hoodi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoodi
e.d la-mid: hooddi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoodi
(ereydhawaaq) idanweyddiisasho ah oo layska horraysiiyo kolka la doonayo in guri la galo; ma soo geli karaa?
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hooddi
(Hooddi-da)
Erey la yiraahdo kolka la doonayo in la galo guri, kd., cid kale leedahay; ulajeeddadiisu waa: ma soo geli karaa? (ama hoodi).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hooddi
e.d Erey la yiraahdo kolka la doonayo in la galo guri cid kale leedahay, yacnii “ma soo geli karaa!”. la-mid: hoodi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hooddi
e.d Erey la yiraahdo kolka la doonayo in la galo guri cid kale leedahay, yacnii 'Ma soo geli karaa?' la-mid: hoodi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hooddi
inter. Hello?; Can I come in?; Is anyone home?
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hooddi
(interjection) used to ask permission to come inside; may I came inside? is somebody at home?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hooddi
(ereydhawaaq) salaan ah oo aqallada la garaacayo lagu yidhaa; ma soo galaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hooddi
a: hoodi
de: Hello?; Can I come in?; Is anyone home? Word used before entering a house
lx: hooddi
ps: intj
key: hooddi
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hood
/huudh (n) 1. madax-gashi (daboolka madaxa la gashado ee jaakadda dhaxanta ku-taal). (n) 2. goofanaha gaariga ee hore.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hood
-ka: (magac, lab, kali) kaaha cadceedda dhacday ka sii muuqda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
coodi
-da: (magac, dhedig, keli) hillib baruur leh oo caddiin ah. Dh: cooddi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foodi
f.g2 (-iyay, -isay) Isu f.: laba wax ama ka badan isbarbardhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoobi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Ka h.: wax meel ka soo daadin. 2. Nafley layn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hoobi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Ka h.: wax meel ka soo daadin. 2. Nafley layn. m.f.dh, hoobin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoobi
v. mow down, cut down, annihilate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoobi
(fal) wax badan, gur oo ururi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoobi
de: mow down, cut down, annihilate
lx: hoobi
pd: (hoobiyey)
ps: v2a=
key: hoobi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoodh
-ka: (magac, lab, keli) maqaar yar oo qudhmuun. Dh: xoodh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoodo
(Hooda-da)
Ayaan; nasiib, cawo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoodo
m.dh Naasib.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hoodo
m.dh Nasiib.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoodo
f. n., [abstract] luck, good fortune
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Hoodo
name-fluck, good fortune. Syn: Ayaan, Cawo, Naruuro
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hoodo
-leh: (adj) lucky (laki); fortunate (foorjuneeyt) ~ nasiib, ayaan, callaf
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Hoodo
magac loo baxsho gabadh la filayo in ay noqoto nasiib iyo cidhib wanaagsan oo reerka ku soo biirtay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoodo
-ha: (magac, lab, keli) ayaan iyo nasiib wanaagsan oo nolosha ah. Dh: nasiib, ayaan, cawo. Li: nasiibdarro, naxsi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoodo
de: luck, good fortune
lx: hoodo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
syn: ayaan, cawo, nasiib
key: hoodo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoohi
-ga: (magac, lab, keli) hadh aad u qabow. Naacaw hoohigu hanfay jeer dhaw kuu noqone.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hooji
f.g2 (-iyay, -isay) Cid hoog ku ridid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hooji
f.g2 (-iyay, -isay) Cid hoog ku ridid. m.f.dh, hoojin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hooji
v. bring misfortune upon someone
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hooji
-yey / say: (v) cause a disaster, catastrophe or grave misfortune
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hooji
(fal) hoog ku rid; dhibaato bad. Dh: bi'i.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hooji
de: bring misfortune upon s.o.
lx: hooji
pd: (hoojiyey)
ps: v2a=tr
key: hooji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoori
f.g/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Hoore shubmaya weel u dhigid. 2. (f.g) Hees iyo wixi lamida cid la jiibin. 3. (f.g) Wax fiirin. 4. (f.mg) Ka h.: hoore weel ku jira ka wada shubid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hoori
f.g/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Hoore shubmaya weel u dhigid. 2. (f.g) Hees iyo wixi lamida cid la jiibin. 3. (f.g) Wax fiirin. 4. (f.mg) Ka h.: hoore weel ku jira ka wada shubid. m.f.dh, hoorin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoori
v. catch falling water in a vessel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoori
(fal) aayadaha Quraanka dhammaadkooda ama heesaha dhextaalladooda, wadajir u wada qaada.
hoori: (fal) wax shubmaya ama da'aya, weel ama wax kale, hoos dhigo.
hoori: (fal) (ka ~) biyo iyo wixii la mid ah, ka shub.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoori
de: catch falling water in a vessel
lx: hoori
pd: (hooriyey)
ps: v2a=tr
key: hoori
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoosi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax hoos u yeelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoosi
v. shade; put someone in the shade
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoosi
(fal) hadh u same; hadh u yeel.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoosi
de: shade; put s.o. in the shade
lx: hoosi
pd: (hoosiyey)
ps: v2a=tr
key: hoosi
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hooyi
v. bring ~ take home
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hooyi
de: bring ~ take home
lx: hooyi
pd: (hooyiyey)
ps: v2a=
see: hoyi
key: hooyi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koodi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Hadal sir ah cid ku qarsasho. 2. Cid shukaansasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
koodi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Hadal sir ah cid ku qarsasho. 2. Cid shukaansasho. m.f.dh, koodin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
koodi
v. confide in, whisper to, talk secretly with; court, woo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koodi
(fal) haasaw oo bilow sheeko guur. Naag kun baa koodisa kowna way ka guursataa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
koodi
de: confide in, whisper to, talk secretly with; court, woo
lx: koodi
nt: koodin (ta) [vn-f], koodis (ka) [vn-m]
pd: (koodiyey)
ps: v2a=tr
key: koodi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
loodi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax fidsan xoog ku laabid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
loodi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax fidsan xoog ku laabid. m.f.dh, loodin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
loodi
v. bend something by force
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
loodi
-yey / say: (v) 1. bend (beendh); make an angular shape ~ qalooci. 2. exert influence; persuade (peer suweedh). Ex: waan soo loodin waynay; we couldn't persuade him
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
loodi
(fal) wax xoog leh oo kala baxsan soo qallooci oo xoog ku soo laab. Dh: xoodi, nadooci, muquuni.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
loodi
cf: nadooci
de: bend s.t. by force
lx: loodi
pd: (loodiyey)
ps: v2a=tr
key: loodi
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
MOODI
Grewia cerasifera 10
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoodi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: xoodaami.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xoodi
v. caress, stroke (especially an animal when milking it)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xoodi
-yey / say: (v) caress (ka-rees); fondle (foon-dhal); pet (pet); stroke (istarook); cuddle (ka-dhel) ~ salaax, xoodaami
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoodi
(fal) xoodaami; baabacada ku salaax. xoodid -da: (magac, dhedig, keli) soo godid oo wax xoodan ka dhigid. Qaansada xoodidda ku engeji. Dh: xoodis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xoodi
de: caress, stroke (especially an animal when milking it)
initial: x
lx: xoodi
pd: (xoodiyey)
ps: v2a=tr
key: xoodi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abhin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof laga cabsanayo ama wax xun oo uu samayn lahaa laga hor taagan yahay, hadal saameeya oo Alle lagaga cabsiinayo dhihid. Abhin iyo tusaaliyo, ergo waayo hadashiyo, ku afbaray itaalkay.
abhin -ta: (magac, dhedig, keli) 'awr' hal abasaxaysa hoodid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rawixin
-ta: (magac, dhedig, keli) goob shago ama dugsi iyo wixii la mid ah, dad ka kaxayn oo guy hoodii gayn. Dh: rawixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhooddi
(Dhooddi-da)
Dhul ciiddisu dibir tahay; aan cadduun ahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhooddi
m.dh Dhul ciiddiisu dibir tahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhooddi
f. n., [collective] land with hard soil
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dhooddi
name-m land with hard soil; lit: he who was born in a land with hard soil. Cf: Jeylaani, Jilani
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhooddi
-ga: (magac, lab, keli) dhul cag'adayg ah oo aan cadduun ahayn. Xoolaha dhooddiga u soofiya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhooddi
cf: dibir
de: land with hard soil Opp: cadduun
lx: dhooddi
pd: (-da)
ps: n-f-col
key: dhooddi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhoodid
(Dhoodid-da)
Faanid; is'ammaanid; shoolid; dhaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoodid
m.f.dh eeg dhood².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoodid
-da: (magac, dhedig, keli) awr, hal saarasho oo abaahin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haloodi
m.l.kh la-mid: haloosi¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haloodi
m. n. large, broad road ~ street
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haloodi
-ga: (magac, lab, keli) waddo weyni iyo ballaar isku darsatay. Dh: haloosi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haloodi
de: large, broad road ~ street
lx: haloodi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: haloodi
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
HAMOODI
Grewia cerasifera 10
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hamoodi
(fal) ciddiisa ka kaxee oo cidla' u saar; meel cidlo ah gee. Dh: caymadi, firxi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-hooda
de: their
lx: -hooda
ps: pro-det-3pl
xe: their teacher
xv: =-kooda
key: -hooda
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aboodi
(Aboodi-ga)
Haadka jaad ka mid ah oo weyn oo afka iyo lugaha iyo baalasha dhinacyadooda guduudan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aboodi
m.l (-iyo, m.dh) Nooc haadda ka mid ah oo xagga weynaanta u dhaxeeya gorgorka iyo coomaaddaha, oo habeenkii dhulka u hoyda oo afka luguha iyo baalasha dhinacyadooda guduudan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aboodi
m.l (-iyo, m.dh) Nooc haadda ka mid ah oo xagga weynaanta u dhaxeeya gorgorka iyo coomaaddaha, oo habeenkii dhulka u hoyda oo afka luguha iyo baalasha dhinacyadooda guduudan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aboodi
m. n. bird of prey species, vulture
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aboodi
-ga: (n) big bird; large bird
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aboodi
-ga: (magac, lab, keli) jaad haadka ka mid ah oo waaweyn. Bogga iyo inta hore wuu cadyahay dushana waa madow afka iyo mijahana waa casaan. Gorayada iyo shimbiraha waaweyn ayuu ugacda ka cunaa. Gorayadu ilmaheeda, aroori bay dhigtaayoo, aboodigu ku laayaa. Dh: durmi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aboodi
de: bird of prey sp., vulture
lx: aboodi
pd: (-ga)
ps: n7-m
key: aboodi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Boodid
(Boodid-da)
Bootin samayn; dhaqso u hinqad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boodid
m.f.dh eeg bǫod.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boodid
-da: (magac, dhedig, keli) kicintaan dhakhso ah. Boodidda waa lagu yaqaan iyo bayrta uu gabaye.
boodid -da: (magac, dhedig, keli) meel kor uga kac oo xagga sare ka mar.
boodid -da: (magac, dhedig, keli) wax ka cadhood oo ka kicid.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
boodid
وَتْبِ، وَنَطْ، قَفْزِ
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boodis
-ta: (magac, dhedig, keli) bootin samayn.
boodis -ta: (magac, dhedig, keli) ka cadhooshaha fikir la soo jeediyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cooddi
(Cooddi-da)
Hilib; baruur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cooddi
m.dh Hilib baruur leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cooddi
f. n. meat, flesh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cooddi
-da: (magac, dhedig, keli) hillib baruur leh oo cadiin ah. Codkiisuu bogtaa aar haduu cooddi loogsado e. Dh: caddiin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cooddi
de: meat, flesh
lx: cooddi
pd: (-da)
ps: n2-f
syn: hilib
key: cooddi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Coodin
(Coodin-ka)
Geed sida quwaaxa dhulka laga qoto oo la ruugo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
coodin
m.l Geed nagaar dhulka ku faalala oo leh laamo dhudhuuban, caleemo yaryar iyo buruq biyo badan oo la cuno.