hoobsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoobsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Weel buux-dhaafay si uusan u daadan wax qof ka cabsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoobsii
v. give someone his/her share of milk while milking
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoobsii
(fal) si hoobsi ah, caano u sii.
hoobsii: (fal) xagga hoose mari. Dharka laalaaban surwaalka hoobsii. Dh: hoosaysii. Li: sarraysii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoobsii
de: give s.o. his/her share of milk while milking
lx: hoobsii
nt: hoobsiis (ka) [vn-m]
pd: (hoobsiiyey)
ps: v2a=
key: hoobsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoobsiin
(Hoobsiin-ta)
Si hoobsi ah, qof caano u siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoobsiin
m.f.dh eeg hoobsii. la-mid: hoobsiis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoobsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) si hoobsi ah, qof caano u siin.
hoobsiin-ta: (magac, dhedig, keli) dhinaca u hooseeya marin. Dharka uskagga ah hoobsiinta ka daa oo sarraysii. Li: sarraysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoobsiis
(Hoobsiis-ka)
Hoobsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoobsiis
m.l la-mid: hoobsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoobsiis
-ka: (magac, lab, keli) eeg hoobsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoobsi
(Hoobsi-ga)
1. Hab caanaha la lisa hayo loo dhamo: hadba kolkii weelku buuxsamo baa la qurquriyaa oo la dhimaa oo haddana lagu lisaa; sidaasaa lagu wadaa taniyo inta laga dhergo ama caanaha la lisa hayaa ka dhammaadaan.
2. Xaabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoobsi
m.l la-mid: hoobsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoobsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg hoobsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boobsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Hawl si degdeg leh u qabasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
boobsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Hawl si degdeg leh u qabasho. m.f.dh, boobsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
boobsii
v. rush, do something quickly ~ in a hurry
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boobsii
(fal) dedeji oo horay horay wax u samee. Shaqada boobsii oo intaan laguu iman ka faraxalo. boobsiin -ta: (magac, dhedig, keli) dedejin oo horay horay wax u dhammayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
boobsii
de: rush, do s.t. quickly ~ in a hurry
lx: boobsii
pd: (boobsiiyey)
ps: v2a=tr
key: boobsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boobsiin
m.f.dh eeg boobsii. la-mid: boobsiis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boobsiis
m.l la-mid: boobsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boobsiis
-ka: (magac, lab, keli) wax la dedejiyo oo horay loo dhammeeyo. Dh: dedejis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoobi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Ka h.: wax meel ka soo daadin. 2. Nafley layn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hoobi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Ka h.: wax meel ka soo daadin. 2. Nafley layn. m.f.dh, hoobin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoobi
v. mow down, cut down, annihilate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoobi
(fal) wax badan, gur oo ururi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoobi
de: mow down, cut down, annihilate
lx: hoobi
pd: (hoobiyey)
ps: v2a=
key: hoobi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoosi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax hoos u yeelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoosi
v. shade; put someone in the shade
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoosi
(fal) hadh u same; hadh u yeel.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoosi
de: shade; put s.o. in the shade
lx: hoosi
pd: (hoosiyey)
ps: v2a=tr
key: hoosi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boobsi
-ga: (magac, lab, keli) dedejin horay wax loo dhammeeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Cid kalgacayl dartii isku duubid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
habsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Cid kalgacayl dartii isku duubid. m.f.dh, habsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habsii
v. hug, embrace
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
habsii
-yey / say: (v) hug (haag); embrace (embareey); cuddle (kadhel)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habsii
(fal) Cid kalgacayl dartii isku duubid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habsii
de: hug, embrace
lx: habsii
pd: (habsiiyey)
ps: v2a=
key: habsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoobin
(Hoobin-ta)
Gurid; uruurin; daadin; baabbi'in.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoobin
m.f.dh eeg hoobi. la-mid: hoobis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoobin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax badan, gurid oo ururin. Dh: hoobis, ururis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoobis
m.l la-mid: hoobin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoobis
-ka: (magac, lab, keli) eeg hoobin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoobso
f.g3 (-saday, -satay) 1. Weel buuxdhaafay si uusan u daadan in ka cabid. 2. Wax meel ka daadasho. 3. Miro xaabsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoobso
v. drain (out ~ off), drink to the finish
hoobso v. share out the milk while milking ~ when selling milk
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoobso
(fal) caano, si hoobsi ah, u cab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoorsi
(Hoorsi-ga)
Hoorsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoorsi
m.l la-mid: hoorsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoorsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg hoorsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoosid
(Hoosid-da)
Hoos u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoosid
m.f.dh eeg hoos³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoosid
-da: (magac, dhedig, keli) hadh ama hoos u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoosin
hoosin¹: m.f.dh eeg hoosi.
hoosin²: m.dh Dallaallimo awrka guradiisa carruurta iyo waxaraha loogu sameeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoosin
-ka: (magac, la, keli) hadh weyn oo la hoos galo. Dh: hoos.
hoosin -ka: (magac, lab, keli) rarmo awr; dulxidh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boodsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) la-mid: booti.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doodsii
(fal) labo dhinac talo dhex dhig si uut midba fikirkiisa uga dhiibto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoobsad
(Hoobsad-ka)
Hoobsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoobsad
m.l la-mid: hoobsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoobsad
-ka: (magac, lab, keli) heemaarsiga wax la cabbayo ama la dhamayo; hab caanaha la lisayo loo dhamo oo kolkii weelku buuxsamo ba la qurquriyo oo la dhimo, si haddana loogu sii liso. Dh: hoobsi, hoobsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoosiis
(Hoosiis-ka)
Daruuraha qorraxdu qabato, hooska ay bixiyaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoosiis
m.l Hooska ay daruuruhu bixiyaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoosiis
m. n. cloud-shadow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoosiis
-ka: (magac, lab, keli) daruuraha qorraxdu qabato, hooska ay bixiyaan.
hoosiis-ka: (magac, lab, keli) jawiga ceeryaamada iyo daruuraha leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoosiis
de: cloud-shadow
lx: hoosiis
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: hoosiis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moodsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Wax meel dhaafsiin ama gudbisiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
moodsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Wax meel dhaafsiin ama gudbisiin. m.f.dh, moodsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moodsii
(fal) cid sida saxda ah si aan ahayn inuu moodo sabab u noqo. In berri uu shaqaynayo moodsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
roorsii
(fal) eryo oo xoog u caymadsii. Dh: cararsii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doobshiid
m.dh Sumad geel oo ah laba shiilood doobada labadeeda dhinac lagu dhigo. la-mid: doobbashiid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoosaysii
f.g/mg2 (-iiyay, -iisay) Ka h.: wax, wax kale ka hoos marin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hoosaysii
f.g/mg2 (-iiyay, -iisay) Ka h.: wax, wax kale ka hoos marin. m.f.dh, hoosaysiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoosaysii
v. put someone ~ something under ~ underneath something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoosaysii
(fal) xagga hoose mari. Alaabta wixii aan jabayn hoosaysii. Li: korraysii sarraysii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoosaysii
de: put s.o. ~ s.t. under ~ underneath s.t.
lx: hoosaysii
pd: (hoosaysiiyey)
ps: v2a=tr
key: hoosaysii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqoonsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Cid wax si dhab ah uga dhaadhacsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aqoonsii
v.caus: make someone acknowledge something; cause to recognize
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aqoonsii
de: make s.o. acknowledge s.t.; cause to recognize
lx: aqoonsii
pd: (aqoonsiiyey)
ps: v2a=caus
key: aqoonsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
awoodsii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) Cid karti ay wax ku qabato u yeelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
awoodsii
v.caus: give someone power ~ ability to do something; authorize
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
awoodsii
(fal) karsii; karti u yeel. Awoodsii ilmaha in uu daaradda ku ciyaari karo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
awoodsii
de: give s.o. power ~ ability to do s.t.; authorize
lx: awoodsii
pd: (awoodsiiyey)
ps: v2a=caus
key: awoodsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boodsiin
m.dh la-mid: bootin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boodsiis
m.l la-mid: bootin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoobmid
m.f.dh eeg dhooban¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoobmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dhoobo qarisay ahaan.
dhoobmid-da: (magac, dhedig, keli) dad ama duunyo aad iskugu soo ururid oo u soo tubmid. Dhoobmidda dadka muddaaharaadayaa kolba kolka ka dambaysa ayay sii badataa. Dh: tuqmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doodsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) labo dhinac iska hor keenid dhexdhexaadin la isku dhageysto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoobasho
(Hoobasha-da)
1. Meel deged ah marid; hoos u socosho; daadasho; qubasho.
2. Baabbi'id; dhimasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoobasho
m.f.dh eeg hoobo. la-mid: hoobad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoobasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhimasho iyo baaba' fara badan. Dh: baaba'.
hoobasho-da: (magac, dhedig, keli) meel dheer ka soo daadasho; hoos u daadegid. Dh: daadegid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoobso_1
bw: hoobo
de: drain (out ~ off), drink to the finish
hm: 1
lx: hoobso
nt: hoobsad (ka) [vn-m], hoobsasho (/da) [vn-f], hoobsi (ga) [vn-m]; Also ~
pd: (hoobsaday)
ps: v3a=
key: hoobso_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoobso_2
de: share out the milk while milking ~ when selling milk (in order to make room for more)
hm: 2
lx: hoobso
pd: (hoobsaday)
ps: v3a=
key: hoobso_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoolliin
(Hoolliin-ka)
Hoolis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoolliin
vl. n. bad shave ~ haircut, poor shearing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoolliin
-ka: (magac, lab, keli) eeg hoolid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoolliin
de: bad shave ~ haircut, poor shearing = hool + niin
lx: hoolliin
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: hoolliin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoolniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg hoolid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoorniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg hoorid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoorriin

hoosniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg hoosid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koobniin
m.dh la-mid: koobmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koobniin
-ka: (magac, lab, keli) ogaal iyo aqoon wax ku garasho; wada gaarid; wada tirin. Dh: taabid.