hoodwink
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hoodwink
/huud wink/ (v) khatalid, khiyaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoodi
e.d la-mid: hooddi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoodi
(ereydhawaaq) idanweyddiisasho ah oo layska horraysiiyo kolka la doonayo in guri la galo; ma soo geli karaa?
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Coodin
(Coodin-ka)
Geed sida quwaaxa dhulka laga qoto oo la ruugo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
coodin
m.l Geed nagaar dhulka ku faalala oo leh laamo dhudhuuban, caleemo yaryar iyo buruq biyo badan oo la cuno.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
coodin
m. n. plant species resembling sugarcane
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
coodin
-ka: (magac, lab, keli) geed dhulka laga qoto oo sida quwaaxa loo ruugo. Dh: cooddin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
coodin
cf: quwaax
de: plant sp. resembling sugarcane (dug out from the ground and chewed)
lx: coodin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: coodin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Foodin
(Foodin-ta)
(isu foodin) dad ama waxyaalo kale isu eegid, siday u kala wanaagsan yihiin; tartansiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foodin
m.f.dh eeg foodi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foodin
-ta: (magac, dhedig, keli) «isu dad ama waxyaalo kale isu eegid, oo siday u kala wanaagsan yihiin u kala saarid. Dh: tartansiin, beretansiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hodhin
-ta: (magac, dhedig, keli) iyada oo la ciyaarayo oo haddana aan sanqarta sacabka xoog loo tumayn, ku ciyaarid. Dh: hodhis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hodmin
m.f.dh eeg hodmi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hodmin
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo badan yeelasho; tanaadid; taajirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoobin
(Hoobin-ta)
Gurid; uruurin; daadin; baabbi'in.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoobin
m.f.dh eeg hoobi. la-mid: hoobis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoobin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax badan, gurid oo ururin. Dh: hoobis, ururis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hooddi
(Hooddi-da)
Erey la yiraahdo kolka la doonayo in la galo guri, kd., cid kale leedahay; ulajeeddadiisu waa: ma soo geli karaa? (ama hoodi).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hooddi
e.d Erey la yiraahdo kolka la doonayo in la galo guri cid kale leedahay, yacnii “ma soo geli karaa!”. la-mid: hoodi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hooddi
e.d Erey la yiraahdo kolka la doonayo in la galo guri cid kale leedahay, yacnii 'Ma soo geli karaa?' la-mid: hoodi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hooddi
inter. Hello?; Can I come in?; Is anyone home?
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hooddi
(interjection) used to ask permission to come inside; may I came inside? is somebody at home?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hooddi
(ereydhawaaq) salaan ah oo aqallada la garaacayo lagu yidhaa; ma soo galaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hooddi
a: hoodi
de: Hello?; Can I come in?; Is anyone home? Word used before entering a house
lx: hooddi
ps: intj
key: hooddi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoojin
(Hoojin-ta)
Hoog ku ridid, badid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoojin
m.f.dh eeg hooji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoojin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhib culus iyo ba' ku ridid; hoog ku ridid. Dh: bi'in, ba'ayaalin, hoojis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoorin
(Hoorin-ta)
1. Wax da'a haya ama shubma haya, weel u dhigid.
2. Quraanka ama xubnaha heesaha dhammaadkooda, wadajir u wada qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoorin
m.f.dh eeg hoori. la-mid: hooris.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
HOORIN
(Horin) S Enteropogon macrostachyus (A. Rich.) Benth. Gramineae.
S Enteropogon rupestris (Schmidt.) A. Chev. Gramineae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoorin
-ta: (magac, keli) aayadaha Quraanka dhammaadkooda ama dhextaallada heesaha wadajir islula wada qaaditaan. Dh: hooris.
hoorin-ta: (magac, dhedig, keli) wax da'aya ama shubmaya weel u dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoosin
hoosin¹: m.f.dh eeg hoosi.
hoosin²: m.dh Dallaallimo awrka guradiisa carruurta iyo waxaraha loogu sameeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoosin
-ka: (magac, la, keli) hadh weyn oo la hoos galo. Dh: hoos.
hoosin -ka: (magac, lab, keli) rarmo awr; dulxidh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Koodin
(Koodin-ta)
1. Hadal ku qarsasho; la fiqid.
2. Xodxodasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koodin
m.f.dh eeg koodi. la-mid: koodis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koodin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, hadal ku qarsasho; la fiqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Loodin
(Loodin-ta)
Wax xoog leh oo kalabbaxsan soo qalloocin, soo laabid; nadoocin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
loodin
m.f.dh eeg loodi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
loodin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax xoog leh oo kala baxsan soo qalloocin ama soo laabid. Dh: nadoocin, loodis, muquunin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ooddin
m.dh Xanuun saableyda qabta oo ka dhasha jug, dabayl xoog leh ama muruqo go'.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ooddin
m.dh Xanuun saableyda qabta oo ka dhasha jug, dabayl xoog leh ama muruqo go'.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ooddin
f. n. sharp pain in the back
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ooddin
-ta: (magac, lab, keli) xanuun saableyda qabta oo ka dhasha jug, dabayl xoog leh ama muruqo go'.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ooddin
cf: xanuun
de: sharp pain in the back
lx: ooddin
pd: (-ta)
ps: n2-f
key: ooddin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xoodin
(Xoodin-ta)
Salaaxid; xoodaamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoodin
m.f.dh eeg xoodi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoodin
-ta: (magac, dhedig, keli) xoodaamin.
xoodin -ta: (magac, dhedig, keli) soo godid. Bakooraddu xoodinta badan way ku jabtaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cooddin
-ta: (magac, dhedig, keli) geed dhulka laga qoto oo sida quwaaxa loo ruugo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foodhin
-ta: (magac, dhedig, keli) cod dheer oo dhuuban oo xoolaha lagu kexeeyo ama lagu daajiyo oo samaysma kolka inta afka la isku qabto oo in yar la furo neefta xoog loo soo tuuro. Dh: foodhi, foorin.
foodhin -ta: (magac, dhedig, keli) qalab ul gobays ama macdan ka samaysan oo dhexda ka daloola oo kolka la afuufo dhawaaq foodhin ahi ka soo baxo oo badanaa muusig ahaan loo adeegsado. Foodhin ayaan ficil u soo qaaday. Dh: siinbaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gooddin
m.dh la-mid: gooddiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gooddin
-ta: (magac, dhedig, keli) hanjabid oo cid kale ka cabsiin. Dh: gooddis.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
holding
/holdhin/ (n) hanti, hantida qof haysto, sida guri, saami shirkadeed iwm.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Holding
Qabsad, qabsasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoodeyn
e.d la-mid: hooddeyn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hoodeyn
(interjection) used to give permission to come inside: you may come inside
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
goodwill
/guudhwil/ (n) 1. sama-doon (n) 2. sumcadda ganacsiga oo marka ganacsiga la gadayo ka mid noqota qiimaha iibka. e.g. I paid $50,000 for the business and $ 10,000 for its goodwill.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
mood swing
(n) shift in emotional state, such as happy then sad.
qofka kula faraxsan kula murugooda
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
woodworking
/ (n) farasmada alwaax-qorista.