an old wound
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doogasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhul, doog iyo tigaad cusub yeelasho. Imika ayuu dhulku doogasho bilaabayaa.
doogasho -da: (magac, dhedig, keli) nabar hore soo gocasho oo hoosta ka soo bukoosho. Jugtii gaadhay ayuu nabarkii doogasho bilaabay. Dh: kacdoon, gocasho.
doogasho -da: (magac, dhedig, keli) dhibaato iyo gaajo horay loo soo maray ka soo rayn oo ka soo kabasho. Xoolihii maalamahan ayaan doogasho ka dareemaynnaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
doogasho
de: recurrence of pain in an old wound
lx: doogasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
see: doogaad
key: doogasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doonasho
(Doonasha-da)
Raadsasho, jersasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doonasho
m.f.dh eeg doono.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
doonasho
vl. n. desire, seeking; fetching
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doonasho
-da: (magac,dhedig, keli) wax aan la hayn, raadsasho. Dh: raadsasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
doonasho
de: desire, seeking; fetching
lx: doonasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: doonasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doorasho
(Doorasha-da)
Dad ama waxyaalo badan ama arrimo kale, kan ama kuwa ugu fiican oo u doorroon kala bixid; ka togasho; ka xulasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doorasho
m.f.dh eeg dooro². la-mid: doorad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
doorasho
vl. n. choosing, choice; nomination; election, [pl.] elections
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
doorasho
-doorashada: (n) election (ilek-shan), vote (vowt); (jooys) food, ka xulasho choice
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Doorasho
Elezione; selezione
Election; selection
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doorasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax aad rabtid, kuwo kale ka bidid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
doorasho
a: doorad (ka) [vn2-m]
de: choosing, choice; nomination; election, [pl] elections
lx: doorasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: doorasho
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
doorasho
انْتِحَابِ اخْتِيَارِ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Foolasho
(Foolasha-da)
1. Xanuunka fooshu, qabasho: dhalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foolasho
m.f.dh eeg foolo. la-mid: foolad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foolasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhedig uur lahaa, xanuunkii dhalmada dareemid. Dh: foolad.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Foot rot
Raaf dillaac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goobasho
m.f.dh eeg goobo².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Goodasho
° (Goodasha-da)
(roob) (soo goodasho) xagga qofka hadlaya, ugu soo socosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goodasho
m.f.dh eeg goodo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Goosasho
(Goosasha-da)
1. Goyn, qof isaga darti wax u goynayo; goosad.
2. Mutaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goosasho
m.f.dh eeg gooso. la-mid: goosad (2), goosi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goosasho
vl. n. secession; cutting for oneself
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
goosasho
-goosashada: (n) the act of seceding; secession (se sash en)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
goosasho
de: secession; cutting for oneself
lx: goosasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: goosasho
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
goosasho
إِنْشِقَاقِ انسلاخ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hogbasho
m.f.dh eeg hogbo. la-mid: hogbad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
holcasho
-da: (magac, dhedig, keli) holac yeelasho; ololid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hollasho
(Hollasha-da)
Wax la damcay in la waxeeyo oo haddana durba laga joogsadey ama dib looga noqday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hollasho
m.f.dh eeg hollo. la-mid: hollad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hollasho
-da: (magac, dhedig, keli) si kedis ah wax iskugu dayid oo haddana ka maagid; wax la damcay in la waxeeyo oo haddana laga joogsado ama dib looga noqdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horrasho
m.f.dh eeg horro. la-mid: horrad (2).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
look for
/ (v) raad-raadin (doon-doonid).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
look out
/ (n) taxadar; is-jir (taxadar noqo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
loolasho
m.f.dh eeg loolo. la-mid: loolad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moodasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax si ah adu si kale u qaadasho. Moodashadu way dhacdaa. Dh: halmaamid.