hoogaami
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoogaami
f.g2 (-iyay, -isay) Madaxa iyo gacmaha hoos u laallaadin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoogaami
v. bend something (e.g., part of the body)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoogaami
(fal) soo foororso; hogaani.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoogaami
de: bend s.t. (e.g., part of the body)
lx: hoogaami
pd: (hoogaamiyey)
ps: v2a=tr
key: hoogaami
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoogaamin
m.f.dh eeg hoogaami.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hogaami
(fal) awr ama gaadiid kale, xadhig ku xidh oo hor kac
hogaami: (fal) cid kale, male iyo talo ku hag oo yool gaadhsii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoggaami
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Awr hoggaan ku wadid. 2. Dad hor kicid ama meel tusid. 3. Wafdi, hay'ad iyo wixi lamida madax u noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hoggaami
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Awr hoggaan ku wadid. 2. Dad hor kicid ama meel tusid. 3. Wafdi, hay'ad iyo wixi lamida madax u noqosho. m.f.dh, hoggaamin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoggaami
v. lead, guide, direct, manage, be in charge of
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hoggaami
-yey / say: (v) show the way by leading, directing, or advising; lead (liidh); guide (gaaydh); conduct (kondhakt)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoggaami
(fal) hoggaanka qabo oo hor kac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoggaami
de: lead, guide, direct, manage, be in charge of
lx: hoggaami
pd: (hoggaamiyey)
ps: v2a=
key: hoggaami
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoggaamin
(Hoggaamin-ta)
Hoggaan ku qabasho, ku wadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoggaamin
m.f.dh eeg hoggaami. la-mid: hoggaamis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoggaamin
vl. n. leading, guiding; leadership
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hoggaamin
-ta: (n) the act of leading, guiding, or conducting
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoggaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) hoggaanka qabasho oo horkicid; hogaanka u qabad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoggaamin
de: leading, guiding; leadership
lx: hoggaamin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: hoggaamin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoggaamis
m.l la-mid: hoggaamin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoggaamis
-ka: (magac, lab, keli) eeg hoggaamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoogaansi
(Hoogaansi-ga)
Soo foorarsi; qooraansi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoogaansi
m.l la-mid: hoogaansasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoogaansi
vl. n. bow, act of being down ~ bowing
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoogaansi
de: bow, act of being down ~ bowing
lx: hoogaansi
pd: (-ga)
ps: vn2a-m
key: hoogaansi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boodaami
f.g2 (-iyay, -isay) Boodaan ka dhawaajin (geel).
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
hogaamin
advantage, to lead
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hogaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) hoggaan ku qabasho, ku wadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoosaasi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax hoos u yeelid. 2. Cid u garab-goroyeyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoosaasi
v. deceive, mislead someone by disturbing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hoosaasi
-yey / say: (n) be false or disloyal to someone; mislead (misleedh); betray (bi tareey) ~ khayaan, khiyaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoosaasi
(fal) dad is haya ama islaynaya, mid u hiili adiga oo aan lagu garan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoosaasi
de: deceive, mislead s.o. by disturbing
lx: hoosaasi
pd: (hoosaasiyey)
ps: v2a=tr
key: hoosaasi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
looyaami
f.g2 (-iyay, -isay) Cid nasiino iyo joogsad la'aan wadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sooyaami
(fal) qayli; qablan; buuq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoodaami
f.g2 (-iyay, -isay) Jir nafley salaaxid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xoodaami
v. caress; massage
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xoodaami
-yey / say: (v) caress (ka-rees); fondle (foon-dhal); pet (pet); stroke (istarook); cuddle (ka-dhel) ~ salaax, xoodi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoodaami
(fal) salaax oo baabacadaada jidhka noole kale aayar u dulmarmari. Saca xoodaami ha godladee. Dh: salaax, xoodi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xoodaami
bw: xoodi
de: caress; massage
initial: x
lx: xoodaami
nt: xoodaamin (ta) [vn-f]
pd: (xoodaamiyey)
ps: v2a=tr
key: xoodaami
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoggaamiye
m.l (-yayaal, m.l/dh) 1. la-mid: hoggaanshe. Qof dad hor kaca. 2. Qof wax maamula.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hoggaamiye
m.l (-yayaal, m.l/dh) 1. la-mid: hoggaanshe. Qof dad hor kaca. 2. Qof wax maamula.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
hoggaamiye
lead attacker
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoggaamiye
m. n. guide, leader; chairman, director, manager; navigator
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hoggaamiye
-hoggaamiyaha: (n) leader (liider); chief (jiif) ~ hoggaanshe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoggaamiye
-ha: (magac, lab, keli) qof hormuud u ah koox ama ummad fikir iyo talo wadaagta.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoggaamiye
a: hoggaanshe [n7-m]
de: guide, leader; chairman, director, manager; navigator
lx: hoggaamiye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: hoggaamiye
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
hoggaamiye
زعيم
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boodaamin
m.f.dh eeg boodaami.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Booyaamid
(Booyaamid-da)
Hadal daroori ah tixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
booyaamid
m.f.dh eeg booyaan². la-mid: booyaan¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
booyaamid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal aan kala joogsi lahayn dhurmid. Booyaamid hadal lagama dhergiyo muran baahi loo qabaye. Dh: daldalmid.
booyaamid -da: (magac, dhedig, keli) ku dhawaaqid cod ujeeddo leh. Booyaamid horey uma aqoon waase lay baraye. Dh: booyaamis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
booyaamis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg booyaamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoosaali
(fal) ciyaar badan oo qosol weheliyo dheel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gooraamid
m.f.dh eeg gooraan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoggaansi
-ga: (magac, lab, keli) eeg hoggaansad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoogaanso
f.mg3 (-saday, -satay) Madaxa iyo gacmaha hoos u laallaadsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoogaanso
v. bend ~ lean forward in order to look down below
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoogaanso
(fal) soo foorarso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoogaanso
de: bend ~ lean forward in order to look down below
lx: hoogaanso
nt: hoogaansad (ka) [vn-m], hoogaansasho (/da) [vn-f]
pd: (hoogaansaday)
ps: v3a=intr
key: hoogaanso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoomaayid
(Hoomaayid-da)
Eegid; dhugasho; ollogid; qooraansi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoomaayid
m.f.dh eeg hoomaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoomaayid
-da: (magac, dhedig, keli) wax kaa qarsoon, si aan aad ahayn u eegid. Dh: jalleecid, qooraansiyid, qoollaaliyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoosaasin
(Hoosaasin-ta)
1. Hiillo, haddana la qarinayo; garabgoroyo; garabhagoojin.
2. Hoos u yeelid, ku rogid; qarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoosaasin
m.f.dh eeg hoosaasi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoosaasin
f. n. bias, concealed partisanship
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoosaasin
-ta: (magac, dhedig, keli) iyada oo daacad la iska dhigayo qof hoos waxyeello u gaadhsiin ama hadal dacaayad ah u maldihid. Dh: dagid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoosaasin
de: bias, concealed partisanship
lx: hoosaasin
pd: (-ta)
ps: n-f
key: hoosaasin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoosaasis
-ka: (magac, lab, keli) eeg hoosaasin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoosgashi
m.l (-iyo, m.dh) Dharka intiisa hoos laga xirto ee aan waxba ka hooseyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hoosgashi
m.l (-iyo, m.dh) Dharka intiisa hoos laga xirto ee aan waxba ka hooseyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoosgashi
m. n. undergarment, slip, petticoat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hoosgashi
-ga: (n) underclothes (andhar-klowz); underwear (andharweer); underclothing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoosgashi
-ga: (magac, lab, keli) dharka inta gudaha laga xidho, sida garanka ama buumaha, iyo wixii la mid ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoosgashi
de: undergarment, slip, petticoat
lx: hoosgashi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: hoosgashi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
looyaamid
m.f.dh eeg looyaan².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
looyaamin
m.f.dh eeg looyaami. la-mid: looyaamis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
looyaamis
m.l la-mid: looyaamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Moogtamid
(Moogtamid-da)
Kaltamid; meertaysi; jilaysi; miilaysi; fillan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moogtamid
m.f.dh eeg moogtan². la-mid: moogtan¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moogtamid
-da: (magac, dhedig, keli) kaayaysi; wax ku kaltamid. Dh: kaltamid, kaalaysi, kaayaysi.
moogtamid -da: (magac, dhedig, keli) ogaan kari waayid, ogaal la'aan. Dh: moogtamis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoolaambi
(fal) adoo soconaya marba dhinaceeg. Dh: firi, jeedaali
qoolaambi-ga: (magac, lab, keli) hareeraha eegid la socdo. Dh: daymadaymood.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
soo gaabi
-yey / say: (v) shorten (shoorten); nake short; summarize (samaraayz); abbreviate; be concise ~ soo-koobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sooyaamid
(Sooyaamid-da)
Qaylin; qablamid; buuqid; bulaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sooyaamid
m.f.dh eeg sooyaan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sooyaamid
-da: (magac, dhedig, keli) qaylin; qablamid; buuqid; bulaamid; sooyaamis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sooyaamis
-ka: (magac, lab, keli) sooyaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xoodaamin
(Xoodaamin-ta)
Salsalaaxid; xoodin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoodaamin
m.f.dh eeg xoodaami.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoodaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) baabacada noole kale jidhkiisa aayar u dul marmarin oo ku salaaxid. Xoolaha rag kale xoodaamiyoow doob. Dh: salaaxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoodaamis
-ta: (magac, dhedig, keli) salaaxid; xoodaamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haami
f.g2 (-iyay, -isay) Wax si aad ah loo jecelyahay qalbi ku hayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haami
f.g2 (-iyay, -isay) Wax si aad ah loo jecelyahay qalbi ku hayn. m.f.dh, haamin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haami
v. desire with all one's heart; make a plan ~ decision; draw up a project; invent, cause, initiate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haami
(fal) kalka iyo laabta ku hay oo ka feker. Haami in aad mustaqbalka dhakhtar noqoto. Dh: hammi, maami, taawi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haami
cf: hindis
de: desire with all one's heart; make a plan ~ decision; draw up a project; invent, cause, initiate
lx: haami
pd: (haamiyey)
ps: v2a=tr
key: haami
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoogay
hoogay!: (ereydhawaaq) lagu dhawaaqo kolka uu qofku dareemo hungoobid iyo dhiillo. Dh: ba'ay! jabay! tolla'ay!
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoomaa
f.mg1 (-aayay, -aayday, -ayi) Meel sare hoos wax uga eegid.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Oogamy
Oogami
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xoogaa
Wax aan badnayn; in yar; (ama waxoogaa).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoogaa
m.l/dh Waxaan badnayn; in yar.