honbobboro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
honbobboro
-da: (magac, dhedig, keli) jaad ka mid ah nafleyda waaweyn ee badda ku jirta oo nibiriga la bah ah oo caano leh. Waxa ay leedahay gafuur ka shinbiraha u dhow oo qalka kore oo keliya ilko ku leh, hilibkana way cuntaa. Dh: hunburo.
honbobboro -da: (magac, dhedig, keli) hanjabaad bilaash ah oo aan ficil lahayn. Dh: xambabooro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hobbobboro
(Hobbobbora-da)
Jaadadka neberiga mid kamid ah oo yar oo caano leh; waxay leedahay gafuur afka shinbiraha u qaab eg oo qalka kore keliya ilko ku leh, hilibkana waa ay cuntaa; (ama hoonbaro).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hobbobboro
m.dh (-ooyin, m.l) Jaadadka neberiga mid ka mid ah oo yar oo caano leh; waxay leedahay gafuur afka shinbiraha u qaab eg oo qalka kore keliya ilko ku leh, hilibkana waa ay cuntaa. la-mid: hoonbaro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hobbobboro
m.dh (-ooyin, m.l) Jaadadka neberiga mid ka mid ah oo yar oo caano leh; waxay leedahay gafuur afka shinbiraha u qaab eg oo qalka kore keliya ilko ku leh, hilibkana waa ay cuntaa; hoonbaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hobbobboro
f. n. dolphin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hobbobboro
-da: (magac, dhedig, keli) jaad caanaleyda badda ku nool ah oo la carbin karo. Waxay leedahay gafuur afka shinbiraha u qaab eeg oo qalka kore keliya ilko ku leh; hilibkana waa cuntaa. Dh: hoonbaro, doolfin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hobbobboro
a: hoombaro
de: dolphin
lx: hobbobboro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: hobbobboro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hunburo
-da: (magac, dhedig, keli) xayawaan badda ku nool oo libaax badeedka hareer socda inta badan. Dh: honbobboro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hanbaboro
f. n. dolphin
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hanbaboro
a: hobbobboro
de: dolphin
lx: hanbaboro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: hanbaboro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hontorro
(Hontorra-da)
Geed bixiya miro kulkulucsan oo kuwa liinta u eg oo macaan badan kolkay bislaadaan; (ama ontorro).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hontorro
m.dh Geed bixiya miro kulku-lucsan oo tiinka u eg oo macaan badan markay bislaadaan. la-mid: ontorro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hontorro
f. n. tree species, with fruit resembling oranges
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hontorro
-da: (magac, dhedig, keli) geed bixiya midho kuwa liinta u eg oo aad u macaan. Dh: ontorro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hontorro
de: tree sp., with fruit resembling oranges
lx: hontorro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: hontorro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoombaro
m.dh Naasley badda ku nool, leh af dheer oo u eg kan shimbiraha, kor ka madow hoosna ka cad, la aaminsanyahay inuu leeyahay garaad fiican oo la tababbari karo. la-mid: hobbabboro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hoombaro
m.dh Naasley badda ku nool, leh af dheer oo u eg kan shimbiraha, kor ka madow hoosna ka cad, la aaminsanyahay inuu leeyahay garaad fiican oo la tababbari karo; hobbabboro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoombaro
f. n. dolphin
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Hoombaro
name-f dolphin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Hoombaro
magac loo baxsho gabadh san dheer.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoombaro
-da: (magac, dhedig, keli) noolaha badda ku nool jaad ka mid ah oo leh gafuur afka shimbiraha u eg oo qalka sare ilko ku leh aadna way u dheeraysaa. Dh: hoonbaro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoombaro
a: hobbobboro, hoonbaro, hoomboro, khoobar
de: dolphin
lx: hoombaro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: hoombaro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoonbaro
m.dh (-ooyin, m.l) la-mid: hobbobboro.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hoonbaro
-da: (n) dolphin (doolfin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoonbaro
-da: (magac, leb, keli) jaadadka neberiga mid ka mid ah oo yar oo caano leh; waxay leedahay gafuur afka shinbiraha u qaab eeg oo qalka kore keliya ilko ku leh; hilibkana waa cuntaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Danbaabburo
(Danbaabbura-da)
Dhinbilaha dabka shidan oo olola haya ka boodbooda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
danbaabburo
f. n. flicker, sparkle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
danbaabburo
-danbaabburada: (n) sparks (ispaar-kis); thrown off from a burning fire ~ dambaaburo, dhinbilo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
danbaabburo
de: flicker, sparkle
lx: danbaabburo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: danbaabburo