honono'id
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
honono'id
m.f.dh eeg honono'³.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
honono'
honono'¹: m.l Ka soo hormaridda neef ooman ama dhalay uu ka soo hormaro xooluhuu la socday.
honono'²: m.dh Marka geelu xilligii uu dhali lahaa muddo yar ka hor dhalo; horaadis.
honono'³: f.mg3 (-o'ay, -o'day) Neef dhalay ama ooman xooluhuu la socday ka soo hormarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doqonoobid
m.f.dh eeg doqonow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doqonoobid
-da: (magac, dhedig, keli) qof coon iyo nacas ah noqosho. Baahidu doqonoobidda badh bay ku leedahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Golongolid
(Golongolid-da)
Dhib iyo hawl badan oo la galay, la qooxmid, la godasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
golongolid
m.f.dh eeg golongol². la-mid: golongol¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
golongolid
-da: (magac, dhedig, keli) si xun u gaajood oo la dhuubasho; dhib iyo hawl la dhuubasho. Golongolidda waxaa iigu wacan gaadhka aan ahay e. Dh: sarseermid, saranseermid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanaqgo'id
-da: (magac, dhedig, keli) aad u ordid oo hiinraagid. Dh: hiinraagid, beerfadhaqoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hodanoobid
m.f.dh eeg hodanow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hodanoobid
-da: (magac, dhedig, keli) taajirid; hodon noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hororoobid
-da: (magac, dhedig, keli) dhaqanka hororka yeelasho.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
phonologie
phonologie, n.f. - cilmiga dhawaaqyada hadalka; barashada cod (dhawaaq); is beddelka shaqalka shaqal ama shibbane.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhohondhohid
m.f.dh eeg dhohondhoh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doonid
(Doonid-da)
1. Rabid; damcid; maagid.
2. Raadin; goobid; jerin; baarid; baadiggoobid.
3. Gabar, guur darti, u weyddiisasho; alkumasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doonid
m.f.dh eeg doon³. la-mid: doonis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
doonid
vl. n. wanting, wish, requirement
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
doonid
-da: (n) wanting (waant-ing); desiring (di-zaayar-ing); eagerness (iiger-nes); looking for ~ rabid, rabitaan, damac
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Doonid
Ricerca: volere
Research; want
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doonid
-da: (magac, dhedig, keli) uurka wax ka rabid. Dh: jeclaan.
doonid -da: (magac, dhedig, keli) gabadh guur ugu tegid oo ciddhii dhashay weydiisasho. Toddobaad ayaa dooniddii inanta innaga xiga. Dh: doonis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
doonid
de: wanting, wish, requirement
lx: doonid
pd: (-da)
ps: vn1-f, vn2a-f
key: doonid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hongid
m.f.dh eeg honog². la-mid: hungid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hongod
m.dh Garbaha oo hore yara u soo gota. la-mid: hungod.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hongod
m.dh Garbaha oo hore yara u soo gota. la-mid: hungod.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hongod
f. n. hunchback, person with curvature of the spine
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hongod
-da: (magac, dhedig, keli) qof qaarka sare u soo yara godan. Dh: golxo. Li: tuur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hongod
de: hunchback, person with curvature of the spine
lx: hongod
pd: (-da)
ps: n1-f
key: hongod
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
honnir
honnir, v. - dadka hortiisa lagu ceebeeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoogid
(Hoogid-da)
Hoog ku dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoogid
m.f.dh eeg hoog².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoogid
-da: (magac, dhedig, keli) dhibaato la kulmid, ba' iyo ba'yaale ku dhicid. Dh: ba'id, ba'ayaalid. Li: badhaadhid.
hoogid -da: (magac, dhedig, keli) hoog ku dhicid; dhibaato la kulmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoolid
(Hoolid-da)
Dhogor ama timo, si farsamo xun u xiirid; bir aan af lahayn ama qalab la mid ah, xoog wax ugu xiirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoolid
m.f.dh eeg hool. la-mid: hoolis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoolid
-da: (magac, keli) dhogor ama timo, si farsamaxumi ah u xiirid; bir aan af lahayn ama qalab la mid ah, xoog wax ugu xiirid. Dh: hoolis.
hoolid -da: (magac, dhedig, keli) diirka ka qaadis; diir ka hoolis. Dh: hoolis, diiris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoorid
(Hoorid-da)
(roob, kd.) di'id; tiixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoorid
m.f.dh eeg hoor². la-mid: hoorrimaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoorid
-da: (magac, dhedig, keli) biyo iyo wixii la mid ah, dareerid oo shubmid. Dh: di'id, tiixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoosid
(Hoosid-da)
Hoos u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoosid
m.f.dh eeg hoos³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoosid
-da: (magac, dhedig, keli) hadh ama hoos u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hooyid
(Hooyid-da)
Wax la isa siiyey ama la isu soo taagey, qaadasho; wax hoo laysku yiri, qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hooyid
m.f.dh eeg hoo².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hooyid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la isa siinayo isku soo fiiqid. Dh: siin.
hooyid-da: (magac, dhedig, keli) wax la isa siiyey ama la iso soo taagey, qaadasho; wax hoo laysku yiri qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Noogid
(Noogid-da)
Daalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
noogid
m.f.dh eeg noog².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
noogid
-da: (magac, dhedig, kali) daalid oo tacab badan dareemid. Noogid iyo tabcaamid badan aya ii gaysatay hawshani. Dh: noogis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanooni
(fal) waddada xaqa ah u tilmaan; jidka saxda ah tus.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hodonow
(fal) hodon noqo; tanaad oo taajir noqo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
honnati
(tilmaame) bahal dilaa ah ama laayaan. Libaax honnati ah ayaa jidka jooga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoolmid
m.f.dh eeg hoolan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoolmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax hoolan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hooshid
(Hooshid-da)
Boobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hooshid
m.f.dh eeg hoosh².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hooshid
-da: (magac, dhedig, keli) boobidda iyo dhicidda cid kale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hororid
(Hororid-da)
Xoog iyo bareer wax ku qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hororid
m.f.dh eeg horor².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hororid
-da: (magac, dhedig, keli) badheedh iyo xoog wax ku qaadasho. Dh: weerarid, hujuumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Onkodid
(Onkodid-da)
Onkod samayn; sida onkodka u qaylin; gugcid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
onkodid
m.f.dh eeg onkod².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
onkodid
-da: (magac, dhedig, keli) onkod samayn. Dh: gugcid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ontorid
m.f.dh eeg ontor².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoonmid
m.f.dh eeg qoon4.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yoonmid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg yoomid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yoto'id
-da: (magac, dhedig, keli) (ku ~) ku mintid ku dedaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Boqoolid
(Boqoolid-da)
Qorrax kulul ku socosho; dhalandhoolid; wirwirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boqoolid
m.dh la-mid: baqoolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fongorid
(Fongorid-da)
Iin ama ceeb u yeelid; ceebayn; inta kale ka soocid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fongorid
m.f.dh eeg fongor².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fongorid
-da: (magac, dhedig, keli) iin iyo ceeb u yeelid; ceebayn; inta kale ka soocid; tagkoorid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Foororid
(Foororid-da)
Wax foorora ahaan; fooror ku jirid, ku sugnaan, (ama foorarid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foororid
m.f.dh eeg fooror². la-mid: foorar¹, foorarid, fooror¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foororid
-da: (magac, dhedig, keli) wax foorora ahaan; fooror ku jirid oo ku sugnaan. Dh: fooranid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gondolid
m.f.dh eeg gondol.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hagoogid
m.f.dh eeg hagoog².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hagoogid
-da: (magac, dhedig, keli) aqal iyo wixii la mid ah, dusha wax ka saarid. Harrarka waxa loogu tala galay hagoogidda aqallada dasada ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanoonin
-ta: (magac, dhedig, keli) wacyi gelin iyo abaabul. Samaale wuxu u xilsaaran yahay hanooninta iyo wacyigelinta bulshada. Dh: hanuunin, waanin.
hanoonin -ta: (magac, dhedig, keli) meel dadku isugu yimaadaan oo la isku wacyi geliyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hiloobid
(Hiloobid-da)
Dal hore oo la joogi jirey ama qof horay loo yiqiin aragtidi ama u tegiddi jeclaysasho; xiisaqabid; buseelid; daltabyood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiloobid
m.f.dh eeg hilow².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiloobid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la jeclaa oo araggiisa laga raagay sida qof ama dal, aragtidiisa u xiisid. Dh: xiisid.
hiloobid -da: (magac, dhedig, keli) dal hore oo la joogi jirey ama wax horay loo yiqiin aragtidii jeclaysasho; buseelid; daltabyood.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Holosoic
Quudasha xayawaanle
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
hongrois
hongrois, adj. - reer Hangeeriya; reer Hangari
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoomayid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg hoomaayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
junoobid
m.dh la-mid: jinaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nohnohid
m.f.dh eeg nohnoh².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nohnohid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg nohnoh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ooroobid
(Ooroobid-da)
1. Ooro ku dhicid.
2. Xumaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ooroobid
m.f.dh eeg oorow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ooroobid
-da: (magac, dhedig, keli) xanuun ooro ah yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qonbobid
(Qonbobid-da)
Wax qonbobay ama qonbobsan noqosho; isku soo kogid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qonbobid
-da: (magac, dhedig, keli) engegid oo wax qallalan noqosho. Kereemka ayaa qonbobidda laga marsadaa. Dh: kogid, qallalid, engegid.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Solenoid
Duub xaasow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Toloobid
(Toloobid-da)
Tol ama isku tol noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
toloobid
m.f.dh eeg tolow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toloobid
-da: (magac, dhedig, keli) isku tol noqosho.
toloobid-da: (magac, dhedig, keli) tol ama isku tol noqosha. Toloobid imika ayay garteen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoroobid
m.f.dh eeg xorow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoroobid
-da: (magac, dhedig, keli) xor noqosh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yohoomid
(Yohoomid-da)
Docda dabayshu u socoto u dhoofid (doonyaha shiraaca leh, kd.).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yohoomid
m.f.dh eeg yohoon².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yohoomid
-da: (magac, dhedig, keli) 'badmarid' dhanka dabayshu u socoto u qayaadid.
yohoomid -da: (magac, dhedig, keli) baahi daran qabid. Dh: hamuumid, yahoomid. Li: dhergid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yoxoobid
(Yoxoobid-da)
1. (xoolaha) roob ka tegid, iyagoo is wada qooxa haya.
2. Yuururid; fadhiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yoxoobid
m.f.dh eeg yoxoob². la-mid: yaxoobid, yoxoob¹ (4), yoxoobsasho.